TAKHTAR SUURIYAN AH OO LA LA’AAY IN KA BADAN…
(SAWIR)-KA.MARYAM KAMALZAM.
(WASHINGTON)-Saraakiisha Maraykanka ayaa soo saaray sir gaar ah oo si weyn loo aamini karo oo soo jeedinaayo in mawadin Maraykakn ah oo la waayey todobo sano ka hor isaga oo ku safrayo Suuriya uu dhintay,gabadha u dhalay ninkaas ayaa sabtidii sheegtay. Maryam Kamalzam ayaa waraysi ey siisay Wakaaladda Wararka (AP) ku sheegtay iney bishaan Washington kulan kula yeelatay 8-sarkaal oo sarsare oo Maraykan ah ey u soo bandhigtay Sirdoon faahfaahsan oo ku saabsan geeridda loo maleynaayo in aabaheed Majd oo ah daaweeyaha Dhimirka ee Texas. Saraakiisha ayaa u sheegay in marka loo eego hal ilaa toban heerka kalsoonidda ey ku qabaan dhimashada aabaheed ey ahayd “Sagaal sare”. Waxay sheegtay iney weydiisay in dad kale oo Maraykan ah oo la xiray ey weligood si guul ku heleen xoggo ceynkaa ah oo lagu kalsoonaan karo,waxaane loo sheegay Maya. Maxaa kale oo aan u baahanahay? Taasi waxay ahayd masuuliyiin badan oo heer sare ah oo aan u baahneyn iney noo cadeeyaan iney runtii baxday. Ma jirin waddo lagu garaaco agagaarka baadiyaha”ayey tiri Maryam Kamalmaz.
ISHA/SA.
DAVID CAMERON OO KA DIGAY DAGAALKA DAAR-FUUR.
(SAWIR)-KA. SHACABKA DAAR-FUUR OO SAF UGU JIRA KAALMO.
(SUDAN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa Axada maanta ah sheegay in rabshadaha Gobolka Daar-Fuur ee dalka Suudaan ey noqon karaan dembi ka dhan ah Bani’adanimadda. “Waxaan aad uga walaacsananahay wararka aadka loogu kalsoon yahay ee sheegaayo in qaar ka mid ah rabshadaha Daar-Fuur ey yihiin kuwa salka ku haayo isir”,ayuu David Cameron ku yiri hadal uu soo saaray oo lagu daabacay Mareegta Dawladda Ingiriiska. “Waxyaabha ka socdo Daar-Fuur oo ey ku jiraan weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah waxay noqon karaan dembiyo ka dhan ah bani’adanimada”. Madaxa Xuquuqul Insaanka ee Qaramadda Midoobe ayaa Jimcihii sheegay inuu aad uga naxay rabshado ka soo cusboonaaday meel u dhaw magaaladda AL-Faashir ee dalka Suudaan,waxa uuna wada hadal la yeeshay taliyeyaasha labadda dhinac ee dirirtu u dhexeeyso,isagoo ka digay Musiibo bani’adanimo haddii la weeraro magaaladda.
ISHA/AN.
MARINKA GAZA OO UU KU SOCDO WEERAR AAD U CULUS.
(SAWIR)-KA.BURBURKA EY GAYSTEEN WEERARDII DHACAY MAANTA.
(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) ayaa soo bilawday 7-dii bishii Oktoobar sannadkii 2023-kii waxa uuna soo socday todobo bilood oo xiriir ah waxa uuna maant galay maalintii 226-aad. Dagaalkaan ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 35,456-Qofood oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar,waxaane dagaalkaan lagu dhaawacay dad gaaraayo ilaa 79,476-Qofood,waxaane jiro dad fara badan oo meydadkooda ey weli u hoos jiraan dhismayaasha ku soo dumay ka dib markii Ciidamadda Difaaca Isra’iil ey duqeyn xoogan ka gaysteen Marinka Gaza. Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambaysay weerarada dhinaca cirka ah ey gaysteen diyaaradaha Isra’iil ayaa waxaa lagu dilay dad dhan 70-Qofood waxaane lagu dhaawaca 110-Qofood oo kale,sida ey sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Gaza. Isra’iil ayaa lagu eedeeyey iney Xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza waxaane dacwad ka dhan ah Isra’iil u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC dalka K/Afrika,waxaane ku taageeray dawladdo fara badan oo caalamka ah,dalka K/Afrika ayaa mar kale waxa uu dacwad ka gudbay Isra’iil waxa uuna u gudbiyey Maxamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ,Maxkamadaan ayaa Isra’iil amartay iney hubiso ineysan ciidamadeedu sameyn wax Xasuuq ah.
ISHA/SB-MEDIA.
HAYADDA QAXOOTIGA REER FALASTIIN EE UNRWA OO HESHAY…
(SAWIR)-KA.WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA URDU EYMAN SAFAD.
