IRAAN OO WEERARATAY DALKA ISRA’IIL MAANTA.
(SAWIRKA)-SIDA DALKA CIRAAQ LOOGAS OO DHAWEEYEY DAGAALKA IRAAN IYO ISRA’IIL.
(QUDS)-Dhawr dal oo reer galbeed ah oo ey ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si deg deg ah u muujiyey taageeradda ey u hayaan dawladda Isra’iil, ka dib markii ilaaladda Kacaan dalka Iraan ey maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen iney tobanaan diyaaradood iyo gentaalo la beegdadeen bartilmaameedyo gaar ah oo ey Isra’iil leedahay. Inkastoo ciidamadda Isra’iil ey ku dhawaaqeen in diyaaradaha Drones-ka Iraan ey u baahan yihiin saacado badan si ey u soo gaaraan dhulka Isr’iil. Wadamadda Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa cambaareeyey weerark Iraan ku qaaday Isr’iil waxayna Iraan weerarkaan ku sheegtay inuu jawaab u yahay beegsigii Qunsuliyadda Iraan ee caasimadda Suriya ee Dimishiq bilawga Bishaan Abriil-2024-ka. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 16-qofood oo ey ku jiraan todobo ka mid ah ey yihiin xubno ka tirsan ilaaladda kacaan dalka Iraan oo uu hogaaminaayo taliyaha caanka ah ee la yiraahdo Maxamed Reza Zahedi.
ISHA/ARAB.
BOQORTOOYADA BAXRAYN OO CAFIS U FIDISAY…
(SAWIRKA)-NAJI FATEEL IYO CARUURTIISA.
(BAHRAIN)-Dadka u ololeeya Xuquuqda ayaa la yaabay Talaaladii ka dib markii maamulka Baxrayn uu si shuruud la’aan ah u sii daayeen 1,500-Maxbuus, waane cafiskii ugu weynaa ee Boqortooyada tan iyo wixii ka dambeeyey kacdoonkii Carabta ee dhacay sannadkii 2011-kii. Dadka la sii daayey waxaa ka mid ahaa tiro maxaabiis ah oo u xirnaay arrimo Siyaasadeed,xitaa haddii aan la sii deyn kuwa ugu caansan ee mucaaradka ah sida Cabdulhadi AL-khawaja,Cabduljaliil AL-singas ama Xasan Mushayma. “Qaar badan oo ka mid ah kuwa la sii daayey ayaa markii ugu hore lagu helay dembiyo rabsahado wato ama xadgudubyo dadweyne,dhammaan damaanadaha ama lacagaha la xiriira waa laga tanaasulay”Xafiiska isgaarsiinta ee dawladda ayaa lagu yiri bayaan. Dadka u ololeeyo Dimuqaraadiaydda dalka Baxrayn ayaa soo dhaweeyey sii deynta ey sameeysay Xukuumadda,waxayne xuseen in weli loo baahan yahay in wax badan laga qabto oo ey ku jirto sii deynta dhammaan maxaabiista siyaasadeed ee harsan.
ISHA/MEE.
GAZA: WIILASHA HANIYAH OO DUQEYN LAGU DLAY.
(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.
(DOHA-QATAR)-Ismaaciil Haniiya oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas oo ka hadlay Geeridda seddex ka mid ah wiilashiisa iyo tiro ka mid ah caruurta uu awoowaha u yahay ee ku wada dhintay weerar ey Isra’iil ku qaaday Xeradda Qaxootiga ee Shaadhi’i ee Waqooyiga Marinka Gaza, Ismaaciil Haniyah Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ayaa yiri maanta oo Arbaca ah “Dhiiga Wiilasheyda kama qaalisana dhiiga dadkayga Gaza ku shahiiday waayo kuligood waa wiilasheyda”. Haniyah ayaa intaas ku daray waraysi uu siiyey Tv-ga caanka ah ee AL-Jazeera ka dib markii ey shahiideen seddex wiil uu isaga dhalay kuwaaso lagu kala magacaabi jiray Xaazim,Amiir iyo Muxamed iyo laba caruur ah uu awoowe u ahaay,dhammaan dadkaan ayaa ku geeriyooday duqeyn lala beegsaday gaari ey la socdeen oo ku sugnaay Xeradda Qaxootiga ee ku taalo Xeebta Marinka Gaza. “Cadawgu wuxuu isku dayaa inuu ka laabto taanaasulaadkiisa isagoo beegsanaayo wiilasha Hogaamiyeyaasha iyo jebinta go’aanka dadkeyna,laakinse wuu lumin doonaa, sababto ah tani waxa ey kordhin doontaa go’aankeeyna”sidaas waxaa yiri Ismaaciil Haniyah.
