Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: WAXAA LAGU DILAY ILAA 45-SAXAFI.

(SAWIR)-KA. DILALKA LOO GAYSTO SAXAFIYIINTA OO KORDHAY.

(SANA’A-YEMAN)-Shalay oo Jimca ahayd kuna beegneed 3/5/24-ka waxaa caalamka laga xusay Maalinta Xutriyadda Saxaafadda Caalamka,waxaane si aad ah looga hadlay tacadiyadda loo gaysto dadka ku shaqeysto Mihnadda Saxaafadda. Takhaatiirta aan xuduuda lahayn waxa ey soo saareen warbintoodii sanadlaha ahayd kuna saabsaneed Xuriyadda Saxaafadda ee wadmadda Caalamka oo dhan,hadaba dalka Jamhuuriyadda Yeman oo ka mid ah wadamadda ey ka socdaan dagaaladda ayaa waxaa lagu dilay ilaa 45-Saxafi tan iyo markii laga soo bilaabo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo dawladda Yeman ee uu caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta sannadkii 2015-kii,sidaas waxaa shalay sheegay Ururka Saxafiyiinta Caalamka. Ururka Saxaiyiinta dalka Yeman ayaa maalinta Xuriyadda Saxaafadda Adduunka sheegay in 165-Goobood oo Saxaafadu ey shaqada joojiyeen, (200) oo mareegaha wararka Maxaliga ah iyo kuwa Carabta ahne la xayiray tan iyo sannadkii 2015-kii. Ururka Saxafiyiinta ma uusan eedeyn koox gaar ah iney ka dambeyso weerarada iyo xadgudubyada ka dhanka ah Saxafiyiinta. Waxay ku boorisay dhammaan dhinacyada iney joojiyaan xadgudubyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo xoriyadda Saxaafadda dalka Yeman. Dalka Yeman ayaa weli u qeybsan ilaa seddex aag oo saameyn ku leh nolosha shacabka Yeman,waxa eyna kala yihiin: (1)-Dawladda Sharciga ah ee uu taageero dalka Sacuudiga. (2)-Kooxda Xuutiyiinta uu taageero dalka Iraan. (3)-Golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta(STC) oo ey taageerto dawladda Imaaraatka Carabta. Dalka Yeman waxaa weli ka socdo colaad tan iyo markii ey faragelin Mileteri ku sameeyeen xulafadda Carbeed ee uu hogaaminaayey Sacuudiga bishii Maars-215-kii,ka dib markii ey Xuutiyiinta qabsadeen magaaladda caasimadda ah ee Sanca. Labadii sano ee la soo dhaafay,dalka Yeman waxaa ka jiray xaalad xabad joojin ah,waxaane joogsaday dagaalkii u dhexeeyey dhinayda isku haayo taladda dalkaasi Yeman,waxaane weli xasilooneyn xaaladda dalka Yeman oo goor kasta uu ka dhici karo dagaal lagu hoobto.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSIISKA OO SI KULUL UGA HADLAY DIL LOO GAYSTAY…

(SAWIR)-KA.URURKA LAANQEERTA CAS ICRC.

(PARIS)-Dalka Faransiiska ayaa maanta oo Jimca ah si kulul u cambaareeyey weerar lagu qaaday kolonyo ey la socdeen gudiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo ku sugnaay dalka dagaalku uu aafeeyey ee Suudaan weerarkaaso lagu dilay laba shaqaale laguna dhaawacay seddex kale. “Faransiiska waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada isku haya colaada dalka Suudaan iney ixtiraamaan waajibaadkooda sida uu dhigaayo sharciga caalamiga ah ee bani’adanimadda kaaso ku waajibinaayo iney ilaaliyaan bani’adanimadda dhammaystiran,badbaado iyo caqabado aan la xakamayn”,sidaas waxaa sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Faransiiska Charistophe Lemoine. ICRC-da ayaa sheegtay in rag hubaysan ey ku dileen Koonfurta Daarfuur Khamiistii shalay laba darawal eyna ku dhaawacmeen seddex shaqaale ah xilli ey ka soo laabteen hawlo bani’adanimo. Dagaalka Bahanimada ah ee u dhexeeyo Ciidamadda dalka Suudaan ee uu Hogaamiyo Gen.C/fataax AL-Burhani iyo ciidamadda sida deg dega ah u taageero ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Hamadan Dagalo ayaa dalka Suudaan Burburiyey muddo sannad ka badan.