(JORDAN)-Dalka Boqortooyadda Urdun ayaa maanta oo Axad ah sheegay in isku dayga Isra’iil ey ku ceebeysay Hayada Qaramada Midiibe u qaabilsan Qaxootiga reer Falastiin9UNRWA) ey Guul daraysatay. “Eedeynta ka dhanka ah UNRWA waxay cadeeyeen iney ahayd been abuur,isku dayo siyaasadeed oo lagu sumcad dili lahaay Hayadda ayaa Guul daraystay” Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Boqortooyadda Urdun Ayman Safaad ayaa shir jara’id uu ku qabtay caasimadda Urdun ee Camaan kula hadlay Gudoomiyaha UNRWA Mr.Philippe Lazazarini,Wasiir Eyman ayaa xaaladda Bani’adanimo ee ka jirta Marinka Gaza ku tilmaamay iney tahay”MUSIIBO”. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyadda Urdun Eyman Safaad ayaa sheegay in Hayadda Qaxootiga ee Qaramadda Midoobe ey soo wajahday caqabado dhaqaale oo waa weyn ka dib markii 16-dal ey hakiyeen dhaqaalihii ey siin jireen Hayadda UNRWA xilli ey Isra’iil ku eedeysa Hayadda UNRWA iney shaqaalaheed qeyb ka ahaayeen weerarkii dhacay 7-dii Oktobar-2023-kii,waxaase hadda dib u bilaabay iney dhaqaale siiyaan Hayadda UNRWA 14 dal kuwaaso hakad geliyey markii la soo eedeeyey.
ISHA/AA.
HUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB…
(SAWIR)-KA,MARKAB GENTAAL KU DHACAY.
(LONDON)-Shirkadda laga leeyahay dalka Ingiriiska ee Ambrey ayaa sheegtay in Isgaarsiintu ey muujinayso in Markabka lagu dhuftay Gentaal isla markaasne uu dab ka kacay. Shirkadda Amaanka ee Ingiriisa ee Ambrey,ayaa sheegtay Sabtida maanta ah iney heshay xog ku saabsan in Markab Shidaal siday oo uu ka dul babanaayey calanka dalka Panama lagu weeraray meel qiyaastii 10-Nautic Miles Koonfur kaga beegan magaaladda Makha ee dalka Yeman. Shirkadda Ambrey ayaa sheegtay in Isgaarsiintu ey muujineyso in Markabka lagu dhuftay Gentaal isla markaasne uu dab ka kacay Markabka,shirkadu ma eysan bixin faahfaahinta Isgaarsiinta. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman oo inta badan gacanta ku haayo degaanadda ugu badan dalka Yeman isla markaasne gacan saarka la leh dalka Iraan ayaa muddo bilo ah weeraro ku qaadayey Maraakiibta ku sugan biyaha Badda Cas si ey u garab istaagaan Falastiiniyiinta dagaalka kula jirto ciidamadda Isra’iil ee Marinka Gaza. Maraakiibta marta Badd Cas kuna dhawaata Badd Yeman ayaa lagula taliyey iney taxadiraan oo ey soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo,sidaas Ambrey ayaa ku talisay. Horaantii Sabtida maanta ah,Hayadda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyadda Ingiriiska(UKMTO) ayaa sheegtay in Markab maraayey Badda Cas uu ku dhacay sheey aan la garaneyn,isla markaasne Markabka uu soo gaaray khasaaro yar. “Markabka iyo shaqaaluhuba waa ey badaqabaan waxayne sii wateen safarkood si ey u gaaraan dekedda xigat ey ku socdeen”sidaas waxa qoraal la talin ah ku tiri UKMTO,waxa eyna intaas ku dartay in shilkaan uu ka dhacay meel 76-Nautica Mile Waqooyi Galbeed ka xigta magaaladda Xudeyda ee dalka Yeman.
ISHA/HAYADDO.
DAGAAL XOOGAN OO KA DHACAY DALKA LIIBIYA.
(SAWIR)-KA.MAGAALADDA ZAWIYAH.
