RIYAAD: SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA CARABTA IYO ISLAAMKA.

(RIYAD)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farxaan ayaa maanta oo Axad ah Shir Gudoomiyey Shirka diyaarinta ee Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka Carabta iyo Islaamka oo ka dhici doono caasimadda Riyaad. Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa ka doodista iyo dhammaystirka Ajendaha Shirka oo maalinta Isniinta ah ka furmi doono magaaladda Riyaad. Shir Madaxeedka ayaa ah kordhinta Shir Madaxeed wadajir ah Carabta iyo Islaamka ee lagu qabtay Riyaad Noofembar-2023-kii, iyadoo la raacaayo awaamiirta kormeeraha labada Masjid ee Barakaysan Boqor Salmaan iyo dhammaystirka dadaaladda dhaxal-sugaha ahne Reysal Wasaaraha Maxamed Bin Salmaan,iyadoo la isku dubariday Madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka. Dhinaca Sacuudiga,kulanka waxaa goobjoog ka ahaay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eng.Waliid AL-kheyraji, Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Siyaasadda Dr.Sacuud AL-sati, Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Caalamiga ah Dr.C/raxmaan AL-Rasi iyo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Daa’uud.

ISHA-SAUDI GAZETTE.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DISHAY SAALIM CAYAASH OO LA….

Next
Next

XAMAAS: CAMAAN, DIMISHIQ IYO DOOXA.