Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTIISII 271-AAD.

(SAWIRKA)-DHIBKA GAARAY FALASTIINIYIINTA.

(ANKARA)-Wararka ka imaaanayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in ugu yaraan 28-Qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza taaso sare u kacday tirada guud ee dhimashada 37,953-Qof tan iyo 7-dii Oktoobat ee sannadkii la soo dhaafay,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheegay Wasaaradda Caafimaadka Gaza,warar ka soo baxay Wasaaradda ayaa intaas raacisay in dadka dhaawacmay ey gaarayaan ilaa 87,266-Qof. “Ciidanka Isra’iil waxa ey dileen 28-Qof waxa eyna dhaawaceen ila 125-Qof oo kale ka dib markii ey dheceen seddex Xasuuq oo ka dhan ah qoysas Falastiiniyiin ah 24-kii saac la soo dhaafay”sidaas waxaa laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Isra’iil ayaa jebisay Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee dalbanaayey Xabad Joojin deg deg ah,arrintaan ayey Isra’iil kala kulantay cambaareyn Caalami ah,waxa eyna weli sii wadaa weeraradda arxan daridda ah ey ku haysi Marinka Gaza. Dagaalka Marinka Gaza ayaa hadda galay bishii sideedaad,waxaane burbur ba’an uu soo gaaray dhismayaashii Marinka Gaza,waxaane la la’ayahay dhammaan adeegyadii bulshadda falastiin ey baahneed sida Biyaha la cabo ee Nadiifka ah,Daawadda ey baahn yihiin dadka Bukaanka ah iyo adeegyadda kale ee bulshadda,dagaalka ayaa hadda galay maalintiisii 271-aad.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBIYA OO DIB U FURAY XUDUUDKA RAS IJDER.

(SAWIRKA)-XUDUUDKA LIBIYA IYO TUNISIYA.

(TRIPOLI)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Libiya oo ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Tripoli ayaa sheegay in Marinka Weyn ee soohdinta ah ee Ras Ijdir uu dalka Libiya la wadaago dalka Tunisiya si buuxda loo furay maanta oo Isniin ah seddex bilood ka dib markii la xiray, markii ey halkaasi ka dheceen isku dhacyo hubaysan,sidaas waxaa dalka Libiya uga soo warantay Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee Reuters. Ka dib markii ey deganaansho ey ku soo laabatay Gobolka,soohdinta ayaa qeyb ahaan dib loo furay bartamihii bishii Juun ee ina dhaaftay in kasta oo ey jiraan xaalado Bani’adanimo iyo kuwa caafimaad iyo sidoo kale kiisas gaar ah oo ogolaansho ka haysta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dalalka Tunisiya iyo Aljeeriya. Tiro baabuurta Ambalaaska ah oo ka yimid dhinaca dalka Libiya ayaa la arkaayey iyagoo ku sii jeeda dalka Tunisiya intii ey socotay xafladda dib u furitaanka taaso ey ka soo qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Midnimo Qaran ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli Cimaad Trabulsi iyo dhigiisa dalka Tunisiya Khalid Nuuri.

ISHA/MEMO

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO SII DEYSAY ILAA 55-MAXBUUS OO…

(SAWIRKA)-Dr.ABU SALMIYA.

(GAZA)-Agaasimaha Xarunta caafimaafka ee AL-Shifa’a ee magaaladda Gaza Dr.Maxamed Abu Salmiya ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Isniin ah tiro ka seddex jeer in Maxkamad la soo taagay mudadii todobada bilood ka badaneed ee uu xasiga ku jiray,hadane Isra’iil weligeed wax dembi ah kuma soo oogin. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta caafimaadka ee Naasir ee Khaan Yoonis ee Koonfurta Gaza,saacado uun ka dib markii Dr.Abu Salmiya xabsiga laga sii daayey, ayuu Dr.Abu Salmiya yiri” Maxaabiista ku jirta Xabsiyaddaa Isra’iil waxay u adkeystaan nuucyo kala duwan oo jirdil ah. Ciidanku waxay ula dhaqmaan Maxaabiista sidii iney yihiin wax aan nooleyn,takhaatiir Isra’iilne jir ahaan ayey noo weeraraan”. “Adeega Xabsiga Isra’iil weligood ma eysan soo bandhigin dacwad cad oo aniga lid igu ah in kastoo la i maxkamadeeyey seddex jeer”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Dr.Abu Salmiya. Dr.Abu Salmiya ayaa sharaxay in isaga iyo Maxaabiista kale ey la kulmeen “jirdil ba’an iyo ku dhawaad weeraro maalinle ah gudaha Xabsiga oo loo diiday in lagu daaweeyo”.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

4,100-QOFOOD OO EY DAACISH KU DISHAY SURIYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA KURDIYIINTA OO KOR U SIDA CALANKA DAACISH.

