XAMAAS OO WELI HAYSAN DHUL EY DEGTO, SABAB?
(SAWIRKA)-HOGAANKA SIYAASADDA EE XAMAAS.
(TURKEY)-Ilo Diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa Wakaaldda Wararka Caalamiga ah ee Reuters u sheegay maanta oo Isniin ah wararka sheegaayo in Xafiiska Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin ee ka furnaay caasimadda Dooxa ee dalka Qadar loo soo raray dalka Turkiga. Isha warka ayaa beenisay runimada warkaasi weliba si diidma ah,waxa uuna sharaxay in xubno ka mida Xarakadda Xamaas dalka Turkiga mar mar ey yimaadiin. Dawladda Qadar ayaa todobaadkii hore sheegtay iney ku wargelisay Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil iney hakiyeen dadaaladdii dhexdhexaadinta ahaa ee lagu doonaayey in lagu gaaro hesiis Xabad-joojin ah laguna sii daayo la haystayaasha reer Isra’iil ilaa ey labada dhinaca ka muujiyaan “dareen dhab ah iyo rabitaan dhab ah”oo ah in dib loo bilaabo wada hadaladda. Laakinse dawladda Qadar waxay isla markaas tilmaantay in wararka warbaahinta ee ah iney Xamaas ku wargelisay iney lama huraan tahay iney dalka ka baxaan ey yihiin kuwa aan sax ahayn.
ISHA-AH.
XUKUNKA DILKA AJAANIBTA OO KORDHAY DALKA…
(SAWIRKA)-AMNESTY INTERNATIONAL ACTIVISTS.
(RIYAD)-Ma aha wax cusub in la maqlo Gudaha dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu Toogtay dad Ajnabi ah oo galay dembiyo kala duwan,balse markaan sheekada ayaa sidaas ka duwan oo waxaa soo baxay tiro Ajnabi ah oo lagu Toogtay Sacuudiga sannadkan 2024-ka. Ogow in, in ka badan boqol Qofood oo Ajaanib ah lagu fuliyey dil Toogasha ah Gudaha dalka Sacuudiga Sannadkaan bisha ka harsan tahay ee 2024-ka, sida lagu sheegay tira koob ey sameeysay Wakaaladda Wararka ee AFP. Shalay oo Sabti ahayd,Wakaaladda rasmiga ah ee Wararka u faafisa dalka Sacuudiga ayaa ku warantay in xukun dil ah lagu fuliyey Mawaadin Yemani ah kaaso lagu helay inuu Daroogo soo geliyey dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee AFP, warar ey ka soo ururisay warbixino ey daabaceen Warbaahinta Xukuumadda Sacuudiga kuwaaso sheegay in tirada dadka Ajaanibta ah ee ilaa hadda la toogtay ey dhan yihiin ilaa 101-Qof sannadkan 2024-ka, tiradaan ayaa ah mid ku seddex laabanta tirada dadka Ajaanibta ah ee la toogtay Sannadadii 2023 iyo 2022-kii. “Tani waa tiradii ugu badneed ee dil Toogasha ah oo lagu fuliyey dad Ajaanib ah muddo sannad gudahiis ah, dalka Sacuudiga weligiis kuma fulinin dil Toogasha ah 100-Qofood oo Ajaanib ah sannad gudihiis”,sidaas waxaa yiri Taha AL-Xaaj oo ah Agaasimaha Sharciga ee Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Yurub iyo Sacuudiga ee fadhigiisu yahay magaaladda Berlin ee dalka Jarmalka.
ISHA-MEE.
MADAXII WARBAHINTA EE URURKA XIZBULLAHI OO LA DILAY.
