DOOXA OO UU KA SOCDO SHIR SEDDEX GEESOOD AH.
(SAWIRKA)-WASIIR ANTONY BLINKEN.
(QAHIRA)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in weerarka weyn ey Isra’iil ku qaaday magaaladda Rafax ee koonfurta Gaza ey tahay “Khalad” oo aan loo “Baahnayn” si looga adkaado Xamaas,isagoo hoosta ka xariiqay inuu sii xumaanayo xiriirka Maraykanka iyo Isra’iil. Wasiir Blinken oo ku gada jira hawlgalkiisii lixaad ee deg deg ah tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza bishii Oktoobar-2023-kii ayaa ka hadlay ka dib markii uu la kulmay siyaasiyiin sare oo Carab ah magaaladda Qaahira ee dalka Masar si ey go’aan uga gaaraan arrinta juhdiga la geliyey ee ah sidii looga arrinsan lahaa waxa laga yeelaayo marka Marinka Gaza laga sameeyo Xabad joojin, Blinken ayaa sheegay in Xabad joojin deg deg ah oo joogta ah la gaaro lana sii daayo la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas,iyo iney sii yaraanayaan daldaloolada wada hadalladda aan tooska ahayn una dhexeeyo dhinacyada isku haayo dagaalka Marinka Gaza ee Isra’iil iyo Xamaas eyna gar wadeenka ka yihiin Maraykanka,Masar iyo Qadar qaatayne todobaadyo, ey ka sii socon doonaan caasimadda dalka Qadar ee Dooxa.
ISHA/AP.
ISRA’IIL OO WEERARTAY ISBITAALKA AL-SHIFA’A.
(SAWIRKA)-ISBITAALKA AL-SHIFA’A.
(GAZA)-Seddex iyo toban bukaan ah ayaa ku geeriyooday Isbitaal AL-Shifa’a taaso ka dhalatay go’odoominta Isra’iil ee Isbitaalka AL-Shifa’a,xafiiska Warbaahinta ee dawaladda Gaza ayaa sheegay sidaas maanta oo Khamiis ah,waxayna ciidamadda Isra’iil amreen kumanaan qofood oo Isbitaalka AL-Shifa’a uu u ahaay hooy iney isaga guuraan. Afar qofood oo ku sugnaay qolka la geeyo dadka ey xaaladooda aadka u liidato eyna ku surneed Oksajiin ayaa geeriyooday ka dib markii ciidamadda Isra’iil ey jareen Korontadii Isbitaalka halka kuwa kale ey baahnayeen dawo,Oksojiin iyo cunto ey cunaan. Waxaa sidoo kale isa soo taraayey wararka sheegaayo in xabsiga loo taxaabay shaqaale caafimaad iyo wariyeyaal ku sugnaay gudaha Isbitaalka Alshifa’a,dadka xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa ka mid ahaay wariye u shaqeynaayey TV-ga Al-Carabiya ee fadhigiisu yahay dalka Sacuudiga iyo wargayska laga leeyahay Sacuudiga kuna xiran Tv-ga AL-Carabiya ee Arab News. Ciidamadda isra’iil ayaa sheegay in hawlgalkooda saxda ah ey ku dileen in ka badan 140-aragaixiso gudaha dhismaha Isbitalka AL-shifa’a,waxa eyna ciidamadda Isra’iil ku andacoodeen in Isbitaalka AL-shifa’a saldhig u ahaay Xamaas,tan iyo markii uu weerarku ku bilawday Isbitaalka AL-shifa’a oo ahayd Isniintii.
ISHA/ARAB.
DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY XERO QAXOOTI.
(SAWIRKA)-XERADA QAXOOTIGA NUUR AL-SHANMS.