ISHA/ARAB.
DIL MURAN KA DHEX DHALIYEY DALALKA SURIYA IYO LUBNAAN.
(SAWIRKA)-SULEYMAN PASCAL.
(BEIRUT)-Ciidamadda dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd in Pascal Suleyman oo ahaa isku duwaha ciidamadda Kiristaanka Lubnaan ee magaaladda Jubeyl ee dhacda Waqooyiga dalka Lubnaan,waxaane Pascal la dilay markii la isku dayey in si xoog ah looga qaato gaarisiisa taaso carro badan ka dhex abuurta taageerayaash Xisbiga iyo eedeymo ku saabsan sababta dilka ka dambaysa. Suleyman ayaa la la’aa tan iyo fiidnimadii Axada ka dib wax u muuqday isku day afduub oo ka dhacay buuraha ka sareeya Jubeyl. Baadi goob maalin socday ka dib,ciidanka waxay sheegeen in Suleyman la dilay intii lagu guda jiray afduubka gaarigiisa,meydkiisana loo qaaday dalka Suriya. Maamulka dalka Suriya ayaa meydka Suleyman dib ugu soo cleiyey gudaha dalka Lubnaan galabnimada Talaadada. Jabhadda LF ayaa diiday sharaxaada ey ciidmadda ka bixiyeen dilka Suleyman,waxayna Jabhadu sheegtay in dilka Suleyman u araan inuu yahay dil siyaasadeed.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA OO WALAAC KA MUUJIYEY WEERARKA RAFAX.
(SAWIRKA)-QAXOOTI KU SII SOCDA RAFAX.
(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta oo Talaada ah sheegay inuu shaki geliyey in Isra’iil duulaan ku tahay magaaladda Rafax ka hor wada hadaladda cusub ee todobaadka soo socdo ka dhacaayo magaaladda Washington ee dalka Maraykanka,kaaso kor u qaaday walaaca laga qabo in weerar lagu qaado magaaladda camiran ee Gaza. Antony Blinken ayaa sheegay in Isra’iil eysan Maraykanka u soo gudbin taariikhda hawlgalka Rafax,waxaane Washington booqan doono wafdi Isra’iil ah todobaadka soo socdo si ey u dhegaystaan walaaca Maraykanku ka qabo in la weeraro magaaladda Rafax. Waqti hore oo maanta ah ayey Xamaas sheegtay in soo jeedinta Isra’iil ey ka heshay dalalka Qadar iyo Masar eysan buuxin mid ka mida dalabyada Xamaas. Bayaan ey soo saartay Xamaas ayey ku sheegtay iney daraasad ku sameyn doonto soo jeedinta taaso ey Xamaas ku tilmaantay iney tahay midaan waxba ka bedeleyn mawqifkooda,jawaabtoodana ey u gudbin doonaan dhexdhexaadiyeyaasha.
ISHA ARAB.
90-MEYD AYAA LAGA SOO SAARAY BURBURKA KHAAN YOONIS.
(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY KHAAN YOONIS.