(SAWIRKA)-
(BEIRUT)-Xilli ilo ka tirsan Lubnaan ey shaaciyeen Axada maanta ah, in la dilay Sarkaal Xiriirka Warbaahinta u qaabilsanaay Ururka Xizbullahi Maxamed Cafiif, taaso ka dhalatay weerar ey Isra’iil ku qaaday Xarunta Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaaga Carabta ee AL-Bacath ee degaanka Raas AL-Naba’a ee Beyruut, Ciidamadda Isra’iil ayaa diiday iney beeniyaan ama ey xaqiijiyaan warkaas. Sida ey sheegeen ilo wareedyo la soo xiriiray Wargayska AL-Xurra ee dalka Lubnaan Ciidamadda Isra’iil ayaa qaaday weerarkii ugu horeeyey maanta oo Axad ah waxa eyna duqeymo ka gaystaan degaanka Raas AL-Naba’a ee caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut, waxa ey intaas Isra’iil raacisay iney wado baaritaan,waxaase laga yaabaa xogta ku saabsan dhacdaan iney baaraan si ey uga soo saaraan war cad. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Hantiwadaaga Carabta ee AL-Bacath Cali AL-Xijaazi ayaa xaqiijiyey in Maxamed Cafiif lagu bartilmaameedsaday weerarka Beyruut,waxa uuna sheegay inuu si kedis ah u joogay dhismaha dilkane uu ku soo beegmay waxaane jira “Hanjabaado joogta ah oo nagu soo wajahan”sida uu sheegay Cali Xijaazi.
ISHA-AH.
BEIRUT: MAXAMED CAFIIF OO DUQEYN LAGU DILAY.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA BEYRUUR.
(BEIRUT)-Duqeymo naadir ah oo ey Isra’iil ka geysatay Bartamaha caasimadda Beyruut ee dalka Lubnaan ayaa lagu dilay Afhayeenkii Ururka Xizbullahi Axada maanta ah,Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ururka Xizbullahi. Mar sii horeysay saraakiil ayaa sheegtay in duqeynta Isra’iil lagu dilay ilaa 12-Qofood Marinka Gaza,halkaaso Isra’iil ey dagaal kula jirto Ururka Xamaas ee reer Falstiin muddo sannad ah. Dilkii ugu dambeeyey ee lala beegsado saraakiisha sar sare ee Ururka Xizbullahi ayaa yimid iyadoo saraakiisha Lubnaan ey tixgelinayaan Hindise Xabad-joojin ah oo uu Maraykanku Hormuud ka yahay. Isra’iil ayaa sidoo kale duqeysay dhismayaal dhawr ah oo ku yaal duleedka Koonfurta Beyruut halkaaso muddo dheer xarun u ahayd Ururka Xizbullahi,ka dib markii ey Isra’iil uga digtay dadka iney halkaasi isaga guuraan. Maxamed Cafiif oo ahaa Madaxa Xiriirka Warbaahinta ee Ururka Xizbullahi ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday Xafiiska Xisbiga Hantiwadaaga Carabta ee AL-Bacath ee bartamaha magaaladda Beyruut sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ururka Xizbullahi oo aan loo ogolayn inuu warfidiyeenka siiyo war lana qariyey magaciisa.Maxamed Cafiif ayaa si gaar ah u muuqday ka dib markii uu dagaalka ka dhex qarxay Isra’iil iyo Ururka Xizbullahi bishii Sebtembar ee sannadkan-2024-ka iyo dilkii Hogaamiyaha Ururka Xizbullahi Xasan Nasrallah ey Isra’iil ku dishay duqeyn. Bishii hore ee Oktoobar Maxamed Cafiif wuxuu si deg deg ah shir jaraa’id ugu soo gabagabeeyey magaaladda Beyrut ka hor weerarada Isra’iil.
ISHA-AP.
TAHRIIBAYAASHA GALA DALKA YEMAN OO…
(SAWIRKA)-SHAQAALAHA HAYADDA IOM EE YEMAN.
(ADEN-YEMAN)-Hayadda Socdaalka ee Qaramada Midoobe ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano IOM ayaa sheegtay in lix kun oo Muhaajiriin Afrikaan ah ey soo galeen dalka Yeman,waxane dib ugu soo laabatay Yeman in ka badan seddex kun oo Qurbajoog Yemaniyiin ah bishii Oktoobar ee la soo dhaafay. Hayadda Socdaalka ee Qaramada ee IOM ayaa warixinteeda billaha ah ku dartay in Oktoobartii la soo dhaafay Matrix-ka dabagalka Barakaca ee Hayadda Caalamiga ah ee Socdaalka Yeman ey diiwaan gelisay 6,364-Muhaajir oo soo galay dalka Yeman,kororka Muhaajiriintana waxa uu gaaray ilaa 136% marka loo fiiriyo bishii hore,iyadoo tirada Muhaajiriinta soo gelaayo dalka Yeman ey gaareen 2,692-Muhaajr. Hayadda Socdaalka Caalamiga ah ayaa sheegtay in 79% Muhaajiriinta soo gaartay dalka Yeman iney ka yimaadeen dalka Jabuuti halka 21% soo hartayne ey ka yimaadeen dalka Soomaaliya,dhammaan Muhjiriintaas ayaa dalka Yeman kasoo wada galay Gobolka Shabwa’a kaaso inta badan ah marinka ugu weyn ee Muhaajiriinta Afrikaan ah marka loo eego ololaha ka socdo Xeebaha Gobolka Laxaj.