(WEST BANK)-Hawlgal ey ciidamadda Isra’iil ka fuliyeen xerada Qaxootiga Nuur Shams ee ku taalo Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ee reer Falastiin maanta oo khamiis ah ayaa lagu dilay afar qofood,hayadda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sidaas sheegtay,Dadka ku nool Jiniin ayaa ku dhawaaqay in weerarka loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka uu soo bilawday maantii shalay oo Arbaca ahayd. “Kooxaha Ambalaaska ee Bisha Cas ee Falasytiin ayaa soo daabulay meydka wiil yar oo 18-jir kaaso ey dileen ciidamadda Isra’iil kuna dileen Xerad Nuur Shams”sidaas waxaa bartooda(X) ku sheegay Ururka Bisha Cas ee reer Falastiin,waxayna intaas raacisay in tirada dhimashada ey gaartay ilaa afar qofood,laba ka mid ah afarta qofood ee reer Falastiin ee la dilay ayaa waxaa dilay diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil halka labada kalane lagu dilay rasaas nool sida ey sheegtay Bisha Cas ee reer Falastiin. Ragaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Marwaan Maxamed(Abu Cali) oo 22-jir ah iyo Cabdalla Maxamud ALQeysi oo 20-jir ah sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso Falastiiniyiinta ee WAFA. Meydadka ayaa loo gudbiyey Isbitaalka Thabet Thabet ee Dhool Karam. Nidal Mamoun Abu Cubayda oo 23-jir ah iyo Nidal Cazmi Kanuux oo 19-jir ah ayaa waxaa dishay diyaaradda aan duuliyaha wedin ee Drones-ka ey leeyihiin ciidamadda Isra’iil taaso duqeyn dhinaca cirka ah ka gaysatay Xaafadda AL_Manshiya ee Xeradda Qaxootiga ee Nuur Shams.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SAWIRKA)DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo intii u dhexeysay 10:10-subaxnimo ilaa 7:40-fiidnimo ee waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman,taariikhduna tahay 20/3/2024-ka ayey ciidamadda cirka ee isbahaysiga uu hogaaminaayo Maraykanka ey ku guuleysteen iney burburiyaan Drones iyo Doomo ey soo gemeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto dawaladda Iraan waxa eyna Xuutiyiintu ka soo gemeen dhulka ey ka maamulaan dalka Yeman. Lama soo sheegin wax dhibaata ah oo soo gaartay Maraakiibta dagaalka ee Isbahaysiga kuna sugan badda cas iyo maraakiibta Ganacsiga ee mara badda cas. Xulafadaan uu hogaaminaayo dalka Maraykanka ayaa isu taagtay iney kooxda Xuutiyiinta ka difaacaan Maraakiibta maraysa Badda Cas taaso ey maraan 12% maraakiibta ganacsiga ee adduunka,Xulafadda ayaa weerarka dhinaca cirka ku bilawday kooxda Xuutiyiinta Yeman 12/1/24-ka,waxaane weerarada lala beegsadaa goobaha ey Xuutiyiinta ka degan yihiin dalka Yeman gaar ahaan dhinaca Waqooyiga,ujeedada weerarada xulafadda ayaa lagu sheegay iney tahay sidii loo wiiqi lahaay awooda Xuutiyiinta oo weerar joogta ku haayo Marinka Badda cas iyo Gacanka Cadmeed marka laga soo bilaabo bishii Noofembar ee sannadkii tegay-2023-ka.
ISHA/CENTCOM.
SHIRKA DOOXA EE XAMAAS IYO ISRA’IIL OO KU DHAW BURBUR.
(SAWIRKA)-KOONFURTA DALKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakadda Xamaas kaaso fadhigisu yahay Libnaan ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in jawaabta Isra’iil ee soo jeedintii ugu dambaysay ee kooxda Falastiin ee xabad joojinta lixda todobaad ah ee Marinka Gaza ey ahayd”guud ahaan diidmo”iyadoo wada hadalladu weli ey ka sii socdaan caasimadda dalka Qadar ee Dooxa. Cusaama Hamdaan ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtay caasimadda dalka Libnaan ee Beirut ku sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha ey gudbiyeen mawqifka Isra’iil maalin ka hor,balse “guud ahaan ey tahay mid xun oo aan ka jawaabeyn rabitaan dadkeyna”. Cusaama Hamdan ayaa sheegay in jawaabta Isra’iil “ey ka dhigan tahay tallaabo dib u dhac ah” marka loo eego jagooyinkii hore ee lala xiriiriyey iyo iney u badan tahay in Isra’iil dooneyso iney carqaladeyso wada xaajoodka taasne waxay horseedeysaa Carqalad sababta burburka wada hadalladda.
ISHA/AN.
