MADAX XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS OO KA..
(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.
(QAHIRA)-Hogaamiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ayaa maanta oo Axad ah Xaqiijiyey in jawaabta Xamaas ee soo jeedinta Xabad-joojinta ey la mid tahay mabaadii’ada ku qeexan khudbadii Madaxweyne Biden iyo Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee ku saabsanaay Marinka Gaza. Hadalka Ismaaciil Haniyah ayaa yimid intii lagu guda jiray khudbadii Ciidul Adxaa ka dib eedeynmo rasmi ah uu Maraykanku u soo jeediyey Xamaas oo ah iney Xamaas ka weecatay Hindisihii Xaad-Joojinta uu taageeray Madaxweyne Biden. “Fasax kale ayaa u furmay Falastiiniyiinta maadaama ey sii wadato halganka ey kaga soo horjeedo dadka qabsaday dhinac walba”ayuu yiri Ismaaciil Haniyah. “Ciidamadda Difaac Isra’iil oo gaysanaya xadgudubyo ba’an iyo xasuuq ayaa ku guul daraystay iney gaaraan ujeedooyinkoodii iyadoo calaamado jahwareer ah ey ka muuqdaan gudaha Xukuumadda Israiil”ayuu Ismaaciil ahaniyah raaciyey hadalkiisii.
ISHA/AA.