KANADA OO MAMNUUCDAY IN HUB LAGA IIBIYO ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA KANADA JOLY.
(TORONTO-CANADA)-Wararka ka imanaayo dalka Kanada ayaa sheegaayo in dalkaasi uu mamnuucay in hub loo diro dalka Isra’iil,Wasiirka Arrimaha Dibadda Kanada Melanie Joly ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday. Talaabadaan ayaa timid ka dib markii xildhibaanadu 204/117 ey u codeeyeen mooshin aan sharci ahayn oo lagu joojinaayo iibinta hubka ka dib dood dheer oo Isniintii shalay ahayd dhacday. “Waa wax dhab ah”,Joly ayaa u sheegtay wargayska The Toronto Star. Mooshinkii asalka ahaa wuxuu ahaa joojinta iibka hubka laakin taasi waxaa loo bedelay mamnuucid toos ah. Sidoo kale waxaa Mooshinka ku jiray qodobo ku baaqaayey in la taageero ugu dambaynta “Sameynta dawladda Falastiin”iyadoo lala kaashanaayo saaxibadda caalamiga ah ee Kanada.
ISHA/AA.