ISRA’IIL OO WELI WADA WEERARADA CIRKA EE MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-JANAASO KA DHACDA MARINKA GAZA.
(GAZA)-In ka badan boqol qofood ayaa ku dhintay tobanaan kalane waa ey ku dhaawacmeen weerarada Isra’iil ku qaaday Falastiiniyiinta gargaar bani’adanimo ka guranaayey Marinka Gaza todobaadkii tegay,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah baahiyey Xafiiska Warbaahinta ee Marinka Gaza. “Isra’iiliyiinta haysta dhulka Falastiin waxa ey doonayaan in la sii wado siyasadda Gaajada iyo Macluusha qotada dheer ee ka socoto Gaza in kastoo digiinada Ururada caalamiga ah iyo hayadaha ey sii badanayaan”,sidaas waxaa lagu sheegya bayaan ka soo baxay xafiiska warbaahinta Gaza. Warbaahinta Marinka Gaza ayaa ka digatay in weerarada Isra’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta gaajeysan ey uga gol leeyihiin iney ku faafiyaan fawdo iyo amni darro ka dhacda Marinka Gaza.
ISHA/AA.
WASIIR HORE OO SAMEEYEY MUSUQ.
(SAWIRKA)WASIIRKII HORE EE G/DHIGA DALKA CIRAAQ.
(COPENHAGEN-DENMARK)-Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee dalka Ciraaq oo haysta laba dhalasho oo kala ah Ciraaq iyo Sweden ayaa lagu xiray dalka Sweden sida ey masuuliyiinta sheegeen Talaadada maanta ah. Wasiirka ayaa looga shakisan yahay inuu si sharci darra ah Ceyrta uga qaato dalka Scandinavian ah. Dacwad oogaha Jens Nilsson ayaa u sheegay Warbaahinta SVT ee dalka Sweden in Najah AL-Shammari la baadi goobaayey ku dhawaad sannad iyo bar. Dacwad oogaha ayaa TV-4 u sheegay in AL-shammri laga soo qabtay Isniintii shalay ahayd garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimadda ah ee Stockholm markii uu soo gaaray dalka Sweden. Warbaahinta dalka Sweden ayaa goor sii horeysay sheegtay in AL-shammari uu sannado badan sheeganaayey taageero caruur iyo guri in kastoo uu ku noolaay magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq. Sannadkii 2019-kii Wakaaladda wararka Sweden ee TT ayaa sheegtay in AL-Shammri uu u diiwaan gashan yahay inuu ku nool yahay xaafad ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Stockholm. Wargayska Expressen ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa sheegay inuu dalka Sweden u soo guuray sannadkii 2011-kii uuna qaatay dhalashadda Sweden sannadkii 2015-kii waxaane lagu soo wargeliyey masuuliyiinta in AL-Shammri iyo xaaskiisa looga shakisan yahay iney Musuq-maasaqeen dheefaha. Waxaa lagu eedeyey inuu sii waday sheegashada lacagaha bulshada sannado ka dib markii uu ku laabtay dalka Ciraaq. Dalka Sweden iyo wadamadda waqooyiga Yrub waxa ey caan ku yihiin bixinta kaalmooyinka bulshada ee deeqsinimada ah.
ISHA/AP.
MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO KA HADLI DOONO ARRINTA RAFAX.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA RAFAX.
(WASHINGTON)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil ayaa galay maalintiisii 165-aad,dagaalkan ayaa soo bilawday taariikgdu markeey ahayd 7/10/23-kii ka dib markii Xarakadda Xamaas ey weerar kedis ah ey ku qaaday Isra’iil,weerarkaas ayaa Isra’iil waxaa looga dilay ilaa 1200-qofood waxaane looga soo afduubtay ilaa 400-qofood oo kale halka Falastiin looga dilay in ka badan 32-kun qofood loogana dhaawacay in ka badan 72-kun qofood,dadka dhintay ayaa intooda badan ah Caruur iyo Dumar waxaane jira dad reer Falastiin ah oo lagu la’ayahay goobaha ey ka dheceen dagaaladda. Dawladda Maraykanka ee uu hogaamiyo MW-Biden ayaa miisaameysa dhawr siyaabood oo kala duwan duulaanka ey Isra’iil dooneyso iney ku qaado Rafax,ujeedka miisaamidaan ayaa ah inuu jiro wafdi heer sare ah kana socdo Isra’iil inuu soo booqan doono Washington todobaadka soo socdo,sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal oo Maraykan ah. Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa codsaday kulanka si uu u amro in la isku dayo sidii looga fogaan lahaay isku dhac dhexmara Maraykanka iyo Isra’iil,waxaa sidaas sheegay saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Madaxweyne Biden iyo Reysal Wasaare Netanyahu labaduba waxa ey soo saareen”XARIIQ CAGAARAN” oo ku wareegsan hawlgaladda Isra’iil ee koonfurta Marinka Gaza halkaaso in ka badan hal milyan oo Falstiiniyiin ah u ah gabaad.
