Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO XABSIGA KA SII 113-MAXBUUS.

(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Axad ah(26/5/24)-ka waxa ey xabsiga dhexe ee magaaladda Sanca laga sii daayey in ka badan 100-Maxbuus oo ku xirnaay magaaladda caasimadda ah ee Sanca iyagoo talaabadaan ku tilmaamay mid hal dhinaca ah oo ey ku doonayaan iney cafis ugu fidiyaan Maxaabiista,dibna loogu celiyo qoysaskooda. “Intooda badan waa kiisas bani’adanimo oo ey ku jiraan kuwa xanuunsan,kuwa dhaawacmay iyo kuwa da’a ah”ayuu yiri C/qaadir AL-Murtada oo ah Madaxa Gudiga Arrimha Maxaabiista ey hayaan Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay sii deynta Maxaabiista sheegayne iney ahaayeen Askar ka tirsan ciidamadda Xukuumadda Yeman ee caalami ahaan loo aqoonsan yahay oo ey Xuutiyiintu gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale,Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in dadka la xiray eysan ahayn askar sida ey sheegeen Xuutiyiinta balse ey yihiin dad rayid ah ey Xuutiyiintu ka qafaasheen guryahooda,Masaajidada iyo goobohooda shaqo. “In dhibanayaasha lagu sii daayo magac kasta kama saareyso Xuutiyiinta dembigaas” waxaa sidaas yiri Maajid Fadli oo ah Wasiir ku Xigeenka Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda calamku aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa qoraal ahaan ku qoray bartiisa X. Hayadda Laan Qeerta Cas ee caalamiga ah(ICRC) ayaa maanta oo Axad ah xaqiijisay sii deynta 113-Maxbuus oo lagu soo qabtay iska horimaadyada u dhexeeyey ciidamadda Dawladda Yeman iyo kooxda Xuutiyiinta,waxayna bayaan ey soo saartay ICRC-da ku sheegtay iney Maxaabiista ka caawisay xaqiijinta sii deyntooda iyo iney tahay mid bani’adanimo oo sharaf leh.

ISHA/REUTERS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XASUUQ KA SOCDO WAQOOYIGA DAAR-FUUR EE SUUDAAN.

(SAWIR)-KA.QAXOOTIGA REER SUUDAAN.

(UN)-Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa sheegay in Gobolka Daar-Fuur ee dalka Suudaan uu wajahaayo “khatarta sii kordheysa ee Xasuuqa”. Iyadoo dalku uu horey u wajahay dhibaato Qaxooti ,Rabshado xoogan oo ka dhex Qarxay ciidanka Suudaan iyo Xoogaga Taageeradda deg dega ah ee RSF si ey maamulaan dalka bishii Abriil-2023-kii,taaso dhalisay iska horimaad joogta ah oo socday muddo dhan hal sano. Tobanaan kun ayaa la dilay halka ku dhawaad 2.3-Milyan ey u qaxeen wadamadda deriska la ah dalka Suudaan,waxaane gudaha dalka Suudaan ku barakacay dad dhan 2.22-Qof. Alice Wairimu Nderitu,oo ah la taliyaha gaark ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobe u qaabilsan ka hortaga Xasuuqa ayaa Barnaamijka NEWSDAy ee Idaacadda BBC-da u sheegay”Waxaan haysanaa xaaladdo uu ku dhici karo ama uu dhacay”. In kastoo beesha caalamku ey ku baaqday xabad joojin hadane waxaa gobolka ka socdo dagaallo,waxaa sii xoogaystay dagaalka ka socdo magaaladda AL-Faashir oo ah caasimadda Waqooyiga Daar-Fuur,halkaas oo Nderatu uu sheegay in dad badan oo rayid ah loo bartilmaameedsado qawmiyadaha ey ka soo jeedaan.

ISHA/NA.

SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAARI QARAX LAGU SOO XIRAY OO KU QARXAY DIMISHIQ.

(SAWIR)-KA. GAARIGA QARAXA LAGU SOO XIRAY.

