YEMAN: MARAYKANKA OO WEERARAY SANCA.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA SANCA.
(PENTAGON)-Wararka ka imaanayo dalka Maraykanka ayaa sheegayo in Marayknaka uu qaaday weeraro xiriir ah kuwaaso ka dhan ah bartilmaameedyadda Xuutiyiinta Yeman fiidnimadii Sabtidii,sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaac Maraykanka ee Pentagon, goobaha la beegsaday ayaa ah xarumo badan oo lagu keydiyo hub kuna yaala ugu yaraan seddex goobood. Xarumahaan la beegsaday ayaa waxaa ku jiray hub casri ah oo caadi ah oo lagu bartilmaameedsado Maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,ayuu yiri sarkaalka u hadlay Wasaaradda Difaaca Maraykanka,waxa uuna intaas raaciyey in dawladda Maraykanka ey adeegsatay diyaaraddo dagaal. Kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ayaa muddo bilo ah bartilmaameedsanaayey Maraakiibta ku sugan amaba marta Badda Cas oo ka mid ah marin biyoodka ugu mashquulka badan caalamka iyagoo weeraradaas ku tilmaamay mid jawaab u ah dagaalka Isra’iil ey ka wado Marinka Gaza.
ISHA-CNN.