ISHA/AXIOS.
KANADA OO MAMNUUCDAY IN HUB LAGA IIBIYO ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA KANADA JOLY.
(TORONTO-CANADA)-Wararka ka imanaayo dalka Kanada ayaa sheegaayo in dalkaasi uu mamnuucay in hub loo diro dalka Isra’iil,Wasiirka Arrimaha Dibadda Kanada Melanie Joly ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday. Talaabadaan ayaa timid ka dib markii xildhibaanadu 204/117 ey u codeeyeen mooshin aan sharci ahayn oo lagu joojinaayo iibinta hubka ka dib dood dheer oo Isniintii shalay ahayd dhacday. “Waa wax dhab ah”,Joly ayaa u sheegtay wargayska The Toronto Star. Mooshinkii asalka ahaa wuxuu ahaa joojinta iibka hubka laakin taasi waxaa loo bedelay mamnuucid toos ah. Sidoo kale waxaa Mooshinka ku jiray qodobo ku baaqaayey in la taageero ugu dambaynta “Sameynta dawladda Falastiin”iyadoo lala kaashanaayo saaxibadda caalamiga ah ee Kanada.
ISHA/AA.
UNICEF OO SHEEGTAY IN MARINKA GAZA EY KU DHINTEEN…
(SAWIRKA)-KABIHII CARUURTA KU DHIMATAY MARINKA GAZA.
(gAZA)-Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobe(UNICEF) Catherine Rusell ayaa sheegtay in 13-kun oo caruur ah lagu dilay Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka oo ahayd Oktoobar-7-2023-kii,Catherine ayaa ku nuux-nuuxsatay sheegtayane in tan oo kale eysan weligeed ka dhicin colaadaha adduunka soo maray. Catherine ayaa intaas raacisay intii lagu guda jiray waraysigeeda uu la yeeshay Tv-ga CBS ee dalka Maraykanka in tirada caruurta ku dhaawacantay dagaalka ka socdo Marina Gaza ey aad badan tahay,waxay kaloo tiri Caruurta Marinka Gaza waxa ey u dhimanayaan Nafaqo darro. Catherine Ruselle ayaa xaqiijisay in 13-kun oo caruur ah ey dhinteen iyo tobanaan kun oo dhaawac ah halka ey jiraan caruur kale oo ku hoos jira burburka amaba la la’ayahay waalidkoodii dhalay.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO SII DEYSAY WARIYEYAAL U XIRNAAY MAANTA
(SAWIRKA)-BARTAMAHA GAZA.
(ANKARA)-Ciidamadda Isra’iil ayaa goor dambe oo maanta Isniinta ah sii daayey Wariye ka tirsan Tv-ga Al-Jazeera Ismaaciil AL-Gool iyo wariyeyaal kalo badan ka dib markii subaxnimadii hore ee maanta ku xireen Isbitaalka AL-Shifa’a ee galbeedka magaaladda Gaza. Wariye Ismaaciil iyo wariyeyaasha kale ayaa aroornimadii maanta waxaa xiray ciidamdda Isra’iil oo weerar ku qaaday Isbitaalka AL-Shifa’a,ciidamadda ayaa xiray tobaneeyo qofood kuna wada sugnaay gudaha Isbitaalka la weeraray AL-shifa’a,waxaane gudaha Isbitaalka laga saaray Falastiiniyiin halkaas ey u ahayd gabaad. Tv-ga AL-Jazeera ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in la sii daayey gaari ey ku xirnaayeen Kamerooyin iyo qalab kale ee uu iska lahaay TV-ga AL-Jazeera,arrintaan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujisay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka.