(DAMASCUS)-Bam gaari lagu soo xiray ayaa ku Qarxay Subaxnimadii maanta oo Sabti ah Galbeedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq,goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalo dhismayaal ey degan yihiin Hayaddo Diblomaasiyadeed,Qarax ayaa waxaa ku dhintay hal Qof waxa uuna sababay burbur hantiyadeed sida ey sheegtay Warbaahinta dawladda Suuriya. Xaafadda Mazze ee caasimadda Dimishiq waxaa ku yaalo Qunsuliyadda dalka Iraan oo bishii hore lagu burburiyey weerar lagu eedeyey Isra’iil iney ka dambeysay. Weerarkaas xilligaas dhacay ayaa waxaa lagu dilay todobo qof ey ku jiraan laba Jineraal oo dalka Iraan u dhashay iyo xubin ka tirsan kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan eyna taageerto Iraan,waxa uuna dhaliyey in weerar toos ah ey ciidamadda dalka Iraan ey ku qaadaan Isra’iil markii ugu horeysay.taaso dhalisay cabsi laga qabo in dagaalka uu ku fido Gobolka oo dhan. Duqeymo dhawr ah oo dhanka cirka ah ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda sida adag loo adkeeyey amnigeeda,waxaane weerarka la beegsaday saraakiil reer Iraan ah.

ISHA/NA

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALYAANIGA OO UGU DEEQAYA FALASTIIN 35-MILYAN OO YUURO.

(SAWIR)-KA. RW-GIOGIA MELONI.

(ROME)-Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Sabtida maanta ah ku kordhisay taageeradda dalkeeda u haayo si loo gaaro xabad joojin waarta oo ka dhacda Marinka Gaza. RW-Meloni kulan ey magaaladda caasimadda ah ee Rome kula yeelatay dhigeeda Falastiin Md.Maxamed Mustafa ayey Meloni sheegtay iney taageereyso dadaaladda caalamiga ah ee lagu sii deynaayo dhammaan la haystayaasha ku harsan gacanta Xamaas iyo sidii loo horumarin lahaa qeybinta gargaarka bani’adanimo ee dadka rayidka ah kuna sugan Gaza. Dawladda Talyaaniga waxa ey kordhin doontaa maalgelinta hindisaha cunadda lagu gaarsiinaayo Marinka Gaza,Talyaaniga ayaa bilaabay inuu raashin gaarsiiyo Gaza isagoo kaashanaayo dhawr hayadood oo caalami ah kana shaqeeyo bani’adanimada ujeedaduna ey tahay in gargaar badan la gaarsiiyo gudaha degaanka go’odoonsan ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Meloni. “Intii uu socday kulanka u dhexeey Rw-Meloni iyo RW-Mustafa ayey RW-Meloni waxa ey ku celcelisay baahidda loo qabo in dib loo bilaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara nabad waarta oo ku salaysan xalka labad gobol:” ayey raacisay Meloni. Dhanka kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa u sheegay RW-Mustafa in dawladda Talyaaniga ey 35-Milyan oo Yuuro oo maalgelin cusub ah u qoondeysay dadka rayidka ah ee reer Falastiin taaso 5-Milyan oo mid ah lacagtaas ey ku bixi doonto Hayadaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Falastiin ee UNRWA,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dalka Talyaaniga.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

PARIS: SHIR SHALAY KA DHACAY PARIS MUXUU SOO KODHIN KARAA?

(SAWIR)-KA. BILL BURNE,BARNEA IYO MAXAMED BIN C/RAXMAN ALTHANI.

(PARIS)-Kulan shalay oo Jimce ah Paris ku dhexmaay Agaasimaha CIA-da dalka Maraykanka Bill Burns, Agaasimaha Sirdoonka Isra’iil ee Mossad Barnea iyo Reysul Wasaaraha dawladda Qadar Maxamed Bin C/raxman Althani ayaa horumar ka sameeyey suurtagalnimada in dib looga wada xaajood la haystayaasha ku sugan Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegay saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Wada hadaladda aan tooska ahayn ee u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee ku aadan heshiis suurtagal ah oo laga gaaro maxaabiista ey hayso Xamaas waxa ey horseedi kartaa Xabad joojin ku meel gaar ah oo ka hirgasha Marinka Gaza,laba todobaad ka hor ayey ahayd markii uu Qaahira iyo Dooxa ey ka kala dheceen kulano la isku mari waayey markii dambane lagu kala kacay. Madaxweynaha dalka Maraykanka Bidem,Agaasimaha CIA-da iyo la taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka Jake Sullivaniyo iyo saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa si shaqsi ah uga qeyb qaatay dalaaladda lagu doonaayo in lagu sii daayo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas kuwaaso lagu soo qabtay weerarkii dhacay 7/10/2023-kii. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa u arka heshiiska la haystayaasha inuu yahay dariiqa kaliyah ee lagu gaari karo xabad joojin iyo soo afjaridda suurtagalnimada dagaalka dhibaato siyaasadeed ku noqday MW-Biden ka hor inta eysan dalka Maraykanka ka dhicin doorashada Madaxweyne kuna beegan NOV-2024-ka.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA MASAR OO OGLAADAY IN KEREM SHALOM LA..

(SAWIR)-KA. MW-EL SISI.

