DUQEYN KA DHACDAY DIMISHIQ CAAWA FIIDKII.
(SAWIRKA)-URURKA XIZBULLAH.
(SYRIA)-DEG DEG: Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in halkaasi caawa laga maqlay Qaraxyo isku xiga oo aad u xoogan,warbaahinta dalkaasi Suriya ayaa soo sheegtay in Qaraxyo laga maqlay hawada magaaladda Dimishiq iyo dhulka baadiyaha ah ee deriska la ah caasimadda Dimisihiq. Warbaahinta ayaa sheegtay in xog hordhac ah oo la helay ey tilmaamayso in Qaraxyada la maqlay ey yihiin duqeyn ey gaysteen diyaaradaha dagaalka ee dalka Isra’iil kuwaaso maalmihii ugu dambeeyey duqeyn ku haayey goobo gaara ah. Inta badan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ka dhacay dalka Suriya ayaa lala beegsadaa goobo ey ku sugan yihiin Ururka Xizbullah ee reer Lubnaan eyna taageerto dawladda Iraan,goobaha sida aadka ah loo duqeeyo ayaa waxaa ka mid ah Bakhaaradda lagu keydiyo Hubka,rasaasta,Cuntada ey iska leeyihiin kooxaha ey taageerto Iraan iyo kuwa ey iska leeyihiin ciidamadda dalka Suriya. Ka dib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil Oktobar-2023-kii waxaa sii kordhay si aad ahne u xoogaystay duqeynta ey Isra’iil ka gaysato dalka Suriya,waane wax aad u yar in la arko Isra’iil oo ka hadasho weerarka duqeynta ah ey ka gaysato gudaha dalka Suriya,sidoo kale dalka Maraykanka ayaa bartilmaameedsado kooxaha ey taageerto Iraan ee ku sugan Bariga Suriya.
ISHA/SBM.
HOGAAMIYE SARE OO AL-QAACIDA AH OO KU DHINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYE ALQAACIDDA.
(MUKALLA-YEMAN)-Wararka ka imaanayo Gobolka Xadarmuut Koonfur Bari dalka Yeman ayaa sheegaayo in Hogaamiyihii AL-Qaacidda Maanac Cabdallah Bin Hadbaan AL-Duhmi loona yaqaano Abu Carjaf AL-Jawfi ayaa ku dhintay daadad ku soo rogmada Togga Wadi Sir ee degmada AL-Qutni ee Gobolka Xadarmuut ee Koonfur-Bari ee dalka Yeman. Ila wareedyo isku mid ah oo gudaha iyo kuwa warbaahinta ah ayaa xaqiijiyey geeridda Horjoogaha AL-Jawfi oo lagu tiriyo mid ka mid ah hogaamiyeyaasha caanka ah ee Ururka Argagixisada ee AL-Qaacidda. AL-Jawfi ayaa AL-Qaacidda ku biiray sannadkii 2016-kii,waxaane si dhaqsi ah uu caan uga noqday Waqooyi-Bari ee dalka Yeman. Abu Carfaj ayaa kaalin weyn ka qaatay sidii madaxda Ururka AL-Qaacidda ey u heli lahaayeen goobo nabdoon oo ey ku maamulaan dhaqdhaqaaqooda inta u dhexeysa goboladda Ma’arib iyo Jawf. Dalka Yeman ayaa waxaa ka hawlgalo kooxo badan oo iska soo horjeedo kalana fikir duwan waxaane kooxahaas ka mid ah Xuutyiinta oo Shiica ah iyo AL-Qaacidda,waxaane suurtagal ah in kooxda Xuutiyiinta doonayaan sidii ey ula wareegi lahaayeen.
ISHA.SBM.
XUUTIYIINTA OO BARAKICIN KA WADA….