(GAZA)-Ku dhawaad sagaashan meyd ayaa laga soo saaray Khan Yoonis ka dib markii ey ciidamadda Isra’iil ey isaga bexeeen koonfurta magaaladda Gaza maalintii Axada,sida ey sheegeen masuuliyiinta difaaca madaniga ah maanta oo Talaada ah. Burburka ceynkaas ah ayaa ah in dad fara badan oo degaana oo ka soo laabtay magaaladda deriska la ah ee Rafax halkaaso in ka badan 1.5-Milyan qofood u ah gabaad kuwaaso ka soo baracakay halkii ey degaanaayeen,mid ka mid ah dadkii ku soo laabtay Khaan Yoonis(Saalim Sharab) ayaa sheegay inuu aqoonsan kari waayey halkii uu degnaay. Kuwa kale oo ka mid ah dadkii ku soo laabtay Khaan Yoonis ayaa iyagana sheegay iney u adkeysan kari waayeen Urka ka soo baxaayo Meydadka aan la duugin ee weli ku hoos jira burburka dhismayaasha,xoogaga difaac Madaniga ah ee magaaladda Khaan Yoonis ayaa Qaramada Midoobe ka codsaday Isniintii in la siiyo qalab ey ku asturaan meydadka go’ogo’ay ee weli hoos yaala dhimayaasha.
ISHA/ARAB.
XAMAAS IYO ISRA’IIL OO IS DHAAFSAN DOONO MAXAABIIS.
(SAWIRKA)-BAABUURTA GARGAARKA DEG DEGA AH.
(GAZA)-Ilo Falastiini ah kuwaaso wax kala socdo wada-xaajoodka xabad joojinta ee Marinka Gaza ayaa sheegay maanta oo Isniin ah(8/4/24)-ka in hindisaha cusub ee dawladda Maraykanka uu ka kooban yahay seddex Marxaladood oo kan ugu horeeyo uu yahay sii deynta 900-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah eyna ku jiraa 100-Maxbuus oo ku xukuman xukuno aad u dheer waxaane lagu bedelahaa Maxaabiis Rayid reer Isra’iil ah. Warku waxa uu intaas raaciyey in masuuliyiin reer Falastiin ah lana socdo wada hadaladda ey la hadleen Wakaaladda Wararka ee dalka Turkiga Anadolu ayaa sheegay marxaladda koowaad iney tahay soo laabshada dadka ka barakacay Waqooyiga Marinka Gaza iyadoo shuruud looga dhigay in dib loogu celiyo xeryo ey sameysteen hayaddo caalami ah oo aan la geyn degaanadooda. Xaaladaan oo kale,ilo xogo-gaal ah oo waraysi siiyey Tv-ga Aljazeera ayaa ku sheegay “Soo jeedinta ey ka mid tahay in dadka rayidka ah ee aan hubaysneyn ey ku noqdaan Waqooyiga Marinka Gaza iyadoo aan la sheegin tiradooda dhabta ah” waxaa kaloo soo jeedinta ka mid ah in Isra’iil ey aqabasho iney furto Wadooyinka AL-Raashid iyo Salaaxa-AL-diin eyna ciidamadeeda ey dejiso meel 500-Mitir u jirta”.
ISHA/ARAB.
YEMAN: 10-DAQIIQO EE KASTABA HALA CANUGA AYAA YEMAN KU DHINTA.
(SAWIRKA)-MACLUUSHA KA JIRTA DALKA YEMAN.