ISHA/AN.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO XABSIGA U TAXAABTAY TAAGEERAYAASHA FALASTIIN.

(SAWIR)-KA.BANAANBAXAYAAL REER MASAR AH.

(QAHIRA)-Ugu yaraan 12-Qof ayey masuuliyiinta reer Masar ku soo ogeen iney ku keceen falal ey ku taageerayaan dadka reer Falastiintan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza 7/10/23-ka,sida ey sheegeen kooxaha u doodo xuquuqda dadka reer Masar. Hindisaha Masaaridda ee Xuquuqda shaqsiyadeed(EIPR) ayaa warbixin ey soo saartay khamiistii shalay ahayd ku sheegtay in Qareenadda ey u doodaan dadka loo xiray sideed kiis oo kala duwan ka hor inta aan la horgeyn dacwad oogaha Amniga Qaranka dalka Masar. Dadka la xiray oo dhan sagaashan qofood oo ey ku jiraan laba caruur ah ayaa weli lagu hayaa xabsi ku meel gaar ah sida ey sheegtay hayadda EIPR. 30-ka bishii hore ee Abriil-2024-ka shan nin ayaa laga soo qabtay guryahooda oo ku yaalo Alexandariya ka dib dhaqdhaqaaqooda gudiga wadajirka ee reer Falastiiniyiinta. Soo xiritaan dadka reer Masar ee taageero Falastiiniyiinta ayaa soo bilaabatay maalintii uu qarxay dagaalka Marinka Gaza-7/10/23-ka sidaas waxaa sheegtay hayadda EIPR.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSIISKA OO DADAAL ADAG UGU JIRA SII DEYNTA…

(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA MASAR IYO FARANSIISKA.

(QAHIRA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Stephane Segornet ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay iney weli dhiman tahay shaqo lagu doonaayo in xabad joojin laga gaaro dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Hadalka Segornet ayaa yimid ka dib markii masuuliyiin reer Masar ah kuna sugan Qaahira ey uga warbixiyeen halka uu maraayo wada xaajoodka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil. Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa yiri ka dib markii uu la kulmay dhigiis Saamix Shukri “Waxaan u nimid inaan isku dubaridno dadaaladda aan rabno inaan ku gaarno xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza,fariimaha ey dirayaan Faransiiska iyo saaxibadda Carabta ee Gobolka Bariga dhexe ayaa ah in Isra’iil ka baxdo oo ey caqligeeda ka saarto iney weerarto magaaladda Rafax”. Segronet ayaa diiday inuu sheego heerka ey gaarsiisan tahay rajada uu ka qabo in heshiis la gaaro,balse taas bedelkeeda waxa uu tilmaamay inuu rajaynaayo in seddexda mawaadin ee Farnsiiska ah ee ka mid ah la haysatayaasha in lagu soo daro liiska dadka la sii deyn doono haddii xabad joojin laga gaaro Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KA DIGAY IN LA WEERARO RAFAX.

&SAWIRKA)-BLINKEN OO GAARAY TEL AVIV.

(TEL AVIV)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay intii uu ku guda jiray booqashadiisa Isra’iil in dalka Maraykanka ey ka go’an tahay in heshiis xabad joojin ah laga gaaro Marinka Gaza taaso ku xiran sii deynta Maxaabiista ey kala haystaan labada dhinac,Blinken ayaa carabka ku adkeeyey intii uu socday kulankii uu la yeeshay Reysal Wasaare Benjamiin Netanyahu iyo sida Maraykanka uu uga soo horjeedo in weerar lagu qaado Rafaxa sida ey Wakaaladda Wararka France Press ka soo xigatay masuul Maraykan ah. Blinken ayaa xaqiijiyey in Washington ey ka soo horjeedo weerarka ey Isra’iil ku qaado magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Gaza,intii uu socday wada hadalada uu Blinken la yeeshay Netanyahu ayuu RW-Netanyahu balanqaaday inuu horay u sii wadi doono weerarka Rafax sida laga soo xigtay saraak Maraykan ah.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-NETANYAHU OO KA WALAACSAN MAXKAMADDA ICC

(SAWIRKA)-HOGAANKA DAGAALKA EE ISRAEL.