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo casimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ee maamusha Waqooyiga dalka Yeman intiisa badan ey bilaawday iney barakicin ka sameeyso qeybo ka mid ah degaanada Gobolka Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman. Sida uu dhigaayo Qorshaha dawladda Iraan,Xuutiyiinta ayaa bilaabay barakicinta mawaadiniinta degan Xudeyda,maleeshiyaad Xuutiyiinta ayaa dhisaya wado gaaban oo loo maro Raas Ciise kana timaad degaanka AL-Mamlaax ee xeebta halkii ey ka dhisi lahaayeen wadada weyn,si ey ugu fududaato daabulidda agabka laga keenay dalka Iraan si loogu weeraro Maraakiibta marta Badda Cas. Ila wareedyo maxali ah oo rasmi ah ayaa shaaca ka qaaday hawlgalo qasab ah oo maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey ka fuliyeen degaanka Raas Ciisa ee Gobolka Xeebta Xudeyda ee dhaca Galbeedka Yeman. Ku-xigeenka xoghayaha Gobolka Xudeyda Waliid AL-Qadami ayaa sheegay in gudi ku xiran waxa loogu yeero Nabad Sugida iyo Sirdoonka Xuutiyiinta ey soo degeen oo ey diiwaan geliyeen tirada Qoysaska iyo mawaadiniinta ee Raas Ciisa oo ka kooban seddex Tuulo oo kala ah Diir AL Zuxayfi,Diir AL weli iyo Dabrah si loogu diyaar garoobo sidii looga soo wareejin lahaay Gobolka iyagoo raacaayo wadadii ey Isra’iil ka sameysaneysay Marinka Gaza. AL Qadimi ayaa ka digay barakicinta mawaadiniinta isagoo ku micneeyey in maleeshiyaadku Xuutiyiinta doonayaan iney Raas Ciisa ka dhigaan aaga dhaqaale oo shidaal sida qorshaha ey wadaan iyo si ey ugu shaqeeyaan si raaxo leh iyadoo eysan joogin mawaadiniinta Gobolka. Shaqada ayaa socoto iyadoo ey kormeerayaab khubaro ka socoto dalka Iraan iyo kuwa kale oo ajaanib ah xilliyada qaarkood goobjoog ka ah hawsha sida ey u socoto.
ISHA/SBM.
QARAX XOOGAN OO KA DHACAY SUUQ CAAN AH.
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY XALAB.
(SYRIA)-Kooxda la socoto arrimaha Xuquuqul Insaanka dalka Suriya ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in 8-qofood ey ku dhinteen 23-kalane ey ku dhaawacmeen Qarax laga soo buuxiyey Baabuur oo lala beegsaday Suuq caan ah oo ku yaalo magaaladda Iczaz ee Gobolka Xalab ee dalka Suriya. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay goobo ey sugan yihiin kooxaha uu taageero dalka Turkiga,waxaane ka dhashay burbur xoogan iyo dab qabsaday goobta,taaso muujineysa in khasaaraha hadda la ogaaday uu yahay mid hordhac ah,mana jirto cid sheegatay ilaa hadda Qaraxaas. Magaaladda Iczaz ayaa horay waxaa uga dhacay Qaraxyo loo adeegsaday Walxaha Qarxa iyo Gawaari laga soo buuxiyey walxaha Qarxa,waxaane sidaan oo kale ey dhacday dhammaan degaanada dhaca baadiyaha Waqooyiga Xalab. Labaatankii bishii hore ee Feberaayo ayey ahayd markii nin darawal ahaa uu ku dhintay laba askeri oo ciidmaada Mileteriga ka tirsane ey ku dhaawacmeen,kuwaaso dhammaantood loo qaaday Isbitaalk si halkaas loogu daaweeyo,Qaraxa ayaa ahaay mid Gaari ey walaxaha Qarxa ka buuxaan oo lala beegsaday barta koontarool ey ciidamadda ka soo galaan magaaladda AL-raaci oo ey gacanta ku hayaan kooxda ey taageerto Turkiga ee ku sugan baadiyaha Waqooyiga magaaladda Xalab ee dalka Suriya.
ISHA/SBM.
ISRA’IIL OO DOONAYSA IN CIIDAMO CAALAMI AH LA KEENO…
(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA SOO GAARAY.