(TRIPOLI-LIBYA)- Wararka ka imanaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in iska Horimaad xoogan uu barqadii maanta oo Sabti ah uu ku dhexemaray kooxo hubaysan gudaha mgaaladda Zaawiyah ee Galbeedka caasimadda Liibiya ee Tripoli,dagaalkaas oo sababay in la joojiyo Waxbatashadii,Dhaqdhaqaaqii kale iyo inuu cabsi ku abuuray dadkii degaanka lagu dagaalamay. Ilo wareedyo degaanka ah ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhexmaray waxa loo yaqaano”Ciidanka Taakuleynta Koowaad”oo uu Hogaaminayo Maxamed Bahruun iyo kooxda Taageeradda Xasillinta ee Zaawiyah oo uu Hogaaminaayo Xasan Bazuribah oo la dhashay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Isbarbaedhiga ah ee uu magacaabay Golaha wakiiladda,ila wareedyo ayaa xaqiijiyey sababta keentay dagaalka iney tahay xarig ey ciidamadda Xasillinta u gaysteen ciidan ka tirsan Gargaarka koowaad. Qaraxyo,Rasaas iyo Bambooyinka Gacanta laga tuuro ayaa si weyn loo maqlay,iyadoo la soo sheegaayo in dad Rayid ah ey waxyeelo ka soo gaartay madaafiic ku soo dhacday xaafaddo ey degan yihiin dad shacab ah ,waxaane socdo dadaalo lagu soo afjaraayo colaadan. Ururka Bisha Cas ayaa ku dhawaaqday iney gacan ka gaysaneyso daad gureynta qaar ka mid ah qoysaska ku go’odoonsan dagaaladda ka socdo magaaladda. Waxa uuna Ururka Bisha Cas u mahadceliyey dhammaan dadkii isxilqaamay iyo cid kast oo isku dayday iney gacan siiso Bisha Cas,Ururka ayaa ku nuuxnuuxsaday iney sii wadi doonaan shaqada ey ka wadaan magaaladda lagu dagaalamay ee Zaawiyah.
ISHA/LO.
SII AKHRI.
XAALKA ISRA’IIL OO KU SOCDO BURBUR SIYAASADEED.
(SAWIR)-KA.BENNY GANTZ.
(TEL AVIV)-Wasiir Benny Gantz,oo ah xubin caan ah oo ka tirsan Golaha Wasiiradda dagaalka ee Isra’iil ayaa amar ku siiyey Reysul Wasaare Benjamiin Netanyahu Sabtida maanta ah,wuxuuna sheegay in Xisbigiisu uu ka tegi doono dawladda haddii Golaha Wasiiradu aysan Ansixin Istaraatiijiyadda dagaalka Gaza inta aan la gaarin sideeda bisha Juun-2024-ka. Hadalka Wasiir Gantz waxa uu sii khalkhal geliyey dawladdii deg dega ahayd ee la dhisay ka dib weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar-2023-kii, waxayna sii balaarisay kala qeybsanaanta ka dhex jirta Golah Wasiiradda Dagaalka. Khudbadda Wasiir Gantz ayaa timid dhawr maalmood ka dib markii Wasiira difaaca Isra’iil Yoav Gallant uu soo bandhigay eedeymihiisa guud ee ka dhanka ahaa RW-Netanyahu iyo rabitaan la’aantiisa inuu diyaariyo Istaraatiijiyadda dagaalka ka dib. Wasiir Gantz wuxuu khudbadiisa ku sheegay in xagjiriinta laga tirada badan yahay ey la wareegeen go’aan gaarista oo ey Israill ka dhigayso derbi. Waxa uu ula jeedaa xulafadda siyaasadeed ee Netanyahu iyo Wasiiradda xagjirka ah ee Itamar Ben Gvir iyo Betzalel Smaotruch. Gantz ayaa Netanyahu ku eedeyey iney wadaan arrimo shaqsi iyo mid siyasadeed oo eysan ku socon danaha Amniga Qaranka ee dalka. Waxa uu sheegya in Golaha Wasiiradda looga baahan yahay iney diyaariyaan Istaraatiijiyad mudnaan siin doonto sii deynta la haystayaasha ey haystaan Xamaas ka dibne kaliyah ey diiradda saaraan sidii meesha looga saari lahaay Xukunka Xamaas ee Marinka Gaza.
ISHA/AXIOS.
ISRA’IIL OO SOO HESHAY MEYDAD CUSUB.
(SAWIRKA)-BURBURKA GAZA.
(QUDUS)-Ciidamadda Difaac Isra’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah iney Marinka Gaza ka heleen meyd kale oo ka mid ahaay la haystayaasha reer Isra’iil kuwaso lagu dilay weerarkii ey Xarakadda Xamaas ku qaady Isra’iil 7-dii bishii Oktoobar-2023-kii. Shira jaraa’id uu qabtay afhayeenka ciidamadda Isra’iil Daniel Hagari ayaa sheegya in “Xog la xaqiijiyey oo ey heleen ciidanku iney muujinayso in 53-jirka Ron Benjamiin lagu dilay weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar, meydkiisana hadda laga helay Marinka Gaza”. “Weli Marinka Gaza waxaa ku jira 123-la haysteyaal ah,iyadoo la shaaciyey dhimashadda 39-ka mid ah “ayuu raaciyey Hagari. Jimcihii shalay ayey ciidamadda Isra’iil sheegeen iney soo sareen meydadka 3-Isra’iiliyiin ah oo lagu haystay Marinka Gaza tan iyo markii uu dhacay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil 7-dii Oktoobar-2023-kii. Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda Difaaca Isra’iil (IDF) ayaa hadda galay bishii todobaad maalintii 225-aad waxaane dagaalakan ilaa hadda ku geeriyooday dad ku dhaw ilaa 35,400-Qofood una badan Caruur iyo Dumar,waxaane ku dhaawacmay in ka badan 79,300-Qofood,waxaane jira tiro badan oo aan weli la helin meydadkooda kuna hoos xabaalan dhismayaasha ku soo dumay.
