MIDAWGA YURUB OO U SOO GURMADAY DALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-WAKIILKA MIDAWGA YURUB IYO MIKATI.
(BEIRUT)-Wararka imaanayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Gudiga Deriseynta iyo Balaarinta u Qaabilsan Midawga Yurub Oliver Varheli ayaa sheegay in “Xasiloonidda iyo Amniga dalka Lubnaan ey yihiin kuwa mudnaanta koobaad u leh Yurub", inta uu ku guda jiray socdaalkiisa uu ku soo gaaray caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut maanta oo Isniin ah ayuu halkaasi waxa uu kula kulmay masuuliyiin reer Lubnaan ah,Oliver ayaa carabkiisa ku adkeeyey sheegayne in xiriir qotada dheer ee u dhexeeyo Midawga Yurub iyo dalka Lubnaan kuna saabsan arrintaan”. Oliver,war qoraal ah uu soo saaray ayuu ku sheegay ka dib markii uu kulan la qaatay Ku-Simaha Reysal Wasaaraha dalka Lubnaan Najiib Mikaati yiri ”Waxaa iska cad Golaha Yurub inuu doonaayo inuu gacan ka gaysto Xasiloonidda iyo Amaanka dalka Lubnaan iyadoo dalka Lubnaan kaalmo dheeraad ah laga siinaayo dhinaca Ciidamadda Qalabka Sida,Hayadaha kale ee gacanta ka gaysta Amniga iyo Xasiloonidda Gobolka,sidaas darteed,waxaan raadineynaa Xirmo taageero iyo talaabooyin joogta ah si aan u taageerno Xasiloonidda iyo Amniga dalka Lubnaan”. Varheli Oliver waxa uu intaas raaciyey “inaan si dhaqsi ah u dhammaystirno arrintaan,oo aanu ku dhaqaaqi doono Xirmadaan iyo dhammaystirkeeda marka uu Madaxweynahaynu uu yimaado dalka Lubnaan,waxaan ku dhawaaqi doonaa waqtigaas”
ISHA/ARAB.
XARAKADDA XAMAAS OO BEENISAY WARAR…
(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.
(DOHA-QATAR)-Ka dib markii ey soo bexeen wararka sheegaayo in xaruntooda dalka Qadar loo raraayo dalka Turkiga ama meel kale,Xarakadda Xamaas ayaa Xaqiijisay in dawladda Qadar eysan ka codsan ka bixitaankooda Dooxa iyadoo beenisay wararka la faafiyey. Afhayeenka Xarakadda Xamaas Muxamed Nazaal ayaa intaas raaciyey in Xarakadda Xamaas eysan Dooxa ka bexeyn ka dib markii uu Waraysi siiyey Tv-ga caanka ah ee AL-Carabiya Qeybtiisa AL-Xadath ee magaaladda Dooxa maanta oo Axad ah,taaso muujinayso warka la faafiyey inuu yahay been la iskuna dayaayo in Xarakadda Xamaas cadaadis lagu saaro iney isaga baxd dalka Qadar. Wargayska Wall Street Journal ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii shalay sheegay in Hogaanka Siyaasadda Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah uu ka fikiraayo inuu xaruntiisa u raro meel ka baxsan dalka Qadar iyadoo uu sii kordhaayo cadaadiska Xubnaha Koongareeska dalka Maraykanka ey ku hayanaa dalka Qadar oo qeyb ka dhexdhexaadiyeyaasha Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil,halka dhexdhexaadiye kale oo Carab ah kuna jira wada xaajoodka(Masar) uu Wargaysku tilmaamay suuragalnimada in wada hadaladda Xabad joojinta u dhexeuso Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas iney gebi ahaanba Burburaan. Wargayska Wall Street Journal ayaa masuuliyiin Carbeed waxa uu ka soo xigtay in Xarakadda Xamaas ey maalmihii la soo dhaafay la xiriirtay ugu yaraan laba wadan oo Gobolka ah iney siiyaan fursad ah in Hogaamiyeyaashooda Siyaasadda iney u guuraan caasimadahooda.
ISHA/AL-ARABIYA.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAAYO CIIDMADDA ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-BLINKEN IYO NETANYAHU.