(QAHIRA)-Cadaadiska Maraykanka,dawaladda Masar ayaa ogolaatay iney dib u bilawdo qulqulka gaadiidka xamuulka ee gargaarka u sida Marinka Gaza ka dib markii la hakiyey laba todobaad ka hor waxaane u sabab ahaay Isra’iil oo la wareegtay Rafax dhanka Falastiin. Go’aanka Masar laba todobaad ka hor wuxuu si weyn hoos ugu dhigay tirada gargaarka ee soo gelaysa Marinka Gaza,waxa uuna uga sii daray dhibaatada bani’adanimo ee ka jirta dhulka Falastiin. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu la hadlay dhigiis Masar C/fataax El Sisi wuxuuna ka codsaday inuu dib u bilaabo gaarsiinta gawaaridda gargaarka,sidaas waxa laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah. Madaxweynaha dalka Masar C/fataax El sisi ayaa oglaaday qulqulka gargaarka bani’adanimo ey bixiso Qaramada Midoobe ee Masar,iyadoo la sii marinaayo Marinka Kerem Shalom si ku meel gaar ah looguna qeybiyo Gaza oo dhan sida lagu sheegay akhrinta Maraykanka. “Tani waxa ey gacan ka gaysan doontaa badbaadinta nolosha”ayuu yiri Aqalka Cad ee dalka Maraykanka. Dawladda Masar ayaa sheegtay in labada dhinac ey ku heshiiyeen in baabuurta gargaarka iyo shidaalka lagu wareejiyo Kerem Shalom”Si ku meel gaara ah”ilaa laga furaayo isgaoyska Rafax,sida laga sheegay akhrinta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

ISHA/AXIOS

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO LA AMRAY INEY JOOJISO DUULAANKA RAFAX.

(SAWIR)-KA.MAXKAMADDA IIC-DA.ISRA’IIL OO LA

(HAGUE)-Maxkamadda Qaramadda Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah amartay Isra’iil iney si deg deg ah u joojiso duulaanka Mileteri ey ku hayso Koonfurta Marinka Gaza ee magaaladda Rafax,laakin waa ey ka gaabisay iney amarto Xabad-Joojin laga sameeyo dhulka Go’odoonsan. In kasta oo Isra’iil eysan u badneyn iney u hogaansanto amarka hadane waxay kor u qaadi doontaa cadaadiska saaran Isra’iil iyo iney sii gasho Go’odoon. Dhaliilaha loo jeedinaayo hab dhaqanka Isra’iil ee dagaalka Marinka Gaza ayaa sii kordhaayey gaar ahaan markii ey Isra’iil diiradda saartay Magaaladda Rafax. Todobaadkan oo kaliyah seddex wadan oo Yurub ka tirsan ayaa ku dhawaaqay iney aqoonsan doonaan dawladda Falastiin ah,waxaane dacwad Oogaha guud ee Maxkamadda kale oo Caalami ah uu codsaday in la soo qabto Hogaamiyeyaasha Isra’iil oo ey wehliyaan saraakiil ka tirsan Xamaas.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIA,MOSSAD IYO DAWALADDA QADAR OO KU….

(SAWIR)-KA.MADAXDA YURUB ISKU ARKI DOONTO.

(WASHINGTON)-Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa la filaa inuu u safro Yurub maalmaha soo socdo si uu kulan ula yeesho Madaxa Mossad ee Isra’iil iyo Reysul Wasaaraha Qadar si ey u soo nooleyaan wadahadaladda lagu sii deyn lahaay la haystayaasha Gaza iyo in la Xabad-Joojin laga sameeyo dhulka Go’odoonsan,sida ey sheegeen seddex sarkaal oo Maraykan iyo Isra’iil ah. Wada hadaladda aan tooska ahayn ee u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas oo ku saabsan heshiiska la haystayaasha kaaso horseedi kara xabad-joojin ku meel gaar ah oo Marinka Gaza ka dhacda ayaa laba todobaad ka hor la isku mari waayey ka dib markii ey dheceen wada hadalo ka dhacay Qaahira iyo Dooxa. Madaxweyne Biden,Bill Burns,la taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan iyo saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa si shaqsi ah uga qeyb qaatay dadaaladda lagu doonaayo in lagu sii daayo la haysatayaashii Xamaas qafaasheen markii ey weerareen Isra’iil 7/10/2023-ka.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADDA ICC-DA OO KU DHEGAN NETANYAHU.

(SAWIR)-KA. RW-NEYANYAHU.