(IRAQ/SYRIA)-Dagaalyahanadda la magac baxay Dawladda Islaamiga ah ayaa ku dilay ku dhawaad 4,100-Qof gudaha dalka Suuriya tan iyo sannadkii 2019-kii markaaso kooxda IS ey lumiyeen xaruntoodii ugu dambaysay ee dalka Suriya sida uu sheegay kormeere dagaal. Kooxda IS ayaa sannadkii 2014-kii qabsatay dhul balaaran oo ku yaalo dalalka Suriya iyo Ciraaq,waxa eyna ku dhawaaqeen waxa loogu yeero KHILAADDA waxayna bilaabeen xukun Argagixiso bishii Juun ee sannadkaas. Bishii Maarso 2019-kii kooxda Jihaad doonka ah ayaa ku lumiyey haraagii ugu dambeeyey ee dhulka Suriya ololo Mileteri ey Hogaaminayaan Kurdiyiinta oo ey taageerayaan Isbahaysiga uu hogaaminaayey Maraykanka laakinse haraadigii IS ayaa sii weday weeraradda dilaaga ah ee ka dhacaayey meelaha saxaradda ah. Dagaalyahanadda kooxda IS “Ku dhawaad 4,100-Qof ayey ku dileen in ka badan 2,550-hawlgal oo ey ka fuliyeen aagaga ey maamulaan Kurdiyiinta tan iyo sannadkii 2019-kii,kooxda la socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Suriya ayaa warbixintooda ku sheegtay sidaas.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAACISH OO WALXA QARXA KU XIRTAY MASJIDKA ALNURI.

(SAWIRKA)-DHISMAHA MASJIDKA ALNURI.

(IRAQ)-Hayad ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa sheegtay iney shan bambooyin ah ka heshay gidaarka Masaajidka Caanka ah ee magaaladda Muusal ee AL-Nuuri kaaso ey sannado ka hor dhigeen kooxda Argagixisadda Daacish(ISIS) xiligii ey socotay hawl dib u soo celin ah oo laga weday Waqooyiga dalka Ciraaq. Shan Qalabka Qarxa ah oo aad u waawey oo loogu talagalay iney dhaliyaan burbur aad u weyn oo goobta ah ayaa laga helay gidaarka Koonfureed ee hoolka Salaada maalintii Talaadada ahayd,sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee AFP u sheegay Wakiil ka socday Hayadda UNESCO. Masjidka AL-Nuuri ee magaaladda Muusal iyo Minaaradda ku dhegan oo lagu naaneysi jiray AL-Hadba”Hunchback”kaa oo soo taxnaay ilaa qarnigii 12-aad,ayaa lagu burburiyey dagaalkii lagu doonaayey in magaaladda Muusal looga saaro kooxda Daacish. Ciidamadda dalka Ciraaq ayaa ku eedeeyey kooxda Daacish(ISIS) oo muddo seddex sano ah qabsatay magaaladda Muusal iney goobtaas ku aaseen waxaha qarxa oo ey ciidamadu Qarxiyeen. Hayadda UNESCO oo ah Hayad Qaramada Midoobe u qaabilsan dhaqanka ayaa ku hawlaneed sidii ey dib ugu soo celin lahayd Masaajidka iyo goobaha kale ee dhaqanka ee magaaladda Muusal,intooda badan Goobaha taariikhiga ah ayaa noqday kuwa ku burburay dagaalkii lala galay kooxda Daacish(ISIS).

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA URDUN OO QABTAY DAROOGO FARA BADAN.

(SAWIRKA)-KANIINIGA KABTAAGO.

