QARAX XOOGAN OO KA DHACAY SUUQ CAAN AH.

(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY XALAB.

(SYRIA)-Kooxda la socoto arrimaha Xuquuqul Insaanka dalka Suriya ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in 8-qofood ey ku dhinteen 23-kalane ey ku dhaawacmeen Qarax laga soo buuxiyey Baabuur oo lala beegsaday Suuq caan ah oo ku yaalo magaaladda Iczaz ee Gobolka Xalab ee dalka Suriya. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay goobo ey sugan yihiin kooxaha uu taageero dalka Turkiga,waxaane ka dhashay burbur xoogan iyo dab qabsaday goobta,taaso muujineysa in khasaaraha hadda la ogaaday uu yahay mid hordhac ah,mana jirto cid sheegatay ilaa hadda Qaraxaas. Magaaladda Iczaz ayaa horay waxaa uga dhacay Qaraxyo loo adeegsaday Walxaha Qarxa iyo Gawaari laga soo buuxiyey walxaha Qarxa,waxaane sidaan oo kale ey dhacday dhammaan degaanada dhaca baadiyaha Waqooyiga Xalab. Labaatankii bishii hore ee Feberaayo ayey ahayd markii nin darawal ahaa uu ku dhintay laba askeri oo ciidmaada Mileteriga ka tirsane ey ku dhaawacmeen,kuwaaso dhammaantood loo qaaday Isbitaalk si halkaas loogu daaweeyo,Qaraxa ayaa ahaay mid Gaari ey walaxaha Qarxa ka buuxaan oo lala beegsaday barta koontarool ey ciidamadda ka soo galaan magaaladda AL-raaci oo ey gacanta ku hayaan kooxda ey taageerto Turkiga ee ku sugan baadiyaha Waqooyiga magaaladda Xalab ee dalka Suriya.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA OO BARAKICIN KA WADA….

Next
Next

ISRA’IIL OO DOONAYSA IN CIIDAMO CAALAMI AH LA KEENO…