(WASHINGTON)-Madaxa dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ayaa codsaday in la soo xiro Reysul Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Hogaamiyeyaasha Xamaas todobaadnkan,kuwaas oo lagu eedeyey dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha intuu socday dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas. Waaranka soo xiridda haddii la soo saaro,waxaa ey sii go’odoomin doontaa Isra’iil waxayna noqon doontaa canaan caalami ah oo muhiim ah ololaha Mileteri ee Isra’iil ee Marinka Gaza iyo weerarkii arxan darada ahaa ee Xamaas ee Oktoobar 7-2023-ka ee Isra’iil. Kuwa lagu soo rogay Waaranka uma badna in lagu soo xiro ama lagu Maxkamadeeyo ICC-da taaso eyanan aqoonsaneyn badi quwadaha waa weyn oo aan lahayn awoodo dhaqangelineed sida caadiga ah ey heli karaan Hayadaha kale ee garsoorka. Awaamiirtaan ayaa sidoo kale loo badinayaa iney saameyn ku yeelan doonto colaada Xamaas ee ku wajahan Isra’iil ama Istaraatiijiyadda Mileteri ee Isra’iil ee Marinka Gaza taaso lagu dhaleeceeyey iney ka taxadareyso dhaawacyadda rayidka ah iyo burburka jireedka ey gaysatay.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO UK OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIR)-KA.DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA IYO UK.

(SANA’A)-Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah bilaabay iney fuliyaan duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yeman,duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday gobolka xeebta ku yaalo ee Xudeyda,sidaas waxaa sheegay kooxda Xuutiyiinta. Telefishan Al-Masiiraha ey maamulaan Xuutiyiinta ayaa sheegay in laba weerar oo dhinaca cirka ah lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha ee AL-Xudeyda,mana jiro wax war ah oo ku saabsan inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka dhacay maanta. Horaantii maanta,Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta C/malik AL-Xuuti ayaa fariin laga soo duubay ku sheegay in ciidamadoodu ey beegsadeen 119-Markab oo Maraykan ah,Isra’iil iyo Ingiriiska leeyihiin tan iyo markii ey bilaabatay xiisadda Badda Cas bishii Noofembar-2023-kii. Kooxda Xuutiyiinta ayaa qiratay in lix weerar oo dhinaca cirka ah oo ey fuliyeen diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha AL-Xudeyda iyadoo aan la sheegin khasaaro dhimasho iyo dhaawaca h.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-NETANYAHU OO KA HORYIMID QORSHIHII XABAD JOOJINTA GAZA.

(SAWIR)-KA.GOLAHA DAGAALKA EE ISRA’IIL.

(QAHIRA)-Ilo Masaari ah ayaa daaha ka qaaday maanta oo Khamiis ah in Isra’iil eysan diyaar u ahayn iney ogolaato Xabad-joojin ka dhacda Marinka Gaza,sida laga soo xigtay Kanaal Qaahira. “Mawqifka Isra’iil weli diyaar uma aha Xabad-joojin iyo heshiis isdhaafsi ee la haystayaasha”ayuu yiri isha heerka sare ah oo codsaday inaan la magcaaabin,laakin ma eysan sheegin sababo gaar ah oo ku saabsan diidmadda Tel Aviv. Horaantii maanta,Isra’iil waxay amartay gorgortanka iney dib u bilaabaan wada hadaladda Xabad-joojinta Marinka Gaza iyo heshiiska isdhaafsiga la haystayaasha,sida ey sheegtay Warbaahinta. In kasta oo oo ey Xamaas aqbashay soo jeedinta Masar iyo Qadar ee Xabad-joojinta iyo isdhaafsiga la haystayaasha 6-dii bishaa shanaad-2024-ka. Reysul Wasaaraha Isra’iil Brnjamiin Netanyahu ayaa ku eedeeyey Xamaas iney isku dayday iney kharibto hawlgaladda Isra’iil ee Rafax,wuxuuna cadeeyey in Mawqifka Xamaas uu ka hoos maray qancinta daladaadka muhiimka ah ee Isra’iil.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBIYA OO DIB LOOGA CELIYEY MUHAJIRIIN DHAN 80-KUN.

(SAWIR)-KA.MUHAAJIRIIN DIB LOOGU CELINAAYO DALKOODA.