(JORDAN)-Hayadda Nabad Sugidda dalka Urdun oo adeegsaneysa ciidan gaar ah ayaa hawlgal amni sugid ah ku qaaday mid ka mid ah kuwa ugu hakista badan ee ka Ganacsada Maandooriyaha iyo kuwa wax tahriibiya iyo kuwa wax ka tahriibiya Gobolka Bariga dhexe,gudaha degmad Al-Ruweyshid kuna taalo bariga fog ee dalka Urdun. Afhayeen u hadlay Hayadda Nabad Sugidda ee Urdun Korneel Caamir Sartaawi ayaa sheegay in ciidan gaar ah oo isku dhaf ah ey sameeyeen xog ururin isla markaane ey ogaadeen halka uu ku sugan yahah mid ka mid ah kuwa ugu halista badan kana ganacsada Maandooriyaha,kuwa tahriibiya Maandooriyaha iyo kuwa la macaamolo kuwa wax tahriibiyo ee ku sugan gobolka Bariga dhexe ayey ciidamadu weerar ku qaadeen goob ku taalo gudaha Guutada Ruweysahed. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ninka la baadigoobayey uu bilaabay inuu rasaas ka furo qorigii uu watay isagoo ku riday ciidan amaanka Urdun isla markaane sharciga la marsiiyey taasine ey keenyay inuu dhaawac soo gaaray dhaawac dhinaca lugta ah waxaane loo qaaday Isbitaalka,waxaane xabsiga loo taxaabay laba kale oo isaga lo socday. Afhayeenka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in gacanta lagu soo dhigay 125-xabbo oo Xashiish ah iyo 53-kun oo ah Kaniiniga Maandooriyaha ah iyo seddex qori kuwaaso laba ka mid ah ey yihiin AK-47 sida darandooriga ah u dhaca,waxaane hadda ku socdo baaritaan la xiriiro hawsha ey gacanta kula jireen,halka ragaan lagu qabtay ayaa ah degmada Ruweyshid oo dhacda Xuduuda u dhexeeyso seddex wadan Carbeed kalana ah”Sacuudi Carabiya,Ciraaq Iyo Suuriya”.

ISHA/SBMEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LUBNAAN OO LAGA KALA CARARAY,SABAB?

(SAWIRKA)-CAASIMADDA LUBNAAN EE BEYRUUT.

(ISTANBUL)-Todobo dal ayaa muwaadiniintooda ugu baaqay iney isaga baxaan dalka Lubnaan iyadoo ey sii kordheyso cabsida laga qabo in dagaal ba’an uu ka dhex qarxo Isra’iil iyo Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan,halka shan dal oo kale ey kula taliyeen mawaadiniintooda ineysan u safraan dalka Lubnaan. Safaaradda Sacuudiga ee magaaladda Beirut caasimadda dalka Lubnaan ayaa sabtida maanta ah ku boorisay mawaadiniinteeda hadda ku sugan gudaha dalka Lubnaan iney si deg deg ah uga baxaan dalka Lubnaan,waxa eyna Safaaradu carabka ky dhufatay iney lama huraan tahay iney la soo xiriiraan Safaaradda haddii ey dhacaan xaaladdo deg deg ah. Dalka Australia ayaa shalay oo Jimca ahayd waxa uu si adag ula taliyey mawaadiniintiisa ku sugan gudaha dalka Lubnaan waxa uuna ku amray iney si deg deg ah uga baxaan Lubnaan iyadoo soo xiganeyso xaaladda Amni ee dalka Lubnaan oo aad u kacsan,Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalka Australia Penny Wong ayaa ku boorisay dadka Austaraliyanka ah ee ku sugan dalka Lubnaan iney si deg deg ah uga baxaan inta duulimaadyadda ganacsi la heli karo.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB MARAAYEY

(SAWIRKA)GENTAALADDA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo dalka Jamhuuriyadda Yeman ayaa sheegaayo in Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ayaa loo maleynayaa iney weerar ku qaadeen Marakabka M/V TRANS WORLD NAVIGATOR oo uu ka dul babanaayey calanka dalka Libeeriya,lagana leeyahay dalka Giriiga. Maanta saacadu markii ey ahayad afartii subaxnimo waqtiga Sanca ayey shaqaalihii la socday Markabka waxa ey soo sheegeen inuu jiraan dhaawacyo fudud iyo burbur dhexdhexaad ah oo soo gaaray Markabka balse Markabka ayaa sii socday. M/V TRANS WORLD NAVIGATOR waxa dhawaan ku xirtay dalka Maleesiya wuxuuna ku sii jeeday dalka Maasar. Tani waxay ka dhigan tahay weerarkii afaraad ee Xuutiyiinta Yeman eyna taageerto Iraan ee Markabka M/V TRANS WORLD NAVIGATOR. Ma jiraan wax dhaawacyo ah oo soo gaaray Maraakiibta dalka Maraykanka iyo kuwa isbahaysiga. Dhaqan xumidd sii socoto ee Xuutiyiinta Yeman ey taageerto Iraan ayaa halis gelinayso xasiloondda Gobolka,waxayna halis gelineysaa nolosha badmaaxiinta Bdda Cas iyo kuwa Gacanka Cadmeed. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) waxa uu sii wedi doonaa inuu la sii shaqeeyo la hawgalayaasha si ey ula xisaabtamaan kooxda Xuutiyiinta Yeman si ey u wiiqan awoodooda Ciidan.

