ISRA’IIL OO WEERARTAY GAROONKA XALAB.

(SAWIRKA)-QARAXYADII XALAB.

(SYRIA)-Saacado ka dib duqeyn ey Isra’iil ka fulisay jihadda Buuraha Goolan ayaa lala beegsaday dhismo ey degan yihiin dad rayid ah oo ku yaalo gobolka baadiyaha ee caasimadda Dimishiq,waxaane Qaraxyo xoogan laga maqlay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Xalab. Isra’iil ayaa weerar ku qaaday bakhaaradda hubka ee ku dhaw garoonka la weeraray ee Xalab,taaso keentay dhimashada in ka badan 36-qofood oo rayid iyo askar ah,sida ey sheegtay kooxda la socoto xuquuqda aadanaha ee dalka Suriya. Sida la cadeeyey weerarka ayaa “lala beegsaday bakhaaro ey ku jireen Gentaalo uu iska leeyahay Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan oo ku yiileen degaanka Jubreyn oo u dhaw garoonka caalamiga ah ee Xalab”. Warka ayaa intaas raaciyey”Qaraxyo kuwaan la mid ah ayaa laga maqlay AL-Safiir iyo Kafar Juum oo dhaca Galbeed Xalab,iyadoo dhawaqyada Qaraxyada ey weli socdaan lana xaqiijiyey iney jiraan dhimasho iyo dhaawacyo fara badan oo gaaray tobaneey askar ah kuwaaso uu galaafteen qaraxyada ka dhashay bakhaaradda la weeraray. Dhinca kale, laba ilo wareed ayaa shaaca ka qaaday in weerarada Isra’iil ey sababeen dhimashada shan xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan. Arrintaan ayaa timid ka dib markii ey Wasaaradda Difaaca ee dalka Suriya ey soo saartay bayaan kuna sheegtay in tiro dad rayid iyo askar ah lagu dilay amaba lagu dhaawacay weerar ey Isra’iil ku qaaday goobo ku yaalo baadiyaha Xalab. Wasaaradda ayaa sheegtay in weerarada ey dheceen (1:45)-subaxnimo waqtiga maxaliga ah jihada Arya ee Koonfur Bari Xalab. Waxay sidoo kale tilmaantay Wasaaradda in duqeynta ey ku soo beegantay wax ey Wasaaradda ku tilmaantay “Weerar ey fuliyeen Ururo Argagixiso oo ka yimid Idlib iyo baadiyaha Galbeed ee Xalab oo doonaayey iney ku bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah ee ku nool magaaladda Xalab iyo nawaaxigeeda.” Waxaa kaloo ey Wasaaradda difaaca Suriya ey Xaqiijisay iney jiraan khasaaro hantiyeed oo soo gaaray dadweynaha Xalab iyo hanti ey leedahay xukuumadda Suriya.

ISHA/AL-ARABIYA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DOONAYSA IN CIIDAMO CAALAMI AH LA KEENO…

Next
Next

CIIDAMADDA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY…