AGAASIMAHA CIA IYO MADAXA MOSSAD OO KA SAFRAY DOOXA.

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA-DA MARAYKANKA BURNS.

(DOHA-QATAR)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Maraykanka(CIA) William Burns iyo Madaxa Sirdoonka dibadda Isra’iil ee Mossad David Barnea ayaa ka ambabaxay magaaladda Dooxa ee dalka Qadar fiidnimadii shalay oo Sabti ahayd ka dib markii ey ka qeybgaleen wada hadallo ku saabsan xabad joojin ku meel gaar ah oo ka dhacda Marinka Gaza iyo Heshiis is dhaafsi maxaabiis ah. Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in Burns iyo barnea “Ka tageen Dooxa si ey ugu wargeliyaan masuuliyiintooda faahfaahinta wareegii ugu dambeeyey”ee wada hadallada. Waxa uu sharaxay in wada xaajoodka “ey diiradda ku saareen faahfaahinta iyo heerka sarifka la haysto iyo Maxaabiista”, isagoo xusay”In kooxaha farsamada weli ku sugan yihiin Dooxa”. Sarkaal Isra’iil ah oo aqoon u leh wada hadallada Marinka Gaza oo ey martigelisay dawladda Qadar ayaa sheegay shalay oo Sabti ahayd in dalka Maraykanka uu soo bandhigay “Soo jeedin soo dhaweyneysa” fikradaha la xiriira tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ey tahay in la sii daayo maxbuus kasta oo Isra’iil ah eyna hayso Xamaas inta lagu guda jiro suurtagalnimada xabad joojinta cusub.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO LAGA YAABO IN LA SAARO CUNAQABATEYN.

Next
Next

MARAYKANKA OO SOO RIDAY DRONES XUUTIYIINTU LEEYIHIIN.