ISHA/CENTCOM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

1,301-XAAJI OO KU DHIMATAY XAJKA SANNADKAN-2024

(SAWIRKA)-XUJAAYDA SANNADKAN 2024-KA.

(RIYAD-KSA)-Dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa sheegay Axadii shalay ahayd in in ka badan 1,301-Qof oo Xujaay ah ey ku dhinteen Xajka intii lagu guda jiray kuleylka daran,iyo in inta badan dadka geeriyooday eysan haysan sharciyo rasmi ah. “Waxaa wax laga xumaada ah in tirada dhimashada ey gaarto 1,301-Qof iyadoo 83% dadka geeriyooday eysan haysan ogolaansho ah Gudashada Xajka ee sannadkan,waxa eyna soo lugeeyeen masaafo aad u dheer si ey u gutaan Xajka waxaane ku dhacday Qorax aad u kulul iyagoo aan haysan Hooy iyo raaxo ku filan”sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Sacuudiga. si kastaba ha ahaatee,Jimcihii ina soo dhaaftay sarkaal sare oo ka tirsan Sacuudiga ayaa Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee AFP u sheegay qeyb ka mid ah dadka dhintay oo gaareyso ilaa 577-Qof ey geeriyoodeen labadii maalmood ee ugu mashquulka badneed Xajka,mida hore,15/6/24-ka oo ahayd maalintii Xujayda ey isugu soo bexeen Oogid salaada ee banka Carafo,iyo 16/6/24-ka oo ayadana ahayd maalintii dhagaxtuurka.

ISHA/BARRON’S.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: WEERARO LAGU QAADAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-MARKABKA GALAXY LEADER.

(SANA’A-YEMAN)-Ciidamadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay iney burburiyeen saldhig dhulka laga hago iyo qeybo ka mid ah taliska iyo maamulka oo ku yaalo degaan ey Xuutiyiinta Yeman maamulaan. Taliska dhexe ee Ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamadooda ey sidoo kale burburiyeen laba cutub oo ah Diyaaradaha aan duuliyaha wedin(DRONES) ee ka tirsan ciidamadda Xuutiyiinta ee maraayey badda Cas. Maalintii shalay oo Talaada ahayd Mileteriga Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saaca ee la soo dhaafay ey burburiyeen 8-diyaaradood oo ey Xuutiyiintu leeyihiin kuwaaso ku sugnaa biyaha Yeman iyo mid mareysay Gacanka Cadmeed. Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ayaa bartiisa(x) ku yiri”Wax waxyeelo ah ma eysan soo gaarin Maraakiibta Maraykanka,Maraakiibta Isbahaysiga ama Maraakiibta Ganacsiga,mana la diiwaan gelinin wax dhibaata ah”. Ciidamadda Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa weerar ku qaaday kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan Xudeyda iyo Jaziiradda Kamaraan ee dalka Yeman,sida ey sheegtay warbaahinta gudaha. Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in Isniintii la soo dhaafay in Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ey ugu yaraan lix weerar oo xagga cirka ah ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee Xudeyda iyo afar weerar oo ka dhacay Jazeeradda Kamaraan oo dhaw dekedaa Saleef ee dhacda Badda Cas dhulka Yeman. Ciidamadda Maraykanka ayaa ku dhawaaqay habeenimadii Jimcaha sabtiduna soo gelaysay iney dalka Yeman ku burburiyeen 7-raadaar oo ey leeyihiin Xuutiyiinta,Diyaado Drones ah iyo laba Doonyood aan cidna wedin. Arrintaan ayaa timid maalmo ka dib markii Xuutiyiinta ey weerar ku qaadeen Markab laga leeyahay dalka Giriiga oo maraayey Badda Cas kaasi oo burbur uu soo gaaray, isla markaasne uu ku caariyey badda.

ISHA/AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA: SARKAAL SARE OO DAACISH AH OO LAGU DILAY..

(SAWIRKA)-KOOXDA DAACISH.

(SYRIA)-Wararka ka imaanayo dalka Suuriya ayaa sheegaayo in Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM uu maanta oo Arbaca ah fuliyey duqeyn dhiaca cirka ah gudaha dalka Suuriya,duqeynta ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Suuriya,waxa uuna ahaay fududeeyaha hawlaha Daacish, sarkaalka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cusaama Jamaal Maxamed Ibraahim AL-Janabi magaciisa afgarashaddana waxa uu ahaay “LIITH AL-JANABI”,waxa uuna u dhashay dalka Ciraaq. Geeridda ninkaan(AL-Janabi) waxay carqaladeyn doontaa awooda kooxda Daacish ee dhianacyadda Agabka iyo fulinta weeraradda Argagixisonimo ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay barta (x) ee horay loo dhihi jiray Twitter. Bayaan ayaa lagu yiri’Ma jirto wax muuinaayo in weerarka ey dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay”.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUUDAAN OO RUNTA U SHEEGTAY IMAARAATKA CARABTA.