(HAGUE)-Qareenadda u doodaya Isra’iil ee jooga Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ee ku taalo magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa ka walaacsan in amarka lagu soo xiraayo saraakiisha reer Isra’iil laga yaabo in si qarsoodi ah loo soo saaray,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta Isra’iil. Warbixin ey soo saartay Ynet ayaa lagu sheegay in qareenada ey ka walaacsan yihiin in saraakiisha Isra’iil ey ogaan karaan waaranka digniin la’aan marka ey gaaraan dalalka Yurub. Warbixintu waxa ey sheegtay in amarkan oo kale uu salka ku haayo hadalo ka soo yeeray qaar badan oo ka mid ah Madaxda Isra’iil intii uu socday dagaalka ka socdo Marinka Gaza kuwaaso ey uga digaayeen Falastiiniyiinta ku sugan dhulka la go’odoomiyey in loo diido cuntada iyo gargaarka. Ilo wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu uu sida muuqata u adeegsanaayo xeelad Hanjabaada ah oo ka dhan ah dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) Mr.Karim Khan,isagoo habdhaqankiisa barbar dhigaayo “Maroodi dhex taagan dukaan ku yaalo Shiinaha”,Israa’iil ayaa sidoo kale waxa ey raadinaysaa iney damaanad ka hesho Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken si dawladda Maraykanka ey u soo farageliso dacwdaan una joojiso talaabo kasta oo ey ICC-da qaadeyso.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMDDA ICC-DA OO WARAYSAY SHAQAALE CAAFIMAAD.

(SAWIRKA)-BURBURKA GAARAY MARINKA GAZA.

(LONDON)-Waxaa jirta xaalad si weyn looga sugaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv kuna saabsan Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda(ICC) oo soo saarta amaro lagu soo xiraayo Hogaamiyeyaasha Isra’iil ka dib markii ey Maxkamdu heshay Marqqatiyaal ku sugnaay goobaha caafimaadka ee Marinka Gaza marka lagu daro rajada laga qabo wada hadaladda Qaahiro ee ku saabsan soo jeedinta cusub ee xabad joojinta Marinka Gaza. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo xigatay laba ilo wareedyo maanta oo Isniin ah,in dacwad oogayaashu Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey waraysi la yeelatay shaqaale ka tirsan labada Isbitaal ee ugu waa weyn Marinka Gaza,waane xaqiijintii ugu horeysay in Isra’iil xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza,baarayaasha Maxkamadda ayaa la hadleen shaqaalaha caafimaadka waxa eyna wax ka weydiiyeen sida wax uga dheceen Marinka Gaza waxaane suurtagal ah iney sheegeen in dembiyo xadgudub ku ah Xuquuqda aadanaha ey ka dheceen Marinka Gaza waqtigii ey soo weerareen ciidamadda difaac Isra’iil.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KA WALAACSAN HUBKA UU SIIYEY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-ANTONY BLINKEN.

(WASHINGTON)-Qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa kula taliyeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ineysan heleyn wax lagu kalsoonaan karo ama la isku halayn karo damaanadda Isra’iil ee ah iney isticmaaleyso hubka uu Maraykanka bixiyey si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo tan bani’adanimadda,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda gudaheeda oo ey dib u eegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Sida ku cad Heshiiska Amniga Qaranka(NSM) ee uu soo saaray Madaxweyne Biden bishii Feberaayo,Blinken waa inuu warbixin siiyaa Aqalka Koongareeska Maraykanka 8/5/24-ka haddii uu helo damaanad lagu kalsoonaan karo oo Isra’iil ah taaso ah adeegsiga Hubka Maraykanka sameeyey eysan ku xadgudbin sharciga Maraykanka iyo kan caalamiga ah. Taariikhdu markeey ahayad 24/3/24-kii,ugu yaraan todobo xafiis oo Waaxyaha dawladda ah waxa ey u soo direen Blinken xusuusta kala doorashada ah ee bilawga ah. Qeybo ka mid ah qoraalkaas oo aan horay loo sheegin ayaa la kala saaray. Soo gudbinta qoraalkan ayaa bixineyso sawirka ugu balaaran ilaa taariikhda kala qeybsanaanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku saabsan in Isra’iil laga yaabo iney ku xadgudubto sharciga caalamiga ah iyo bani’adanimo ee caalamiga ah.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NETANYAHU OO KA WALAACSAN IN LA SOO XIRO.