(WASHINGTON)-Intii lagu guda jiray booqashadiisa Washington ee todobaadkan,Wasiirka difaac Isra’iil Yoav Gallant wuxuu soo qaaday suurtagalnimada in la dhiso ciidan Mileteri oo caalami ah oo ka socdo wadamada Carabta si loo hagaajiyo sharcga iyo nidaamka Marinka Gaz loona gelbiyo kolonyada gagaarka bani’adanimo ,sidaas waxaa Wargayska Axios ee dalka Maraykanka u sheegay laba sarkaal oo sare oo reer Isra’iil ah. Dalka Isra’iil waxaa saaran cadaadis ah iney hagaajiso qeybinta gargaar ee Marinka Gaza,taaso Qaramada Midoobe ey sheegtay in Marinka Gaza uu qarka u saaran yahay iney ka dhacdo Macluul baahsan. Saraakiisha Isra’iil ayaa sidoo kale aaminsan in ciidamo ka socdo wadama badan ey gacan ka gaysan karaan sameynta bedelka Xukuna Xarakadda Xamaas ee maamulka Marinka Gaza. “Talaabadda nuucaan oo kala ah waxay dhisi doontaa gole maamul oo ka jira dhulka aan Xamaas ahayn,waxayna wax ka qaban doontaa dhibaatada sii kordhaysa ee Isra’iil ku hayso Maraykanka marka ey timaado xaaladda bani’adanimo ee Marinka Gaza”ayuu yiri sarkaal sare oo reer Isra’iil ah.
ISHA/AXIOS.
ISRA’IIL OO WEERARTAY GAROONKA XALAB.
(SAWIRKA)-QARAXYADII XALAB.
(SYRIA)-Saacado ka dib duqeyn ey Isra’iil ka fulisay jihadda Buuraha Goolan ayaa lala beegsaday dhismo ey degan yihiin dad rayid ah oo ku yaalo gobolka baadiyaha ee caasimadda Dimishiq,waxaane Qaraxyo xoogan laga maqlay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Xalab. Isra’iil ayaa weerar ku qaaday bakhaaradda hubka ee ku dhaw garoonka la weeraray ee Xalab,taaso keentay dhimashada in ka badan 36-qofood oo rayid iyo askar ah,sida ey sheegtay kooxda la socoto xuquuqda aadanaha ee dalka Suriya. Sida la cadeeyey weerarka ayaa “lala beegsaday bakhaaro ey ku jireen Gentaalo uu iska leeyahay Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan oo ku yiileen degaanka Jubreyn oo u dhaw garoonka caalamiga ah ee Xalab”. Warka ayaa intaas raaciyey”Qaraxyo kuwaan la mid ah ayaa laga maqlay AL-Safiir iyo Kafar Juum oo dhaca Galbeed Xalab,iyadoo dhawaqyada Qaraxyada ey weli socdaan lana xaqiijiyey iney jiraan dhimasho iyo dhaawacyo fara badan oo gaaray tobaneey askar ah kuwaaso uu galaafteen qaraxyada ka dhashay bakhaaradda la weeraray. Dhinca kale, laba ilo wareed ayaa shaaca ka qaaday in weerarada Isra’iil ey sababeen dhimashada shan xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan. Arrintaan ayaa timid ka dib markii ey Wasaaradda Difaaca ee dalka Suriya ey soo saartay bayaan kuna sheegtay in tiro dad rayid iyo askar ah lagu dilay amaba lagu dhaawacay weerar ey Isra’iil ku qaaday goobo ku yaalo baadiyaha Xalab. Wasaaradda ayaa sheegtay in weerarada ey dheceen (1:45)-subaxnimo waqtiga maxaliga ah jihada Arya ee Koonfur Bari Xalab. Waxay sidoo kale tilmaantay Wasaaradda in duqeynta ey ku soo beegantay wax ey Wasaaradda ku tilmaantay “Weerar ey fuliyeen Ururo Argagixiso oo ka yimid Idlib iyo baadiyaha Galbeed ee Xalab oo doonaayey iney ku bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah ee ku nool magaaladda Xalab iyo nawaaxigeeda.” Waxaa kaloo ey Wasaaradda difaaca Suriya ey Xaqiijisay iney jiraan khasaaro hantiyeed oo soo gaaray dadweynaha Xalab iyo hanti ey leedahay xukuumadda Suriya.
ISHA/AL-ARABIYA.
