YEMAN: WEERARO LAGU QAADAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-MARKABKA GALAXY LEADER.
(SANA’A-YEMAN)-Ciidamadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay iney burburiyeen saldhig dhulka laga hago iyo qeybo ka mid ah taliska iyo maamulka oo ku yaalo degaan ey Xuutiyiinta Yeman maamulaan. Taliska dhexe ee Ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamadooda ey sidoo kale burburiyeen laba cutub oo ah Diyaaradaha aan duuliyaha wedin(DRONES) ee ka tirsan ciidamadda Xuutiyiinta ee maraayey badda Cas. Maalintii shalay oo Talaada ahayd Mileteriga Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saaca ee la soo dhaafay ey burburiyeen 8-diyaaradood oo ey Xuutiyiintu leeyihiin kuwaaso ku sugnaa biyaha Yeman iyo mid mareysay Gacanka Cadmeed. Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ayaa bartiisa(x) ku yiri”Wax waxyeelo ah ma eysan soo gaarin Maraakiibta Maraykanka,Maraakiibta Isbahaysiga ama Maraakiibta Ganacsiga,mana la diiwaan gelinin wax dhibaata ah”. Ciidamadda Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa weerar ku qaaday kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan Xudeyda iyo Jaziiradda Kamaraan ee dalka Yeman,sida ey sheegtay warbaahinta gudaha. Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in Isniintii la soo dhaafay in Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ey ugu yaraan lix weerar oo xagga cirka ah ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee Xudeyda iyo afar weerar oo ka dhacay Jazeeradda Kamaraan oo dhaw dekedaa Saleef ee dhacda Badda Cas dhulka Yeman. Ciidamadda Maraykanka ayaa ku dhawaaqay habeenimadii Jimcaha sabtiduna soo gelaysay iney dalka Yeman ku burburiyeen 7-raadaar oo ey leeyihiin Xuutiyiinta,Diyaado Drones ah iyo laba Doonyood aan cidna wedin. Arrintaan ayaa timid maalmo ka dib markii Xuutiyiinta ey weerar ku qaadeen Markab laga leeyahay dalka Giriiga oo maraayey Badda Cas kaasi oo burbur uu soo gaaray, isla markaasne uu ku caariyey badda.
ISHA/AN.