Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR MADAXEEDKA 33-AAD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(SAWIR)-KA. URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(BAXRAYN)-Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Axmed Abuul Gayth ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda uu leeyahay shir Madaxeedka 33-aad ee Wadamadda Carabta ee dhawaan ka furmi doono dalka Baxrayn kaasoo looga soo horjeedo caqabadaha adag ee ka taagan Gobolka Carabta. Caqabadahaan gaar ahaan waxaa ka mid ah weerarada socda ee Isra’iil ee Marinka Gaza iyo sii xumaanshaha xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa bini’aadanimo ee saameeyey dhawr wadan oo Gobolka ah. Hormuudka shir madaxeedka oo la filaayo maalinta khamiista ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Boqortooyadda Baxrayn Axmed Bin Salmaan AL-Musalam,waxa uu kulamo diyaarinta shirka la yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Axmed Abul Gayth iyo kaaliyaha Xogahayah Guud ee Qaramadda Midoobe Danjire Xusaam Zaki ee Jaamicadda Carabta. Axmed Abul Gayth waxa uu iftiimiyey doorka muhiimka ah ee shir Madaxeedka wadamadda Carabta ee mideysan. Waxaa kaloo uu qiray doorka weyn ee diblomaasiyadeed ee Baarlamaanka Carabta uu ku leeyahay kobcinta dadaaladda wadajirka ah ee wadamadda Carabta.

ISHA/MIDDLE EAST.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL SARE OO MARAYKAN AH OO ISU CASILAY…

(SAWIR)-KA.WASAARADDA GAASHAANDHIGA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Sarkaal ka tirsan ciidamadda Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inuu is casilay isagoo ka mudaaharadayo taageeradda Washington ee dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza. Harrison Mann,oo ah sarkaal ka tirsan Hayadaha Sirdoonka difaaca ayaa ku sheegay warqadii iscasilaada ee uu ku daabacay Linkedln in Taageerada Maraykanka ee aan u qalmin” ee Isra’ii”ey awooday oo ey awood u siisay dilka iyo gaajadda tobanaan kun oo Falstiiniyiin ah oo aan waxba galabsan”. Isagoo sheegay in shaqadiisa “aan shaki ku jirin iney gacan ka gaysatay taageeradaas”,Harrison Mann wuxuu yiri”Tani waxay ii keentay ceeb iyo dembi aan la rumysan karin”. “Taageeradda shuruud la’aanta ah waxay sidoo kale dhiirigelineysaa kororka taxadar la’aanta ah ee khatar u ah dagaal balaaran”, ayuu raaciyey. Bishii hore ayey ahayd markii Hala Rharrti oo ahayd afhayeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsaneed Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa iska casishay xilkeedii iyadoo ka cabanaysa siyaasadda maamulka Biden ee Marinka Gaza.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISBITAALKA KUWEYTA TAKHASUSKA AH OO LA XIRAAYO.

(SAWIR)-KA. TAKHAATIIRTA ISBITAALKA KUWEYT.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in Isra’iil amartay in dad badan laga daadgureeyo Marinka Gaza gaar ahaan magaaladda Rafax ee dhacda Koonfurta Marinka Gaza maanta oo Isniin ah,ka dib markii barakacayaal reer Falastiin ah laga codsaday iney isaga baxaan Isbitaalka Kuweyt. Muddo bilo ah ka dib Isra’iil waxa ey ku hanjabtay iney weerari doonto magaaladda Rafax oo xuduud la leh dalka Masar isla markaasne gabaad ey ka dhigtaan ku dhawaad dad gaaraayo ilaa hal milyan oo reer Falastiin ah oo ka soo barakacay dagaaladda ka socdo Marinka Gaza. Hogaamiyeyaasha caalamka,Qaramadda Midoobe iyo Hayadaha Samafalka ayaa ka digay in weerar lagu qaado magaaladda Rafax uu noqon doono musiibo,waxaa horay u dhacay tobanaan duqeymo ah iyo khasaara nafeed. Ma cadda in ciidamadda Isra’iil ey qorsheynayaan iney weeraraan Isbitaalka Kuweyt ee Takhasuska ah sida ey ku sameeyeen Isbitaaladda kale ee ku yaalo Marinka Gaza. Isra’iil ayaa Xarakadda Xamaas ku eedeysay iney Isbitaladaan u adeegsato xarumaha Talsikooda,eedeymahaas oo ey diideen Xarakadda Xamaas,Ururada aan dawliga ahayn(NGO) iyo shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaaladda.