(WASHINGTON)-Dawladda Isra’iil ayaa ugu baaqday maamulka Madaxweyne Joe Biden Axada Maanta ah inuu si guud iyo si gaar ahba dib u eegis ku sameeyo go’aan la filaayo ee ah in cunaqabateyn lagu soo rogi doono Guutada Difaaca Isra’iil ee “NETZAH YEHUDA”ee Xadgudubyada Xuquuql Insaanka ka gaysatay Daanka Galbeed ee Isr’aiil haysato. Saraakiisha Isra’iil ayaa u sheegay wargayska AXIOS iney aad uga walaacsan yihiin go’aanka aan horay loo arag inuu u hordseedi karo cunqabateen dheeraad ah oo lagu soo rogo Qeybaha kale ee Ciidamadda Difaaca Isra’iil. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa la filaa inuu maalmo gudahood ku dhawaaqo cunaqabateyn ka dhan ah Guutada Ciidamada Difaaca Isra’iil ee ‘NETZAH YEHUDA” ee loo haysto iney gaysatay Xadgudub Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulka Isra’iil haysato,sidaas waxaa shalay oo Sabti ahayd sheegay wargayska AXIOS. Cunaqabateynta Maraykanka saaraayo Guutadaan ayaa ka mamnuuci doono Guutada iyo xubnaheeda iney Maraykanka ka helaan nuuc kasta oo ka mid ah kaalmada iyo tababarada Ciidanka,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo Mileteri.
ISHA/AXIOS.
MAXAAN KA OGNAHAY DAGALKA IRAAN IYO ISRA’IIL?
(SAWIRKA)-BANANBAX KA DHACAY IRAN.
(LONDON)-Ma aha mid la wada moog yahay in Iraan iyo Isra’iil ey in mudda ah isu Boola Xooftenayeen balse markii dambe ey is fara saareen,Iraan waxa ey Gobolka Bariga dhexe ku leedahay xulafo hubaysan oo aad u fara badan marka loo fiiriyo Isr’aiil kuwaaso qaarkood ey Isra’iil la leeyihiin Xuduud dhinaca dhulka ah sida dalalka Lubnaan iyo Suriya,Isra’iil ayadane waa ey leedahay Xulafo carbeed kuna sugan mandiqadda Bariga dhexe balse ma aha kuwa cadeeystay dagaal ey ku difaacayaan dalka Isra’iil,wadamadda Carabta qaarkood ayaa Isra’iil siiya sirta Iraan kuna saabsan weeraradda Iraan ee ku wajahan Isra’iil sida midkii dhacay todobaad ka hor. Dalka Iraan ayaa 13-kii bishaan Abriil-2024-ka banaanka soo dhigay dagaalka uu kula jiro Isra’iil muddo dhan tobaneeyo sano ka dib markii uu Isra’iil ku qaaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ismiidaamiya iyo Gentaaladda Balaastikada ah,dalka Iraan ayaa weerarkiisu ahaay mid aargoosi ah ka dib markii ey dheceen duqeymo looga shakiyey iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,duqeyntaas ayaa waxaa lala beegsaday Qunsuliyadda Iraan ee caasimadda Suriya ee Dimishiq,waxaane halkaas lagu dilay todobo qofood oo ku sugnaay qunsuliyadda Iraan eyna ka mid ahaayeen laba sarkaal oo ka tirsan Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IRGC).
ISHA/AN.
190-QOFOOD MEYDADKOODA AYAA LAGA SOO HELAY XABAAL…
(SAWIRKA)-GOOBTII LAGA HELAY XABAAL WADAREEDKA.
(GAZA)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in halkaasi dad fara badan oo Falastiiniyiin ah oo gaaraayo ilaa 190-qof Meydadkooda laga soo saaray Xaabaal Wadareed ku dhex yaalo Isbitaalka Naasir ee magaaladda Khan Yoonis ee Koonfurta Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso Falastiiniyiinta ee WAFA maanta oo Axad ah. Meydadkaan ayaa la soo helay ka dib markii ciidamadda difaaca Isra’iil ey isaga bexeen magaaladda Khan Yoonis todobadii bisha Abriil(7/4/24)-ka,waxaane magaaladda Khan Yoonis ka dhacay weerar culus ey ku soo qaadeen ciidamadda difaaca Isra’iil,Xabaal Wadareedka la soo helay dadka ugu badan waxa ey yihiin Dumar iyo Caruur ey dileen ciidamadda Isra’iil. Sida laga soo xigtay Warfidiyeenadda ku sugan Khan Yoonis dadka la la’ayahay ayaa lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa 500-qofood mana jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay ciidamadda difaac Isr’aiil.
ISHA/AA.
FARNSISKA OO DALKIISA KA TARXIILAY IMAAM…
(SAWIRKA)-ASKERI FARANSIIS AH.