ISHA-MO.
BOOLISKA FARANSIISKA OO SOO FURTAY LA…
(SAWIRKA)-BOOLISKA FARANSIISKA.
(PARIS)-Wariye u shaqeeyo Wargayska AL-Xurah kuna sugan magaaladda caasimada ah ee Paris ayaa sheegay in ciidamadda Amaanka dalka Faransiiska ey u suurtagashay Sabtida maanta ah iney soo furtaan la haystayaal uu qof ku haystay gudaha Maqaayad ku taal xaafad ka tirsan caasimadda Faransiiska ee Paris. Shilkaan ayaa ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Pizzeria oo ku taal aaga Hous-de-Seine ee Koonfur Galbeed Paris. Sida laga soo xigtay laamaha Amaanka, qofka wax qafaashay waxa uu watay Mindi waxa uuna ahaah shaqsi Qabatimay Daroogada taaso walaac xoogan ku abuurtay seddexda Maxbuus ee uu haystay. Xubno ka tirsan ciidanka Booliska Gaarka ah kuna takhasusay badbaadinta la haysaystayaasha iyo Hawlgaladda Argagixisadda ayaa bilaabay wada xaajood xoogan oo lala yeeshay ninka dadka afduubay iyadoo ujeedadu tahay in si nabad ah lagu sii daayo la haystayaasha.
ISHA-AH.
ISRA’IIL OO DUQEYN KU DISHAY LABA HOGAAMIYE.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHII XARAKADA JIHAAD AL-ISLAAMI EE LAGU DILAY SUURIYA.
(DIMISHIQ)-Ilo wareedyo Xog-ogaal ah kana tirsan Xarakadda Jihaad AL-Islaami ee reer Falastiin ayaa xaqiijiyey maanta oo Sabti ah in laba Hogaamiye oo mid ka mid ah uu ka tirsan yahay Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Jihaad Al-Islaami halka kan labaadne uu masuul ka ahaa Xiriirka Dibadda ee Xarakadda lagu dilay duulaan ey qaadeen diyaaradah dagaalka Isra’iil maalintii Khamiista ey bishaan ahayd 14/11/24-ka, weerarka ayaa lala beegsaday degaanka Qudsaya ee u dhaw caasiamadda Dimishiq ee dalka Suuriya. Il wareed codsaday inaan la shaacin magaciisa eyna soo xigatay Wakaaladda Wararka ee France-press ayaa yiri”Xubnaha ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Jihaad AL-Islaami waa C/casiis AL-Minawi iyo masuul xiriirka dibadda Ramsi Abu Ciisa ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Qudsaya ee duleedka caasimadda Dimishiq”,ciidamadda Isra’iil ayaa iyagana Khamiisti weerarka ka dib sheegay iney beegsadeen saldhigyo ciidan ey iska leedahay Xarakadda Jihaad AL-islaami. Ka dib markii ey dhacday Duqeynta ayaa ilo wareedyo waxa ey xaqiijiyeen in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 20-Hogaamiye oo ka tirsan Xarakadda Jihaad AL-Islaami duleedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq. Xarakadda Jihaad AL-Islaami bayaan rasmi ah oo ah keedii ugu horeeyey ey soo saarto ka dib duqeyntii Isra’iil ayey ku sheegtay in tiro ka mid ah Hogaamiyeyaasheeda lagu dilay duqeyn Isra’iil ka geysatay dalka Suriya duqeyntaaso dhulka la sintay dhismihii la beegsaday.
ISHA-AL-ARABIYA.
FARANSIISKA IYO IMAARAATKA OO KU LUG YEESHAY..