(TRIPOLI-LIBYA)-Hayadda Socdaalka Adduunka ee (IOM) ayaa Talaadadii shalay ahayd ku dhawaaqday in tan iyo sannadkii 2015-kii 80-kun oo Muhaajiriin ah si iskood ah loogu soo celiyey dalka Libiya lana geeyey dalalkoodii asal ahaan ey ka soo jeedeen iyadoo loo maraayo Barnaamijka Isxilqaanka ee bani’adenimada(VHR). Hindisanahaan waxa uu taageero muhiim ah siiyey kuwa doonaayo iney si nabad ah ugu laabtaan dalkooda. Sida laga soo xigtay Hayadda Socdaalka Addunk(IOM),Muhaajiriinta dib loogu celiyey dalalkooda waxaa ka mid ah 2,733-Qof oo dhibanayaal u ah kuwa wax tahriibiya,843-Caruur ah oo aan waalidiintooda eysan la socon ama kala maqan yihiin iyo 5,144-Qof oo qaba baahi caafimaad. Marka ey ka soo laabtaan soo gelootigaan waxa ey helaayaan taageero dib u dhaxgal ah oo dhammaystiran oo ey ku jirto kaalmo dhaqaale,mid Bulsho iyo mid Maskax bulsho ah iyadoo loo maraayo xirmo dib u dhexgal oo shaqsi ah. “Shaqaalaha Hayadda Socdaalka Adduunka(IOM) waxay shaqeeyaan habeen iyo Maalin si ey u caawiyaan Muhaajiriinta Nugul ee ku sugan Libiya kuwaaso u baahan gargaar ilaalin deg deg ah. U ogolaanshaha soogelootiga iney sameeyaan doorashooyin xogogaal ah iyo in la xaqiijiyo xaqa ey u leeyihiin iney ku laabtaan dalkooda,Barnaamijka VHR waxa uu bixinayaa rajo yar mark ey la kulmaan dhibaatooyin ba’an” sidaas waxaa yiri Tauhid Pasha oo ah ku simaha Madaxa Hawlgalka ee Hayadda Socdaalka Adduunk(IOM) ee dalka Libiya. Tan iyo markii uu meesha ka baxay Taliskii Mucamar AL_Qadaafi sannadkii 2011-kii,dalka Libiya waxa uu noqday goob muhiim u ah oo ey ka baxaan Muhaajiriinta isku dayeysa iney ka gudbaan Badda Miditereeniyanka si ey u gaaraan Qaaradda Yurub. Barnaamijka VOLUNTARY HUMANITARIAN RETURN(VHR) ee Hayadda IOM-ta waxa uu hiigsanayaa inuu si badbaado leh oo sharaf leh u soo celiyo Muhaajiriinta ku Go’odoonsan dalka Libiya,wax ka qabashadda baahiyahooda deg dega ah iyo in laga caawiyo sideey dib ugu dhex milmi lahaayeen bulshooyinkooda.

ISHA/WAKALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHIMASHADDA MARINKA GAZA OO GAARTAY 35,700-QOF.

(SAWIR)-KA. MEYDADKA MARINKA GAZA.

(ANKARA)-Dhimashadda Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ee ka dhashay weeraradda dilaaga ah ee Isra’iil ayaa kor u dhaaftay 35,709-Qof tan iyo todobadii Oktoobara ee sannadkii hore 2023-kii,Wasaaradda Caafimaadka ee dhulak Go’odoonsan ayaa sheegtay maanta oo Arbaca ah,sidoo kale weerarada Isra’iil ayaa waxaa ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 80-kun Qof. Weeararadda ey qaadeen ciidamadda Isra’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad dhan 62-Qof halka ey dhaawacmeen 138-Qof kale,waxaane jira dad fara badan oo weli ku xayiran burburka dhismooyinka iyo wadooyinka waayo samata bixiyeyaasha ayaa awdoodi kari waayey iney gaaraan goobahaas. Isra’iil ayaa sii wada weerarka naxariis darada ah ey ku hayso Marinka Gaza in kastoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu soo saaray qaraar ku baaqaayo xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo dhulkaas. In ka badan todobo bilood ayuu socdaa dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil,waxaane burburay dhul baaxad weyn oo ka tirsan Marinka Gaza iyadoo ey yaraadeen Cuntadii iyo Biyihii nadiifka ahaay ee dadku cabaayeen. Isra’iil ayaa lagu eedeeyey Xasuuq Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda taaso ku amartay Isr’iil iney hubiso in ciidankeeda eysan sameynin falal Xasuuq ah oo ey qaadaan tallaabooyin lagu damaanad qaadaayo in gargaarka bani’adanimo la siiyo dadka rayidka ah ee Gaza.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SEDDEX DAL OO YURUB AH OO AQOONSADAY FALASTIIN.

(SAWIR)-KA.RW-NORWAY.