(PARIS)-Dawaladda Faransiiska ayaa dalkeeda waxa ey ka ceyrisay shalay oo Jimca ahayd kuna beegneed 20/4/24-ka Imaam Majsjid una dhashay dalka Aljeeriya lana yiraahdo Maxamed Taatiyat kaaso Imaam ka ahaay mid ka Mid ah Masaajidada Tuuloz ee Koofurta dalka Faransiiska waxaane Imaamka loo taRxiilay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Aljeeriya ka dib markii ey Maxkamadi ugu dambeyntii ey ku xukuntay dembiga ah”Nacayb iyo Hurinta Rabshadaha ka dhanka ah dadka Yahuuda ah”,sidaas waxaa laga soo xigtay bogga France24. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Faransiiska Gerald Dermanin ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in sharciga socdaalka (loo ogol yahay)mar kale ceyrinta Imaamka ee Tulooz kaaso kicinayey Nacaybka oo si cadaalada ah loogu xukumay dalkiisa in ka yar 24-saacadood ah”. Dhinaciisa,mid ka mid ah Qareenada Imaam Taatiyat ayaa dhaleeceeyey ceyrinta ku dhacday Imaamka waxa uuna ku sheegay iney tahay mid loo adeegsaday “Xoog Mileteri”,Qareen Aglisiis ayaa yiri”Ma ahayn amar deg deg ah isagu waxa uu joogay Faransiiska muddo dhan Afartan sano,waxa uu leeyahay Caruur, waxa uuna ka shaqeeyaa halkaan,Muddo todoba sano ah wax buuq ah ma uusan sameeyn Imaamka,waxa uuna hadda sii saaran yahay diyaarad isagoo ku sii jeeda Aljeeriya.
ISHA/ARAB.
WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY DALKA CIRAAQ.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ.
(IRAQ)-Dhawr qof ayaa ku dhaawacantay “Bam” xalay lagu weeraray saldhig ey ciidamadda Ciraaq leeyihiin iyo kooxaha Isbahaysiga hubaysan ey taageerto dawladda Iraan sida ey sheegeen laba ilo wareedyo amni subanimadii maanta oo Sabti ah. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga Mileteri Calso ee Gobolka Baabiloon ee Koonfurta caasimadda Baqdaad halkaas ey ku sugan yihiin ciidamo abaabulan oo Ciraaqiyiin ah loona yaqaano “XASHDI AL-SHACBI” sida laga soo kala xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq iyo saraakiil Mileteri. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa sheegay in duqeynta hawada uu ku dhintay hal qof eyna ku dhawacmeen sideed kale,isla weerarkaas ayey ilo Mileteri sheegayaan in seddex askeri oo ka tirsan Mileteriga dalka Ciraaq lagu dhaawacay. Weerarkaan dhinaca cirka ah ee ka dhacay dalka Ciraaq ayaan ilaa hadda cidna sheegan iney iyadu ka dambeysay balse waxaa war cad ka soo saaray Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka ee CENTCOM sheegayne inuusan ku lug lahayn weerarka xalay ka dhacay dalka Ciraaq,waxaase dhici karta in weerarka ey qaadeen kooxo reer Ciraaq ah kana soo horjeedo kooxahaan reer Ciraaq ey taageerto Iraan.
ISHA/ARAB.
9-QOFOOD OO HAL QOYS AH OO LAGU DILAY RAFAX.
(SAWIRKA)-GURI ISRA’IIL WEERARTAY.
(GAZA)-Hayadda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in weerar dhacay goor habeen ey fulisay Isra’iil ey ku dhinteen Sagaal Qofood oo ka wada tirsan hal Qoys oo Falastiin ah,dadkaan la dilay ayaa waxaa ka mid ahaay ilaa lix caruur ah waxa uuna weerarka ka dhacay magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Shan caruur ah oo ey da’adoodu u dhexeyso hal sano ilaa iyo 16-jir ah ayaa ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii cirka ee Isra’iil,waxaane caruurtaas dhimatay wehliya laba dumar ah iyo hal nin sida uu sheegay Isbitaalka magaaladda AL-Najaar. “Sagaalka Qofood ee Shahiiday oo ey ku jiraan lix caruur ah ayaa laga soo saaray burburka dhismihii ey ku sugnaayeen ka dib markii ciidamadda cirka ee Isra’iil duqeyn ey u gaysteen gurigii ey deganaayeen Qoyska Ridwaan oo ku yaalo Xaafadda Tal AL-Suldaan ee Rafax”afhayeenka Hayadda Difaaca Madiniga ah ee Marinka Gaza Maxamud Basaal ayaa ku yiri hadal uu soo saaray weerarka ka dib.
ISHA/ARAB.
WAX KA OGOW MAXAABIISTA REER FALASTIIN.