CIIDAMADDA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY…
(SAWIRKA)-MARKABKA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo inta u dhexeysay 6:00 ilaa 10:56-PM ee waqtiga caasimadda Sanca maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 28/24-ka ey dheceen weeraro dhinaca cirka ah waane maalintii labaad oo xiriir ah ayuu taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) sheegay inuu si guul ah ey ku hawlgeleen ciidamada laguna burburiyey afar diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha wedin ee Drones-ka(UAS) kuwaaso ey soo tuureen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan. Diyaaradaahan Drones-ka ah ayaa ujeedkoodu ahaay in lagu weeeraro laguna waxyeeleeyo Maraakiibta Isbahaysiga,Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ganacsiga ee mara Biyaha Badda Cas,balse weerarkaas waxaa iska difaacay Isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka kuna sugan Badda Cas,mana jiraan wax khasaara ah oo soo gaaray Maraakiibta ciidamadda badda ee Maraykanka,kuwa ishabahaysiga iyo kuwa Ganacsiga. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) ayaa go’amiyey in hubkani uu soo bandhigay khatar ku wajahan Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta ciidamadda badda ee Maraykanka ee jooga gobolka.Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah laga dhigo kuwa amaan ah oo amaan u ah ciidamadda badda ee Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee marta Biyaha Badda Cas.
ISHA/CENTCOM.
ISRA’IIL OO WEERARTAY CAASIMADDA DIMISHIQ.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE ISRAEL.
(SYRIA)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Isra’iil ayaa maanta oo Khamiis ah weerar dhanka cirka ah ku qaaday dhisme ku yalaao xaafad ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq halkaas ey ku dhaawacmeen laba qofood,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta Suriya. Iyadoo soo xiganeyso ilo wareedyo Mileteri ayey Wakaaladda Wararka ee dalka Suriya SANA sheegtay in weerarku uu dhacay (5:50)-PM ee waqtiga maxaliga ah. SANA ayaa sheegtay in nidaamyada difaca cirka ee dalka Suriya ey soo rideen inta badan Gentaaladdii ka imaanayey buuraha Goolan,waxaane ku dhaawacmay laba qofood oo rayid ah,waxaane jira burbur soo gaaray hanti. Magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq iyo nawaaxigeeda ayaa la ogyahay iney martigeliyaan ciidamadda xukuumadda Suriya,kooxaha aragagixisada ah ey tageerto Iraan iyo canaasiirta Ururka Xisbullaahi ee reer Lubnaan. Tan iyo bilawgii dagaalka sokeeye ee Suriya sannadkii 2011-kii, Isra’iil waxay si is daba joog ah u waday weeraro ka dhan ah kooxaha ey taageerto Iraan iyo goobaha Mileteriga ee ciidamadda dalka Suriya.
ISHA/AA
GOLAHA DAGAALKA ISRA’IIL OO ISKU KHILAAFAY IN LA WEERARO..
(SAWIRKA)-MADAXA MOSSAD DAVID BARNEA.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo Isra’iil ayaa sheegaayo in Madaxa Sirdoonka dalka Isra’iil ee Mossad David Barnea ayaa ku wargeliyey Golaha Wasiiradda ee dagaalka iney suuragal tahay in horumar laga gaaro wada xaajoodka Xamaas iyo in la muujiyo debecsanaan qiima leh kuna saabsan arrinta soo noqoshada dadka degan Waqooyiga Marinka Gaza. Reysal Wasaare Netanyahu ayaa ka soo horjeedo tafaasiisha uu soo bandhigay wuxuune taas bedelkeed Netanyahu weydiistay Golaha diyaarinta Hawlgal Mileteri oo lagu qaado Rafax. Sida maanta oo Khamiis ah laga soo xigtay TV-ga 12-aad ee ku hadla luqadda Cibriga David Barnea ayaa sheegay in laga fikiro xal cusub iyo in xal laga gaaro soo celinta 40-maxaabiis oo Isra’iil ah oo nool ey mudan yihiin in loo gurmado sii deyntooda ayago bed qaba,hadalka Madaxa Mossad ayaa waxaa taageeray Wasiiradda Benny Gantz,Gadi Eisenkot iyo Wasiirka Istaraatiijiyadda Ron Dermer.
ISHA/ARAB.