(LONDON)-Dalalka Norway,Irland iyo Spain ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay iney Aqoonsanayaan Dawladda Falastiin ah,waa tallaabo taariikhi ah waxaane canbaareeyey Isra’iil halka ey ku farxeen dadka reer Falstiin. Isra’iil ayaa isla markiiba amartay iney dib u soo ceshato Safiiradeedii u kala fadhiyey dalalka Norway iyo Irland. Aqoonsiga rasmiga ah ee Dawladda Falastiin ayaa la sameyn doonaa 28/5/24-ka,horumarku waa tallaabo loo qaaday rabitaanka Falastiiniyiinta ee mudada dheer ka soo horjeeday caradda caalamiga ah ee dhimashadda dadka rayidka ah iyo dhibaatooyinka bani’adanimo ee Marinka Gaza ka dib markii Ciidamadda Isra’iil ey weerareen halkaas. Dhinaca kale, Magaaladda Qudus,Wasiir ka tirsan Xukuumadda Midigta-Fog ayaa booqasho Daandaansi ah ku tegay goob Barakaysan ee Muslimiinta iyo Yahuuda. Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itamar Ben Gvir ayaa booqasho ku tegay dhismaha Masjidka AL-Aqsa’a ee Barakaysan kaaso Yuhuuda ey ku tilmaamaan Temple Mount,waxay u badan tahay iney sii kordhiso xiisadda Gobolka oo dhan.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RAFAX OO EY SOO WAJAHDAY CUNTO LA’AAN.

(SAWIR)-KA. CARUURTA KU NOOL RAFAX.

(GAZA)-Qaramada Midoobe ayaa joojisayy cunto qeybintii Rafax sababto ah Amni-xumadda ka jirta Koonfurta magaaladda Gaza iyo sahay la’aan,Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay shalay oo Talaada ahayd. Dadka ku nool qeybo ka mid Marinka Gaza ayaa durba waxaa soo food saartay macluul,dhammaan dadka magaaladda ayaa wajahaya heerar dhibaato oo cunto yari ah ama wax ka sii daran,sida lagu sheegay warbixin ey soo saartay Hayadda Cuntada Adduunka ee Qaramadda Midoobe(WFP). Xaaladuhu waa jiraan in kasta ey jiraan hoos u dhac ku yimid gargaarka bani’adanimo ee ka imaanayey dalka Maraykanka iyo wadamada kale ee reer Galbeedka. Hayadda UNRWA ayaa baraha bulshadda ku sheegtay in xarunteed qeybinta iyo bakhaarka barnaamijka cuntada adduunka ee Rafax in labaduba noqdeen kuwa aan la geli karin sabab la xiriirta hawlgaladda ciidanka ee ka socdo Bariga magaaladda Rafax.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA ISRA’IIL OO QAATAY QALABKII WAKAALADDA ASSOCIATED PRESS.

(SAWIR)-KA.BURBURKA GAARAY WAQOOYIGA GAZA.

(KSA)-Saraakiisha Isra’iil ayaa qabsatay Kaamarad iyo Qalab kale oo warbaahineed oo ey iska leedahay Wakaaladda Wararka Associated Press(AP) Koonfurta Isra’iil maanta oo Talaada ah,ciidamadda ayaa ku eedeeyey Wakaaladda (AP) iney ku xadgudubtay sharciga cusub ee Warbaahinta Isra’iil ka dib markii (AP) ey sawiro siisay Tv-caalamiga ah ee AL-Jazeera. TV-ga AL-Jazeera ee dalka Qadar ayaa ka mid ah kumanaan macaamiil oo si toos ah muuqaalo uga helo Wakaaladda Wararka (AP) iyo ururo kale oo warbaahineed oo caalamka ah,falkaan ey maanta ku keceen ciidamadda Isra’iil ayaa waxaa cambaareeyey Masuuliyiinta Wakaaladda Wararka Associated Press ee fadhigoodu yahay dalka Maraykanka. “Wakaaladda Wararka ee Associated Press(AP) waxay si adag u cambaareyneysaa ficilkii dawaladda Isra’iil ee lagu xiraayo quudkeena mudada dheer ee muujinaayo aragtida Marinka Gaza oo lala wareegay qalabka AP”ayey tiri Lauren Easton oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Isgaarsiinta shirkadda ee Ururka Wararka.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

PARIS: MAXKAMADEYNTA SEDDEX EEDEYSANE OO SUURIYIIN AH.

(SAWIR)-KA.MAXKAMADDA PARIS.