(SAWIRKA)-SHAXDA GABOOD FALKA.
(QUDS)-Marka laga soo bilaabo sannadkii 1948-dii ilaa maanta la joogo dadka reer Falastiin waxa ey ku jireen dagaal aan lahayn dhammaad oo kala dhexeeyey Isra’iil,dagaalkan ayaa waxaa u sabab ah sida la sheegay Gumaysigii Ingiriiska ee waqtigaas oo dhulka reer Fakstiin ku wareejiyey Isra’iiliyiinta,hadaba dad reer Falastiin waxaa soo maray maalmo eysan marnaba hilmaami kareyn kuna qoran Xusuusto eyna isu soo gudbiyan min Jiil ilaa Jiil marka laga soo bilaabo1948-dii. Maanta waa maalin Arbaca ah waxa eyna ku beegan tahay 17/4/2024-ka,dadka reer Falastiin waxa ey u dabaal degaan Maalinta Maxaabiista Falastiin si ey muujiyaan dhibaatada iyo Halganka Maxaabiista si looga xureeyo Xabsiyadda Isra’iil. Halkan waxaa lagu soo bandhigay tirooyinka Maxaabiista ugu badan ee fadeexadda ku ah Isra’iil dembiyada ey ka gashay dadka reer Falastiin.
ISHA/ARAB.
SUDAAN: XILKA QAADIS IYO MAGACAABIS XILAL.
(SAWIRKA)-WASIIR CALI AL-SADIIQ.
(KHARTUM-SUDAN)-War ka soo baxay Xukumadda Sudaan ee caalamku aqoonsan yahay ayaa lagu sheegay in Danjire Cali AL-Sadiiq laga qaaday Xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sudaan,sidoo kale waxaa iyagan xilalkii ey haayeen laga kala qaaday Madaxdii Maamulka Goboladda Gadaarif iyo Kasalla ee wada dhaca Bariga dalka Sudaan. Go’aanka Golaha Wasiira dalka Sudaan ayaa Danjire Xuseen Cawad loogu magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda,Danjire Xuseen ayaa horay u soo noqday Ku-xigeenka Xogahayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Sudan,sidoo kale waxaa iyagana la magacaabay Gudoomiyeyaasha Goboladda Gadaarif iyo Kasalla, Gobolka Gadaarif ayaa loo magacaabay S/G.Maxamed Axmed Xasan oo hawlgab ah,halka S/G.AL-Saadiq oo isna hawlgab ah loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Kasalla. Taariikhdu markeey ahayd 21/1/2022-kii ayuu Taliyaha Ciidanka Sudaan Md.C/fataax AL-burhaani waxa uu Danjire Cali AL-Sadiiq u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sudaan waxa uuna ka mid ahaay shan iyo toban Wasiir oo kale oo waqtigaas la magacaabay,AL-burhani ayaa qaaday talaabooyin gaar ah eyna ka mid tahay kala diradda Golihii Wasiiradda ee ku meel gaarka ahaay iyo ku dhawaaqidda xaalad deg deg ah,dhinaca, Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda ee Sudaan waxaa waqtigaas loo magacaabay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda bishii Diseembar-2023-kii,waxaa kaloo horay uu u soo noqday Safiirka dalka Sudan u fadhiya dalalka Zambiya iyo Ugandha.
ISHA/ARAB.
MADAXA XAFIISKA SIYAASADDA EE XAMAAS HANIYAH OO…
(SAWIRKA)-MW ERDOGAN IYO ISMAACIIL HANIYAH.
(TURKEY)-Telefishanka NTV ee dalka Turkiga ayaa sheegay in Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Md.Ismaaciil Haniyah uu booqasho ku tegi doono dalka Turkiga maalmo gudahood si uu halkaas wada hadallo ugula soo yeesho Madaxweynaha dalka Turkiga Md.Rajab Dayib Erdogan. Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan uu Arbacadda maanta ah uu xaqiijiyey wax uu ku tilmaamay “Hogaamiyaha Qadiyadda reer Falastiin, uu marti ii noqon doono dhammaadka todobaadkan,waane wada hadli doonaa” ayuu yiri Erdogan. MW-Erdogan ayaa hadlakaan sheegay mar uu ka hadlaayey kulan ey yeesheen Xubnaha Xisbigiisa kaga jira Baarlamaanka dalka Turkiga,”Waxaan sii wedi doonaa inaan difaaco halganka geesiyaasha Falastiin,waxaan ahaan doonaa codka shacabka reer Falastiin ee dulman,xataa haddii aan ilaaheey i siin nolol kaligay baa la iiga tegay”.
