ISRA’IIL OO DUQEYN KU DISHAY LABA HOGAAMIYE.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHII XARAKADA JIHAAD AL-ISLAAMI EE LAGU DILAY SUURIYA.

(DIMISHIQ)-Ilo wareedyo Xog-ogaal ah kana tirsan Xarakadda Jihaad AL-Islaami ee reer Falastiin ayaa xaqiijiyey maanta oo Sabti ah in laba Hogaamiye oo mid ka mid ah uu ka tirsan yahay Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Jihaad Al-Islaami halka kan labaadne uu masuul ka ahaa Xiriirka Dibadda ee Xarakadda lagu dilay duulaan ey qaadeen diyaaradah dagaalka Isra’iil maalintii Khamiista ey bishaan ahayd 14/11/24-ka, weerarka ayaa lala beegsaday degaanka Qudsaya ee u dhaw caasiamadda Dimishiq ee dalka Suuriya. Il wareed codsaday inaan la shaacin magaciisa eyna soo xigatay Wakaaladda Wararka ee France-press ayaa yiri”Xubnaha ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Jihaad AL-Islaami waa C/casiis AL-Minawi iyo masuul xiriirka dibadda Ramsi Abu Ciisa ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Qudsaya ee duleedka caasimadda Dimishiq”,ciidamadda Isra’iil ayaa iyagana Khamiisti weerarka ka dib sheegay iney beegsadeen saldhigyo ciidan ey iska leedahay Xarakadda Jihaad AL-islaami. Ka dib markii ey dhacday Duqeynta ayaa ilo wareedyo waxa ey xaqiijiyeen in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 20-Hogaamiye oo ka tirsan Xarakadda Jihaad AL-Islaami duleedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq. Xarakadda Jihaad AL-Islaami bayaan rasmi ah oo ah keedii ugu horeeyey ey soo saarto ka dib duqeyntii Isra’iil ayey ku sheegtay in tiro ka mid ah Hogaamiyeyaasheeda lagu dilay duqeyn Isra’iil ka geysatay dalka Suriya duqeyntaaso dhulka la sintay dhismihii la beegsaday.

ISHA-AL-ARABIYA.

Previous
Previous

BOOLISKA FARANSIISKA OO SOO FURTAY LA…

Next
Next

FARANSIISKA IYO IMAARAATKA OO KU LUG YEESHAY..