ISHA/AA.
LIX WEERAR OO DHINACA CIRKA AH OO LAGU QAADAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA MARAYAKNAK IYO INGIRIISKA.
(SANA’A-YEMAN)-Tv-ga AL-Masirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa maanta oo Isniin ah baahiyey in lix weerar oo Maraykanka iyo Ingiriiska ey ka fuliyeen degaanadda AL-Faza ee AL-Tuhayta iyo AL-Jabanah oo dhan galbeed kaga beegan magaaladda Xudeyda ee dalka Yeman. Badda Cas ayaa marin wey oo ey maraan isu socodka Internet-ka kaaso isaga kala goosha Bariga dhexe,Afrika iyo Yurub iyadoo la sii marinaayo fiilooyin maraaya badda hoosteeda kuwaaso gudbiya 99% xogta qaaradaha isaga kala goosha. Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku andacoonaayo iney bartilmaameedsanayaan maraakiibta ey leeyihiin amaba ey maamulaan shirkadaha Isra’iil ama alaabaha u qaada amaba ka soo qaada Isra’iil iyagoo is garabsnayaao Marinka Gaza oo ey Isra’iil weerareyso tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii tegay-2023-kii. Khamiistii la soo dhaafay Hogaamiyaha Xuutiyiinta dalka Yeman C/malik AL-Xuuti ayaa ku dhawaaqay iney balaarinayaan weerarada kooxdu ku hayso maraakiibta lala xiriirinayo iney leedahay Isra’iil si loogu daro kuwa ka fogaanayo iney ka gudbaan badda cas una sii maraan badweynta Hindiya.
ISHA/SBM
XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY BADDA CAS.
(SAWIRKA)-DRONES-KA EY ISTICMAALAAN XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Abaarihii (7:50)- subaxnimo ilaa (8:15)- subaxnimo ee wakhtiga caasimadda Sanca. Xuutiyiinta oo ey Iran taageerto ayaa laba diyardood oo aan duuliyaha lahayn (UAV) ka soo tuuray dhulka ey Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen una sii jeedda dhinaca Badda Cas. Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa si guul ah ku gaaray dagaal ay ku burburiyeen mid ka mid ah UAV halka midka kalena loo maleynayo inuu ku dhacay Badda Cas. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maraakiibta oo ku sugan agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay. Intii u dhaxaysay 9-kii fiidnimo iyo 10:30 fiidnimo wakhtiga Sanca, CENTCOM waxay burburisay shan markab oo aan cidina wadin iyo hal UAV meelaha ay Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen iyagoo is-difaacaya. Waxaa la go'aamiyay in hubkani uu khatar ku soo wajahan yahay maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta ciidamada badda ee Maraykanka ee gobolka. Tallaabooyinkan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xorriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah looga dhigo kuwo nabdoon oo ammaan u ah Ciidamada Badda Mareykanka iyo maraakiibta ganacsiga.
ISHA/CENTCOM.
WARATADII NEW YORK OO LA KALA ERYEY.
(SAWIRKA)-KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH IYO TUSBAX.
(NEW YORK)-Booliska magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa weeraray wado ku taalo degmada Queens laba maalmood ka hor inta eysan bilaaban bisha barakaysan ee Ramadaan,degmada Queen ayey waratada reer Bangaala-deesh waxa ey ku iibiyaan Agab islaami ah. Sida lagu soo xigtay warbixin ka soo baxday maamulka magaalada goobaha mashquulka badan ee ku dhawaad gaaraayo ilaa laba iyo toban warato oo sida caadiga ah lagu iibiyo Agab Islaami ah ayaa inta badan ku yaalo New York kuwaso hadda haawinaayo waxaane goobahaas yiilay sanaadiiq iyo miisas ey ku raran yihiin Qoraaladda diiniga ah, sida Ducadda,Saliyadda,Xijaabka iyo Qamiiska raga qaataan. Tani waxa ey ka dambeysay ka dib markii saraakiisha booliska ey amreen in la baneeyo Aaga 8-dii Maarso-2024-ka iyagoo soo saaray tikidhada garaafyada wadooyinka ee aan loo haysan shatiga ganacsiga. Mid ka mid waratada ayaa warbaahinta u sheegay in askeriga uu u sheegay inuu joojiyo iibinta agabka uu gacanta ku haayo isla markaasne waxa uu siiyey Ganaax dhan ilaa $250 isaga iyo dad kale oo waratada ka mid ah,dadkaan ayaa cabsi ka muujiyey iney dib ugu soo laabtaan magaaladda New York,qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa dhumiyey ilihii dhaqaalaha ka soo geli jiray,waxaane hadda ku adag iney daboolaan baahidooda gaar ahaan ijaarka guryaha oo aad sareey Gobolka New York iyo nolosha kale ee caadiga ah.