ISHA.NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KA HADLAY MAXAABIISTA REER FALASTIIN…

(SAWIR)-KA.MAXAABIIS REER FALASTIIN AH.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay iney fiirinayaan warbixinadda ku saabsan xadgudubyadda Isra’iil u gaysatay Falastiiniyiinta ku jira xabsiyadda qarsoodida ah ee ku yaalo saxaraha Negev iyagoo ku booriyey Isra’iil iney si dhammaystiran u baarto eedeymahaan. “Waan aragnay warbixinadaas,waane ka walaacsanahay”ku xigeenka afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Vedant Patel ayaa u sheegay warfidiyeenadda mar wax laga weydiiyey baaritaanka CNN-ta ee ku aadan xadgudubyadda xuquuqda aadanaha. Isagoo intaas ku daray in Maraykanka”eegaayo”kuwan iyo eedeyamaha kale ee xadgudubyada xabsiga,Patel ayaa Isra’iil ku booriyey iney ula dhaqmaan dhammaan maxaabiista reer Falastiin “si bani’adanimo leh oo waafaqsan sharciga caalamiga ah”. “Isra’iil waxaa ku waajib ah iney si qoto dheer u baarto xadgudubyadda la aamini karo ee sharciga caalamiga ah ee bani’adanimad”,sidaas waxaa carabkiisa ku adkeeyey Ptel. Warbixin la daabacay 11/5/24-kii ayaa lagu sheegay xadgudubyadda ey sameeyaan ciidamadda Isra’iil marka xabsiyadda la keeno maxaabiista reer Falastiin,si gaar ah dhibaateyna loo gaysto dhallinyaradda lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin Xarakadda Xamaas.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR IYO ISRA’IIL OO KA WADA HADLAY…

(SAWIR)-KA. ISGOYSKA RAFAX.

(GAZA)-Wararkii ugu dambeeyey ee laga helaayo dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil ayaa sheegaayo in Isra’iil ey soo jeedisay in maamulka Falastiin uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas uu wakiil u diro isgoyska Rafax todobaadkii tegay si ey uga qeybqaataan hawlgelinta,in kasta oo aan si rasmi ah loo sheegin waxa ey qabanayaan,afar sarkaal oo Maraykan ah,Isra’iil iyo Falastiiniyiin ayaa sidaas u sheegay Wargayska AXIOS. Soo jeedinta Isra’iil ayaa ah midii ugu horeysay tan iyo markii uu dhacay weerarka ey Xarakadda Xamaas ugu magac dartay Duufaantii AL-Aqsa’a taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii, Isra’iil ayaa in badan waxa ey ka hadashay sida maaulka Cabaas uu ugu luh leeyahay dagaalka Marinja Gaza. Hindisahaan cusub ee Isra’iil ayaa yimid ka dib markii la xiray isgoyska Rafax ciidamadda difaac Isra’iil-na ey qabsadeen dhulka Falastiin ee soo xiga Isra’iil maalintii Isniinta ee la soo dhaafay. Agaasimaha sirdoonka Isra’iil Shin Bet Ronen Bar ayaa u sheegay dhigiisa reer Masar Cabaas Kaamil in Isra’iil dooneyso iney dib u furto Marinka Rafax balse in Xarakadda Xamaas ey ku soo laabato gacan ku haynta aagaas iney tahay midaan la aqbali karin,sida ila xogogaal ey u sheegeen Wargayska AXIOS.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA MARINKA GAZA OO MAANTA GALAY MAALINTIISII 218-AD.

(SAWIR)-KA.SHAX KOOBAYSA MARINKA GAZA WIXI KA DHACAY.

