MARAYKANKA OO DUQEEYEY DIIRA’A AZUUR.
(SAWIRKA)-GOBOLKA DIIRA’A AZUUR-SYRIA.
(ISTANBUL-TURKEY)-Wararka ka imanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in ugu yaraan ilaa sideed qofood ey dhinteen tobanaan kale ey dhaawacmeen ka dib markii ey duqeyn ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ey ka dhacday Gobolka Diira’a Azuur ee dhaca bariga dalka Suriya maanta oo Talaada ah,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka u faafiso dalka Suriyra ee SANA. Duqeynta ayaa lala beegsaday dhawr magaalo iyo goobo ciidan oo ku yaalo Gobolka Diira’a Azuur, SANA ayaa sheegtay iyadoo soo xiganaysa ilo Mileteri. Dhimashada ayaa isugu jirto todobo askeri iyo qof rayid ah,halka 31-qofood oo kale ey ku dhaawacmeen eyna ku jiraan 19-askeri sida ilo wareedyo sheegeen,mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Maraykanka kuna saabsan weerarka cirka ah ee dhacay maanta. Dalka Suriya ayaa ka mid ah wadamadii Carbeed ee uu ka dhacay Kacdoonkii xilalka looga tuuray dhawr Madaxweyne oo Carab ah sannadkii 2011-kii,Madaxweynayaashii xilka laga tuuray ayaa waxaa ka mid ah Cali Cabdalla Saalax Yeman,Zeynal Caabidiin Bin Tunisiya iyo Macamar AL-qadaafi Libiya,balse Suriya waa ey ka badbaaday in Madaxweyne Bashaar AL-Asad xilka laga tuuro taas bedelkeedana Suriya waxa ey gashay dagaal sokeeye oo ilaa hadda taagan.
ISHA/SB-MEDIA.