ISHA/ARAB.
DALKA QADAR OO KA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA.
(SAWIRKA0-SHEEKH MAXAMED BIN C/RAXMAN.
(DOHA-QATAR)-Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan AL-thani ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in wada hadaladdii ku saasbanaay xabad joojinta Marinka Gaza iyo sii deynta la haystayaasha reer Isra’iil ey mareeyso “Marxalad Xasaasi ah”. “Waxaan isku dayeynaa inta ugu macquulsan inaan wax ka qabano turturooyinkaan”ayuu raaciyey Md.Maxamed AL-thani isagoo aan bixin wax faahfaahin dheeraad ah. Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas ayaa cambaareeyey waxa uu ku tilmaamay siyaasadda ah”Ciqaab Wadareed ey weli wado Isra’iil taaso ey kula dhaqmayso dagaalka ey kula jirto kooxda reer Falastiin ee Xamaas,taaso soo xoogaysatay iyo xiisaddii ugu dambaysay ey ka dhacday Daanta Galbeed ee dhulka Isra’iil haysato. Wada hadaladda xabad joojinta oo ey dhexdhexaadinayaan dalalka Masar iyo Qadar ayaa weli sii socda iyadoo dhibaatadii bani’adanimo ee aadka u liidatay ey weli ka taagan tahay Marinka Gaza,waayo dadka reer Gaza ma haystaan cunto ku filan oo halkasi waxaa ka jirto cunto yari aad u ba’an,daawo yari iyo daryeel caafimaad aan halkaasi ka jirin. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee lix bil jirsaday ayaa yimid ka dib markii Xamaas ey weerartay dhulka ey Isra’iil haysato taariikhdu markeey ahayad 7/10/2023-kii,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay dad reer Isra’iil ah oo gaaraayo ilaa 1200-qofood,waxaane lagu soo qafaashay dad garaaayo ilaa 253-qofood una badan Isra’iil sida ey sheegtay Isra’iil. Dalka Isra’iil ayaa qaaday weerar aargoosi ah waxa uuna duqeyn aan kala sooc lahayn la beegsaday Marinka Gaza waxaane xigay weerar dhinac dhulka ah ey qaadeen ciidamadda difaac Isra’iil(IDF),waxaane weerarka Isra’iil ee Marinka Gaza ilaa hadda ku dhintay 34-kun qofood sida laga soo xigtay maamulka Caafimaadka ee Marinka Gaza.
ISHA/AW.
CABDOULAYE BATHILY OO IS CASILAY XILKII UU HAAYEY.
(SAWIRKA)-ERGAYGA GAARKA AH EE QARAMADA MIDOOBE EE DALKA LIBIYA.
(LIBYA)-Ergayga Qaramadda Midoobe u qaabilsan dalka Libiya ayaa iska casilay xilkii uu haayey ka dib markii uu arkay inaan wax rajo ah laga qabin in Horumar laga sameeyo dhinaca siyaasadda ee dalka Libiya. Cabdoulaye Batilya ayaa sheegay in Rabitaan la’aanta siyaasadeed iyo niyad wanaag dhanka madaxda dalka Libiya ey ka dhigayan dadaaladda maamul u sameynta dalka Libiya ee Qaramada Midoobe kuwa aan waxba ka jirin,Sababta ugu weyn ey Libiya waxa uga socon la’ayihiin ayaa ah wadamadda shisheeye ee ku hardamaayo khayraadka dalka Libiya eyna ugu horeeyaan dalalkaq Turkig,Masar iyo Imaaraatka Carabta. Md.Bathilye ayaa sheegay in hayadaha caalamiga ah eysan ku guulaysan karin iney taageeraan isbedelka siyaasadeed ee dalka Libiya marka Hogaamiyeyashooda ey danahooda gaarka ah ka hormarinayaan xal u helidda dhibaatadda haysata dalka Libiya. “Waxaan shaqo ka tegisteeda u gudbiyey Xogahayah Guud ee Qaramada Midoobe”,siyaasigaan reer Senigal Cabdoulaye Bathily ayaa u sheegay Warfidiyeenadda maanta oo Talaada ah inuu iscasilay ka dib markii uu warbixin siiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe taaso ku saabsaneed xaaladda dalka ku yaalo waqooyiga Qaaradda Arfika ee la yiraahdoLibiya.
ISHA/AL-JAZEERA.
S/G.MAXAMED XAMO OO DACWAD LOOGA FURAY SWEDEN.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWLADDA SURIYA.
