DAGAAL XOOGAN OO KA DHACAY DALKA LIIBIYA.
(SAWIR)-KA.MAGAALADDA ZAWIYAH.
(TRIPOLI-LIBYA)- Wararka ka imanaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in iska Horimaad xoogan uu barqadii maanta oo Sabti ah uu ku dhexemaray kooxo hubaysan gudaha mgaaladda Zaawiyah ee Galbeedka caasimadda Liibiya ee Tripoli,dagaalkaas oo sababay in la joojiyo Waxbatashadii,Dhaqdhaqaaqii kale iyo inuu cabsi ku abuuray dadkii degaanka lagu dagaalamay. Ilo wareedyo degaanka ah ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhexmaray waxa loo yaqaano”Ciidanka Taakuleynta Koowaad”oo uu Hogaaminayo Maxamed Bahruun iyo kooxda Taageeradda Xasillinta ee Zaawiyah oo uu Hogaaminaayo Xasan Bazuribah oo la dhashay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Isbarbaedhiga ah ee uu magacaabay Golaha wakiiladda,ila wareedyo ayaa xaqiijiyey sababta keentay dagaalka iney tahay xarig ey ciidamadda Xasillinta u gaysteen ciidan ka tirsan Gargaarka koowaad. Qaraxyo,Rasaas iyo Bambooyinka Gacanta laga tuuro ayaa si weyn loo maqlay,iyadoo la soo sheegaayo in dad Rayid ah ey waxyeelo ka soo gaartay madaafiic ku soo dhacday xaafaddo ey degan yihiin dad shacab ah ,waxaane socdo dadaalo lagu soo afjaraayo colaadan. Ururka Bisha Cas ayaa ku dhawaaqday iney gacan ka gaysaneyso daad gureynta qaar ka mid ah qoysaska ku go’odoonsan dagaaladda ka socdo magaaladda. Waxa uuna Ururka Bisha Cas u mahadceliyey dhammaan dadkii isxilqaamay iyo cid kast oo isku dayday iney gacan siiso Bisha Cas,Ururka ayaa ku nuuxnuuxsaday iney sii wadi doonaan shaqada ey ka wadaan magaaladda lagu dagaalamay ee Zaawiyah.
ISHA/LO.
SII AKHRI.