(ANKARA)-Dhimashada Falastiiniyiinta ee weerarada joogtada ah ee Isra’iil ku hayso Marinka Gaza ayaa kor u kacday tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay waxa eyna gaartay ilaa tiro dhan 35,034-qofood,waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 78,755-qofood sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. Marka laga hadlaayo weerarada Isra’iil ka gaysato Marinka Gaza,afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay Marinka Gaza waxaa lagu dilay dad gaaraayo ilaa 63-qofood halka lagu dhaawcay ilaa 114-qofood oo kale,waxaane jiro dad fara badan oo weli ku hoos jira burburka dhismayaasha la weeraray,samafalayaashu ayaa awoodi waayey iney goobahaasi ka hawlgalaan wadooyinka oo aad xun iyo weerarada diyaaradaha Isra’iil oo beegsanaayo baabuurta gargaarka. Dalka Isra’iil ayaa xayiraad cuuryaamisay ku soo rogay Marinka Gaza taasoo keentay in dadka degan Marinka Gaza gaar ahaan kuwooda degan Waqooyiga Marinka Gaza ey qarka u saaran yihiin iney u dhintaan macluul.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOOXA: HANIYAH OO LA KULMAY IBRAHIM KALIN.

(SAWIR)-KA. MADAX SIRDOONKA TURKIGA IBRAHIM.

(DOHA)-Madaxa Hayadda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) Ibrahim Kalin ayaa Axada maanta ah magaaladda Dooxa ee caasimadda u ah dalka Qadar kula kumay Ismaaciil Haniyah oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas iyo wafdigiisa,sida ey sheegeen ilo wareedyo dhanka amaanka ah. Ilo amni ayaa sheegay intii uu socday kulanka labada masuul ayuu Ismaaciil Haniyah muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay dadaalka Turkiga ee hanaanka wada xaajoodka Isra’iil. Waxaa kaloo ey ka wada hadleen xaaladda wada xaajoodka,dadaaladda socdo ee xabad joojinta Marinka Gaza,masuuliyadda koowaad ee lagu gaaraayo xabad joojin iney la jiifto Isra’iil iyo arrinta ogolaanshaha gargaarka bani’adanimo oo dheeraad ah in la gaarsiiyo shacabka ku dhibaateysan Marinka Gaza.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO KU SOO BIIRTAY MAXKAMDAYNTA ISRA’IIL.

(SAWIR)-KA. MAXKAMADDA ICJ.

(QAHIRA)-Dalka Masar ayaa sheegay inuu biiri doono dacwada Xasuuqa ah oo ey Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamadda Caalmaiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee ka dhanka ah Isra’iil taaso ku aadan weerarkii dhimashada badnaa ey Isra’iil ka gaysatay Marinka Gaza. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in talaabadani ey imaaneyso “iyadoo la eegaayo darnaanta sii kordhaysa iyo baaxadda weerarada Isra’iil ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee reer Falastiin ee ku sugan Marinka Gaza iyo beegsiga joogtada ah ee dadka rayidka ah iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha”. “Falalkani waxa ey ka kooban yihiin Xadgudubyo bareer ah kuwaaso ka dhan ah sharciyadda caalamiga ah,sharciga bani’adanimadda iyo Axdiga afaraad ee Geneve ee ku taariikheysan 1949-kii kaaso ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah waqtiga dagaalka” ayaa lagu qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar. Dalka Masar ayaa ugu baaqay Isra’iil oo ah awooda haysata dhulka dagaalku ka socdo iney u hogaansanto waajibaadkeeda eyna fuliso tilaabooyinka ku meel gaarka ah ey codsatay Maxkamadda ICJ si loo xaqiijiyo bixinta gargaarka Bani’adanimo ee Marinka Gaza.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARATAY GURI KU YAALO DEER AL-BALAX.

(SAWIR)-KA.GOOBTA LA WEERARAY.