(SAWIRKA)DAGAALKA SUUDAAN.
(AMNESTY)-Dagaalka Dalka Suudaan ayaa la sheegaa in loo adeegsaday hub lagu soo sameeyey dalka Faransiiska kaaso xadgudub ku ah cunaqabateynta dhinaca hubka ah ey Qaramada Midoobe ey saaratay dalka Suudaan,sidaas waxaa tiri Amnesty. Baaritaan cusub oo la sameeyey ayaa shaaca ka qaaday in Teknolojiyadda Faransiiska oo lagu daray Gawaaridda Gaashaaman ee Imaaraatka Carabta ey adeegsadeen Ciidamadda deg dega ee taageerada (RSF) markii ey la dagaalamaayeen Ciidamadda Dawladda Suudaan. Teknoolojiyadda Faransiiska soo saaray ee lau dhex daray baabuurta Gaashaaman ee Imaaraatka ayaa loo isticmaalay goobaha dagaalka ee dalka Suudaan,waxaane isticmaalay Ciidamadda deg dega ah ee taageeradda (RSF) taaso ey u badan tahay in la jebiyey Cunaqabateyntii Hubka ee Qaramada Midoobe ee saarneed dalka Suudaan,Amnesty International ayaa sidaas ku sheegtay baaritaan cusub Khamiista maanta ah.
ISHA-MEE.
ISRA’IIL OO WEERARTAY CAASIMADDA DIMISHIQ.
(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY DHISMIHII LA WEERARAY.
(DIMISHIQ)-Idaacadda ey iska leeyihiin Ciidamadda Isra’iil ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in laba weerar lagu qaaday caasimada dalka Suuriya ee Dimishiq,weerarada ayaa lala beegsaday xarunta dhexe ee Dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah reer Falstiin,ujeedka weerarka ayaa ahaay in lagu fuliyo dil qorsheysan. Warkaan ayaa la socdo xog ey baahisay Shabakadda Wararka ee Iraan lana yiraahdo”JAMARAN”, warka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Isra’iil ey seddex gentaal ku dhufteen dhismo u dhaw goob uu La Taliyaha Hogaamiyaha dalka Iraan Cali Larijani uu kula kulmaayey Madaxa Golaha Amniga Qaranka ee dalka Suuriya. Shabakadda ayaa intaas raacisay in “Cali Larijani xaaladiisa caafimaad ey wanaagsan tahay”. Warbaahinadda Rasmiga ah ee dalalka Iraan iyo Suuriya ayaa ku dhawaaqay Arbacadii shalay in Cali Larijani uu booqasho ku yimid caasimadda Dimishiq taaso loo qorsheeyey inuu kula kulmo Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar AL-Asad.
ISHA-AH.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SHIRK…
(SAWIRKA)-WAAXDA MAALIYADDA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay Cunaqabateyn uu saaray 26-Qofood, Shirkado iyo Maraakiib xiriir la leh Shirkadda AL-Qaterji oo ah Shirkad Suuriyaan ah qaabilsanne soo saarista boqolaal Milyan oo doolar oo dakhli ah kuna kaalmeyso dalka Iraan iyo Xuutiyiinta dalka Yeman. Waaxda Maaliyadda ee dalka Maraykanka ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in Cunaqabateynta shirkadaan ey ku timid ka dib markii ey dakhli lacageed oo aad u badan u shubtay Xuutiyiinta dalka Yeman iyo Ciidamadda Qudus ee Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan oo masuul ka ah hawlahooda dibadda,shirkadaan ayaa Shidaalka dalka Iraan ka iibisa wadamadda Suuriya iyo Shiinaha. War Saxaafadeedka ayaa lagu faahfaahiyey in Shirkadda AL-Qaterji oo markii hore lagu sifeeyey doorka ey ku leedahay fududeynta iibka Shidaalka ee u dhexeeyo maamulka Suuriya iyo dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (DAACISH) ey isu bedeshay mid ka mid ah marinadda ugu waa weyn oo ey soo marto lacagta, ilaaladda kacaanka dalka Iraan waxay dakhli ka helaan Shirkadaas waxa eyna maalgeliyaan Wakiiladooda Gobolka sida kooxda Xuutiyiinta.
ISHA-AH.
TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA OO..
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.
(AL-HURRA)-Taliska dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM ayaa ku dhawaaqay Arbacada maanta ah iney duqeymo is daba joog ah oo toos ah ku qaadeen xarumo badan oo lagu keydiyo hubka oo ku yaalo degaanadda ey Xuutiyiinta Yeman ka taliyaan maalmihii ey bishaan ahayd 9-ka iyo 10-ka bishaan Noofembar-2024-ka. Waxa lagu sheegay War Saxaafadeed faahfaahsan “Xarumahan waxaa ku jira koox hub caadi ah oo casri ah kuwaasoo ey adeegsadaan Xuutiyiinta ey taageerto Iraan si ey u beegsadaan Maraakiibta Mileteriga Maraykanka iyo kuwa Caalamiga ah iyo kuwa Rayidka ah ee mara biyaha Caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Taliska Ciidamadda dhexe ee Maraykanka CENTCOM ayaa sheegay”Hawlgalka waxaa ka mid ahaa ciidamadda Cirka iyo kuwa Badda ee Maraykanka oo ey ku jiraan diyaaradaha dagaalka F-35C. Sida lagu sheegay War Saxaafadeedka CENTCOM “Fulinta hawlgalkaan firfircooni waxa uu jawaab u ahaa weerarada soo noqnoqday ee sharci darada ah ee Xuutiyiintu ku qaadaan Maraakiibta Ganacsiga ee Caalamiga ah,iyo sidoo kale Maraakiibta dalka Maraykanka,Isbahaysiga iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas,Marinka Baab-AL-Mandab iyo Gacanka Cadmeed waxay ujeedadu tahay in la dhimo awooda Xuutiyiinta ey ugu hanjabayaan saaxibadda Gobolka.
ISHA-AD.
XAALADDA DALKA SUUDAAN OO KA SII DAREYSA…
(SAWIRKA)-RSF-TA SUUDAAN.
(NEW YORK)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay Ciidamadda loo diraayo dalka Suudaan xilli ey sii kordhayaan rabshadaha dalkaasi ka socdo. Qaramada Midoobe ayaa sheegtay “Xeeladaha Dhulka Gubtay”iyo tacadiyadda Galmada oo ey geesteen Ciidamadda RSF-ta ey taageerto Imaaraadka Carabta,waxaane jiro khilaafyo ku saabsan soo rogidda aaga ka mamnuucan duulimaadka. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la arkaayey qaar ka mid ah tacadiyadii ugu darnaa oo ey ku jiraan tacadiyadda Galmadda iyo dilalka aan loo meel dayin,tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalka Suudaan sannadkii hore, Golaha Qaramada Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa loo gudbiyey warbixin heer sare ah oo la qabtay todobaadkan. “Waxaan kuula hadlaayaa si murug leh oo deg deg ah,”Niemat Axmadi oo ah Madaxa Kooxda Haweenka ee Daarfuur ayaa u sheegtay Golaha Amaanka Talaadadii shalay.
ISHA-MEE.
XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARAAKIIB MARAYKAN LEEYAHAY.
(SAWIRKA)-MAJ.GEN.PAT RYDER,
(DUBAI)-Maj.Gen.Pat Ryder oo ah Xoghayaha Warfaafinta ee Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in Xuutiyiinta ey Iraan taageerto ey soo tuureen ugu yaraan sideed Diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha lahayn,shan Gentaal oo nuuca Balastikada ah iyo seddex Gentaal oo nuuca lidka Maraakiibta ah. Ma jirto cid wax ku noqotay duqeymahaasi,waxaane Markabka uu sii watay safarkiisa,sida uu UKMTO uu ku daray. Xuutiyiinta Yeman ayaa beegsaday laba Markab oo dagaal oo ey leeyihiin ciidamadda Badda ee Maraykanka oo wata diyaarado badan iyo Gentaalo,xilli ey maraayeen Marinka Baab-AL-Mandab,balse weerarada laguma guuleysan,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegtay Wasaaradda G/dhiga Maraykanka. Maj.Gen.Pat Ryder,Xoghayaha Warfaafinta ee Pentangon-ka ayaa sheegay in Xuutiyiinta ey Iraan taageerto ey ugu yaraan sideed diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha wedin shan Gentaal oo nuuca Balastikada ah iyo seddex Gentaal oo ah lidka Maraakiibta ah,ayey ku garaaceen USS STOCKDALE iyo USS SPRUANCE oo labaduba ah kuwa wax burburiya ee Ciidamadda Badda, Pat Ryder wuxuu sheegay ineysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray isla markaasne eysan jirin cid wax ku noqotay.
