XUKUNKA DILKA AJAANIBTA OO KORDHAY DALKA…

(SAWIRKA)-AMNESTY INTERNATIONAL ACTIVISTS.

(RIYAD)-Ma aha wax cusub in la maqlo Gudaha dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu Toogtay dad Ajnabi ah oo galay dembiyo kala duwan,balse markaan sheekada ayaa sidaas ka duwan oo waxaa soo baxay tiro Ajnabi ah oo lagu Toogtay Sacuudiga sannadkan 2024-ka. Ogow in, in ka badan boqol Qofood oo Ajaanib ah lagu fuliyey dil Toogasha ah Gudaha dalka Sacuudiga Sannadkaan bisha ka harsan tahay ee 2024-ka, sida lagu sheegay tira koob ey sameeysay Wakaaladda Wararka ee AFP. Shalay oo Sabti ahayd,Wakaaladda rasmiga ah ee Wararka u faafisa dalka Sacuudiga ayaa ku warantay in xukun dil ah lagu fuliyey Mawaadin Yemani ah kaaso lagu helay inuu Daroogo soo geliyey dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee AFP, warar ey ka soo ururisay warbixino ey daabaceen Warbaahinta Xukuumadda Sacuudiga kuwaaso sheegay in tirada dadka Ajaanibta ah ee ilaa hadda la toogtay ey dhan yihiin ilaa 101-Qof sannadkan 2024-ka, tiradaan ayaa ah mid ku seddex laabanta tirada dadka Ajaanibta ah ee la toogtay Sannadadii 2023 iyo 2022-kii. “Tani waa tiradii ugu badneed ee dil Toogasha ah oo lagu fuliyey dad Ajaanib ah muddo sannad gudahiis ah, dalka Sacuudiga weligiis kuma fulinin dil Toogasha ah 100-Qofood oo Ajaanib ah sannad gudihiis”,sidaas waxaa yiri Taha AL-Xaaj oo ah Agaasimaha Sharciga ee Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Yurub iyo Sacuudiga ee fadhigiisu yahay magaaladda Berlin ee dalka Jarmalka.

ISHA-MEE.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

XAMAAS OO WELI HAYSAN DHUL EY DEGTO, SABAB?

Next
Next

MADAXII WARBAHINTA EE URURKA XIZBULLAHI OO LA DILAY.