(GAZA)-Kooxaha difaaca madaniga ee Marinka Gaza ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah in kooxuhu ey soo saareen sagaal qofood oo Meyd ah iyo dhawr qofood oo dhaawac ah oo uu ku jiro ilmo yar,taaso ka dhalatay weerar duqeyn ah ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen guri ku yaalo bartamaha degaankaas. “Kooxaha difaac Madaniga ah waxay awoodeen iney soo helaan Meydadka sagaal qofood waxayna soo badbaadiyeen ilmo yar iyo tira dad ah oo dhaawacan ka dib markii ey diyaaraduhu beegsadeen guriga qoyska AL-Louh ee ku yaalo Xerada Qaxootiga Deer AL-Balax”ayaa lagu yiri bayaanka. Dad Goobjoogayaal ah ayaa Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in duqeynta Isra’iil ey sababtay burburka gurigaas,waxaane guriga soo gaaray burbur aad u xoogan iyo hanti fara badan oo baaba’aday.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA OO LAGA HELAY XABAALO WADAREEDYO CUSUB.

(SAWIR)-KA.BURBURKA SOO GAARAY DHISMAYAASHA GAZA.

(GAZA)-Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo shaac baxaayo dembiyada ka dhashay qabsashada Marinka Gaza. Sabtida maanta ah(11/5/24)-ka,Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza ayaa shaaca ka qaaday iney heshay 80-Meyd oo ku jira Xabaal Wadareed ku yaalo barxadda Xarunta caafimaadka ee Shifa’a iyo tobaneey Meydad ah oo ku hoos jira qeybaha dhismaha. Shir jara’id ey ka qeyb yihiin kooxaha difaac shacabka iyo Takhaatiirka baarta Meydadka waxa ey u dhinteen ee Marinka Gaza ayaa lagu soo bandhigay Meydadka la soo helay,Wasaaradu waxay tiri “Ilaa hadda waxaan helnay in ka badan 520-Meyd oo ku jiray todobo Xabaal Wadareed oo ku yaalo Isbitaaladda Marinka Gaza,waxaan burburka dhismayaasha ku hoos jira in ka badan 10-kun qofood oo aan weli laga soo saarin ilaa hadda. Wasaaradda ayaa hadalkeedii sii raacisay “Waxaan soo helanay Meydad go’o-go’ay ka dib markii la dul mariyey gaadiidka dagaalka ee Isra’iil,waxaane soo helnay madaxyo dad oo aan jirka intiisa kale eysan la socon kuwaaso lagu aasasay Xaablo wadareed ku yaalo Xarunta Isbitaalka AL-shifa’a. Baaritaan lagu sameeyey Meydadka la soo helay ayaa lagu ogaaday in Meydadku ey yihiin bukaankii jiifay Isbitaalka Shifa’a kuwaaso heli waayey daawadii ey u baahnayeen”. Intaas waxaa dheer Wasaaradu waxa ey ugu baaqday hayadaha caalamiga ah iney si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo xarumaha caafimaadka ee Marinka Gaza lagana hortago xasuuq cusub iyo in si dhaqsi ah loo sii daayo shaqaalaha caafimaadka ee u xiran Isra’iil. Warbixinta maalinlaha ah ey soo saarto Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza laguna tirakoobo dhimahsada iyo dhaawaca soo gaara dadka shacabka ah ee reer Falastiin ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu sheegay amaba shaaca looga qaaday in tirada dhimashada dagaalka Marinka Gaza ey ilaa hadda ku geeriyoodeen dad gaarayo ilaa 34.791-Qof,eyna ku dhaawacmeen 78,641-Qof tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka Marinka Gaza kuna beegan 7/10/2023-kii. Warbixinta ayaa sharaxday in Isra’iil ey maanta kaligeed ey gaysatay afar Xasuuq oo ka dhan ah Qoysaska Marinka Gaza,waxaane ku dhintay 28-Qof,waxaane ku dhaawacmay 69-Qof oo la dhigay Isbitaaladda 24-kii saac ee la soo dhaafay.

ISHA/AP.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOONFUR AFRIKA OO MAR KALE KU DHEGAN ISRA’IIL.

(SAWIR)-KA. WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ISRA’IIL PANDOR.

