MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO KA HADLI DOONO ARRINTA RAFAX.

(SAWIRKA)-MAGAALADDA RAFAX.

(WASHINGTON)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil ayaa galay maalintiisii 165-aad,dagaalkan ayaa soo bilawday taariikgdu markeey ahayd 7/10/23-kii ka dib markii Xarakadda Xamaas ey weerar kedis ah ey ku qaaday Isra’iil,weerarkaas ayaa Isra’iil waxaa looga dilay ilaa 1200-qofood waxaane looga soo afduubtay ilaa 400-qofood oo kale halka Falastiin looga dilay in ka badan 32-kun qofood loogana dhaawacay in ka badan 72-kun qofood,dadka dhintay ayaa intooda badan ah Caruur iyo Dumar waxaane jira dad reer Falastiin ah oo lagu la’ayahay goobaha ey ka dheceen dagaaladda. Dawladda Maraykanka ee uu hogaamiyo MW-Biden ayaa miisaameysa dhawr siyaabood oo kala duwan duulaanka ey Isra’iil dooneyso iney ku qaado Rafax,ujeedka miisaamidaan ayaa ah inuu jiro wafdi heer sare ah kana socdo Isra’iil inuu soo booqan doono Washington todobaadka soo socdo,sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal oo Maraykan ah. Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa codsaday kulanka si uu u amro in la isku dayo sidii looga fogaan lahaay isku dhac dhexmara Maraykanka iyo Isra’iil,waxaa sidaas sheegay saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Madaxweyne Biden iyo Reysal Wasaare Netanyahu labaduba waxa ey soo saareen”XARIIQ CAGAARAN” oo ku wareegsan hawlgaladda Isra’iil ee koonfurta Marinka Gaza halkaaso in ka badan hal milyan oo Falstiiniyiin ah u ah gabaad.

ISHA/AXIOS.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

WASIIR HORE OO SAMEEYEY MUSUQ.

Next
Next

KANADA OO MAMNUUCDAY IN HUB LAGA IIBIYO ISRA’IIL.