BEIRUT: MAXAMED CAFIIF OO DUQEYN LAGU DILAY.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA BEYRUUR.
(BEIRUT)-Duqeymo naadir ah oo ey Isra’iil ka geysatay Bartamaha caasimadda Beyruut ee dalka Lubnaan ayaa lagu dilay Afhayeenkii Ururka Xizbullahi Axada maanta ah,Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ururka Xizbullahi. Mar sii horeysay saraakiil ayaa sheegtay in duqeynta Isra’iil lagu dilay ilaa 12-Qofood Marinka Gaza,halkaaso Isra’iil ey dagaal kula jirto Ururka Xamaas ee reer Falstiin muddo sannad ah. Dilkii ugu dambeeyey ee lala beegsado saraakiisha sar sare ee Ururka Xizbullahi ayaa yimid iyadoo saraakiisha Lubnaan ey tixgelinayaan Hindise Xabad-joojin ah oo uu Maraykanku Hormuud ka yahay. Isra’iil ayaa sidoo kale duqeysay dhismayaal dhawr ah oo ku yaal duleedka Koonfurta Beyruut halkaaso muddo dheer xarun u ahayd Ururka Xizbullahi,ka dib markii ey Isra’iil uga digtay dadka iney halkaasi isaga guuraan. Maxamed Cafiif oo ahaa Madaxa Xiriirka Warbaahinta ee Ururka Xizbullahi ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday Xafiiska Xisbiga Hantiwadaaga Carabta ee AL-Bacath ee bartamaha magaaladda Beyruut sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ururka Xizbullahi oo aan loo ogolayn inuu warfidiyeenka siiyo war lana qariyey magaciisa.Maxamed Cafiif ayaa si gaar ah u muuqday ka dib markii uu dagaalka ka dhex qarxay Isra’iil iyo Ururka Xizbullahi bishii Sebtembar ee sannadkan-2024-ka iyo dilkii Hogaamiyaha Ururka Xizbullahi Xasan Nasrallah ey Isra’iil ku dishay duqeyn. Bishii hore ee Oktoobar Maxamed Cafiif wuxuu si deg deg ah shir jaraa’id ugu soo gabagabeeyey magaaladda Beyrut ka hor weerarada Isra’iil.
ISHA-AP.