CIIDAMADA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY…
(SAWIRKA)-MARAKABKA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Mileteriga dalka Maraykanka ayaa sheegay iney soo rideen afar diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wedin ah(DRONES) ka dib markii kooxda Xuutiyiinta Yeman ey taageerto Iraa ey ku soo weerareen Markab dagaal uu iska leeyahay Maraykanka kuna sugnaay Badda Cas. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykaka(CENTCOM) ayaa bayaan uu soo saaray kuna daabacay bartiisa(X) ee horay loo oran jiray Twitter in ciidamadooda ey “ku hawlanaayeen eyna burburiyeen afar diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha wedin ee ridada dheer” saacada markey ahayd labadii duhurnimo ee xilliga caasiadda Sanca ee dalka Yeman(23:00GMT),taliska ayaa intaa raaciyey in aaney jirin wax dhaawac ah ama khasaara ah oo soo gaaray ciidamadda Maraykanka amaba Maraakiibta isbahaysiga. “Waxaa la go’aamiyey in Drones-kan ey yihiin khatar ku soo wajahan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan Gobalka”. “Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo laaliyo xuriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah la dhigo kuwa amaan ah maana u ah ciidamadda badda ee Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga” ee marta Badda Cas.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA OO EEDEYN U JEEDIYEY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-MARWAN BARGHOUTI.
(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa lagu soo waramayaa inuu walaac ka muujiyey qaabka ey Isra’iil ula dhaqanto Hogaamiyaha Falastiiniyiinta ee u xiran Isra’iil Marwan Barguuti. Wargayska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa Arbacada Maanta ah sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ey soo bandhigtay edeymo ku saabsan xadgudubyada Marwan Barguuti ey u gaysatay Isra’iil,Wasaaradda ayaa weydiisatay in si hufan loo baaro eedeyamaha culus kuna saabsan Barguuti iyo maxaabiista reer Falastiin lagu haayo xaalad sharaf leh oo waafaqsan sharciga caalamiga ah. Xubno ka tirsan Qoyska Barguuti ayaa ku andacoonaayo in tan iyo todobadii Oktobar-2023-kii markaas ey Xamaas weerartay Koonfurta Isra’iil iyo dagaalkii xigay ee Marinka Gaza,Barguuti waxa uu la kulmay Jirdil aan caadi ahayn oo nafsi ah eyna ka mid tahay in la geeyey meel aad mugdi u ah iyo meel aan dad joogin oo cidla ah muddo dhan 12-maalmood. Qareenada Barguuti ayuu Wargayska Washington Post ka soo xigtay sheekada Marwan Barguuti oo in mudda ah u xiran Isra’iil iyo dhawr nabar oo soo gaaray Barguuti intuu xirnaay.
ISHA/MEE.
WAKIILKA QARAMAD U QAABILSAN FALASTIIN OO LA HANDADAY.
(SAWIRKA)-FRANCESCA ALBANESE.
(GENEVE)-Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan dhulka Falastiin Francesca Albanese ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Arbaca ah iney la kulantay hanjabaado badan xilli ey ka shaqeyneysay diyaarinta warbixintii ey u gudbisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva ee ku saabsan xaaladda Marinka Gaza. Shir jara’id ey Arbacadii ku qabatay magaaladda Geneve Albanese ayey ku sheegtay in Isra’iil ey seddex fal oo ka mid ah falalka loo aqoonsan yahay Xasuuqa iney ka gaystaay Gaza,Albanese ayaa ku nuux-nuuxsatay in ciidamadda isra’iil ee galay Marinka Gaza ey adeegsadeen hub caalami ah oo laga mamnuucay weerarada balse Isra’iil ey u adeegsatay Marinka Gaza. Wakiilka Qaramada Midoobe ee Falastiin Francesca Albanese ayaa sidoo kale cadeysay in warbixinteed eysan kaga hadlin falalka Xasuuqa ah ee ka dhacay Daanta galbeed iyo magaaladda Qudus balse waxa ey sheegtay in Falastiin ey dad ahaan la il daran yihiin Xadgudubyada Isra’iil.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO ISU DIYAARINAYSO GELITAAN RAFAX.
(SAWIRKA)-TAANGI ISRA’IIL LEEDAHAY.