ISHA-AN.
MARQAATI FURKA MAXAABIISTA REER FALASTIIN.
(SAWIRKA)-MAXAABIISTA FALASTIIN.
(GAZA)-Wargayska AL-Arabi AL-Jadeed ayaa daabacay Marag-furka laba Maxbuus oo u xiraan Isra’iil kuwaaso kala ah Wariyaha TV-ga AL-Carabi Maxamed Carab iyo Taariq Caabid,ragaan ayaa laga soo qafaashay Marinka Gaza ku dhawaad sideed bilood ka hor. Marqaatigaan ey soo diyaariyeen labadii Qareen ee labada Maxbuus oo booqday Xabsiga Coofar Luuliyo/14/2024-ka. Waa Marqaatigii labaad ee Wariye Maxamed Carab iyo kii u horeeyey ee Maxbuus Taariq Caabid,hadaba tafaasiishaan uu Carab sheegay ayaa mid timid ka dib markii la xaqiiqsaday in labada Qareen ey yihiin Falastiiniyiin eysan ahayn baarayaal taabacsan ciidanka Isra’iil,laakinse Maxbuusa Taariq Caadib ayaa ka waramay waxyaabo cabsi leh,waxaane Maxbuus Maxamed Carab loo bedelay Xabsiga Coofar taariikhdu markeey ahayd 2/7/2024-ka ka dib markii waraysi lala yeeshay taariikhdu markeey ahayd 19/6/2024-ka. Wareejintaan ayaa ciqaab u ahayd,isagoo su’aalo la weydiiyey sababto ah tafaasiisha uu u sheegay Qareenada Khaalid Muxaajanah iyo Qareenada M.A iyo sida ey saameysay Marag-Furkiisa oo laga sii daayey TV-ga Carabta taaso sababtay in Xabsiga Ciidamadda “Sadi Teymaan” loo xiro dembiyo ka dhan ah Bani’adanimada iyo dembiyadda dagaalka ee halkaasi ka dhacay,waxaane loo diray tiro askar ah si loo soo baaro Marqaatiyadii Argagaxa lahaa ee uu baahiyey TV-ga Carabta.
ISHA-NA.
20-SANO KA DIB AYAA LOO XUKUMAY LACAG DHAN $42-MILYAN.
(SAWIRKA)-TACADIYADII KA DHACAY XABSIGA ABU GUREYB/CIRAAQ.
(USA)-Xeerbeegtida Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah waxa ey seddex nin oo Ciraaqiyiin ah magdhaw u siisay lacag dhan Afartan iyo Laba Milyan oo Doolarka Maraykanka($42-M),ragaan Ciraaqiyiinta ah ayaa horay loogu xiray Ciraaq gudaheda looguna gaystay tacadiyo gudaha Xabsigii ey ku xirnaayeen ee la yiraahdo”Abu Gureyb”. Go’aanka ayaa maasuuliyadda dusha ka saaraayo shirkada Qandaraasla ahayd ee geysatay dhibka lana yiraahdo CACI INTERNATIONAL,shirkadaan ayaa door lixaad leh waxa ey ku leheed xadgudubka lagu sameeyey Maxaabiistii ku xirneed xabsiga caanka ah intii lagu guda jiray qabsashadii Maraykanka ee dalka Ciraaq 2003-dii ilaa 2004-tii. Xukunkan taariikhiga ah ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo qandaraasle rayid ah oo gaar loo leeyahay loo haysto tacadiyadii ka dhacay xabsiga caanka ah ee Ciraaq oo ka baxsan caasimadda Ciraaq ee Baqdaad. Go’aanka ayaa yimid ka dib markii xeerbeegtii hore ey ku guul dareysteen iney gaaraan go’aan taaso muujineyso ballan qaad cusub oo ku saabsan isla xisaabtanka kiis socday ku dhawaad labaatan sano. Markaan xeerbeegti ka kooban lix dumar ah iyo laba rag ah oo ka socday Maxkamada degmada Alexandria Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayey dacwadaan ka qaadatay hal maalin iney ku gaaraan go’aanka.