(K/AFRIKA)-Dalka K/Afrika ayaa maanta oo Jimca ah waxa ey codsi deg deg ah u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICJ) si Isra’iil looga qaado talaabooyin dheeri ah iyadoo ey socdaan weeraro ey Isra’iil ku qaadeyso Gaza gaar ahaan magaaladda Rafax,magaaladaan ayaa hooy u ah in ka badan hal milyan oo reer Falastiin ah kana barakacay dagaalka Marinka Gaza. Dalka K/Afrika ayaa sheegay in tilaabooyinkaan ku meel gaarka ah ey horay u muujisay Maxkamaddu eysan awood u lahayn iney si buuxdo wax uga qabato xaaladahaan sbedelay iyo xaqiiqooyinkaan cusub ee lagu aasaasay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayey K/Afrika hadalkeeda ku tiri. Ciidamadda Isra’iil ayaa Talaadadii xoog ku galay oo qabsaday dhanka Falastiin ee marinka Rafax ee ey la wadaagtodalka Masar,iyagoo xiray albaabka kaliyah ee Falastiiniyiinta Gaza ka soo geli jireen caalamka. “K/Afrika waxay ka codsaneysaa Maxkamadu iney muujiso talaabooyin ku meel gaar ah oo dheeraad ah oo ey wax ka bedesho talaabooyinkii hore ee ku meel gaarka ahaa”ayey K/Afrika raacisay hadalkeedii.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AMIIRKA DALKA KUWEYT OO KALA DIRAY BAARLAMAANKA.

(SAWIR)-KA. AMIIRKA DALKA KUWEYT MESHCAL.

(KUWAIT)-Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Meshcal AL-Axmed AL-Jaabir AL-Sabaax ayaa maanta oo Jimca ah kala diray Baarlamaanka dalka Kuweyt, waxa uuna Amiirku laalay qodobo ka mid ah Dastuurka dalka Kuweyt. Khudbad uu Amiir Meshcal ka sii daayey Telefishan Qaranka Kuweyt ayuu ku amray in la joojiyo qaar ka mid ah qodobadda dastuuriga ah wax ka badan afar sano, Amiir Meshcal ayaa talaabadaan ku tilmaamay mid adag isla markaasne lagu badbaadinaayo dalka Kuweyt,laguna xaqiijinaayo danihiisa sare. Amiirka dalka Kuweyt, Amiir Meshcal ayaa intaa ku daray in dalka Kuweyt ey soo wajahday dhibaato iyo caqabado aan loo adkaysan karin,isagoo ka hadlay khilaafka u dhexeeyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee sababay in xukuumadda ey xukunka ka degto dhawr jeer. Sannadihii la soo dhaafay waxaa inta badan xiisad ka dhex taagneed xiriirka Xukuumadda iyo Baarlamaanka Kuweyt,taaso keentay in dhawr jeer ey iscashiso Xukuumadda dalka Kuweyt amaba xilka laga qaado.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA AMNIGA ISRA’IIL OO ANSIXIYEY IN LA WEERARO RAFAX.

(SAWIR)-KA. MAGAALADDA RAFAX.

(WASHINGTON)-Iyadoo ey sii kordhayso walaaca Maraykanka ee ku saabsan xaaladda Bani’adanimo ee magaaladda Rafax ayuu Golaha Amniga Isra’iil wax uu xalay Ansixiyey Balaarinta Aaga hawlgalka ee ciidamadda difaac Isra’iil ee Koonfurta Magaaladda Gaza,sida laga soo xigtay seddex ilood oo xog-ogaal ah. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa todobaadkan sheegay in haddii Isra’iil ey weerarto magaaladda Rafax halkaaso ey ku nool yihiin gabaadne u ah in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo soo barakacay ayuu Maraykanku sheegay inuu joojin doono inuu Isra’iil siiyo Madaafiicda,Bambooyinka diyaaradaha dagalaaka iyo hubka kale ee wax lagu weeraro,laba ilo wareed ayaa sheegay in tani tahay balaarinta la qiyaasay oo aan ka gudbin khadka cas ee Biden. Isha seddexaad ayaa sheegtay in balaarinta Aaga hawlgalka dagaalka ee xalay la Ansixiyey ey ku jiraan ficilo uu Maraykanku uu u fasiran karo in Isra’iil ey ka gudubtay khadka Cas ee Biden. Isra’iil waxa ey ku andoceynaysaa in magaaladda Rafax ey tahay meeshii ugu dambaysay ey gacanta ku hayaan Xarakadda Xamaas.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XASUUQ KA DHACAY GOBOLKA DAARFUUR EE SUDAN.

(SAWIR)-KA. DAARFUUR.

(DAR-FUR)-Weerarada ciidamadda Taageeradda Deg dega ah(RSF) ee dalka Suudaan ey ka wadaan Galbeedka Daarfuur ee ka dhanka ah dadka Massalit iyo Bulshooyinka kale ee aan Carabta ahayn waxay ka dhigan tahay Isir sifeyn iyo Xasuuq suurtagal ah,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah sheegtay Hayadda u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch(HRW). Ciidamadda Taageeradda deg Dega ah(RSF) iyo maleeshiyaadka xulafadda la ah ayaa lagu eedeeyey iney dileen kumaanaan qofood eyna barakiciyeen boqolaal kun oo kale intii uu socday weerarkii ka dhacay EL-Geneina ee ah xarunta Gobolka Daarfuur muddadii u dhexeysay bishii Abriil iyo bishii Noofembar-2023-kii. HRW waxa ey ka diiwaangelisay weerarada aan joogsiga lahayn ee RFS iyo Maleeshiyaadka huwanta ah oo ey ku jiraan Tamazujka seddexaad ee ka dhaca meelaha ey u badan yihiin Massalit ee El-Geneina intii u dhexeysay bilaha Abriil ilaa Juun ee sannadkii 2023-kii. Kooxda u dooda Xuquuqda ayaa sheegtay in gacan ku dhiigleyaasha ey gaysteen xadgudubyo kale oo waa weyn oo ey ka mid yihiin Jirdil,Kufsi iyo Dhac. HRW waxa ey sheegtay in beegsiga Massalitka iyo dad kale ee aan Carabta ahayn iyadoo ujeedku yahay in ugu yaraan si joogta ah looga barakiciyo Gobalkooda ey la mid tahay Isir sifeyn. Waxa ey sidoo kale sheegtay in falalka waxashnimada ah ee la sameeyo in looga dan leeyahay in lagu burburiyo gebi ahaan ama qeyb ahaan Massalitka dega Galbeedka Daarfuur,taasine waxa ey muujinaysaa in sidoo kale uu halkaasi ka dhacay Xasuuq.

ISHA.MEE.

KA AKJRI HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAVID CAMERON OO KA HADLAY WEERARKA ISRA’IIL EE RAFAX.

(SAWIR)-KA.REYSAL WASAARAHA INGIRIISK DAVID CAMERON.

(LONDON)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqrtooyadda Ingiriiska(UK) David Cameron ayaa sheegay in Uk eysan ku raaci doonin dalka Maraykanka joojinta hubka laga iibiyo Isra’iil,Cameron ayaa sheegay boosaska ey kala taagan yihiin UK iyo Maraykanka eysan ahayn kuwa la is barbardhigi karo bacdmaa Uk eysan ahayn dawlad weyn oo hub ka iibisa Isra’iil. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa intaas ku daray in Uk eysan taageerin duulaanka balaaran ee lagu qaaday magaaladda Rafax,haddii eysan arag qorshe lagu ilaalinaayo nolosha dadka rayidka ah,mawqifkaasi oo ey Uk ku celcelisay bishii la soo dhaafay. Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa sheegy ineysan wax fikrad ka qabin kooxda Xamaas iyo Isra’iil ey ku dhaw yihiin mawqifka UK ee xabad joojinta labada dhinac ah,oo ka bilaabma xabad joojin bani’adanimo oo horseedeysa xabad joojin joogta ah. Isra’iil ayaa ku andacootay in dalabka ey aqbaleen Xamaas Axadii uu ka duwan yahay midkii ey Isra’iil u diyaarisay iney aqbasho todobaad ka hor. Isagoo su’aalo la weydiinayo dhammaadka khudbadiisa dheer oo uu ku muujinaayey aragtidiisa Siyaasadeed ee Arrimaha Dibadda ka dib lix bilood ee uu shaqada ku jiray,Cameron waxa uu yiri” Farqi weyn ayaa u dhexeeyo xaaladda Maraykanka iyo xaaladda Ingiriiska”taaso uu ula jeedo in dalka Maraykanka uu la leeyahay xiriir wanaagsan dalka Isra’iil.

