WASIIR HORE OO SAMEEYEY MUSUQ.
(SAWIRKA)WASIIRKII HORE EE G/DHIGA DALKA CIRAAQ.
(COPENHAGEN-DENMARK)-Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee dalka Ciraaq oo haysta laba dhalasho oo kala ah Ciraaq iyo Sweden ayaa lagu xiray dalka Sweden sida ey masuuliyiinta sheegeen Talaadada maanta ah. Wasiirka ayaa looga shakisan yahay inuu si sharci darra ah Ceyrta uga qaato dalka Scandinavian ah. Dacwad oogaha Jens Nilsson ayaa u sheegay Warbaahinta SVT ee dalka Sweden in Najah AL-Shammari la baadi goobaayey ku dhawaad sannad iyo bar. Dacwad oogaha ayaa TV-4 u sheegay in AL-shammri laga soo qabtay Isniintii shalay ahayd garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimadda ah ee Stockholm markii uu soo gaaray dalka Sweden. Warbaahinta dalka Sweden ayaa goor sii horeysay sheegtay in AL-shammari uu sannado badan sheeganaayey taageero caruur iyo guri in kastoo uu ku noolaay magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq. Sannadkii 2019-kii Wakaaladda wararka Sweden ee TT ayaa sheegtay in AL-Shammri uu u diiwaan gashan yahay inuu ku nool yahay xaafad ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Stockholm. Wargayska Expressen ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa sheegay inuu dalka Sweden u soo guuray sannadkii 2011-kii uuna qaatay dhalashadda Sweden sannadkii 2015-kii waxaane lagu soo wargeliyey masuuliyiinta in AL-Shammri iyo xaaskiisa looga shakisan yahay iney Musuq-maasaqeen dheefaha. Waxaa lagu eedeyey inuu sii waday sheegashada lacagaha bulshada sannado ka dib markii uu ku laabtay dalka Ciraaq. Dalka Sweden iyo wadamadda waqooyiga Yrub waxa ey caan ku yihiin bixinta kaalmooyinka bulshada ee deeqsinimada ah.
ISHA/AP.