(SAWIRKA)-SAFIIRKA IMAARAATKA EE GOLAHA AMAANKA EE QM.

(NEW YORK)-Dalalka Suudaan iyo Imaaraatka Carabta ayaa Talaadadii shalay ahayd ku dagaalamay Xarunta Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobe ee magaaladda New York,Safiirka dalka Suudaan Al-Xaarithi ayaa eedeymo culus waxa uu u soo jeediyey dalka Imaaraatka Carabta,Eedeymahaas oo ku aadan in dawladda Imaaraatka Carabta ey hub iyo saanadba ey siiyo kooxda ka soo horjeedo dawaladda Suudaan ee Taageeradda deg dega ah ee uu hogaamiyo Xumeydeyti dagaalka socdo 14-bilood. Labada Safiir oo is ag fadhiya miiska Golaha Amaanka ee Qarmadda Midoobe ayuu Safiirka dawladda Imaaraatka Carabta Maxamed Abu Shihaab sheegay in dhigiisa dalka Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobe Al-Xaarithi idris Al-xaarithi Maxamed uu soo jeediyey wax lagu qoslo iyo Eedeymo been abuur ah oo loogu talagalay in lagu mashquuliyo xadgudubyadda culus ee ka dhacay dalka Suudaan. Dagaalka dalka Suudaan ayaa soo bilawday bishii Abriil ee sannadkii hore 2023-kii,dagaalka ayaa u dhexeeyo Xoogaga Taageeradda Deg deg ah(RSF) iyo Ciidamadda dawaladda Suudaan,dagaalka ayaa ka dhashay in loo gudbo Doorasho xor ah kana dhacda dalka Suudaan. Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ku dhawaad 25-milyan oo qofood oo ah kala bar shacabka Suudaan ey u baahan yihiin gargaar,waxaane soo food saartay Macluul,waxaane guryahoodii ka qaxay ilaa sideed milyan oo reer Suudaan ah.

ISHA/EA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO BAAJIYEY KULAN DHEXMARI LAHAAY..

(SAWIRKA)-BIDEN IYO NETANYAHU.

(WASHINGTON)-Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa baajiyey kulan heerkiisu sareeyo una dhexeeyey Maraykanka iyo Isra’iil,kulanka ayaa looga hadli lahyaa arrimo ku saasban dalka Iraan,kulanka ayaa lagu weday inuu qabsoomo Khamiista ka dib markii Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu uu maanta oo Talaada ah sii daayey Muqaal uu ku sheegaayo in dalka Maraykanka uu joojiyey gargaarkii Mileteri uu u diri lahaay Isra’iil,sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Maraykan ah lana hadlay wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee AXIOS. La taliyeyaasha sare ee Madaxweyne Joe Biden ayaa ka carooday Muuqaalka Netanyahu,fariin uu ergayga Maraykanka Amos Hochstein si shaqsi ah ugu diray Neatnyahu shir saacado qaatay,ka dib markii la daabacay,laba ilo wareed oo Maraykan iyo Isra’iil kala ah ayaa sidaas sheegay. Markaas ka dib Aqalka Cad ayaa go’aansaday inuu talaabo ka qaado Netanyahu waxaane la baajiyey kulankii dhici lahaay maalinta Khamiista ee soo socoto. “Go’aankan wuxuu si cad u qeexayaa iney jiraan cawaaqibyo ka dhalan kara oo keeni kara dhibaato caynkaas ah” ayuu yiri sarkaal Maraykan ah.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA UU YAALO 39-MILYAN TAN OO QASHIN AH.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.

(HAMILTON-CANADA)-Barnaamijka Degaanka ee Qaramada Midoobe ee loo soo gaabiyo (UNEP) ayaa soo saaray warbixin maanta oo Talaada ah taaso lagu soo bandhigay saameynta qotada dheer ee weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza,weerarada ayaa waxaa ka dhashay Qashin lagu qiyaasay inuu dhan yahay ilaa 30-Milyan oo Tan tan iyo marka laga soo bilaabo waqtigii uu bilaawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/2023-kii. Warbixinta oo la diyaariyey iyadoo lagu saleeyey macluumaad laga helay meelo fog iyo kuwa u dooda dadka ee ka tirsan Qaramada Midoobe kuna sugan halka ey wax ka dheceen lana sheegin sababo la xiriiro dhinaca amaankooda iyo xanibaadaha gelitaanka,ayaa lagu xusay in shaqada garoonka la qaban doono marka xaaladaha amaanku ogolaadaan. “Kororka Colaada tan iyo 7-Oktobar-2023-kii waxa ey si cad saaameyn weyn ugu yeelatay dadka iyo degaanka Marinka Gaza”ayey xustay warbixintu iyadoo ku nuuxnuuxsatay “Duqeynmaha Xoogan ee Isra’iil waxa ey keentay burbur aan horay loo arag oo la xiriira Kaabayaasha,Hantida gaarka ah,Wax soo saarka iyo bixinta adeegyadda bulshada”.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: DUQEYN LAGU LAAYEY KHUABRO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE DALAKA MARAYKANKA.