(SAWIRKA)-BLINKEN IYO NETANYAHU.

(LONDON)-Dalka Maraykanka ayaa ka shaqeynaaya sidii uu uga hortegi lahaa soo saarista Waaran Qabasho oo ey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey ku soo rogtay Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu Waarankaaso ku saasbsan Weerarka ey Isra’iil ku qaaday Marinka Gaza,sidaas waxaa ku warantay warbaahinta dalka Isra’iil. Sida laga soo xigtay Mareegta Wararka ee Walla,RW-Netanyahu waxa uu hogaamiyaa “Dagaalka aan joogsiga lahayn oo dhanka Telefoonka ah”si uu uga hortago amar soo qabasho ey soo saartay Maxakamadda Caalamiga ee Dembiyadda ICC,la xiriirka Aqalka Cad ee dalaka Maraykanka. Wargayska laga leeyahay dalka Isra’iil ee Maaiv ayaa sheegay in RW-Netanyahu uu “Cabsi qabo oo uu si aan caadi ahayn u walaacsan yahay”suurtagalnimadda amar lagu soo xiraayo oo soo socdo,ilo wareed aad ugu dhaw Wargayska ayaa rumaysan in Amarka xariga ee RW-Netanyahu uu yahay mid waqti yar uun ey ka harsan tahay,Wargaysku waxaa kaloo uu sheegay in Wasiirka G/dhiga Isra’iil Gallant iyo Taliyaha ciidamadda Isra’iil S/G.Herzi Halevi sidoo kale la siin karo Waaran.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUDAAN OO EEDEYSAY DALKA IMAARATKA.

(SAWIRKA)-C/FATAAX AL-BURHANI.

(PORT SUDAN-SUDAN)-Dalka Sudan ayaa codsaday kulan deg deg ah oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ka yeesho waxay ugu yeertay “Gardaradda”dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo lagu eedeeyey iney taageerto kooxaha hubaysan ee dagaalka kula jira ciidamadda dawladda Sudan,ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaas sheegay maanta oo Sabti ah. Dagaalka ka socdo dalka Sudan ayaa soo bilawday bishii Abriil ee sannadkii hore 2023-kii,waxa uuna dagaalka u dhexeeyaa ciidamadda dawaldda Sudan uu hogaamiyo C/fataax AL_Burhani iyo jabhadda Xoogaga Gagaarka deg dega ah oo uu hogaamiyo ku xigeenka Burhani ninka la yiraahdo Maxamed Hamdan Dagalo,ciidamadda dawladda Sudan ayaa dalka Imaaraatka Carabta muddo bil ah ku eedeynaayey iney taageerto ciidamadda Dagalo,laakinse Imaaraatka ayaa arrintaas beeneeyey. Ilo wareedyo ku dhaw AL-Burhani ayaa laga soo xigtay in AL-burhani yiri shalay oo Jimca ahayd “Wakiilkayga joogtada ah ee Qaramadda Midoobe wuxuu soo gudbiyey codsi ku saabsaan fadhi deg deg ah oo Golaha Amaanka QM si looga hadlo Gardaradda Imaaraatku ku haayo dalka Sudan iyo bixinta hubka iyo qalabka ee maleeshiyaadka aragagixisada”.

ISHA/AN.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA CIRAAQ OO SHARCI ADAG KA SOO SAARAY LAGA ROONAYAASHA.

(SAWIRKA)-CALANKA LAGA ROONAYAASHA.

