SHAN WADAN OO CARAB AH LANA SHIRAY ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)-GEN.HERZI HALEVI.

(MANAMA)-Wargayska Middle East Monitor ee ka soo baxa London kana hadla arrimaha adduunka gaar ahaan arrimaha ka taagan Gobolka Bariga dhexe ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu soo daabacay Warbixin uu Cinwaan uga dhigay”TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADDA ISRA’IIL AYAA DALKA BAXRAYN KULA KULMAY SHAN TALIYE CIIDAN OO CARAB AH”. Talaabadaan ayey dad badan waxa ey u qaateen in lagu qiyaamaayo shacabka Falastiin,waxaane horaantii todobaadkan magaaladda caasimdda ah ee Manama ee dalka Baxreyn kula kulmay Jineraalo ka kala socda dhawr wadan oo Carbeed sida Baxreyn,Imaaraatka Carabta,Sacuudiga,Urdun iyo Masar,ujeedka kulanka dhexmaray Taliyeyaasha Carbeed iyo mid Isra’iil ayaa ahayd in laga wada hadlo Iskaashiga Amniga Gobolka Bariga dhexe. Kulanka ayaa ahaay mid Qarsoodi ah waxaane soo wariyey Wargayska Maraykanka laga leeyahay ee AXIOS,waxaane shirka soo Agaasimay Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,waxa uuna dhacay iyadoo ey socdaan duqeymo ey Isra’iil ka gaysaneyso Marinka Gaza kuwaaso galaaftay nolosha in ka badan 36-kun qofood oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar. Kulanka oo aan si cad loo shaacin sababo la xiriira jawiga siyaasadeed ee xasaasiga ah ee ku xeeran hawlgaladda Mileteri ee Isra’iil ey ka wado dhulka go’odoonsan ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Gen.Herzi Halevi oo ah Madaxa Guud ee Ciidamadda Isra’iil iyo Taliyaha haysta Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka kuna sugan Gobolka Bariga dhexe Gen.Micheal Erik. Kulanka ayaa calaamad u noqday in wada hadaladda Mileteri iyo iskaashiga amni u dhexeeyo Isra’iil iyo wadamadda Carabta uu sii socdo hoos tagane Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,in kastoo dhaleeceyn adag ey dadweynuhu ujeedinayaan Isra’iil.

ISHA/MEMO.

SII AKHRI.

Previous
Previous

1,833,164-XAAJI AYAA SANNADKAN SOO XAJIYEY.

Next
Next

SAXAFIYAD SUMCAD DIL KU SAMEYSAY BOQORKA URDUN OO LA XUKUMAY.