ISHA-MEE.
ILAALIYIHII GAARKA U AHAA XASAN NASRALLAH OO LA..
(SAWIRKA)-XASAN NASRALLAH.
(SYRIA)-Warbaahinta Isra’iil ee KAN iyo Wargayska ISRAE Today ayaa sheegay in weerarka Isra’iil ku qaaday qeybta Koonfureed ee caasimadda Suuriya ee Dimishiq gaar ahaan aaga Sayidda Zeynab uu ahaa mid loola dan lahaay sarkaal Xizbullahi masuul uga ahaa galka Buuraleyda Goolan lana yiraahdo Cali Muusa’a Daqduuq. Sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi-Baarista Xagjirnimada,Daqduuq waa “Hogaamiye Xizbullahi ah oo tababara dagaalyahanadda hubeysan ey taageerto dawladda Iraan si ey weeraraan Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq”. Dawladda Maraykanka ayaa Daqduuq ku tuhmeysa inuu soo abaabulay weerar lagu qaaday Ciidamadda Maraykanka taariikhdu markeey ahayd 20/1/2007-kii kuwaaso ku sugnaay Karballa ee dalka Ciraaq,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay shan qofood, Daqduuq ayaa loo xiray weerarkaas gudaha dalka Ciraaq laakinse waxaa la sii daayey sannakii 2012-kii. Tan iyo sannadkii 2018-kii, waxaa la sheegay inuu shabakad Qarsoodi ah oo Xizbullahi ah ka dhisay Gudaha dalka Suurya.
ISHA-AN.
ISRA’IIL OO DISHAY SAALIM CAYAASH OO LA….
(SAWIRKA)-SAALIM CAYAASH.
(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in Hogaamiye ka tirsan Ururka Xizbullah lana yiraahdo Saalim Cayaash ey dileen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil maalintii Sabtida ee la soo dhaafay,sidaas waxaa sheegay Tv-ga AL-Carabiya Barnaamijka AL-Xadath. Dilka Saalim Cayaash ayaa waxaa ka soo baxay warar is-khilaafsan kuna saabsan halka lagu dilay, sida ey ilo wareedyo u tilmaameen Barnaamijka AL-Xadath ee Tv-ga AL-Carabiya Hogaamiye Saalim Cayaash ayaa lagu dilay magaaladda Quseyr ee xuduuda ku taal,halka mareegta Walla News ee lagu daabaco Af-Yahuuda ey sheegtay in hogaamiye Cayaash lagu dilay weerar ey qaadeen diyaaradaha Isra’iil kaaso ka dhacay aaga Sayidda Zeynab ee Koonfurta magaaladda caasimada ah ee Dimishiq. Saalim Cayaash ayaa lagu helay dembiga ah inuu dilay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq AL-Xariiri,waxane la geeriyooday seddex xubnood oo kale kana tirsan Ururka Xizbullah,Xukun ey soo saartay Cayaash oo maqana ah Maxkamdda gaarka ah ee Caalamiga ah ee Lubnaan bishii Diseembar sannadkii 2020-kii, Hogaamiye Saalim Cayaasha ayaa ka soo jeedo Xaaruuf ee degmada Nabatiyah ee Koonfurta dalka Lubnaan,waxa uuna Cayaash dhashay sannadkii 1963-dii. Go’aanka Maxkamadda gaarka ah ee Lubnaan ayaa ku edeysay Saalim Cyaash iyo seddex kale kalana ah”Xuseen Cuneysi, Xasan Xabiib iyo Scad sabri” “iney ka qeyb qaateen shirqool la doonaayey in lagu geysto fal Argagixiso”,kaaso ah dilkii AL-Xariiri ee dhacay bishii Febraayo 14-keedii sannadkii 2005-tii. Weerarkaan lagu khaarijyey Reysal Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq AL-Xariir ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa waxane la agdhigay gaarigiisa ka dibne waa la qarxiyey,qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 26-Qofood uu ku jiro RW-AL-Xariiri waxaane ku dhawacmay dad gaaraayo ilaa 226-Qofood oo kale.