(BAQDAD-IRAQ)-Wararka ka imanayo dalka Ciraaq ayaa sheegaayo in Baarlamaanka dalka Ciraaq uu meel mariyey sharci cusub oo dhigaayo in dadka ka tirsan Ururka laga roonayaasha ee LBGTQ+ ey xabsi geli doonaa ilaa muddo dhan shan iyo toban sano ah haddii lagu soo eedeeyo falal la xiriiro Jinsiga. Raa’id Maaliki oo xubin ka ah gudiga sharciga ee Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in wax ka bedelka sharciga ka hortaga dhileysiga uu ka mid noqon doono qodobo lagu ciqaabaayo”dhaqanada ku dayashada haweenka”,Jinsi isbedelka iyo “kor u qaadista falalka galmada”, iyo mamnuucidda ururada”kor u qaadida “ dhileysiga iyo ka leexinta galmada,sida uu u sheegay shafaq News. Sharciga cusub waxa uu dhigayaa ugu yaraan 10-sano oo xarig ah inuu yahay fala Qaniisnimadda iyo ugu yaraan 7-sano oo xariga ah cidii lagu arko kor u qaadida dhaqdhaqaaqa Ururka LGBTQ+. Amiir AL-Ma’amuuri oo ah xildhibaan madax banaan ayaa Shafaq News u sheegay in sharciga cusub yahay “Talaabo muhiim ah oo lagula dagaalamaayo ka leexinta galmoodka marka loo eego gelitaanka kiisaska gaarka ah oo ka hor imaanaayo Qiyamka Islaamka iyo Bulshada”. Ka hor sharciga cusub Qaniisnimada waxa ey ahayd mid sharci ah gudaha dalka Ciraaq in kastoo dad fara badan oo ka tirsan Ururka LGBTQ+ ey la kulmeen xadgudub,Hanjabaad iyo dil gudaha dalka Ciraaq.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN OO EY KA TAAGAN TAHAY XIISAD DIINEED.

(SAWIRKA)-CALIREZA PANAHIAN.

(TEHRAN-IRAN)-Dalka Iraan waxa uu ka mid yahay wadamadda Islaamka waxa uuna xubin buuxda Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC),Iraan waa dawlad ka mid ah wadamadda Bariga Dhexe ku yaalo balse aan xuduud toos ah aan la leheyn Isra’iil cadaawadse kala dhexeyso. Iraan waxaa u badan dadka Shiicadda ah oo kuwa Sunniyiinta ah waa laga tira badan yahay oo ma aha kuwa ka muuqdo siyaasadda dalkaasi,si kastaba ha ahaatee,dalka Iraan gudihiisa waxaa dembi ka ah in Nabegayna Muxamad(SCW) wax laga sheego amaba loo gefo,waxaane sharci ka ah dalka Iraan haddii wax laga sheego amaba hadallo deelqaaf ah oo ku saasban Nebi Muxumad(SCW) dadka waxa ey inta badan ku muteystaan xabsi dhan shan sano ah. Wadaad uu si aad ah u jecel yahay Hogaamiyaha sare ee dalka Iraan Cali AL-Khameyni ayaa lagu eedeyey inuu galay dembi la mid ah horaantii bishan,waxa uu la kulmay aamusnaan ka timid dhimnaca hogaanka sare ee Iraan. Canaan la’aanta rasmiga ah ma eysan dareemin dadka reer Iraan oo xanaaqsan kuwaaso si deg deg ah u tilmaamay labada heer taaso u ogolaatay wadaadka xagjirka ah ee Calireza Panahianin aan la ciqaabin. Intii lagu guda jiray barnaamij ah faalo siyaasadeed oo laga sii daayey TV-ga dawladda Iraan ayuu wadaadka xagjirka ah ee Calieza Panahian ayuu ka hadlay “Maseyrka Ruuxiga ah”waxa uuna yiri Nebi Muxamed wuxuu ahaay “mid aan faraxsaneyn”iyo “inuusan ahayn saaxib naftiisa iyo Imaam Cali”.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADDA ICC OO KU DHEGAN NETANYAHU.

(SAWIRKA)-NETANYAHU.

