HUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB…
(SAWIR)-KA,MARKAB GENTAAL KU DHACAY.
(LONDON)-Shirkadda laga leeyahay dalka Ingiriiska ee Ambrey ayaa sheegtay in Isgaarsiintu ey muujinayso in Markabka lagu dhuftay Gentaal isla markaasne uu dab ka kacay. Shirkadda Amaanka ee Ingiriisa ee Ambrey,ayaa sheegtay Sabtida maanta ah iney heshay xog ku saabsan in Markab Shidaal siday oo uu ka dul babanaayey calanka dalka Panama lagu weeraray meel qiyaastii 10-Nautic Miles Koonfur kaga beegan magaaladda Makha ee dalka Yeman. Shirkadda Ambrey ayaa sheegtay in Isgaarsiintu ey muujineyso in Markabka lagu dhuftay Gentaal isla markaasne uu dab ka kacay Markabka,shirkadu ma eysan bixin faahfaahinta Isgaarsiinta. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman oo inta badan gacanta ku haayo degaanadda ugu badan dalka Yeman isla markaasne gacan saarka la leh dalka Iraan ayaa muddo bilo ah weeraro ku qaadayey Maraakiibta ku sugan biyaha Badda Cas si ey u garab istaagaan Falastiiniyiinta dagaalka kula jirto ciidamadda Isra’iil ee Marinka Gaza. Maraakiibta marta Badd Cas kuna dhawaata Badd Yeman ayaa lagula taliyey iney taxadiraan oo ey soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo,sidaas Ambrey ayaa ku talisay. Horaantii Sabtida maanta ah,Hayadda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyadda Ingiriiska(UKMTO) ayaa sheegtay in Markab maraayey Badda Cas uu ku dhacay sheey aan la garaneyn,isla markaasne Markabka uu soo gaaray khasaaro yar. “Markabka iyo shaqaaluhuba waa ey badaqabaan waxayne sii wateen safarkood si ey u gaaraan dekedda xigat ey ku socdeen”sidaas waxa qoraal la talin ah ku tiri UKMTO,waxa eyna intaas ku dartay in shilkaan uu ka dhacay meel 76-Nautica Mile Waqooyi Galbeed ka xigta magaaladda Xudeyda ee dalka Yeman.
ISHA/HAYADDO.