(TEL AVIV)-Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itmar Ben-Gvir ayaa maanta oo Talaada ah ku baaqay in la bilaabo weerar dhinac dhulka ah oo lagu qaado magaaladda Rafax oo ah meel gabaad u ah dad tiradood lagu qiyaaso iney dhan tahay ilaa 1.4-Milyan oo reer Falastiin ah,Rafax ayaa ku taalo cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, Xagjirka Bin-Gvir ayaa raadiyaha ciidamadda Isra’iil u sheegay sidaan”Waa inaan hadda galnaa magaaladda Rafax”. Baaqa Ben-Gvir ayaa yimid hal maalin ka dib markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu meel mariyey Qaraar ku baaqaayo in Xabad Joojin deg deg ah laga sameeyo Marinka Gaza inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ey hadda ka dhiman tahay laba todobaad kaliya. Afar iyo toban dal ayaa u codeeyey Qaraarkan,waxaane soo bandhigay toban xubnood oo Golaha la soo doortay,mana jirin cid diiday halka Maraykanka uu ka aamusay.
ISHA/AA.
MARAYKANKA OO DUQEEYEY DIIRA’A AZUUR.
(SAWIRKA)-GOBOLKA DIIRA’A AZUUR-SYRIA.
(ISTANBUL-TURKEY)-Wararka ka imanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in ugu yaraan ilaa sideed qofood ey dhinteen tobanaan kale ey dhaawacmeen ka dib markii ey duqeyn ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ey ka dhacday Gobolka Diira’a Azuur ee dhaca bariga dalka Suriya maanta oo Talaada ah,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka u faafiso dalka Suriyra ee SANA. Duqeynta ayaa lala beegsaday dhawr magaalo iyo goobo ciidan oo ku yaalo Gobolka Diira’a Azuur, SANA ayaa sheegtay iyadoo soo xiganaysa ilo Mileteri. Dhimashada ayaa isugu jirto todobo askeri iyo qof rayid ah,halka 31-qofood oo kale ey ku dhaawacmeen eyna ku jiraan 19-askeri sida ilo wareedyo sheegeen,mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Maraykanka kuna saabsan weerarka cirka ah ee dhacay maanta. Dalka Suriya ayaa ka mid ah wadamadii Carbeed ee uu ka dhacay Kacdoonkii xilalka looga tuuray dhawr Madaxweyne oo Carab ah sannadkii 2011-kii,Madaxweynayaashii xilka laga tuuray ayaa waxaa ka mid ah Cali Cabdalla Saalax Yeman,Zeynal Caabidiin Bin Tunisiya iyo Macamar AL-qadaafi Libiya,balse Suriya waa ey ka badbaaday in Madaxweyne Bashaar AL-Asad xilka laga tuuro taas bedelkeedana Suriya waxa ey gashay dagaal sokeeye oo ilaa hadda taagan.
ISHA/SB-MEDIA.
ISRA’IIL OO LAGA YAABO IN LA SAARO CUNAQABATEYN.
(SAWIRKA)-FRANCESCA ALBANESE.
(UN)-Khabiirad dhanka Xuquuqul Insaanka u qaabilsan Qaramada Middobe lana yiraahdo Francesca Albanese ayaa Isniintii shalay ahayd u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe warbixin ey ku sheegtay in Isra’iil dhawr Xasuuq ku gaysatay dagaalka ey ku hayso Marinka Gaza isla markaane ey tahay in la saaro Cunaqabateyn dhinaca Hubka ah. Albanese oo ah Wakiil gaar ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee dhulka reer Falastiin ayaa warbixinteeda ku sheegtay iney heshay sababo macquul ah si loo go’amiyo in Isra’iil ey jebisay Seddex ka mid ah shanta fal ee ku qoran Xeerka Xasuuqa Qaramada Midoobe. Kuwaas waxaa ka mid ah dilka Falastiiniyiinta iyagoo aan gaysan dhaawac halis ah oo jireed ama maskaxeed iyo Isra’iil oo si ula kac ah u gaysatay xaalado nololeed oo loo xisaabiyo iney keenaan burburinta jireed ee dadweynaha guud ahaan ama qeyb ahaan,falalkan ayaa lagu ansixiyey oraahyo ujeedo xasuuq ah oo ka yimid mileteriga sare iyo madaxda dawladda. “Dabeecadda xad dhaafka ah iyo baaxadda weerarka Isra’iil ey ku hayso Marinka Gaza iyo xaaladaha nololeed ee burburka ah ey gaysatay Isra’iil ayaa daah ka qaaday in la doonaayo in jir ahaan loo burburiyo Falastiiniyiinta koox ahaan” ayaa lagu yir warbixinta.
