DAACISH OO WALXA QARXA KU XIRTAY MASJIDKA ALNURI.
(SAWIRKA)-DHISMAHA MASJIDKA ALNURI.
(IRAQ)-Hayad ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa sheegtay iney shan bambooyin ah ka heshay gidaarka Masaajidka Caanka ah ee magaaladda Muusal ee AL-Nuuri kaaso ey sannado ka hor dhigeen kooxda Argagixisadda Daacish(ISIS) xiligii ey socotay hawl dib u soo celin ah oo laga weday Waqooyiga dalka Ciraaq. Shan Qalabka Qarxa ah oo aad u waawey oo loogu talagalay iney dhaliyaan burbur aad u weyn oo goobta ah ayaa laga helay gidaarka Koonfureed ee hoolka Salaada maalintii Talaadada ahayd,sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee AFP u sheegay Wakiil ka socday Hayadda UNESCO. Masjidka AL-Nuuri ee magaaladda Muusal iyo Minaaradda ku dhegan oo lagu naaneysi jiray AL-Hadba”Hunchback”kaa oo soo taxnaay ilaa qarnigii 12-aad,ayaa lagu burburiyey dagaalkii lagu doonaayey in magaaladda Muusal looga saaro kooxda Daacish. Ciidamadda dalka Ciraaq ayaa ku eedeeyey kooxda Daacish(ISIS) oo muddo seddex sano ah qabsatay magaaladda Muusal iney goobtaas ku aaseen waxaha qarxa oo ey ciidamadu Qarxiyeen. Hayadda UNESCO oo ah Hayad Qaramada Midoobe u qaabilsan dhaqanka ayaa ku hawlaneed sidii ey dib ugu soo celin lahayd Masaajidka iyo goobaha kale ee dhaqanka ee magaaladda Muusal,intooda badan Goobaha taariikhiga ah ayaa noqday kuwa ku burburay dagaalkii lala galay kooxda Daacish(ISIS).
ISHA/NA.