ISHA/AA.
MARAYKANKA OO EEDEEYEY YAXYA SINWAAR.
(SAWIR)-KA.sULLIVAN.
(WASHINGTON)-La taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka Jake Sullivan ayaa u sheegay safiiradda shisheeye Arbacadii la soo dhaafay in Maraykanka uu aaminsan yahay in Hogaamiyaha Xarakadda Xamaas Yaxya Sinwaar uu ka baxay wada hadaladdii afduubka todobaadkii hore isagoo rajeynaayey inuu sii kordho cadaadiska Isra’iil si loo joojiyo dagaalka Marinka Gaza,laba ilo wareed oo ka tirsan kulanka ayaa u sheegtya Wargayska Axios. Wada xaajoodka aan tooska ahayn ee u dhxeeyo Xaralkadda Xamaas iyo Isra’iil kuna saabsan heshiis ka gaaridda la haystayaasha reer Isra’iil oo ey suurtagal tahay inuu horseedi karo xabad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Marinka Gaza ayaa gaaray heerkiisii ugu xumaay todobaadkii hore ka dib markii wada hadallo dhawr ey ka kala dheceen Qahoira iyo Dooxa kuna soo dhammadeen natiijo la’aan. Madaxweyne Biden,Agaasimaha CIA-da Bill Burns,Sullivan iyo saraakiil sar sare oo Maraykan ah ayaa si shaqsi ah uga qeyb qaatay dadaladda lagu doonaayo in laga heshiiyo la haystayaashii ey Xamaas la wareegtay markii ey weerartay Isra’iil 7/10/2023-kii. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa heshiiska la haystayaasha u arka wadada kaliyah ee lagu gaari karo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza lagana yaabo in la soo afjaro dagaalka dhibaato siyaasadeed ku noqday Madaxweyne Biden oo ka dhex jira Xisbigiisa Dimuqaraadiga ka hor doorashada Madaxtinimo.
ISHA/AXIOS.
MARAYKANKA IYO IRAAN OO BILAABAY WADA HADALO AAN TOOS AHAYN.
(SAWIR)-KA.MCGURK.
(WASHINGTON)-Laba masuul oo ugu sareeyso maamulka Madaxweyne Biden ayaa todobaadkan wada hadallo aan toos ahayn kula yeeshay dalka Cumaan masuuliyiin reer Iraan ah si looga fogaado weerarada Gobolka ee sii kordhaayo,sidaas waxaa Wargayska Axios u sheegay laba ilo wareed oo la socday wada hadaladda. Wada hadaladda ey ku jiraan la taliyaha sare ee Madaxweyne Biden u qaabilsan Bariga Dhex Brett McGurk iyo Abram Paley oo ah ku simaha Ergayga Maraykanka u qaabilsan dalka Iraan,wada hadaladda ayaa ahaay wareegii ugu horeeyey una dhexeeyo Maraykanka iyo dalka Iraan tan iyo bishii Janaayo-2024-ka markaaso wada xaajood midkan la mid ah uu ka dhacay dalka Cumaan. Wada hadaladda ayaa dhacay waxyar uun ka dib markii ey Iraan weerar gentaalo ah oo aan horay loo arag ey ku qaaday Isra’iil seddex iyo tobankii Abriil-2024-ka,weerarkaan ayaa Gobolka Bariga waxa uu u horseeday dagaal cusub. Dalka Iraan ayaa 350-Gentaal oo balastik ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ku riday Isra’iil si ey uga aargoosato dilkii loo gaystay S/Guuto. Maxamed Reza Zahedi oo ahaay Generaal sare oo ka tirsan ciidamadda Qudus oo dalka Iraan u qaabilsan hawlgaladda Mileteri ee laga fulinaayo wadamadda Lubnaan iyo Suriya.
ISHA/AXISO.
CIIDAMADDA ISRA’IIL OO SOO HELAY MEYDADKA..
(SAWIR)-KA.BURBURKA MARINKA GAZA SOO GAARAY.