ISHA/MEE.
AGAASIMAHA CIA IYO MADAXA MOSSAD OO KA SAFRAY DOOXA.
(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA-DA MARAYKANKA BURNS.
(DOHA-QATAR)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Maraykanka(CIA) William Burns iyo Madaxa Sirdoonka dibadda Isra’iil ee Mossad David Barnea ayaa ka ambabaxay magaaladda Dooxa ee dalka Qadar fiidnimadii shalay oo Sabti ahayd ka dib markii ey ka qeybgaleen wada hadallo ku saabsan xabad joojin ku meel gaar ah oo ka dhacda Marinka Gaza iyo Heshiis is dhaafsi maxaabiis ah. Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in Burns iyo barnea “Ka tageen Dooxa si ey ugu wargeliyaan masuuliyiintooda faahfaahinta wareegii ugu dambeeyey”ee wada hadallada. Waxa uu sharaxay in wada xaajoodka “ey diiradda ku saareen faahfaahinta iyo heerka sarifka la haysto iyo Maxaabiista”, isagoo xusay”In kooxaha farsamada weli ku sugan yihiin Dooxa”. Sarkaal Isra’iil ah oo aqoon u leh wada hadallada Marinka Gaza oo ey martigelisay dawladda Qadar ayaa sheegay shalay oo Sabti ahayd in dalka Maraykanka uu soo bandhigay “Soo jeedin soo dhaweyneysa” fikradaha la xiriira tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ey tahay in la sii daayo maxbuus kasta oo Isra’iil ah eyna hayso Xamaas inta lagu guda jiro suurtagalnimada xabad joojinta cusub.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA OO SOO RIDAY DRONES XUUTIYIINTU LEEYIHIIN.
(SAWIRKA)-DRONES-KA XUUTIYIINTA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey weerar ku qaadeen Markab maraayey Badda Cas,weerarkaan ayaa waxaa ka hadlay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM).Bayaanka ka soo baxay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa waxa uu qornaay sidaan,Marka laga bilaabo 2:50 ilaa 4:30-subaxnimo ee waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman ayey Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ey soo rideen afar Gentaal oo nuuca Balastikada ah(ASBM),Gentaaladaas ayaa waxa ey ku soo dheceen agagaarka Markabka M/V Huang PU oo sitay calanka dalka Panama waxaane Markab iska leh dalka Shiinaha waxa uuna siday shidaal laga leeyahay dalka Shiinaha. 4:25-Galabnimo ee waqtiga Sanca ayaa la ogaaday in la soo rdiay Gentaal Balastik ah oo shanaad kaaso loo riday dhinaca Markabka M/V Huang PU. Markabku waxa uu soo saaray wicitaan xiriir ah laakin ma uusan codsan gargaar in loo fidiyo. M/V Huang Pu waxaa soo gaaray Burbur yar,waxaane dabkii ka kacay lagu demiyey diyaarad muddo 30-daqiiqa ah gudaheed. Lama soo sheegin wax khasaara ah oo soo gaaray markabka waxa uuna dib u bilaabay socdaalkiisii. Xuutiyiinta ayaa weeraray Markabka M/V Huang Pu in kastoo ey horay u sheegeen ineysan weerari doonin Maraakiibta dalka Shiinaha. Intii u dhexeysay 6:50 ilaa 9:50-subaxnimo ee waqtiga Sanca,ciidamadda Maraykanka uu u ku jiro Markabka USS CARNEY (DDG-64) waxa uu dagaal ku qaaday lix diyaradood aan duuliyaha wedin ee Xuutiyiinta iyagoo maraayey koonfurta Badda Cas,midne waxa uu u duulay dhulka ey maamulaan Xuutiyiinta. Waxaa la go’aamiyey in Drones-ka UAV-da ey soo bandhigeen khatar ku wajahan Maraykanka,Isbahaysiga iyo maraakiibta Ganacsi ee marta marinka badda cas. Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socodka oo looga dhigo biyaha caalamiga ah kuwa amaan ah oo amaan u ah Maraykanka,Isbahaysiga iyo maraakiibta ganacsiga.
