XAALKA ISRA’IIL OO KU SOCDO BURBUR SIYAASADEED.
(SAWIR)-KA.BENNY GANTZ.
(TEL AVIV)-Wasiir Benny Gantz,oo ah xubin caan ah oo ka tirsan Golaha Wasiiradda dagaalka ee Isra’iil ayaa amar ku siiyey Reysul Wasaare Benjamiin Netanyahu Sabtida maanta ah,wuxuuna sheegay in Xisbigiisu uu ka tegi doono dawladda haddii Golaha Wasiiradu aysan Ansixin Istaraatiijiyadda dagaalka Gaza inta aan la gaarin sideeda bisha Juun-2024-ka. Hadalka Wasiir Gantz waxa uu sii khalkhal geliyey dawladdii deg dega ahayd ee la dhisay ka dib weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar-2023-kii, waxayna sii balaarisay kala qeybsanaanta ka dhex jirta Golah Wasiiradda Dagaalka. Khudbadda Wasiir Gantz ayaa timid dhawr maalmood ka dib markii Wasiira difaaca Isra’iil Yoav Gallant uu soo bandhigay eedeymihiisa guud ee ka dhanka ahaa RW-Netanyahu iyo rabitaan la’aantiisa inuu diyaariyo Istaraatiijiyadda dagaalka ka dib. Wasiir Gantz wuxuu khudbadiisa ku sheegay in xagjiriinta laga tirada badan yahay ey la wareegeen go’aan gaarista oo ey Israill ka dhigayso derbi. Waxa uu ula jeedaa xulafadda siyaasadeed ee Netanyahu iyo Wasiiradda xagjirka ah ee Itamar Ben Gvir iyo Betzalel Smaotruch. Gantz ayaa Netanyahu ku eedeyey iney wadaan arrimo shaqsi iyo mid siyasadeed oo eysan ku socon danaha Amniga Qaranka ee dalka. Waxa uu sheegya in Golaha Wasiiradda looga baahan yahay iney diyaariyaan Istaraatiijiyad mudnaan siin doonto sii deynta la haystayaasha ey haystaan Xamaas ka dibne kaliyah ey diiradda saaraan sidii meesha looga saari lahaay Xukunka Xamaas ee Marinka Gaza.
ISHA/AXIOS.