(GAZA)-Mileteriga dalka Isra’iil ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in ciidamadooda ku sugan Marinka Gaza ey soo heleen meydadka seddex qofood oo Isra’iil ah kana mida dadkii ey Xarakadda Xamaas ka soo afduubtay dhulka ey Isra’iil haysato todobadii bishii Oktoobar-2023-kii,dadkaan ayaa waxaa ka mid Shani Louk oo ah Jarmal-Isra’iil. Mileteriga Isra’iil ayaa labada qof ee kale ku sheegay meydadkooda haweeney 28-jir ah oo lagu magacaabo Amit Buskila iyo nin 56-jir ah oo lagu magacaabo Itzahak Gelerenter. Seddexda qofood ee meydadkooda la soo helay ayey Xarkadda Xamaas ku dishay xaflad muusig ee ka socotay NOVA oo ah xaflad qoob ka ciyaar ah laguna qabto banaanka goob u dhaw Marinka Gaza,sida uu shir jara’id ka sheegay afhayeenka Mileteri Rear Adm Daniel Hagari. Reysal wasaraha Isr’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ku tilmaamay dhimahsadda seddexdaas qofood mid Wadna Xanuun ah isagoo yiri”Waan soo celin doonaa dhammaan la haystayasha kuwood nool iyo kuwooda dhintaba”.
ISHA/AA.
BAYAAN LAGA SOO SAARAY SHIRKII JAAMICADDA CARABTA.
(SAWIR)-KA.MADAXDA WADAMADDA CARABTA.
(MANAMA)-Wadamadda Carabta ee xubnaha ka ah Ururua Jaamicadda Carabta ayaa soo saaray baaq ah in laga shaqeeyo sidii ciidamo Nabad ilaalin ah kana socdo Qaramada Midoobe loogu diri lahaay dhulka Falastiin si ey u ilaaliyaan dadka Rayidka ah inta laga dhaqan gelinaayo xalka labada dal. Bayaanka kama dambaysta ah ee laga soo saaray shir-madaxeedka Carabta ee lagu qabtay dalka Baxray caasimadiisa Manama maanta oo Khamiis ah ayey Hogaamiyeyaasha Carabtu ku nuuxnuuxsadeen muhimadda ey leedahay xallinta labada wadan iyadoo ey lagama maarmaan ey tahay “In la dejiyo waqti xadidan ee Geedi-socodka siyaasadda iyo Wada hadaladda”si loo qaado talaabooyin cad oo arrintaas la xiriira. Hogaamiyeyaasha Carabta ayaa soo saaray Baaq Wadajir ah oo ku saasban in la qabto shir caalami ah oo ey garwadeen ka tahay Qaramada Midoobe si arrinta Falstiin loogu xalliyo xalka labada dal,si loo soo afjaro gumaysiga Isra’iil ee dhammaan dhulalka Carabta ee la haysto, Dawlad Falastiin oo madax banaan si waafaqsan go’aanadda sharciyadda caalamiga ah si dadka reer Falastiin ey ugu noolaadaan Amni iyo nabad dhulkooda Isra’iil ka haysato,una helaan nabad iyo cadaalad dhammaystiran. Shir-Madaxeedka ayaa sidoo kale u wakiishay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta “iney talaabo deg deg ah qaadaan oo ey la xiriiraan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka caalamka si ey ugu booriyaan iney si deg deg ah u aqoonsadaan Dawladda Falastiin” waase haddii ey wadatashiyo dhexmaraan Wasiiradda Arrimaha dibadda ee ku saabsan sidii loo heli lahaay saameyn mideysan oo taageeri karta dadaaladda Carabta si loo helo dawlad metesha dadka reer Falastiin xubin buuxdana ka ah Qaramadda Midoobe sida ayadoo ah dal madax banaan oo leh awood buuxda iyo xoojinta dadaaladda wadamadda Carabta ee dhammaan xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobe si loo aqoonsado Fa;astiin.
ISHA/AW.
RW-XAMSE CABDI BARRE OO KA HADLAY SHIRKA 33-AAD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(SAWIR)-KA. SHIRKA 33-AAD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA EE MANAMA BAXREYN.