(ADEN/YEMAN)-Duqeymaha Maraykanka ee Goobaha Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ka gudbay heerkii lagu curyaamin lahaa Aaladaha soo saarista waxa eyna dhawaan u dhaqaaqeen beegsiga saxda ah ee bartilmaameedyadda tayadda leh. Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee bishaan Juun,weeraradaan ayaa sameeyn xoog leh ku yeeshay Xuutiyiinta,gaar ahaan dhawr weerar oo lagu burburiyey bartilmaameedyo gaar ah oo qiimo sare leh oo aan ahayn kaliyah jawaab celin anshax ama falcelin ah,marka lagu daro weerarada caadiga ah ee gentaaladda,diyaaradaha aan duuliyaha wedin,doomaha iyo raadaaradda si loo ilaaliyo socodka. Dhawr weerar oo ku dhawaad maalinle ah kuwaaso intooda badan ey ka dheceen Gobolka Xudeyda,ila wareedyo sare oo dhanka Amaanka ah ee Yeman ayaa ku sheegay bayaano ey heshay Warbaahinta AL-Ceyn News,waxa eyna sheegeen iney jiraan weeraro dhawr ah oo ey ku dhinteen 39-Qof oo ey ku jiraan Khubaro Ajnabi ah iyo Hogaamiyeyaal sare oo loogu yeero “CIIDANKA BADDA”. iyo ‘CIIDANKA CIRKA”,waxa eyna ku sugnaayeen meelo Qarsoodi ah oo dhulka Hoostiisa ah. Ilo wareedyadaan AL-Ceyn News u sheegay in afar Khubaro Ajnabi ah oo ku Takhasusay Nidaamka Raadaaradda iyo Aaladaha Dabagalka Badda lagu dilay mid ka mida duqeymaha lala beegsaday goob xasaasi ah oo ey ku sugan yihiin meleeshiyaadka Badda ee Xuutiyiinta dalka Yeman. Ilaha ayaa sharaxay afarta Khabiir ee la dilay iney ku jireen laba Khabiir oo u dhalatay dalka Iraan kana tirsanaay ilaaladda Kacaanka dalka Iraan iyo Khabiir seddexaad oo ka socday Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan oo dhalasho ahaan Afrikaan ah,waxaane la rumaysan yahay iney si Qarsoodi ah dalka Yeman ku soo galeen iyagoo soo maray dhinaca badda. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in duqeynta Maraykanka ee lagu dilay Khuabaradan ey dhacday xilli ey ku hawlanaayeen ilaalinta Agabka Mileteri ee Xuutiyiinta “Ciidanka Badda”ee ku sugnaay aaga “Jabanah”oo kaabiga ku haayo Xeradda Difaaca Xeebta ee dhanka waqooyi ee Xudeyda. Ilo wareedyo ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn kale oo Maraykan ah lala beegsaday goob Qarsoodi ah oo Xuutiyiinta ey dhuumaaleysanayeen taaso ahayd Konteener ku aasan Xeebta Xudeyda kuna xiran God dheer oo dhulka hoostiisa ah oo gaaraayo mid ka mida beeraha degaankaas. Sida lagu sheegay tirakoob ey diyaarisay warbaahinta AL-Ceyn News xogta laga helay Taliska dhexe ee Maraykanka,weeraradii lagu bartilmaameedsaday Xuutiyiinta ku kala sugan Sanca oo ah caasimadda iyo Reymah oo ah Gobol ku dhaw caasimadda Sanca mudadii u dhexeysay 1-da bishaan ilaa 15-ka bishaan waxaa lagu burburiyey 32-Doonyood, Radaar,Gentaalo,Qalab wax laga rido iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn. Shan iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay,tirakoobku waxa uu muujinayaa in la burburiyey 8-Doomood oo ey ku xirnaayeen Doomaha Drones-ka ah iyo Doomaha ilaaladda ah ee siday canaasiir hubaysan,iyo sidoo kale 8-Raadaar, 6-Gentaaladda Ridada Dheer ee Maraakiibta,6-Diyaaradood oo Drones ah iyo 4- Gentaal oo lidka Maraakiibta ah.

