YEMAN: DUQEYN LAGU LAAYEY KHUABRO IRAAN AH.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE DALAKA MARAYKANKA.
(ADEN/YEMAN)-Duqeymaha Maraykanka ee Goobaha Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ka gudbay heerkii lagu curyaamin lahaa Aaladaha soo saarista waxa eyna dhawaan u dhaqaaqeen beegsiga saxda ah ee bartilmaameedyadda tayadda leh. Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee bishaan Juun,weeraradaan ayaa sameeyn xoog leh ku yeeshay Xuutiyiinta,gaar ahaan dhawr weerar oo lagu burburiyey bartilmaameedyo gaar ah oo qiimo sare leh oo aan ahayn kaliyah jawaab celin anshax ama falcelin ah,marka lagu daro weerarada caadiga ah ee gentaaladda,diyaaradaha aan duuliyaha wedin,doomaha iyo raadaaradda si loo ilaaliyo socodka. Dhawr weerar oo ku dhawaad maalinle ah kuwaaso intooda badan ey ka dheceen Gobolka Xudeyda,ila wareedyo sare oo dhanka Amaanka ah ee Yeman ayaa ku sheegay bayaano ey heshay Warbaahinta AL-Ceyn News,waxa eyna sheegeen iney jiraan weeraro dhawr ah oo ey ku dhinteen 39-Qof oo ey ku jiraan Khubaro Ajnabi ah iyo Hogaamiyeyaal sare oo loogu yeero “CIIDANKA BADDA”. iyo ‘CIIDANKA CIRKA”,waxa eyna ku sugnaayeen meelo Qarsoodi ah oo dhulka Hoostiisa ah. Ilo wareedyadaan AL-Ceyn News u sheegay in afar Khubaro Ajnabi ah oo ku Takhasusay Nidaamka Raadaaradda iyo Aaladaha Dabagalka Badda lagu dilay mid ka mida duqeymaha lala beegsaday goob xasaasi ah oo ey ku sugan yihiin meleeshiyaadka Badda ee Xuutiyiinta dalka Yeman. Ilaha ayaa sharaxay afarta Khabiir ee la dilay iney ku jireen laba Khabiir oo u dhalatay dalka Iraan kana tirsanaay ilaaladda Kacaanka dalka Iraan iyo Khabiir seddexaad oo ka socday Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan oo dhalasho ahaan Afrikaan ah,waxaane la rumaysan yahay iney si Qarsoodi ah dalka Yeman ku soo galeen iyagoo soo maray dhinaca badda. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in duqeynta Maraykanka ee lagu dilay Khuabaradan ey dhacday xilli ey ku hawlanaayeen ilaalinta Agabka Mileteri ee Xuutiyiinta “Ciidanka Badda”ee ku sugnaay aaga “Jabanah”oo kaabiga ku haayo Xeradda Difaaca Xeebta ee dhanka waqooyi ee Xudeyda. Ilo wareedyo ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn kale oo Maraykan ah lala beegsaday goob Qarsoodi ah oo Xuutiyiinta ey dhuumaaleysanayeen taaso ahayd Konteener ku aasan Xeebta Xudeyda kuna xiran God dheer oo dhulka hoostiisa ah oo gaaraayo mid ka mida beeraha degaankaas. Sida lagu sheegay tirakoob ey diyaarisay warbaahinta AL-Ceyn News xogta laga helay Taliska dhexe ee Maraykanka,weeraradii lagu bartilmaameedsaday Xuutiyiinta ku kala sugan Sanca oo ah caasimadda iyo Reymah oo ah Gobol ku dhaw caasimadda Sanca mudadii u dhexeysay 1-da bishaan ilaa 15-ka bishaan waxaa lagu burburiyey 32-Doonyood, Radaar,Gentaalo,Qalab wax laga rido iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn. Shan iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay,tirakoobku waxa uu muujinayaa in la burburiyey 8-Doomood oo ey ku xirnaayeen Doomaha Drones-ka ah iyo Doomaha ilaaladda ah ee siday canaasiir hubaysan,iyo sidoo kale 8-Raadaar, 6-Gentaaladda Ridada Dheer ee Maraakiibta,6-Diyaaradood oo Drones ah iyo 4- Gentaal oo lidka Maraakiibta ah.
ISHA/YEMAN NEWS.