(PARIS)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ayaa sheegaayo in halkaasi ey maanta oo Talaada ah Maxkamad ku taalo Paris ey bilawday dhegaysiga dacwad ka dhan seddex Saraakaal oo horay uga tirsanaay ciidanka Sirdoonka dalka Suuriya kuwaaso loo haysto iney Jirdil iyo Dil u gaysteen Aabe iyo Wiilkiisa oo Faransiis ah basle aslal ahaan ka soo jeedo dalka Suriya,Aabaha iyo wiilkiisa ayaa la xiray toban sano ka hor xilligaas ey socdeen dibad-baxyo ka dhan ah Hogaamiyeyaasha wadamadda Carabta qaarkood eyna Suuriya ka mid tahay,Waaran caalami ah ayaa loo soo saaray Eedeysanayaasha iyadoo Maxkamad la saaraayo iyagoo maqan. Aabe Mazen Dabbagh iyo Wiilkiisa Patric ayaa lagu xiray magaaladda Dimishiq ee ah caasimadda Suuriya sannadkii 2013-kii ka dib markii ey hayadaha Amniga ka hortageen dibad-baxyo markii dambe isu bedelay dagaal sokeeye oo bahalnimo ah kaasoo hadda galay sannadkii 14-aad. Baaritaan la xiriiro Aabahaan iyo Wiilkiisa ayaa bilawday sannadkii 2015-kii markii Cubeyd Dabbagh oo la dhashay Mazen Dabbagh uu u marag furay baarayaal horay u baaraayey dembiyadda dagaalka ee ka dhacay dalka Suuriya.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKHA SHIICADDA CIRAAQ OO LA HADLAY SAFIIRKA MARAYKANKA.

(SAWIR)-KA.SHEEKH AL-XAKIIMI.

(BAQDAD)-Wadaadka Shiicadda dalka Ciraaq Camaar AL-Xakiimi iyo Safiirka Maraykanka ee Ciraaq Alina Romanowski ayaa ka wada hadlay isbedeladda siyaasadeed ee dalka Ciraaq iyo tan Gobolka. Hadal Qoraal ah oo la soo dhigay barta(X) ayey Romanowski waxa ey ku sheegtay iney wada hadallo wanaagsan la yeelatay AL-Xakiimi oo ah Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xikamadda Qaranka Ciraaq(AL-Xikma),”Horumarka Siyaasadda,Amniga,Dimuqaraadiyadda iyo Xuquuqda Adanaha “iyadoo labada dhinacba ey qaadayaan tilaabooyin iskaashi. “Maraykanka iyo Ciraaq waxay sii wadaan ka wada shaqeynta sidii ey u dhisi lahaayeen Ciraaq Xasilloon,amaan ah oo madax banaan” ayey raacisay hadalkeedii. Dhaqdhaqaaqa AL-Xikmi ayaa kulan ka dib waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in AL-Xakiimi uu ku baaqay in la soo afjaro hawlgalka isbahaysiga caalamiga ah ee uu Maraykanku hogaaminaayo ee Ciraaq”. AL-Xakiimi ayaa sidoo kale ku baaqay in xiriirka Ciraaq iyo isbahaysiga lagu bedelo xiriirka laba geesoodka ah ee Ciraaq iyo qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga. Dalka Ciraaq ayaa horay u shaaciyey in 25-kii Janaayo heshiis lala gaaray dalka Maraykanka si loo dejiyo jadwal lagu soo afjaraayo hawlgalka Mileteri ee isbaheysiga kaaso la aas-aasay markii uu bilawday dagaalkii ka dhanka ahaay kooxda Daacish/ISIS,hawlgalkaan ayaa waxaa hogaaminaayey Maraykanka,waxaane si tartiib tartiib ah loo dhimay taliyeyaasha isbaheysiga. Saldhigyadda ey leeyihiin ciidamadda isbaheysiga ayaa marar badan weeraro kala kulmay maleeshiyaadka shiicadda ee ey taageerto Iraan.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IRAAN OO YEELAN DOONO MADAXWEYNE CUSUB.

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTII KU DHIMATAY DIYAARADII UU LA SOCDAY MADAXWEYNAHA IRAAN.