ISHA/CENCOM.
CARUURTA IYO XAASASKA DAACISH EE SURIYA OO EY..
(SAWIRKA)-XEROOYINKA WAQOOYIGA SURIYA.
(SYRIA)-Dib u celintii ayaa istaagtay iyadoo xasillooni darro ey keenayso khataro cusub ee Maxaabiista. Shan sano ka dib markii laga adkaaday kooxda isku magacawday Dawladda Islaamiga ISIS,waxaa weli aan la xallin masiirka tobanaan kun oo qofood oo ey ku jiraan 30-kun oo caruur ah kuwaaso weli si sharco darra ah ugu xiran Xeryaha dalka Suriya. In ka badan 55-kun oo qofood oo ey ku jiraan 30-kun oo caruur ah ayaa weli ku xiran Waqooyiga dalka Suriya shan sano ka dib markii Xoogaga Kurdiyiinta Suriya ee Dimuqaraadiga(SDF) ey ku dhawaaqeen iney ka guuleysteen kooxda ISIS. Iyadoo ey soo food saartay xaalad amaan oo aad u sii xumaaneyso taaso ka dhalatay dagaalka Marinka Gaza iyo weerarad Turkiga ee ka dhanka ah Xoogaga Suriya ee Dimuqaraadiga ah(SDF),cabsida laga qabo iney ISIS soo laba kacleyso iyo hubanti la’aanta sii joogitaanka Suriya ee ciidamadda dalka Maraykanka,waxa ey sii kordhinayaan walaaca laga qabo masiirka inta hartay Maxaabiista kuwaaso intooda badan ah Ajaanib aan rajo dhaw lahayn in dib loogu celiyo dalalkoodii ey ka soo haajireen.
ISHA/MEE.
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY SANCA.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ee maamusha magaaladaasi ey sheegeen in shalay oo Jimca ahayd in duqeymo isdaba joog ah loo gaystay magaaladda caasimadda ah ee Sanca,duqeymaha ayaa waxa fuliyey diyaadaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska. “Weerar gardara ah ayey Maraykanka iyo Ingiriiska ey ku qaadeen caasimadda Sanca”ayaa lagu yiri war uu soo saaray Tv-ga AL-Masiirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,Tv-ga ayaan wax faafaahin ka bixin duulaankaas iyo haddii ey jiraan wax khasaara hantiyeed iyo mid nafeed ah oo ka dhashay duulaanka,gelinkii hore ee shalay oo Jimca ahayd ayey kooxda Xuutiyiinta waxa ey soo wariyeen in laba duqeyn lala beegsaday Gobolka Xudeyda ee dhaca galbeedka dalka Yeman.
ISHA/AA.
LIIBIYA OO LAGA HELAY QABAALO WADAREED EY KU AASAN YIHIIN..
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL KU SUGAN DHULKA SAXARAHA LIIBIYA.
(TRIPOLI-LIBYA)-Sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka(IOM) ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo Jimca ah(22/3/24)-ka ku sheegay in xabaal wadareed ey ku jiraan Meydadka dad Tahriibayaal ah oo dhan ilaa 65-meyd laga helay Kooonfur Galbeed ee dalka Liibiya,Wakaaladda ayaa xustay Xaaladda Geeridooda iyo dhalashadooda ey tahay ilaa hadda mid aan la garanayn,Wakaaladu oo hadalkeeda sii wadata ayaa raacisay “Waxaa la rumaysan yahay iney dhinteen iyagoo si qarsoodi ah loogu tahriibinaayo Saxaraha. Waxaa xusid mudan in ka badan toban sanadood oo qalalaasa ah uu ku jiray dalka Liibiya taaso ka soo bilaabaty tan iyo markii xukunka laga riday Mucamar AL-Qadaafi sannadkii 2011-kii,wixii waqtigaas ka dambeeyey dalka Liibiya ayaa isu bedelay goob barwaaqa u ah kuwa wax tahriibiya,waxaane kooxdaan tahriibka ka shaqeysata lagu soo eedeyey iney gaysteen gabood fal ka dhan ah dadka ey Tahriibiyaan.
ISHA/ARAB.