(ADEN-YEMAN)-Wararka ka imanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Golaha Hogaanka dalka Yeman Rashaad AL-Culeymi ayaa carabka ku adkeeyey Sabtidii shalay ahayd baahida loo qabo in si wanaagsan looga faa’iideysto kaalmada Qarmada Middobe si loo horumariyo xaaladah nololeed ee bulshooyinka maxaliga ah ee Yeman. Hadalka AL-Culaymi ayaa yimid iyadoo laba warbixinood ey daaha ka qaadeen in 10-daqiiqaba uu hal canug uu Gaajo ugu dhinto gudaha dalka Yeman,halka 89% barakacayaasha Yeman eysan awoodin iney daboolin baahidooda cunto ee maalinla ah,in ka badan 20-Milyan oo qofood ayaa u baahan gargaar bani’adanmo gudaha dalka Yeman. Hayadda Samafalka Islaamiga ah ayaa sheegay in sagaal sano oo colaad ah ka dib heerka nafaqa darradda ee dalka Yeman ey ka mid tahay kuwa ugu sareeyo ee abid la diiwaan geliyey iyadoo in ka badan 20.7-Milyan oo qofood ey baahan yihiin gargaar bani’adanimo si ey u noolaadaan iyo iyadoo ilmo uu Gaajo ugu geeriyonayo gudaha Yeman tobankii daqiiqaba.
ISHA/AL-SHARQ.
DAGAAL KA DHACAU SURIYA EY KU DHINTEEN ILAA..
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA HUBAYSAN EE SYRIA.
(SYRIA)-Ugu yaraan labaatan qofood ayaa lagu dilay Gobolka Darca’a ee dalka Suriya ka dib markii uu dhacay iska horimaad u dhexeeyey laba kooxood oo hubaysan oo iska soo horjeeda,maalin ka dib markii ey Qarax ku dhinteen todobo caruur ah. Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Suriya ayaa sheegtay in qalabka Qarxa lagu Qarxiyey magaaladda Sanamayn ee Gobolka Darca’a Sabtidii shalay. Sidoo kale kooxda la socoto dagaalka dalka Suriya ee SOHR oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa ka warbixisay Qaraxa waxa eyna sheegeen in maleeshiyaadka lagu eedeeyey iney aaseen aalad qaraxday si ey u beegsadaan qof aan la aqoonsan oo goobta ku sugnaay. Sida laga soo xigtay kormeeraha shaqsi magaciisa lagu sheegay Axmed AL-Labad oo ah Hogaamiyaha koox hubaysan ayey koox ey iska soo horjeedaan ku eedeeyey inuu masuul ka ahaa,Labad oo horay ula soo shaqeeyey Hayadaha Amaanka dalka Suriya ayaa beeneyey eedeymaha loo soo jeediyey.
ISHA MEE.
ISRA’IIL OO XIRTAY 28-SAFAARADOOD WAA MAXAY SABABTA?
(SAWIRKA)-BURBURKA QUNSULIYADDA IRAAN EE DIMISHIQ.
(TEHRAN)-La taliyaha dhinaca Mileteriga ee Hogaamiyaha dalka Iraan Yaxye Raxiim Safavi ayaa sheegay maanta oo Axad ah in ka dib weerarkii Isra’iil ku qaaday dhismaha Qunsuliyadda Safaaradda dalka Iraan ee magaaladda Dimishiq ee dalka Suriya,in Safaaradaha dalka Isra’iil ineysan hadda Amaan ku ahaan doonin caalamka. Wax uu intaas ku daray khudbad uu ka jeedinaayey xus loo sameeyey dadkii ku dhintay weerarkii Isra’iil ku qaaday Qunsuliyadda Iraan ee magaaladda Dimishiq,dalka Isra’iil ayaa albaabada waxa uu u laabay ilaa 28-Safaaradood oo ku kala yaalo caalamka daafihiisa isaga oo ka baqaayo weerar kaga yimaado dalka Iraan. La taliye Safavi ayaa tixraacay hanjaabada Hogaamiyaha Iraan Cali Khamayni ee ah inuu bixiyo”Jawaab Qoomamo leh”,isagoo leh “Jawaabtii iska caabinta waa diyaar,laakinse maxaa dhici doono waa inaan sugnaa”sida ey sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Iraan.
ISHA/ARAB.
GOLAHA WASIIRADDA KUWEYT OO IS CASILAY.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA KUWEYT.