(STOCKHOLM)-Maxkamad ku taalo dalka Sweden ayaa waxaa ka furantay dacwad ka dhan ah taliye hore kana tirsanaay ciidamadda dalka Suriya S/G.Maxamed Xamu,waa sarkaalkii ugu horeeyey oo Suuriyaan ah oo lagu Maxkamadeeyo Yurub isagoo loo haysto inuu caawinay gacana ka gaystay Gumaad shacab loo gaystay iyo dembiyo dagaal intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye ee dalka Suriya. Shalay oo Isniin ahayd ayaa Maxkamad ku taalo magaaladda Caasimadda ah Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxaa ka furantay dacwad loo haysto Jineraal hore oo ka tirsanaay ciidamadda dalka Suriya sarkaalkaas ayaa ku lug yeeshay dembiyo dagaal oo dalka Suriya ka dhacay sannadkii 2012-kii. Maxamed Xamu waa 65-jir waxaane lagu oogay dacwad ah inuu taageeray xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,sidaas waxaa laga soo xigtay Warbaahinta gudaha ee dalka Sweden. Haddii S/G.Maxamed Xamu lagu helo dembiyadda lagu soo oogay waxa uu mutaysan doonaa Xabsi Da’in kaaso guud ahaan u dhexeeyo 20 ilaa 25-sano sida uu qabo sharciga dalka Sweden. Dacwad oogaha dalka Sweden haweeneyda la yiraahdo Karolina ayaa Maxkamadda u sheegtay in Xamu uu gacan ka gaystay “talooyin iyo Ficil”dagaalka ey wadaan ciidamadda dalka Suriya.
ISHA/YANI SAFAK.
GAZA OO LAGA HELAY XABAAL WADAREED.
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.GAZA
(GAZA)-Muuqaalo Video ah ayaa laga daawaday Xabaalo Wadareed ey ciidamadda difaac ee Isra’iil ku Aaseen barxadda Isbitaalka AL-Shifa’a ee magaaladda Gaza ka dib markii ciidamadda difaaca Isra’iil ey fuliyeen weerar ey ku qaadeen Isbitaalka AL-Shifa’a todobaad ka hor. Muuqaalka Xabaal Wadeereedka ayaa waxaa soo bandhigay Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Jazeera ee saldhigiisu yahay magaaladda Dooxa ee caasimadda dalka Qadar maanta oo Isniin ah kuna beegn 15/4/24-ka. Meydadka la soo bandhigay ayaa ahaay kuwa ey ka muuqatay toogasho lala beegsaday dad Falastiiniyiinta ah ee waqtigaas Isbitaalka Jiifay iyo kuwii kula sugnaayba,sawiradda dadka la soo helay meydadkooda ayaa waxa ey xirnaayeen dharka hoos laga xirto oo aan weli go’ogo’in kuwaaso loo maleynaayo in la dilay waqti dhaw,dadka qaarkood ayaa qabay dhaawac markii la keenaayey Isbitaalka AL-Shifa’a ee magaaladda Gaza. Xafiiska warfaafinta ee Xuuumadda Gaza ayaa sheegay in koox ka socotay caafimaadka iney soo heleen ilaa sagaal Meyd kana soo kala heleen hareeraha iyo Gudaha Isbitaalka AL-Shifa’a,kooxda ka socotay caafimaadka Gaza ayaa intaas raaciyey in Isra’iil ey dishay ilaa 4-boqol oo qofood oo ku sugnaay dhismaha Isbitaalka AL-shifa’a maantane waxaa suuragashay in la soo saaro sagaal qofood oo dadkaas ka mid ah,meydadka la helay qaarkood ayaa waxaa la socday agab caafimaad ey ku isticmaalayeen Isbitaalka AL-Shifa’a.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO SIR KA HESHAY DALAL CARBEED ISKANA DIFAACDAY IRAAN.
(SAWIRKA)-WEERARKII IRAAN KU QAADAY ISRA’IIL.