ISHA/YEMAN NEWS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUJAAY U DHALATAY URDUN OO KU DHIMATAY XAJKA.

(SAWIRKA)-MEYDADKA XUJAAYDA REER URDUN.

(MEKKAH)-In ka badan 1.8-Milyan oo qof ayaa isugu soo baxay Gudashada Waajibaadka Xajka ee magaaladda Makah ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Heer kulka ayaa kor u kacay iyadoo lagu jiro cibaadadii ugu dambeysay ee dhagax Tuurka Sheydaanka uu bilaabmay,waxa eyna Muslimiinta caalamka oo dhan maanta u dabaal degayaan Ciidul Adxaa. Ugu yaraan 14-Xujaay oo u dhalatay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleylka ka dhacay gudashada Waajibaadka Xajka ee dalka Sacuudiga,sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Urdun,Ururka Bisha Cas ee dalka Iraan ayaa sheegay in shan Xujaay una dhalatay dalka Iraan iney ku dhinteen Xajka sannadkan balse ma eysan bixin wax faafaahin ah.Wararka ku saabsan geeridda Xujaayda ayaa imaanayo iyadoo Xujaaydu ey gudanayaan cibaadadii ugu dambeyay uguna weyneed Xajka taasoo calaamad u ah dhagxinta Sheydaanka ee ka socoto Galbeed Sacuudiga.

ISHA/DW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAX XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS OO KA..

(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.

(QAHIRA)-Hogaamiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ayaa maanta oo Axad ah Xaqiijiyey in jawaabta Xamaas ee soo jeedinta Xabad-joojinta ey la mid tahay mabaadii’ada ku qeexan khudbadii Madaxweyne Biden iyo Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee ku saabsanaay Marinka Gaza. Hadalka Ismaaciil Haniyah ayaa yimid intii lagu guda jiray khudbadii Ciidul Adxaa ka dib eedeynmo rasmi ah uu Maraykanku u soo jeediyey Xamaas oo ah iney Xamaas ka weecatay Hindisihii Xaad-Joojinta uu taageeray Madaxweyne Biden. “Fasax kale ayaa u furmay Falastiiniyiinta maadaama ey sii wadato halganka ey kaga soo horjeedo dadka qabsaday dhinac walba”ayuu yiri Ismaaciil Haniyah. “Ciidamadda Difaac Isra’iil oo gaysanaya xadgudubyo ba’an iyo xasuuq ayaa ku guul daraystay iney gaaraan ujeedooyinkoodii iyadoo calaamado jahwareer ah ey ka muuqdaan gudaha Xukuumadda Israiil”ayuu Ismaaciil ahaniyah raaciyey hadalkiisii.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

1,833,164-XAAJI AYAA SANNADKAN SOO XAJIYEY.

(SAWIRKA)-XAJKA SANNADKAN-2024-KA.

(MAKAH-KSA)-Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday in tirada guud ee Xujayda sannadkan 1445/2024-ka ey gaartay 1,833,164-Xaaji oo ey ku jiraan 1,611,310-Milyan Xujaay oo ka kala yimid in ka badan 200-dal kuwaaso soo maray goobaha laga soo galo dalka Sacuudiga,waxaa kaloo ka mid ah dadka sannadkan xajiyey Xujaay u dhalatay dalka Sacuudiga iyo dadka degan Sacuudiga balse aan u dhalan Sacuudiga,dadkaan ayey wadartooda guud waxa ey noqotay 221,854-Xaaji,tiradda Raga ee sannadkan Xajisay ayaa dhan 958,137-kun halka Dumarku ey yihiin 875,027-Qof. Hayadda dalka Sacuudiga u qaabilsan tirakoobka Xujaayda sannadkan ayaa sheegtay in 22.3% ey yihiin Xujaay ka timid dalalka Carabta Soomaaliduna ey ka mid tahay, 63.3% waxa ey ka yimideen wadamadda Asiya,Wadamadda Qaaradda Afrika ee aan Carabta ahayn ayaa waxaa ka soo xajiyey 11.3%, Xujaayda ka kala yimid Ameerika,Yurub, Australiya iyo wadamadda kale ee aan la kala saarin ey tiradoodu dhan tahay-3.2%. Hayadda ayaa xustay in tiro dhan 1,546,345-milyan ey ku yimaadeen Diyaarad, 602,251-Xaajine ey ku yimaadeen dhinaca badda halka 4714-Xaaji ee ku yimideen dhinaca dhulka.