(BAXRAYN)-Manama oo ah caasimadda dalka Baxrayn oo ka mid ah lixda dal ee loo yaqaano Wadamadda Kahliijka Carabta ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah kuna beegan 16/5/24-ka ka furmay shirka Ururka Jaamicadda Carabta meertadiisa 33-aad,shirkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo masuuliyiin sare oo ka kala yimid wadamadda Carabta iyo kuwa aan Carab ahayn oo shirka lagu martiqaada. Madaxweyneyaasha,Boqoradda iyo Amiiradda shirkaan yimid ayaa waxaa ka mid ah”Bashaar AL-Asad Suuriya, Ismaaciil Cumar Geelle Jabuuti,C/ladhiif Jamal Rashi Ciraaq,Maxamud Cabaas Falastiin,Maxamed Walde sh.AL Gazwani Muritaniya,Azali Assoumani Komooros, Sheekh Tamim Bin Xamad Amiirka Qadar, Cabdallah Bin Xuseen 2-aad Boqorka Urdun,Rashaad Al-Culaymi Gudoomiyaha Golaha Hogaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yeman,Maxamed Al-Menfi Gudoomiyaha Golaha Madaxtooyada Liibiya”. Reysal Wasaarayaasha iyagana soo xaadiray shirka ayagoo ka wakiil ah Madaxweynayaashooda ayaa kala ah”Xamse Cabdi Barre Soomaaliya,Maxamed Bin Salman Sacuudiga,Sheekh Axmed Cabdallah Al-sabaax Kuweyt,Sheekh Maxamed Bin Rashid Imaaraatka Carabta,Asad Bin Dhaariq AL-saciid Cumaan,Najib Mikati Lubnaan,Caziiz Akhnuuj Marooko”. Madax kale oo heer caalami ah ayaa iyagan shirka maanta ka soo qeybgalay kana hadlay shirk Madaxeedka wadamadda Carabta sida Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobe Antonio Guterres,Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Falastiin Francesco P.Albanese,Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Hissein Brahim Taha. Shirkaan 33-aad ayaa diiradda lagu saari doonaa arrinta dad reer Falastiin ee uu ku socdo dagaalka aan kala go’a lahayn ee Isra’iil kaaso ey ku dhinteenin in ka badan ilaa 35-kun qofood eyna ku dhaawacmeen in ka badan 79-kun kale,dadka dhintay ayaa u badan Caruur iyo Dumar,wxaane jiro dad kale oo lagu la’ayahay nolol iyo geeri welina ku hoos jira dhismayaasha soo dumay. LA SOCO GO’AAMADDA KA SOO BAXO SHIRKAN.
ISHA/SB-MEDIA.
WASIRKA G/DHIGA ISRA’IIL OO KA DIGAY…
(SAWIR)-KA.WASIIRKA G/DHIGA ISRA’IIL GALLANT.
(QUDS)-Wasiirka Difaaca Isra’iil Yoav Gallant ayaa maanta oo Arbaca ah ka digay in xukunka Mileteriga Isra’iil ee Marinka Gaza uu noqon doono “Isbedel Khatar ah”qiimaha lagu bixiyana waxa uu noqon doonaa in dhiig daato”. Wasiir Gallant isagoo khudbadeynaayo ayuu sheegay in “In isbedel halis ah ayaa soo koraya kaasoo horumarinaya fikradda Mileteriga Isra’iil iyo maamulka rayidka Gaza”. “Tani waa doorasho taban oo khatar ah oo u ah dawladda Isra’iil ahaan iyo ciidan ahaan marka laga eego dhinaca Amniga”. Wasiir Gallanta ayaa ka digay in xukuumadda mileteriga ee Marinka Gaza uu noqon doono dadaalka ugu weyn ee Amniga iyo Mileteriga Isra’iil sanadada soo socdo. “Qiimaha la bixiyey wuxuu noqon doonaa dhiig daata iyo dhibanayaal iyo sidoo kale qiimo dhaqaale oo culus”ayuu yiri Wasiir Gallant.
ISHA/AA.
MAAMULKA ISRA’IIL OO KHILAAF SOO KALA DHEXGALAY.
(SAWIR)-KA.NETANYAHU IYO GALLANT.
(QUDS)-Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa maanta oo arbaca ah ugu baaqay Wasiirkiisa Gaashaandhiga Yoav Gallant inuu baabi’iyo Xarakadda Xamaas”Cudur daar la’aan”. Baaqa ayaa imaanaya iyadoo laga jawaabaayo dalabka Gallant ee Netanyahu si uu Niyad jebiyo ciidamadda Mileteriga Isra’iil iyo xukuumadda Rayidka ah ee Marinka Gaza loo soo dhisaayo. “Diyaar uma ihi inaan ka soo wareego Xamaas una soo wareego Fatax”ayuu yiri Gallant isagoo tixraacaayo maamulka Falastiin. RW-Netanyahu ayaa wacad ku maray in Xarakadda Xamaas sii ahaato sideeda ma soo geli doono dhinac kale eyna ku jirto maamulka Falastiiniyiinta ee maamulka Marinka Gaza loo sameyn doono,sidoo kale,Wasiirka Amniga Qaranka ee Isra’iil ee Midigta Fog Itamar Ben-Gvir ayaa isna dhaliilay mawqifka Wasiirka Gaashaandhiga Gallant. “Tani waa nuxurka ra’ayiga Wasiirka G/dhiga oo ku guul daraystay 7-da Oktoobar oo weli sii socota inuu ku guuldareysto xitaa hadda. Wasiirka G/dhiga waa in la bedelaa si loo gaaro hadafyadda dagaalka”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Xagjirka Midigta Fog ah ee Itamar Ben-Gvir.