ISHA/MEE.
BERRI OO LOO BALANSAN YAHAY SHIRKII ISRA’IIL IYO XAMAAS.
(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.
(QAHIRA)-Wada hadallada hakad galay ee looga gol lahaay in lagu xaqiijiyo xabad-joojin u dhexeysa Isra’iil iyo Xamaas ayaa la filaa iney si dhab ah uga bilaabato caasimadda dalka Qadar ee Dooxa maalinta Axada ee berri ah,sidaas waxaa laga soo xigtay masuuliyiin reer Masar ah. Wada hadallada ayaa noqon doona mid ey markii ugu horeysay ey labada dhinac Isra’iil iyo hogamiyeyaasha Xamaas ey ku soo biiraan wada hadallada aan tooska ahayn tan iyo markii ey bilaabatay bishaan Barakaysan ee Ramadaan. Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa rajaynayey iney xaqiijiyaan xabad-joojin lix todobaad ah ka hor inta eysan bilaaban bisha Ramadaan horaantii todobaadkan laakinse Xamaas ayaa diiday heshiis kasta oo aan u horseedi doonin xabad-joojin joogta ah oo laga sameeyo Marinka Gaza dalka Xamaas ayaa diiday. Si kastaba ha haatee,maalmihii la soo dhaafay labada dhinac waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ey ku doonayaan in wada hadallada oo aan si buuxda u furmi iney dib ugu soo laabtaan wadadii ey ku socdeen.
ISHA/AP.
RIIX HALKAN.
RW-NETANYAHU OO AQBALAY IN LA WEERARO RAFAX.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA KHAN YUUNIS.
(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qahira ayaa sheegaayo in Isra’iil ey shalay oo Jimca ahayd Ansixisay weerar ey suurtagal tahay in lagu qaado magaaladda Rafah ee koonfur kaga beegan Marinka Gaza iyadoo sidoo kale Isra’iil ilaalinaysa rajada laga qabo xabad joojinta la qorsheynaayo in dhawaan go’aankeeda la gaaro,Isra’iil ayaa looga fadhiyaa iney wafdi u dirto caasimadda dalka Qadar ee Dooxa si ey uga qeybgalaan wada xaajoodka ku saasban in heshiis laga gaaro la haystayaasha reer Isra’iil iyo Maxaabiista reer Falastiin. War ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil ayaa sheegay in Reysal Wasaare Netanyahu uu aqbalay qorshe lagu weeraraayo magaalo ku taalo cirifka koonfureed ee dhulak burburay ee reer Falstaiin magaaladaasi oo ah Rafax halkaas oo ey ku nool yihiin in ka badan 2.3-Milyan oo qofood kuwaaso gabaad ahaan ugu sugnaay Rafax inta uu socday weerarka lagu haayo Marinka Gaza ee soo bilawday 7/10/23-kii.
ISHA/REUTERS.
SAGAASHAN KUN OO FALASTIINIYIIN AH AYAA KU DUKATAY…
(SAWIRKA)-MASJIDKA AL-AQSA’A.