ISHA/THE GUARDIAN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALIYIHII HORE EE CIIDAMADDA ISR’IIL OO KU TALIYEY…

(SAWIR)-KA.TALIYEYAASH CIIDAMADDA ISRA’IIL.

(QUDS)-Madaxii hore ee ciidamadda difaaca Isra’iil Aviv Kochavi ayaa sheegay in sida kaliyah ee lagu xaqiijin karo sii deynta la haystayaash reer Isr’aiil ee ku sugan gacanta Xamaas ey tahay in la joojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Xamaas,sidaas waxaa lagu sheegay warbixin la soo saaray. Aviv Kochavi ayaa hadlkaan ka sheegay khudbad uu ka jeeediyey kulan ey isugu yimaadeen dad reer Isra’iil ah kuna nool dalka Maraykanka waxaane hadalka taliyihii hore ee ciidamadda difaaca Isra’iil baahiyey Tv-ga 12-aad ee dalka Isra’iil. Aviv Kochavi ayaa xilka ka degay muddo hadda laga joogo sagaal bilood ka hor waqtigii Xamaas ey ku qaaday weerarka lama filaanka ahaay degaanadda deriska la ah Marinka Gaza 7/10/2023-kii. Si kastaba ha ahaatee,dad badan oo reer Isra’iil ah ayaa u arka in Aviv Kochavi yahay mid ka mida saraakiisha masuulka ka ah fashalka amni ee horseeday dhacdooyinkaas sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil. Aviv Kochavi ayaa yiri”Uma maleynaayo inuu jiro qaab dib loogu soo celin karo la haystayaasha reer Isra’iil iyadoo aan la joojin dagaalka hadda socdo”.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XARAKADDA XAMAAS OO SOO SAARTAY BAYAAN.

(SAWIR)-KA. BARIGA RAFAX.

(DOHA-QATAR)-WAR DEG DEG AH: Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin ayaa ku dhawaaqday iney aqbashay soo jeedinta Masar iyo Qadar ee heshiiska la haystayaasha iyo xabad joojinta Marinka Gaza,sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ey soo saartay Xarakadda Xamaas waxyar ka hor. Haddii Isra’iil ey aqbasho shuruuda la midka ah,waxa ey keeni kartaa in la sii daayo ilaa 33-Qof oo ah la haystayaal reer Isra’iil ah laguna haysto gudaha Marinka Gaza iyo in la joojiyo dagaalka ka socdo Marinka Gaza oo hadda galay bishiisii todobaad. Hadii la gaaro xabad joojin dhab ah waxa ey dib u dhigi doontaa in Isra’iil weerarto magaaladda Rafax ey saakay Isra’iil weerartay qeybaheeda bari, Rafax ayaa waxa ku nool amaba ey hooy u tahay in ka badan hal milyan oo qaxooti reer Falastiin ah kuwaaso itooda badan ka soo qaxay dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa khadka telefoonka kula hadlay Reysal Wasaaraha Dawaladda Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimha dibadda dalka Qadar Md.Maxamed Bin C/raxmaan Jaasim AL-thani iyo Madaxa sirdoonka dalka Masar G/le dhexe.Cabaas Kaamil una sheegay iney aqbaleen soo jeedintooda.

ISHA/AXISO.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY MAGAALADDA RAFAX.

(SAWIR)-KA. qAX KA BILAWDAY MAGAALADDA RAFAX.