(WASHINGTON)-Wargayska caanka ah ee WALL STREET JOURNAL ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in wadamadda Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ey sirta weerarka Iraan la wadaageen dalalka Maraykanka iyo Isra’iil ka hor inta aanuu dalka Iraan uusan Isra’iil ku weerarin Diyaaradaha Drones-ka ee ismiidaamiya iyo Gentaaladda Balaastikada ah. Habeenimaddii Sabtida dalka Iraan ayaa weerar balaaran waxa uu ku qaaday dalka Isra’iil iyadoo ku gentay in ka badan 300-diyaaradaha Drones-ka ismiidaamiya ah iyo Gentaaladda Balastikada ah kuwaaso intooda badan hawada lagu gubay inteysan gaari halkii bartilmaameedku ahaay. Weerarka ey qaaday Iraan ayaa jawaab u ahaay weerar ey Isra’iil ku qaaday Qunsuliyadda Iraan ee magaaladda Dimishiq ee dalka suriya horaantii bishaan Abril-2024-ka,weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay ilaa todobo qofood ey ku jiraan saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan. Sida laga soo xigtay Wargayska WSJ Isra’iil waxay awood u yeelatay iney ka hortagto ku dhawaad dhammaan diyaaradaha Drones-ka ismiidaamiya sabab la xiriirta ku lug lahaanshaha wadamadda Carabta ee kala ah Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,wadamadaan ayaa sii gudbiyey sirta ku saabsan weerarka ka hor inta uusan dhicin,waxa eyna hawadooda u fureen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Isra’iil si ey u difaacaan Isra’iil, wadaag xogta weerarka Iraan ey bixiyeen Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waxa ey noqotay mid Isra’iil ka badbaadisay halis fara badan oo ey kala kulmi laheed weerarka Iraan kaga yimid.
ISHA/ARAB.
XAMAAS OO DALBATAY HESHIIS QORAA AH.
(SAWIR)-KA MARINKA GAZA.
(WASHINGTON)-Xarakadda Xamaas ayaa dalbatay “Balan qaad Qoraal ah oo cad” in Isra’iil ey ka bixi doonto Marinka Gaza inta lagu guda jiro wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta ah oo seddex weji ah,sarkaal sare oo Masar ah iyo sarkaal Xamaas ah ayaa sheegay sidaas maanta oo Axad ah. Xamaas Sabtidii ayey sheegtay iney jawaabta lix todobaad oo xabad joojin ah ey u gudbisay dhexdhexadiyeyaasha Masar iyo Qadar. Xamaas waxa kaloo ey sheegtay iney weli ka go’an tahay dalabkeeda xabad joojinta ah,ka bixitaanka ciidmaadda Isra’iil dhammaan qeybaha Marinka Gaza ey ka joogaan,ku noqoshada dadka barakacayaasha ah guryahood,xoojinta qulqulka gargaarka iyo bilawga dib u dhiska dhismayaashii ku burburay dagaalka. Xarakadda Xamaas ayaa tiri” Waxaan xaqiijineynaa sida aan diyaarka ugu nahay inaan gaarno heshiis ku saabsan is dhaafsiga Maxaabiista ee labada dhinac”. Isra’iil ayaa Axadii hore sheegtay in Xamaas ey diidan tahay soo jeedintii ugu dambeysay ee heshiiskii la gudbiyey todobaadkii hore.
ISHA/POLITICO.
CIIDAMADDA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY….
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA CENTCOM.
(CENTCOM)-Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) ayaa maanta oo Axad ah sheegay iney burburiyeen in ka badan sideetan(80) diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn isna miidaamiya iyo lix Gentaal oo Balastik ah oo la doonayey in lagu duqeeyo Isra’iil,dhammaan diyaaradaha iyo Gentaaladda ayaa laga soo kala gemay dalalka Yeman iyo Iraan Taariikhaha kala ah 13/4/ iyo 14/4/24-ka. Taliska ayaa intaas raaciyey in ciidamadooda ey burburiyeen Gentaalo Balastiik ah iyo todobo diyaaradood oo Drones-ka ismiidamiya ah kuna sugnaay degaanada ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yeman,Taliska ayaa yiri”Ciidamadeynu waxa ey diyaar u yihiin una diyaar garoobeen sidii ey uga hortegi lahaayeen falalka halista ah ey ku keceyso dawaladda Iraan”. Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Iraan sii wadida dhaqnkeeda xun ee aan horay loogu arag,xasidnimada iyo taxadar la’aanta ah waxay halis gelineysaa xasiloonida Gobolka Bariga Dhexe iyo badbaadada Ciidmadda Maraykanka iyo kuwa isbahaysiga kuna wada sugan Gobolka”. Taliska dhexe ayaa xaqiijiyey iney sii wadi doonaan la shaqeynta saaxiabdda Gobolka si kor loogu qaado amnigaGobolka.
ISHA/CENTCOM.
ISRA’IIL OO DIB U DHIGTAY WEERARKII IRAAN.
(SAWIRKADIYAARADAHA DAGAALKA EE ISRA’IIL.