ISHA/AA.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAAYO KOOXAHA DALKA SUUDAAN.
(SAWIR)-KA. MATHEW MILLER.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay inuu cunaqabteyn ku soo rogayo Taliyeyaasha Sare ee ciidamadda difaaca deg dega ah ee Suudaan (RSF) ka dib weerar lagu qaaday magaalo weyn oo ku taalo Galbeedka Gobolka Daar-Fuur. Dadka uu Maryaknaku ku soo rogayO cunaqabateynta ayaa waxaa ka mid ah Cali Yacquub Jibriil iyo Cismaan Maxamed Xamid Maxamed doorkii hogaamiyenimo iyo hawlgalkii ey sameeyeen Daar-Fuur ciidamadda RSF-ta,afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mathew Miller ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray. “Weerarada RSF-ta,Ciidamadda qalabka Sudan iyo ciidmadda isbahaysiga la ah waxa ey sababeen khasaaro soo gaaray dadka Rayidk ah waane in si deg deg ah loo joojiyaa colaada,sidoo kale waa in ayadana la joojiyaa taageeradda dibadda kaga timaado labada kooxood ee aan soo sheegnay”ayuu yiri afhayeen Miller. Dhammaan caqabadaha hortaagan gargaarka bani’adanimo xilli ey malaayiin qofood ey halis ugu jiraan iney geeriyoodaan Macluul colaada awgeed,waa in meesha laga saara gacanta seddexaad ee ku lugta leh dagaalka dalka Suudaan. Miller waxa uu sheegay inuu Maraykanku sii wadi doono adeegsiga qalabka uu gacanta ku haayo si uu u taageero geedi socodka nabadda oo ku khasbi doonta kharash in lagu soo rogo kuwa sii wada colaad Suudaan”taaso muujineyso talaabooyin dheeraad ah, fariintaan uu diraayo dalka Maraykanka ayaa si toos ah waxa ey ugu socotaa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE).
ISHA/SB-MEDIA
XARAKADDA XAMAAS WAA LOO YAABAA SANNADKAN.
(SAWIR)-KA. URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(MANAMA)-Dalka Boqortooyadda Baxrayn ayaa martiqaaday shir Madaxeedka 33-aad ee dalalka Carabta,shirka ayaa looga hadli doonaa arrinta Marinka Gaza iyo soo jeedinta Xabad joojin ka dhaqan gasha dhulkaas iyo sidii loo riixi lahaay sidii ey dhulkaasi uga hawlgeli lahayd dawalad ey leeyihiin dadka reer Falastiin. Hogaamiyeyaasha Carabta ayaa ujeedadoodu tahay iney mideyaan mawqifkooda ku aadan arrimaha Gobolka Bariga dhexe. Boqortooyadda Baxray ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxa ey matrtigelineysaa shir Madaxeedaka 33-aad ee wadamadda Carabta kaaso berri(16/5/24)-ka furmi doono Manama Caasimadda Boqortooyadda Baxrayn. Shirka berri ka furmaayo caasimadda Baxrayn ee Manama ayaa ah midkii ugu horeeyey ee la qabto tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyso Xarakadda Xamaas iyo Ciidamadda Difaac Isra’iil bishii Oktoobar-7/24-ka. Ilo rasmi ah oo ka tirsan Jaamicadda Carabta ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay in qorshaha shirkan lagu soo gabagabeyn doono magaaladda Gaza ee dhulka reer Falastiin kaaso dhigaayo in dalalka Carabta ey aqoonsadaan dalka Isra’iil si ey u dhistaan dawlad Falastiin ah oo ku dhextaalo xuduudaha la sameeyey 7/6/1976-kii. Shirkaan 33-aad ayaa waxaa looga hadli doonaa dhacdooyinka hadda ka socdo Badda Cas,khatarta socdaalka Gacanka Carbeed,dhibaatooyinka Xuduudaha ee u dhexeeyo dalalka Jabuuti iyo Eritereeya,colaada dhiiga badan ku daatay ee dalka Suudaan iyo dhawr wadan oo kale ayaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimahooda. “Jawdwalka ayaa la soo jeedin doonaa xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo Gaza lagu wareejiyo Maamulka Falastiin ee uu Hogaamiyo Maxamuud Cabaas lagana fogeeyo Xarakadda Xamaas,maadaama ey ahayd tii u horseeday Gaza gasho God Mugdi ah. Waxaa sidoo akle jiri doonohindise dib loogudhisaayo Marinka Gaza,Rafax iyo meelaa kale ee uu saameeyey dagaalka ka socdo halkaas. In ka badan 65% ayaa dhaawac waxa uu soo gaaray Marinka Gaza kaaso ka dhashay dagaalka arxan darridda ah ee ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/The Media Line.