(KUWAIT)-Xukuumadda dalka Kuweyt ayaa maanta oo Sabti ah waxa ey is casilaadeeda u gudbisay Amiirka dalka Kuweyt Amiir Sheekh Mishcal AL-Axmed AL-Jabir AL-Sabaax sida uu qabo dastuurka dalka Kuweyt,waxaane la filaa in horaanta todobaadka soo socdo ey bilaaban doonto la tashiyadda Reysal Wasaarihii hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ka hor inta aan la magacaabin Reysal Wasaare cusub uu yeesho dalkaasi Kuweyt. Golaha Wasiiradda Kuweyt ayaa ka hor inta eysan is casilin kulan aan caadi la yeeshay Amiirka dalka Kuweyt maanta oo Sabti ah,waxa uuna Goluhu Ansixiyey wareegto lagu casuumaayo Amiirka Kuweyt inuu soo xaadiro kulanka ugu horeeyo ee uu yeelanaayo Baarlamaanka la soo doortay ee dalka Kuweyt kaaso dhici doono 17/4/24-ka,inta uu socdo kulanka ayaa waxa khudbado ka jeedin doono Amiirka Kuweyt ka dibne waxaa dhici doonto Doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xgeenadiisa iyo Gudiyadda uu yeelan doono Baarlamaanka cusub ee Kuweyt.
ISHA/KT.
CARUUR MIINO KU LAAYSAY DALKA SURIYA..
(SAWIRKA)-GAARIGA EY LA KACDAY MIINADA EE DARCA’A.
(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in todobo caruur ah lagu dilay koonfurta dalka Suriya ee Gobolka Darca’a maanta oo Sabti ah ka dib markii ey la kacday Miino sida ey sheegtay warbaahinta dawladda Suriya. “Waxaa dhintay todobo caruur ah waxaane dhaawacamay laba qof oo kale kuwaaso mid ka mida ey tahay Dumar,dadkaan ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay miino sida la sheegay ey aaseen kooxaha Argagixisada ee magaaladda Sanamayn,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka u Faafiso dalka Suriya SANA oo soo xiganaysay ilo Boolis ah. Kooxda la socoto Xuquuqda Bani’adanka dalka Suriya ee fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay Qarax ka dhacay Darca’a waxa eyna sheegeen in qaraxa ey ku dhinteen Caruur dhan sideed midne uu ku dhaawacmay,Qaraxa ayaa waxaa Aasay koox Argagixisa ah oo doonaysa iney ku khaarijiso qof aan la garaneyn kuna sugan aagaas uu ka dhacay Qaraxa. Darca’a ayaa ah halkii uu ka bilawday kacdoonka looga soo horjeeday Xukunka Bashaar AL-Asad sannadkii 2011-kii,waxa eyna gacanta dawladda Suriya ku soo laabatay ka dib markii uu dhacay heshiiskii xabad joojinta ee uu taageeray Ruushka.
ISHA/ARAB.
ABU MARIYA AL-QAXTANI OO QARAX ISMIIDAMIN AH LAGU DILAY.
(SAWIRKA_HOGAAMIYAHA AL-NUSRA’A.
(SYRIA)-In la maqlo horjooge hebel oo ka tirsanaay koox heblaayo ayaa la dilay waa mid ey maqlaan dhegaha dadka ku nool wadamadda ey ka jiraan kooxaha Xagjirka sida Soomaaliya, Ciraaq,Suriya iyo Yeman. Dilalka kooxahaan ka dhex dhaco ayaa ah mid Araxan daran oo aan waxba la isula harin markeey is dilayaan dhexdooda. Haddii aan u soo laabto dagaalka dalka Suriya ee soo bilawday sannadkii 2011-kii ilaa haddana socdo waxaa intiisa badan ku lug leh kooxo Xagjira ah kalana fikir duwan gacan saarne la leh dawalddo ku fushanaayo danahooda gaarka ah. AL-Qaacidda,AL-Nusra’a iyo ISIS intuba waxa ey kuwada sugan yihiin dalalka Suriya iyo Ciraaq, jabhadda AL-Nusra’a ayaa ka soo faracantay kooxda AL-Qaacidda ee ka dagaalameysay Suriya iyo Ciraaq,hadaba AL-Nusra’a yaa Aas-Aasay magaciina ka bedelay una bixiyey Xayat AL-Taxriir Alsham(HST)? Waxaan halkaan idinkula wadaagaa taariikhda Hogaamiyaha shalay lagu dilay Qaraxa ismiidaamin ah lana yiraahdo ABU MARIYA AL-QAXTANI. Fadlan Link-ga hoose Click-gareey si aad uga Bogatid warbixinta inteeda kale.
