MW-BIDEN IYO 17-HOGAAMIYE OO BAAQ U DIRAY XAMAAS.
(SAWIRKA)-17-HOGAAMIYE OO BAAQ U DIRAY XAMAAS.
(WASHINGTON)-Marka laga hadlaayo dagaalka u dhexeeyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas ee soo bilawday 7/10/23-kii oo maanta galay maalintiisii 202-aad ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar,tirada dadka reer Falstiin ee ku geeriyooday dagaalka Marinka Gaza ayaa lagu sheegay iney dhan yihiin 34,183-Qof halka dad dhaawaca ah ey dhan yihiin 77.889-Qof,waxaane jiro tiro kale oo dad ah oo lagu la’ayahay nolol iyo geeri oo reer Falastiin ah. Isra’iil ayaa dagaalkan ku khasbay iney gasho ka dib markii Xarakadda Xamaas ey ka dishay 1,200-Qof una badan ciidamadda isla markaasne ey soo qafaasheen 253-kale oo isugu jira shacab iyo askarba.Hadaba Madaxweyne Biden iyo Hogaamiyeyaasha 17-Wadan oo Muwaadiniintooda ey qafaasheen Xarakadda Xamaas ayaa soo saaray bayaan wadajir ah maanta oo Khamiis ah waxa eyna Xarakadda Xamaas ugu baaqeen iney aqbasho heshiiska la hasytayaasha ee hadda saaran miiska kaaso horseedayo xabad-joojin ka dhacda Marinka Gaza. Kani waa bayaankii ey si wadajirka ahaa ee ugu muhiimsanaa ee ey beesha caalamku daabacday tan iyo 7/10/23-kii oo Xarakadda Xamaas ku caadineyso iney sii deyso la haystayaasha. Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixan Biden iyo Madaxda kala ah”Argentina,Austria,Brazil,Bulgaria,Canada,Colombia,Denmark,Hungry,Germany,France,Poland,Porugal,Romania,Serbia,Spain,Thailand iyo UK”. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa hadal kooban ku sheegay in fikradda daabacaada bayaankan wadajirka ah ey soo baxday intii lagu guda jiray kulan dhexmaray la taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka Jake Sullivan iyo xubnaha qoysaska la haystayaasha Maraykanka laba todobaad ka hor. “Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha ey Xamaas ku haysato Gaza in ka badan 200-Maalmood. Waxaa ku jira Mawadiniinteyna,waa walaac caalami ah”18-Hogaamiye ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
ISHA/AXIOS.