AMIIRKA DALKA KUWEYT OO KALA DIRAY BAARLAMAANKA.
(SAWIR)-KA. AMIIRKA DALKA KUWEYT MESHCAL.
(KUWAIT)-Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Meshcal AL-Axmed AL-Jaabir AL-Sabaax ayaa maanta oo Jimca ah kala diray Baarlamaanka dalka Kuweyt, waxa uuna Amiirku laalay qodobo ka mid ah Dastuurka dalka Kuweyt. Khudbad uu Amiir Meshcal ka sii daayey Telefishan Qaranka Kuweyt ayuu ku amray in la joojiyo qaar ka mid ah qodobadda dastuuriga ah wax ka badan afar sano, Amiir Meshcal ayaa talaabadaan ku tilmaamay mid adag isla markaasne lagu badbaadinaayo dalka Kuweyt,laguna xaqiijinaayo danihiisa sare. Amiirka dalka Kuweyt, Amiir Meshcal ayaa intaa ku daray in dalka Kuweyt ey soo wajahday dhibaato iyo caqabado aan loo adkaysan karin,isagoo ka hadlay khilaafka u dhexeeyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee sababay in xukuumadda ey xukunka ka degto dhawr jeer. Sannadihii la soo dhaafay waxaa inta badan xiisad ka dhex taagneed xiriirka Xukuumadda iyo Baarlamaanka Kuweyt,taaso keentay in dhawr jeer ey iscashiso Xukuumadda dalka Kuweyt amaba xilka laga qaado.
ISHA/AA.