(TEL AVIV)-Isra’iil ayaa lagu soo waramayaa iney ka walaacsan tahay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) iney soo saarto amar lagu soo xiraay Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo saraakiil sar sare oo kale kana tirsan xukuumadiisa,ka dib dacwada socoto weli kuna saabsan dagaalka Marinka Gaza una dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas. Saraakiisha sare ee dawladda Isra’iil ayaa kulamo deg deg ah ku yeeshay magaaladda Tel Aviv todobaadkan si ey uga wada hadlaan suurtagalnimada in Maxkamaddu ey soo saarto amar lagu soo xiraayo RW-Netanyahu,Wasiirka difaaca Gallant iyo taliyaha Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) Herzi Halevi,sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil. Saraakiisha Isra’iil ee walaaca ka muujiyey arrintaan ayaa isku dayaya iney taageero ka helaan xulufadooda reer Galbeedka ee ku saabsan baaritaanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ee dagaalka ey hadda Isra’iil ku hayso Gaza iyo xasuuqyada kale ey ciidamadda difaaca isra’iil ka gaysteen dhulka la haysto ee daanta galbeed tan iyo sannadkii 2014-kii.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AFAR SHAQAALE OO YEMENIYIIN OO KU DHINTAY CIRAAQ.

(SAWIRKA)-BAABUURTA GARGAARKA DEG DEG AH.

(ERBIL-IRAQ)-Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ismiidaamiya ayaa waxaa lagu qaaday dhismo lagu sifeeyo Gaaska eyna iska leedahay dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta maanta oo Jimca ah,dhismaha la weeraray ayaa waxa uu ku yaalaa Waqooyiga dalka Ciraaq,waxaane weerarkaasi ku dhintay afar qofood oo shaqaale ahaay una wada dashay dalka Yeman. Weerarka ayaa lala beegsaday dhismaha Khor Moor oo ey iska leedahay shirkadda Dana Gas oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo ku taalo Suleymaaniyaha. Afhayeen maamulka Kurdistan(KRG) Pehawa Hawramani ayaa weerarka ku tilmaamay inuu yahay mid aragaixiso,waxa uu intaas raaciyey in goobta gaaska uu soo gaaray burbur xoogan,sidoo kalane weerarka uu sababi doono koronto yaraan ka dhacda Suleymaaniyah. Bayaan ey soo saartay Wasaaradda Korontada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee KGR ayaa lagu sheegay iney hoos u dhacday quwadda Korontada qiyaas dhan 2,500 Meega Watt(MW) oo koronta ah weerarka awgiis. Ma aha markii ugu horeysay ee xaruntaan la beegsado,waxay wajahday weeraro loo adeegsaday Gentaalo sannadii la soo dhaafay iyadoo duqeyntii ugu dambaysay loo isticmaalay Drones-ka Ismiidaamiyo bishii Janaayo-2024-ka.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO ISU DIYAARINEYSO WEERAR EY KU QAADO RAFAX.

(SAWIRKA)-MAGAALADDA RAFAX.

(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah wafdi ka socdo dalka Masar ayaa wada hadallo xukumadda Isra’iil kula yeeshay magaaladda Tel Aviv,kulankaas oo warbaahinta Cibriga ey ku soo warantay in dalka Masar uu soo bandhigay Hindise lagu doonaayo iney heshiis wada gaaraan Isra’iil iyo Xamaas. Warbaahinta Cibriga ee Wallah ayaa daaha ka qaaday in Isra’iil ey si cad ugu sheegtay dalka Masar in dhinacyadu ey haystaan fursadii ugu dambeysay ey ku heshiiyaan dawladda Isra’iil iyo Xamaas haddii eysan taasi dhicine ciidamadda Isra’iil waxa ey xoog ku geli doonaan Rafax. Shabakadaan oo soo xiganeysa masuul sare oo Isra’iil ka tirsan ayaa sheegtay in Isra’iil ey u cadeysay Masar in wada hadaladii maanta ey la yeesheen wafdigii reer Masar ee booqday Tel Aviv iney Isra’iil diyaar u tahay iney fursadda ugu dambaysay siiso heshiis,haddii wax horumar ah la gaari waayana Isra’iil ey bilaabi doonto hawgal ku wajahan Rafax.

ISHA/ARAB.

RIIX HAKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA OO LAGA HELAY MEYDAD XUBNO LAGALA BAXAY.

