MARAYKANKA OO EEDEYN U JEEDIYEY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-MARWAN BARGHOUTI.

(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa lagu soo waramayaa inuu walaac ka muujiyey qaabka ey Isra’iil ula dhaqanto Hogaamiyaha Falastiiniyiinta ee u xiran Isra’iil Marwan Barguuti. Wargayska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa Arbacada Maanta ah sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ey soo bandhigtay edeymo ku saabsan xadgudubyada Marwan Barguuti ey u gaysatay Isra’iil,Wasaaradda ayaa weydiisatay in si hufan loo baaro eedeyamaha culus kuna saabsan Barguuti iyo maxaabiista reer Falastiin lagu haayo xaalad sharaf leh oo waafaqsan sharciga caalamiga ah. Xubno ka tirsan Qoyska Barguuti ayaa ku andacoonaayo in tan iyo todobadii Oktobar-2023-kii markaas ey Xamaas weerartay Koonfurta Isra’iil iyo dagaalkii xigay ee Marinka Gaza,Barguuti waxa uu la kulmay Jirdil aan caadi ahayn oo nafsi ah eyna ka mid tahay in la geeyey meel aad mugdi u ah iyo meel aan dad joogin oo cidla ah muddo dhan 12-maalmood. Qareenada Barguuti ayuu Wargayska Washington Post ka soo xigtay sheekada Marwan Barguuti oo in mudda ah u xiran Isra’iil iyo dhawr nabar oo soo gaaray Barguuti intuu xirnaay.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

CIIDAMADA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY…

Next
Next

WAKIILKA QARAMAD U QAABILSAN FALASTIIN OO LA HANDADAY.