(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo Reysal Wasaaraha dalka Isra’iil Netanyahu ayaa kuwada hadlay khadka Telefoonka muddo dhan ilaa sodon daqiiqo,maanta oo Isniin ah,iyagoo ka wada hadlay wada xaajoodka heshiiska la haystayaasha reer Isra’iil iyo u diyaargarawga Isra’iil ee duulaanka dhinaca dhulka ah kuna wajaha magaaladda Rafax,sida ey sheegeen saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Madaxweynaha Maraykanka Biden waxa uu raadinayaa inuu badbaadiyo heshiiska Isra’iil iyo Xamaas ee mudada dheer hakadka ku jiray iyo ka fogaanshaha hawlgal balaaran ey Isra’iil ka fuliso magaaladda Rafax halkaas ey ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo reer Falastiin ah kuwaaso gabaad ka dhiganaayey intuu socday dagaalka Marinka Gaza. Ka hor duulaanka suurtagalka ah ee dhulka,Isra’iil ayaa Isniinta maanta ah bilawday iney ka daad gureyso dadka reer Falastiin ee rayidka ah qeybaha bari ee magaaladda Rafax oo u dhaw xuduuda Isra’iil la leedahaya Marinka Gaza.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO ISRA’IIL KA HAKIYEY RASAAS UU SAMEEYEY.

(SAWIR)-KA.DIYAARADAHA DAGAALKA EE DALKA MARAYKANKA LAGU SAMEEYEY.

(WASHINGTON)-Maamulka Biden ayaa todobaadkii hore hakiyey shixnad rasaas ah oo uu Maraykanku sameeyey loon diraayey dalka Isra’iil,sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal oo Isra’iil ah kuwaaso u waramay Wargayska Axios. Waa markii ugu horeysay tan iyo markii uu dhacay weerarkii Xamaas ugu magac dartay”Duufaantii AL-Aqsa’a” bishii oktoobar-2023-kii,Maraykanka ayaa joojyo shixnada hub ah oo loogu taagalay Mileteriga Isra’iil. Dhacdadaan ayaa walaac xoogan ku abuurtay gudaha dawladda Isra’iil,waxayna Masuuliyiintu u direen iney fahmaan sababta shixnadda loo haysto,sidaas waxaa sheegay masuuliyiin reer Isra’iil ah. Madaxweyne Biden ayaa dhaleeceyn ba’an kala kulmay dadka Maraykanka ah ee ka soo horjeedo taageerada uu siiyo Isra’iil. Maamulka Biden ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan-2024-ka ka codsaday Isra’iil iney bixiso damaanad qaadka in hubka Maraykanka lagu sameeyey eysan ciidamadda difaac Isra’iil u isticmaaleyn dagaalka Marinka Gaza si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISARA’IIL OO CARQADEYNEYSA WADA HADALADDA XAMAAS….

(SAWIR)-KA. ISMAACIIL HANIYAH.

(QATAR)-Ismaaciil Haniyah oo ah Madaxa wada hadaladda Xarakadda Xamaas ayaa Reysal Wasaaraha Isra’iil benjamiin Netanyahu ku eedeeyey inu carqaladeynaayo dadaaladda lagu doonaayo in lagu gaaro xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza,Netanyahu ayaa diiday baaqyada ah in la soo afjaro dagaalka Marinka Gaza si loogu bedelo la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xarakadda Xamaas. “Xamaas waxay weli aad u danaynaysaa in la gaaro heshiis lagu soo afjaraayo gardaradda,damaanad qaadayo bixitaanka ciidamadda Israiil,isla markaasne la gaaro heshiis halis ah oo maxaabiista ah”ayuu Haniye ku yiri qoraal uu soo saaray. “Dunidda waxay la hayste u noqotay dawladda Xagjirka ah taaso gaysatay tiro badan oo dhibaatooyin siyaasadeed iyo dembiyo siyaasadeed iyo dembiyo ka dhacay Marinka Gaza”ayuu raaciyey Haniyah isagoo tixraacay xukuumadda Netanyahu.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More