(SAWIRKA)-XABAAL WADAREEDYO.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo inuu jiro tuhun ah in qaar ka mid ah dhibanayaasha Xabaal Wadareedka ee laga helay Isbitalka Naasir loo gaystay Xatooyo Xubno ka mid Jirkooda,halka Xarakadda Xamaas ey ku baaqday baaritaan caalami ah oo deg deg ah. Arrintaan ayaa timid xilli ey shir jaraa’id ku qabteen magaaladda Rafax ee koonfurta Marinka Gaza si ey u iftiimiyaan arrintaan Seddexda Xabaal Wadareed ee laga helay Isbitaalka Naasir ee magaaladda Khan Yoonis ka dib markii ey isaga bexeen ciidamadda difaaca Isra’iil 7/4/24-ka. Intii uu socday shirka Jaraa’id ayaa Agaasimaha Waaxda Agabka iyo sahayda shacabka ee Marinka Gaza Muxamed AL-Muqayar waxa uu soo bandhigay muuqaalo muujinaayo qaar ka mid ah meydadka dadka la xasuuqay ee Xabaal Wadareedyada kuwaaso ey ka muuqatay jirdil iyo baco lagu xiray. AL-Muqayar ayaa sheegay iney soo heleen meydad ey gacmahooda isku xiran yihiin calooshooduna furan tahay ey ka muuqdaan toliin aan ahayn midkii caadiga ahaay ee dadka loo toli jiray,waane midaas tan kor u qaaday inuu jiro shakiga ah in lala baxay xubnahooda ka dib markii la dilay.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MW-BIDEN IYO 17-HOGAAMIYE OO BAAQ U DIRAY XAMAAS.

(SAWIRKA)-17-HOGAAMIYE OO BAAQ U DIRAY XAMAAS.

(WASHINGTON)-Marka laga hadlaayo dagaalka u dhexeeyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas ee soo bilawday 7/10/23-kii oo maanta galay maalintiisii 202-aad ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar,tirada dadka reer Falstiin ee ku geeriyooday dagaalka Marinka Gaza ayaa lagu sheegay iney dhan yihiin 34,183-Qof halka dad dhaawaca ah ey dhan yihiin 77.889-Qof,waxaane jiro tiro kale oo dad ah oo lagu la’ayahay nolol iyo geeri oo reer Falastiin ah. Isra’iil ayaa dagaalkan ku khasbay iney gasho ka dib markii Xarakadda Xamaas ey ka dishay 1,200-Qof una badan ciidamadda isla markaasne ey soo qafaasheen 253-kale oo isugu jira shacab iyo askarba.Hadaba Madaxweyne Biden iyo Hogaamiyeyaasha 17-Wadan oo Muwaadiniintooda ey qafaasheen Xarakadda Xamaas ayaa soo saaray bayaan wadajir ah maanta oo Khamiis ah waxa eyna Xarakadda Xamaas ugu baaqeen iney aqbasho heshiiska la hasytayaasha ee hadda saaran miiska kaaso horseedayo xabad-joojin ka dhacda Marinka Gaza. Kani waa bayaankii ey si wadajirka ahaa ee ugu muhiimsanaa ee ey beesha caalamku daabacday tan iyo 7/10/23-kii oo Xarakadda Xamaas ku caadineyso iney sii deyso la haystayaasha. Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixan Biden iyo Madaxda kala ah”Argentina,Austria,Brazil,Bulgaria,Canada,Colombia,Denmark,Hungry,Germany,France,Poland,Porugal,Romania,Serbia,Spain,Thailand iyo UK”. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa hadal kooban ku sheegay in fikradda daabacaada bayaankan wadajirka ah ey soo baxday intii lagu guda jiray kulan dhexmaray la taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka Jake Sullivan iyo xubnaha qoysaska la haystayaasha Maraykanka laba todobaad ka hor. “Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha ey Xamaas ku haysato Gaza in ka badan 200-Maalmood. Waxaa ku jira Mawadiniinteyna,waa walaac caalami ah”18-Hogaamiye ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

ISHA/AXIOS.

RIIX HALAKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA: HOOYO MEYDKA WIILKEEDA KA HESHAY XABAALO WADAREED.

(SAWIRKA)-XABAALO WADAREED LAGA HELAY KHAN YOONIS.