ISHA/ARAB.
HOGAAMIYIHII JABHADDA AL-NUSRA’A EE SURIYA OO LA DILAY.
(SAWIRKA)-JABHADDA AL-NUSRA EE SURIYA
(IRAQ)-Wararka ka imanayo dalka Ciraaq ayaa sheegaayo in Hogaamiye sare oo ka tirsan Mintidiinta Ciraaq ayaa lagu dilay weerar Ismiidaamin ah oo ey fulisay koox ka soo horjeedo Daacish ee ka dagaalanta dalka Suriya. “Abu Mariyah AL-Qaxtani waa shahiiday ka dib weerar khiyaano ah oo ey fuliyeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo loo adeegsaday Suun Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey”ayey tiri kooxda Hayat Taxriir AL-Shaam oo horay uga tirsanaay kooxda AL-Qaacidda oo la hadashay Warbaahinteeda Amjad. Kormeeraha dagaalka dalka Suriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Qaxtani oo magaciisa saxda ah uu yahay Meysara AL-Jabuuri,la dilay si xunna loo dhaawacay laba ka mid ah saaxibadiisa,ka dib markii shaqsi Ismiidaamiye ah uu isku Qarxiyey,balse kooxda ISIS ayaan weli sheegan masuuliyadda dilka Qaxtaani.
ISHA/MEE.
MASAR IYO QADAR OO KA DIGAY WADA HADALADDA.
(SAWIRKA)DAGAALKA MARINKA GAZA.
(QAHIRA)-Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Xamaas ayaa sheegay in dalka Masar uu dhawaan soo bandhigi doono Hindise Xabad joojin ah oo laga sameeyo Marinka Gaza balse eysan ku jirin wax cusub. Hogaamiyaha Xamaas ayaa intaas raaciyey mar uu waraysi siinaayey Wakaaladda Reuters in dhexdhexaadiyeyasha Maraykanka iyo Masar ey doonayaan iney sii wadaan hanaanka wada xaajoodka xabad joojinta in kastoo ey ku qanacsan yihiin in farqiga u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas uu yahay mid balaaran. Waxa uu sheegay in laga yaabo in wareeg cusub oo wada hadalka ah in lagu qabto magaaladda Qaahira todobaadka soo socdo ka hor Ciida Soon Fureed,wada hadalada ayaa u dhexeeyo dhexdhexadiyeyasha iyo dawladda Isra’iil waane isku day cusub oo dhexdhexaadin ah si loo gaaro is afgarad xabadda lagu joojin karo,hogaamiyaha Xamaas ayaa intaas raaciyey in dalalka Masar iyo Qadar ey ku wargeliyeen in waxa la soo bandhigay aan la aqbali karin sababtoo ah waa sii socoshada mawqifka Isra’iil aan is bedel lahayn.
ISHA/ARAB.
HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA OO KA HADLAY DAGAALKA.
