QAAHIRA: URURKA JAAMICADDA CARABTA OO SHIR ISUGU YIMID.
(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(QAHIRA)-Wararka ka imanaayo magaaladda caasimadda ah ee Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaayo in shir aan caadi ahayn oo deg deg ah ey isugu yimaadeen wadamadda xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta maanta oo Arbaca ah ka dib markii ey codsatay Dawladda Falastiin,shirka ayaa ka furmay caasimadda dalka Masar ee Qahira kaaso looga hadli doono duulaanka Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Isagoo ka hadlaayey kulanka Ergayga Dawladda Falastiin u fadhiyey Ururka Jaamicadda Carabta Muhanad AL-Akluuk ayaa ka digay in Isra’iil ey weerar dhinac dhulka ah ku qaado magaaladda Rafax halkaaso ey ku nool yihiin 1.4-milyan qofood oo gabaad ka dhiganaayo magaaladda Rafax,”weerarka isra’iil wuxuu saameyn xun ku yeelan doonaa in ka badan hal milyan oo qof oo u soo barakacay magaaladda Rafax”. Ergayga Falastiin u fadhiya Ururka Jaamicadda Carabta Muhanad AL-Akluuk ayaa sheegay in Isra’iil ey diiday iney dhaqangeliso Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee xabad joojinta Gaza inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan. “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe iney Isra’iil ku qasbaan in Isra’iil ey joojiso rasaasta ey ku wado Marinka Gaza eyna cunaqqabteyn ku soo rogaan Isra’iil”.
ISHA/AA.