(TEL AVIV)-Knaalka Cibriga ee 11-aad ee dalka Isra’iil ayaa sheegay maanta oo Axad ah in weerarkii ey Isra’iil ku qaadi lahayd dalka Iraan la joojiyey daqiiqadihii ugu dambeysay. Telefishanku wuxuu sharaxay in intii uu socday shirkii Golaha maamulka dagaalka ee Isra’iil(War Cabinet) ey habeenkii xalay ee tegay ey si aqlabiyad ah u taageereen in la weerar lagu qaado dalka Iraan kaaso qarka u saarnaay inuu bilawdo,waxaane go’aankaasi taageeray labada Wasiir Benny Gantz oo ah Madax Ururka Hamaneh Hamalakhti iyo Wasiirka Xisbigiisa Gadi Eisenkot iyo kuwa kale,laakinse weerarka ayaa la joojiyey daqiiqadihii ugu dambeeyey. Telefishanka oo soo xiganaayo ilo xogogaal ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in baajinta weerarka ey ka timid ka dib markii ey khadka Telefoonka ey ku wada hadleen Madaxweynaha Maraykanka Biden iyo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu iyadoo dhan kale ey soo xiganeyso saraakiil kale ayaa sheegay in baajinta weerarka ey sabab u tahay khasaaraha ka dhashay weerarka oo aan buurneyn darteed ayaa jawaabtu noqotay mid lala noqday. Golaha dagaalka ee Isra’iil ayaa soo gabagabeeyey shir ey maanta yeesheen kaaso looga hadlaayey sidii looga jawaabi lahaay weerarka Iraan. Wargayska Yedioth Ahrronoth ayaa sheegay in shirkii Golaha dagaalka ee Isra’iil looga dooday jawaabta laga bixinaayo weerarkii Iraan uu soo dhammaaday iyadoon aan la bixin wax faahfaahin ah kuna saabsan waxa uu ku soo gabagaboobay,sidoo kale,warbaahinta ku baxda afka Yahuuda ma eysan sheegin wax tafaasiil ah kuna saabsan nuxurka kulanka.
ISHA/ARAB.
IRAAN OO ISRA’IIL KU WEERARTAY ILAA 350-GENTAAL IYO DRONES.
(SAWIRKA)-GENTAALKA DIFAACA HAWADA EE ARRAW.
(QUDS)-Weerarakii xalay ey Iraan ku qaaday Isra’iil ayna u adeegsatay Gentaalo iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ismiidaamiya iska difaacidooda ayaa Isra’iil waxaa uga baxday lacag dhan $1.35-Bilyan. Wargayska Maalinlaha ah ee ka soo baxa Isra’iil lana yiraahdo Yedioth Ahronoth oo soo xigtay S/G.Ram Aminach oo ahaay la taliye hore ee dhinaca dhaqaalaha ee madaxa shaqaalaha Isra’iil ayaa yiri”Kharashka Isra’iil xalay kaga baxay iska difaacidda weerarka Iraan waa mid u dhexeeyo(1.08 ilaa 1.35)-Bilyan. Hal gentaal ee dhinaca difaaca hawada lana yiraahdo”Arraw”looguna talagalay inuu hawada ku gubo gentaaladda kaga imanayo Iraan ayaa qiimihiisa waxaa lagu sheegay iney dhan tahay $3.5-Milyan,halka nuuca loo yaqaano”Magic Wand” qiimihiisu dhan yahay $1-Milyan marka lagu daro diyaaradaha ka qeyb qaatay ka hortaga Drones-ka Iraan. Wargayska Haaretz ee Isra’iil oo soo xiganaayey afhayeenka ciidamadda difaac isra’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in ilaa 350-gentaal iyo Drones ah ey Iraan ku soo gentay Isra’iil,gentaaladda iyo Drones-ka ayaa intooda badan la qabtay laguna gubay hawada,25-ka mid ah 30-ka gentaal ee nuucoodu yahay Cruisesiles ayaa hawada lagu gubay oo aan ku qarxin dhulka,in ka badan 120-gentaal oo Balastik ahne in yar oo ka mid ah ayaa ku qaraxday dhulka Isra’ill,waxaane burbur uu soo gaaray saldhiga hawada ee Nevatim. Afhayeenka ciidamadda difaac Isra’iil Hagari ayaa sheegay inuu guul daraystay isku daygii Iraan ey ku dooneysay iney ku wiiqdo awooda ciidanka Cirka Isra’iil gaar ahaan saldhiga Nevatim oo weli shqeynaayo,Hagari ayaa intaas raaciyey iney jiraan Gentaalo laga tuuray dalalka Yeman,Lubnaan iyo Suriya balse aan waxba gaysan. Afhayeenka Ciidamadda dufaaca Isra’iil ma uusan sheegin khasaaraha inta uu la eg yahay.
ISHA/AA.