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in C/Malik AL-Xuuti oo ah Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yeman uu maanta oo Khamiis ah sheegay in 30-qofood ey dhinteen eyna ku dhaawacmeen 424-qofood oo kale weerarada dhinaca cirka ah iyo duqeymaha kale ey si wadajirka ah u fuliyeen Maraykanka iyo Ingiriiska seddex bilood gudahood. Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman ayaan sheegin in dadka la dilay iney maleeshiyaad hubaysan yihiin iyo iney yihiin dad rayid ah ama in dadka dhintay iyo kuwaa dhaawacmay ey ku jiraan dad rayid ah. Dhinaca kale,C/Malik AL-Xuuti waxa uu tilmaamay in kooxda Xuutiyiinta ey beegsatay 90-Markab intiii lagu guda jiray hawlgalo uu ku tilmaamay iney ku taageerayaan Marinka Gaza kuwaaso uu ula jeedo dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil kaaso soo bilawday 7/10/23-kii. Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman C/Malik AL-Xuuti ayaa intaas ku daray in 34-weerar lagu qaaday muddo hal bil ah loona adeegsaday 125-Gentaal oo Balaastik ah iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano DRONES-ka. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa weeraray dhawr Markab oo maraayey biyaha Badda Cas,waxa eyna Xuutiyiintu sheegeen in weeraradoo iney jawaab u yihiin dagaalka ey Isra’iil ku hayso Marinka Gaza. Weerarada Xuutiyiinta ayaa hakad geliyey isu socodka Maraakiibta caalamiga ah ee marta biyaha Badda Cas taaso sababtay in shirkadaha iska leh Maraakiibta Ganacsiga iney safaro dhaadheer oo qaali ah ku maraan cirifka koonfureed ee Qaaradda Afrika. Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos u weeraraayey goobaha ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman iyagoo ujeedkoodu yahay in la carqaladeeyo lana wiiqo awooda kooxda Xuutiyiinta oo ah mid halis gelinaysa xuriyadd socdaalka iyo khatarta Ganacsiga caalamiga ah.
ISHA/ARAB.
XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB UU MARAYKAN LEEYAHAY.
(SAWIRKA)- CENTCOM.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay weerar dhinac cirka ah ey soo qaadeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,sida uu sheegay Taliska Dhexe ee ciidamadda dalka maraykanka ee CENTCOM inta u dhexeysay qiyaastii 3:49 ilaa 10:00-subaxnimo ee waqtiga Sanca shalay oo ey taariikhdu ahay 3/4/24-ka ayaa markabka dagaalka ee Maraykanka USS Gravely(DDG 107) iyo ciidamadda taliska dhexe ee Maraykanka ee CENTCOM ayaa si guul ah u hawlgalay waxa ey burburiyeen hal gentaal oo balaastik(ASBM) ah looguna talagalay in lagu gubo Maraakiibta iyo laba diyaaradood oo Drones(UAS) ah,dhammaan Gentaalka iyo Drones-ka ayaa waxaa soo tuuray kooxda ey taageerto Iraan ee Xuutiyiinta dalka Yeman,waxa eyna ku wajahnaayeen Markabka USS GRAVELY oo ku sugnaay Badda Cas. Ma jiraan wax dhaawac ah ama khasaara ah oo ey soo sheegeen Maraykanka,Isbahaysiga ama Maraakiibta ganacsiga. Intaas waxaa dheer inta lagu jiray hawlgalka ciidmadda taliska dhexe ee CENTCOM waxay burburiyeen nidaamka Gentaaladda hawada wareega ee yiilay dhulka ey Xuutiyiinta maamulaan. Waxaa la go’aamiyey in nidaamkani uu khatar ku yahay ciidamadda Maraykanka,Isbahaysiga iyo Maraakiibta ganacsiga ee Gobolka. Taliska ee ciidamadda Maraykanka waxa uu u heelan yahay ilaalinta xuriyadda hagidda iyo ka dhigidda biyaha caalamiga ah kuwa amaan ah oo amaan u ah Isbahaysiga iyo Maraakiibta Gancsiga.