JAKE SULLIVAN OO BOOQAN DOONO BARIGA DHEXE.
(SAWIR)-KA.JAKE SULLIVAN.
(WASHINGTON)-La taliyaha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ninka lagu magacaabo Jake Sullivan ayaa qorsheynaaya inuu u safro dalalka Sacuudiga iyo Isra’iil dhammaadka todobaadkan iyadoo ey sii kordheyso xiisadda ka dhalatay hawlgalka ciidamadda Isra’iil ee magaaladda Rafax,sidaas waxaa sheegay lana wadaagay Wargayska AXIOS seddex sarkaal oo Maraykan iyo Isra’iil ah kuwaaso wax ka og qorshanaan. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sii wada inuu isku dayo inuu Isra’iil ka dhaadhiciyo iney hakiso hawlgalka Mileteri ee balaaran ey ka bilawday Koonfurta magaaladda Gaza,hawlgalkaaso ka gudbi doona”Khadka Cas”ee Biden ee ah in Maraykanku uu joojiyo hubka uu siiyo Isra’iil. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in Maraykanka uu is fahan la gaaray Isra’iil in hawlgal kasta oo ka socda Rafax aan si weyn loo balaarin ka hor booqashadda Sullivan. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa rajeynaayo inuu balaariyo balan qaadkan ilaa laga garaayo kulan fool ka fool ah oo ka dhacaayo Washington una dhexeeyo Maraykanka iyo Isra’iil maalmo ka dib safarka Sullivan ee bariga dhexe.
ISHA/AXIOS.
REYSAL WASAARAHA QADAR OO KA HADLAY ISMARI WAAGA KA JIRA..
(SAWIR)-KA.CARUUR KU SUGAN XERADDA QAXOOTIGA EE RAFAX.
(DOHA)-Wada hadaladii xabad joojinta ee Marinka Gaza ayaa u socon la’a ismari waa ka dhashy hawlgaladda Isra’iil ee Rafah,Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Md.Maxamed Bin C/raxmaan AL-Thani ayaa maanta oo talaada ah sheegay sidaas. Hawlgaladda Isra’iil ee magaaladda Rafah ee bilawday bishaan ayaa xiray marinadda ugu muhiimsan ee gargaarka ka soo galo xuduudka dalka Masar,talaabadaas oo kooxaha bani’adanimada u dooda ku sheegeen iney uga sii dartay xaaladda markii horaba aadka u liidatay. “Gaar ahaan dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay waxaan aragnay xoogaa dhisme ah,laakin nasiib darro arrimuhu uma dhaqaaqin jihaddii saxda ahayd,hadda waxaan ku jirnaa xaalad ku dhaw ismari waa,dabcan,wixii ka dhacay magaaladda Rafax waxay nagu soo celisay dib u dhac,sidaas waxaa Madasha Dhaqaalaha ee Dooxa ka sheegay Md.Maxamed AL-Thani. Sheekh Maxamed AL-Thani ayaa yiri”Waxaan si cad ugu cadeyneynaa qof walba shaqadeyna waxa ey ku kooban tahay dhexdhexaadin,taasi waa waxa aan sameyn doono iyo in waxa aan sii wadi doono inaan sameyno”.
ISHA/SA.
MASAR OO CAMBAAREYSAY BEENTA ISRA’IIL.
(SAWIR)-KA.WASIIR SAAMEX SHUKRI.
(QAHIRA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamex Shukri ayaa si kulul u cambaareeyey maanta oo Talaada ah isku daygii Isra’iil ey ku eedeysay Masar dhibaatadda bani’adanimo ee ka taagan Marinka Gaza. Wasiir Shukri ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in qabsashada Isra’iil ee xuduudka Rafax ee ka soo talaabaya Marinka Gaza ee soo gala dalka Masar iyo sidoo kale hawlgaladda Mileteri ey ka wadaan ciidamadda Isra’iil aagaas ey yihiin sababaha ugu waa weyn ee gargaarku u awoodi waayey inu galo gudaha Marinka Gaza,Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in wadankiisa si cad u diiday siyaasadda Isra’iil ee ah Xaqiiqo Qaloocinta iyo masuuliyad ka leexinta. Wasiir shukri oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Isra’iil oo kaliya ayaa masuul ka ah masiibadda bani’aadanimo ee ey Falastiiniyiintu ku wajahayaan Marinka Gaza”. “Isra’iil waa iney qaadataa masuuliyadeeda sharciga ah taaso ah awood qabsasho oo ey ogolaataa gelitaanka gargaarka iyada oo marinada dhulka ey maamusho”ayuu yiri Wasiir Shukri.
ISHA/SA.
SII AKHRI.