(TEHRAN-IRAN)-Hogaamiyaha sare ee kacaanka Islaamiga ah ee Iraan Ayatollah Sayid AL-Khameyni ayaa u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Iraan Maxamed Mukhbir Madaxa Fulinta. Hogaamiyaha ugu sareeyo dalka Iraan ayaa ku dhawaaqay Magacaabista maanta oo Isniin ah,maalin ka dib markii Madaxweyne Ebrahim Raysi iyo kooxdii la socotay ey ku shahiideen shil diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Waqooyi-Galbeed ee Azarbajaan. Ayatollah Khameyni ayaa soo saaray dhambaal Tacsi ah kaaso uu ku sheegay in Mukhbir uu la wareegi doono fulinta isagoo cuskanaayo Qodobka 131-aad ee Dastuurka dalka Iraan. Waxaa kaloo uu u xilsaaray Mukhbir iyo madaxa labada laamood ee kale ee dawaladda Iraan kalana ah Madaxa Garsoorka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Iraan,iney u diyaar garoobaan Doorashada lagu soo dooranaayo Madaxweyne Cusub ugu badnaan 50-Maalmood Gudahood. MA JIRAAN WAX CARQALAD AH OO KU YIMID DALKA. Kulan deg deg ah ey yeeshaeen Golaha Wasiiradda dalka Iraan maanta oo Isniin ah,Mukhbir ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Wasiiradda iney sii wadaan si kalsooni leh oo adag sidii hore si ey ugu adeegaan shacabka. Waxa uu sheegay in nidaamka dalka uu yahay mid dhisan oo adag,isla markaasne eysan jiri doonin dhibaatada ugu yar ee ka jirta maamulka dalka. Golaha Wasiiradda Iraan fadhigii deg dega ahaa ey yeesheen waxa ey go’aamiyeen in la saaro Gudi u xil saaran qaban qaabadda Aaska Marxuumka iyo wafdigiisa. Gudiga waxaa Madax u ah ku xigeenka Raysi ee arrimaha fulinta Muxsin Mansuur. Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale go’aamiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan ey u doortaan Wasiir ku meel gaar ah ee Arrimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha Gobolka Bariga Azerbajaan. Madaxweyne Ebrahim Raysi,Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Cadollahayaan,Gudoomiyaha Gobolka Azerbajaan ee Bari iyo lix qofood oo kale ayaa saarnaay diyaaradda Helikobtarka ah markii ey ku burburtay Gobolka Varzaqan shalay oo Axad ahayd. Diyaaradahooda iyo laba kale oo Helikobtara ah ayaa ku sii jeeday magaaladda Tabriz saacado ka dib markii MW-Raysi oo uu wehliyo dhigiisa Azerbajaan Ilham Caliyev ey daah fureen Biyo-Xireenka wadajirka ah ee Qiz Qalasi ee Xuduudka labada wadan horaantii Axaddii shalay. MW-Raysi ayaa la doortay sannadkii 2021-kii waxa uuna ahaay Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan. Arrintaan shalay ka dhacday dalka Iraan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Iraan Maxamed Jawaad Dariif waxa uuna dhibka dhacay dusha ka saaray dalka Maraykanka sida uu Boggiisa ku soo daabacay Tv-ga AL-Carabiya qeybtiisa Afka Carabiga,waraysi uu siiyey TV-ga Qaranka ee Iraan maanta oo Isniin ah,waxa uuna Dariif sheegay in Maraykanku yahay mid ka mid ah kuwa loo haysto dilka Madaxweyne Rasyi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Cabdollahiyaan.

ISHA/WAKALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA TURKIGA OO QEYBQAADANAAYO RAADINTA BURBURKA DIYAARADII SIDAY…

(SAWIR)-KA. GOOBTA LOO MALEYNAAYO INEY KU BURBUTRTAY DIYAARADII SIDAY MW-RAYSI.

(ISTANBUL)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Turkiga AKINCI(UAV) ayaa aqoonsaday isha kulaylka subaxnimadii hore ee Isniinta(Waqtiga Iraan) oo looga shakisan yahay iney tahay burburka diyaaradda Helikobtarka ah oo uu la socday Madaxweynaha Iraan Ibrahim Raysi waxayna la wadaagtay isku xirka maamulka dalka Iraan. Ka dib markii ey burburtay diyaaradda Helikobtarka ah ee siday MW-Raysi Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa u xil saartay diyaaradda AKINCI UAV iyo nuuca COUGAR Helikobtarka oo leh awooda wax araga habeenkii si ey uga qeyb qaataan hawlaha raadinta. Madaxweyne Raysi ayaa Axadii ka qeybgalay xaflad lagu furaayey biyo-xireen laga sameeyey xuduuda Iraan iyo Azerbajaan iyadoo diyaarad Helikobtar ah ey qaaday. Telefishanka Qaranka ee Iraan ayaa sheegay in shilkan uu yimid markii diyaarad Helikobtar ah oo uu watay MW-Raysi ey si adag u degtay xilli ey ka soo laabatay Gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iraan Xuseen Amiir-Cabdullahian ,Malik Rahmeti,Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Azarbajaan,iyo Imaam Ayatullahi Cali Haashim oo ka tirsan Gobolka Tabriz ayaa sidoo kale la socday diyaaradda Helikobtarka. Kooxaha Goobidda iyo Samatabxinta ayaa ka warbixinaaya in shaqada ey ku sii socoto si dhib leh xaaladaha cimiladda oo xun awgeed.

ISHA/WAKALADO.

Read More