(QUDUS)-Wararka ka imaanayo dhulka Falastiin ayaa sheegaayo in sagaashan kun oo Falstiiniyiin ah ey maanta oo Jimca ah ku dukatay salaadii Traawiixda Masjidka AL-Aqsa’a ee ku yaalo bariga magaaladda Qudus ee dhulka la haysto inkastoo ey Isra’iil ey mamnuucday in la galo Majidka AL-Aqsa’a. Waaxda Awqaafta Islaamka ee magaaladda Qudus ayaa sheegtay in dadka cibaadeysanaayey ey ka soo qeybgaleen dukashada Salaada Traawiixda ee la dukado Bishaan Barakaysan ee Ramadaan ahaayeen kuwo aad u fara badan. Wakaaladda Wararka reer Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay iney ahayd tiradii ugu badneed ee dad cibaadeysanaayo kuna dukada Masjidka AL-Aqsa’a muddo bila ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadda Isra’iil la soo dhoobay albaabka laga soo galo Masjidka AL-Aqsa’a waxaane ey u diideen dhallinyaro badan iney gudaha u galaan Masjidka AL-Aqsa’a,balse lama sheegin tiro sax ah oo loo diiday iney gasho Masjid AL-Aqs'a’a.
ISHA/AA.
MASAR IYO FARANSIISKA MEXEEY KA BEDELI KARAAN XAALKA BADDA CAS?
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA BADDA MASAR IYO KUWA FARANSIISKA.
(QAHIRA)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in dalalka Masar iyo Faransiiska ey maanta oo Khamiis ah ka wada hadleen xasiloonidda badda ee Gobolka Bariga Dhexe xilli ey weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey sii wadaan weeraradooda ku wajahan Maraakiibta marta Badda Cas. Taliyaha ciidamadda Badda ee dalka Masar Ashraf Ibrahim iyo Taliyaha Ciidamadda dalka Faransiiska ee aaga Badweynta Hindiya iyo Badda Cas Admiral Emmanuel Salars oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaay iskaashiga iyo xasiloonidda Badda Gobolka. Salars iyo wafdiga la socdo ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey gaareen caasimadda Masar ee Qaahira sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamadda dalka Masar. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa iyagana dhinacooda war soo saaray maanta oo Khamiis ah waxa eyna sheegeen ineysan joojin doonin weerarada ey ka wadaan Badda Cas ilaa inta Isra’iil ey soo afjareyso dagalka ey ku hayso Marinka Gaza eyna ka qaadeyso Go’odoominta,eyna ogolaaneyso in gargaar bani’adanimo la gaarsiiyo dammaan qeybaha ey ka kooban tahay Falastiin.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO DUQEYSAY XAAFAD KU TAALO RAFAX.
(SAWIRKA)-XAAFAD LA WEERARAY RAFAX.
(GAZA CITY)-Dhawr qofood oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay maanta oo Khamiis ah duqeyn dhinaca cirka ah ey gaysteen ciidamadda cirka ee Isra’iil,weerarka ayaa waxaa lala beegsaday guri ey degan yihiin dad rayid ah kuna yaalo Rafax ee dhacda Koonfurta Marinka Gaza. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha dagaalka dalka Isra’iil ey gaysteen duqeynta guriga ku yaalo xaafadda AL-Zuhur ee Waqooyiga Rafax,waxaane ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Caruur iyo Haween,Wasaaradda caafimaadka Marinka Gaza ayaan weli sheegin tirada dhabta ah ee wax ku noqotay weerarka Isra’iil.
ISHA/AA.
XUUTIYIINTA OO WEERARAY GACANKA CADMEED.
(CENTCOM)-Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM)ayaa sheegay in Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan ey hal Gentaal oo nuuca Balastikada ah ka soo tuureen dhulka ey ka taliyaan ee Yeman,gentaal ayaa ku soo dhacay Gacanka Cadmeed balse ma jiro wax khasaara ah oo soo gaaray Maraakiibta. “Gentaalka wax saameyn ah kuma yeelan wax Maraakiib ah mana jiraan wax dhaawac ah ama khasaara ah oo soo gaaray Maraakiibta sida la sheegay”,Centcon ayaa intaas raacisay hadal ey soo saartay subaxnimada maanta oo Khamiis ah. “Talisk dhexe ee Maraykanka ayaa si guul ah u hawlgeliyey una burburiyey afar hawa mareenada aan duuliyaha wedin(UAV) iyo hal Gentaal oo ah gentaalada hawada laga tuuro laga soo tuuro dhulka ey Xuutiyiintu maamulaan ee dalka Yeman sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka Centcom.
ISHA/ARAB.