ISHS.CENTCOM
XUUTIYIINTA OO WEERARAY GOBOLKA LAXAJ.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWLADDA YEMAN.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo dalka Yeman caasimadiisa Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyinta dalka Yeman ey weerar lama filaan ah ku qaadeen Ciidamadda Dawladda caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yeman,weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 11-askeri oo ka tirsan Ciidamadda Dawaladda Yeman,weerarka ayaa subaxnimadii saakay oo Arbaca ah waxa uu ka dhacay dhinaca koonfureed ee dalka Yeman halkaaso ey ku xooga badan tahay Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay,sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay ciidamadda reer koonfureedka. Maxamed AL-Naqiib oo ka tirsan kooxda gooni u goosadka ee koonfurta Yeman ee golaha ku meel gaarka koonfurta(STC) ayaa sheegay in dagaalyahanadooda uu bartilmaameed u ahaay weerarka Xuutiyiinta ee ka dhacay Gobolka Laxaj. Kow iyo toban dagaalyahan ayaa la dilay markii ey iska caabiyeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta,sidaas waxaa wakaaladda AFP u sheegay AL-Naqiib.
ISHA/AN
QAAHIRA: URURKA JAAMICADDA CARABTA OO SHIR ISUGU YIMID.
(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(QAHIRA)-Wararka ka imanaayo magaaladda caasimadda ah ee Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaayo in shir aan caadi ahayn oo deg deg ah ey isugu yimaadeen wadamadda xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta maanta oo Arbaca ah ka dib markii ey codsatay Dawladda Falastiin,shirka ayaa ka furmay caasimadda dalka Masar ee Qahira kaaso looga hadli doono duulaanka Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Isagoo ka hadlaayey kulanka Ergayga Dawladda Falastiin u fadhiyey Ururka Jaamicadda Carabta Muhanad AL-Akluuk ayaa ka digay in Isra’iil ey weerar dhinac dhulka ah ku qaado magaaladda Rafax halkaaso ey ku nool yihiin 1.4-milyan qofood oo gabaad ka dhiganaayo magaaladda Rafax,”weerarka isra’iil wuxuu saameyn xun ku yeelan doonaa in ka badan hal milyan oo qof oo u soo barakacay magaaladda Rafax”. Ergayga Falastiin u fadhiya Ururka Jaamicadda Carabta Muhanad AL-Akluuk ayaa sheegay in Isra’iil ey diiday iney dhaqangeliso Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee xabad joojinta Gaza inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan. “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe iney Isra’iil ku qasbaan in Isra’iil ey joojiso rasaasta ey ku wado Marinka Gaza eyna cunaqqabteyn ku soo rogaan Isra’iil”.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO LAAYSAY TODOBO SAMAFALE OO KU SUGAN…
(SAWIRKA)-SAMAFALAYAASHII LAGU LAAYEY GAZA.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in habeenimadii Talaadada ayey ciidamadda Isra’iil waxa ey weerar la beegdadeen baabuur ey leedahay hayada World Central Kitchen oo ku taal magaaladda Diir AL-Balax ee bartmaha Marinka Gaza, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho ilaa todobo qofood ah,dhacdadaan ayaa keentay falcelin caalami ah. Wadamado fara badan oo isbahaysi la leh dalka Isra’iil kuna baaqay in la sugo amniga gargaarka la gaarsinayo dad reer Falastiin ayaa ku guul dareystay ilaalinta ama bixinta damaanadda amniga dadka rayidka ah iyo gaynta gargaarka dadku u baahan yahay ee gudaha Marinka Gaza. Tan iyo bilawgii dagaalka Oktoobar-7,Ururka World Central kitchen ayaa si firfircoon uga qeyb qaadanaayey hawgaladda gargaarka gaar ahaan iyado qeybinta cuntada ey u baahan yihiin dadka degan Marinka Gaza kuwaaso halis ugu jiro Macluul baahsan. Todobada qofood ee ku dhintay weerarka Isra’iil u gaysatay samafalayaasha ayaa u kala dhashay”1-Falastiinah,3-Ingiriis ah,1-Boolan iyo 1-Kanadi ah”sidaas waxaa lagu sheegay Bogga rasmiga ah ee World Central Kitchen.
ISHA/ARAB.