(GAZA)-Reem Zidan oo ah Hooyo Falatiiniyad ah ayaa wiilkeeda raadineysay muddo bilo ah ilaa ugu dambeyntii ey meydkiisa heshay maanta oo Arbaca ah(24/4/24)-ka,ka dib markii Cagaf Cagaf uu haraaga Meydkiisa uu ka soo saaray god ka baxsan Xarunta caafimaad Naasir ee Khan Yoonis ee dhacda Koonfurta Marinka Gaza. Hooyadaan oo Falastiiniyad ah oo murugaysan ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Press “Waxay ii sheegeen inaan halkaan ka tago,markaas ayaan ku iri “Wiilkayga waxa uu ku hoos jiraa Cagaf Cagafta isagoo 22-jir ah”. Waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid weeraradii iyo hawlgaladii Israa’iil ee Khan Yonis waxaane bilaabatay in shaqaalihii caafimaadka ey bilaabaan iney dib ugu soo laabtaan goobohoodii shaqo,waxa eyna taasi sababtay in meydad fara badan dhulka hoostiisa laga soo aaro gaar ahaan Isbitaalka Naasir.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARTAY MARAAKIIB MARAYAKAN.

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ayaa sheegaayo in Afhayeenka u hadla kooxda Xuutiyiinta Yaxye AL-sareec uu maanta oo Arbaca ah uu shaaca ka qaaday in kooxda Xuutiyiinta ey weerar la beegsadeen laba Markab uu mid Maraykanka leeyahay iyo midka kalane ey leeyahay Isra’iil kuwaaso maraayey Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Yaxye AL-sareec ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey fuliyeen “hawlgal Mileteri oo lagu beegsaday Markab uu leeyahay Maraykanka lana yiraahdo”MAERSK YORKTOWN” oo maraayey Gacanka Cadmeed,waxaane lala beegsaday dhawr Gentaal oo ah kuwa lida Maraakiibta duqeyntuna waa sax”,labada hawlgal ey sameeyeen Xuutiyiinta Yeman mid ka mid ah ayaa lala beegsaday Maraakiib dagaal uu Maraykanku leeyahay oo maraayey Gacanka Cadmeed,waxaane lagu tuuray tiro diyaaradaha oo Ismiidaamiya ah,Markabka kale ee isna la beegsaday ayaa waxa lahayd Isra’iil waxa uuna maraayey Badweynta Hindiya,waxaane Markabkaan la yiraahdaa”MSC VERCRUZ” waxaane lagu tuuray tiro diyaaradah Ismiidaamiya ah.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTIISII 200-AAD.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(MARINKA GAZA)-Sida aan la wada socono dagaalka Marinka Gaza ayaa waxa uu soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii,dagaalka ayaa qarxay ka dib markii Xamaas ey weerar gaadmo ku qaaday Isra’iil kana dishay dad gaaraayo ilaa 1200-Qof halka ey Xamaas soo qafaashtay dad dhan ilaa 352-Qof kuwaaso qaarkood ey ku dhinteen duqeyntii Isra’iil ka gaysatay Gaza dhawrkii bilood ee la soo dhaafay. Hadaba dagaalka Marinka Gaza ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 23/4/24-ka waxa uu galay maalintiisii laba boqolaad(200),waxaane dagaalka Gaza ku dhintay dad ey tiradooda gaareyso ilaa 34.183-Qof,waxaane ku dhaawacmay ilaa 77.143-Qof. Dadka geeriyooday ayaa waxa ey badan yihiin Caruur waxaane tiadooda lagu sheegay iney dhan tahay ilaa 14,560-Canug,waxaane ku xiga Dumarka oo iyaga gaaraayo ilaa 9,583-Qof,dagaalkan ayaa waxaa ku barakacay gudaha Gaza dad garaayo ilaa 1.9-Milyan oo reer Gaza ah,waxa uuna burbur soo gaaray guryo dhan ilaa 360-kun guri. Hayadaha Qaramada Midoobe ee ka hawlgala Marina Gaza ayaa soo sheegay in 85% daka reer Gaza ey barakaceen halka 60% ey burbureen dhismayaashii Gaza ku yiil. Weeraradii Isra’iil ey ku qaaday Marinka Gaza maanta oo Talaada ah(23/4/24)-ka ayaa waxaa ku dhintay dad dhan 32-Qof waxaane ku dhaawacmay dad garaayo ilaa 59-Qof.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More