SB-MEDIA.
RIYAAD: SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA.
(RIYAD)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farxaan ayaa maanta oo Axad ah Shir Gudoomiyey Shirka diyaarinta ee Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka Carabta iyo Islaamka oo ka dhici doono caasimadda Riyaad. Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa ka doodista iyo dhammaystirka Ajendaha Shirka oo maalinta Isniinta ah ka furmi doono magaaladda Riyaad. Shir Madaxeedka ayaa ah kordhinta Shir Madaxeed wadajir ah Carabta iyo Islaamka ee lagu qabtay Riyaad Noofembar-2023-kii, iyadoo la raacaayo awaamiirta kormeeraha labada Masjid ee Barakaysan Boqor Salmaan iyo dhammaystirka dadaaladda dhaxal-sugaha ahne Reysal Wasaaraha Maxamed Bin Salmaan,iyadoo la isku dubariday Madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka. Dhinaca Sacuudiga,kulanka waxaa goobjoog ka ahaay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eng.Waliid AL-kheyraji, Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Siyaasadda Dr.Sacuud AL-sati, Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Caalamiga ah Dr.C/raxmaan AL-Rasi iyo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Daa’uud.
ISHA-SAUDI GAZETTE.
XAMAAS: CAMAAN, DIMISHIQ IYO DOOXA.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA XAMAAS.
(DOHA)-Ayadoo dawaladda Qadar ey hakisay dadaalkeed ku aadanaay dhexdhexaadinta Xamaas iyo Isra’iil ilaa laga helaayo waxa ey Qadar ugu yeertay”Khatarta lagama maarmaanka ah”ee wada xaajoodka,waxaane soo baxaayo warar leysla dhexmaraayo oo ku saabsan joogitaanka Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin ee caasimadda Dooxa. Waqti ey soo baxayaan dhawr warbixinood ey warbaahintu ka soo xiganeysay masuuliyiin diblomaasiyadeed kuwaasoo sheegay in dalka Qadar uu u dhaqaaqay inuu xiro Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas,sabbatoo ah”Ma eysan fulin ujeedadii”,Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dawladda Qadar ayaa xaqiijiyey in wararka la isla dhexmaraayo eysan ahayn kuwa sax ah ka dib markii uu Dooxa ku qabtay Shir Jaraa’id. Arrimahaan ayaa imaanaayo ka dib dadaalo ey dawladda Qadar ku dooneysay iney ku dhexdhexaadiso labada dhinac(Xamaas iyo Isra’iil),taaso keentay in heshiis ku meel gaara ah la gaaro Noofembar-2023-kii kaaso dhaliyey in la is dhaafsado la haystayaasha reer Isra’iil iyo maxaabiista reer Falastiin. Si kastaba ha ahaatee,wada hadaladda ayaan wax horumar ah laga gaarin tan iyo xilligaas,taas ayaan sababtay in dawladda Qadar hakiso dhexdhexaadinteeda Sabtidii shalay ahayd.
ISHA-ARABY.
YEMAN: MARAYKANKA OO WEERARAY SANCA.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA SANCA.
(PENTAGON)-Wararka ka imaanayo dalka Maraykanka ayaa sheegayo in Marayknaka uu qaaday weeraro xiriir ah kuwaaso ka dhan ah bartilmaameedyadda Xuutiyiinta Yeman fiidnimadii Sabtidii,sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaac Maraykanka ee Pentagon, goobaha la beegsaday ayaa ah xarumo badan oo lagu keydiyo hub kuna yaala ugu yaraan seddex goobood. Xarumahaan la beegsaday ayaa waxaa ku jiray hub casri ah oo caadi ah oo lagu bartilmaameedsado Maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,ayuu yiri sarkaalka u hadlay Wasaaradda Difaaca Maraykanka,waxa uuna intaas raaciyey in dawladda Maraykanka ey adeegsatay diyaaraddo dagaal. Kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ayaa muddo bilo ah bartilmaameedsanaayey Maraakiibta ku sugan amaba marta Badda Cas oo ka mid ah marin biyoodka ugu mashquulka badan caalamka iyagoo weeraradaas ku tilmaamay mid jawaab u ah dagaalka Isra’iil ey ka wado Marinka Gaza.
ISHA-CNN.