ISHA/SAW.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAN WADAN OO CARAB AH LANA SHIRAY ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)-GEN.HERZI HALEVI.

(MANAMA)-Wargayska Middle East Monitor ee ka soo baxa London kana hadla arrimaha adduunka gaar ahaan arrimaha ka taagan Gobolka Bariga dhexe ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu soo daabacay Warbixin uu Cinwaan uga dhigay”TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADDA ISRA’IIL AYAA DALKA BAXRAYN KULA KULMAY SHAN TALIYE CIIDAN OO CARAB AH”. Talaabadaan ayey dad badan waxa ey u qaateen in lagu qiyaamaayo shacabka Falastiin,waxaane horaantii todobaadkan magaaladda caasimdda ah ee Manama ee dalka Baxreyn kula kulmay Jineraalo ka kala socda dhawr wadan oo Carbeed sida Baxreyn,Imaaraatka Carabta,Sacuudiga,Urdun iyo Masar,ujeedka kulanka dhexmaray Taliyeyaasha Carbeed iyo mid Isra’iil ayaa ahayd in laga wada hadlo Iskaashiga Amniga Gobolka Bariga dhexe. Kulanka ayaa ahaay mid Qarsoodi ah waxaane soo wariyey Wargayska Maraykanka laga leeyahay ee AXIOS,waxaane shirka soo Agaasimay Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,waxa uuna dhacay iyadoo ey socdaan duqeymo ey Isra’iil ka gaysaneyso Marinka Gaza kuwaaso galaaftay nolosha in ka badan 36-kun qofood oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar. Kulanka oo aan si cad loo shaacin sababo la xiriira jawiga siyaasadeed ee xasaasiga ah ee ku xeeran hawlgaladda Mileteri ee Isra’iil ey ka wado dhulka go’odoonsan ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Gen.Herzi Halevi oo ah Madaxa Guud ee Ciidamadda Isra’iil iyo Taliyaha haysta Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka kuna sugan Gobolka Bariga dhexe Gen.Micheal Erik. Kulanka ayaa calaamad u noqday in wada hadaladda Mileteri iyo iskaashiga amni u dhexeeyo Isra’iil iyo wadamadda Carabta uu sii socdo hoos tagane Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,in kastoo dhaleeceyn adag ey dadweynuhu ujeedinayaan Isra’iil.

ISHA/MEMO.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAXAFIYAD SUMCAD DIL KU SAMEYSAY BOQORKA URDUN OO LA XUKUMAY.

(SAWIRKA)-HEBA ABU DHAHA.

(AMMAN)-Saxafiyad u dhalatay dalka Boqortooyadda Urdun lana yiraahdo HIBA ABU DHAAHA ayaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah ka dib markii ey daabacday warbixin daaha ka feyday doorka la sheegay in Boqortooyada Urdun ey ku leedahay u dhoofinta badeecadaha Isra’iil iyadoo la marinaayo marin dhuleedka boqotooyadda Urdun. Warbixinta ey qortay Hiba Abu Dhaaha ayaa cinwaan looga dhigay”La hawlgalayaasha Xasuuqa…caasimadda Urdun ee ku lug leh xasuuqa Marinka Gaza” warbixinta ayaa lagu daabacay Annasher oo ah Warbaahin Lubnaani ah. Waxay qeexeysaa ku lug lahaanshaha qaar ka mid ah shirkadaha Urdun ee soo daabula alaabta Isra’iil iyadoo la maraayo marin dhul. Bishii Feberaayo,Reysal Wasaaraha dalka Urdun Bisher ayaa dafiray iney jirto wado dhulka ah oo ka timid dalkiisa kuna socota Isra’iil, isagoo ku tilmaamay warbixinadda lagu eedeyey iney yihiin”Farsamo”,waxa uuna sheegay in 25-sano ee la soo dhaafay inaan la bedelin wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Boqortooyadda Urdun. Sida uu dhigaayo sharci khuseeyo dembiyadda Internet-ka lana ansixiyey sannadkii hore gudaha dalka Urdun,Waxaa dembi ah Sumcad dil(Defame),War been ah(False News) iyo Aflagaadada(Slander),ciqaabta uu muteysanaayo qofkii lagu helo Dembiyadda Internet-ka gudaha dalka Urdun waa ganaax dhan 5-kun oo Diinaarka Urdun ah una dhiganta $7-kun oo doolarka Maraykanka ah iyo xabsi dhan 3-bilood iyo wixii ka badan ah.

ISHA/MEE.

SII AKHRI.

Read More