MIDAWGA YURUB OO U SOO GURMADAY DALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-WAKIILKA MIDAWGA YURUB IYO MIKATI.
(BEIRUT)-Wararka imaanayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Gudiga Deriseynta iyo Balaarinta u Qaabilsan Midawga Yurub Oliver Varheli ayaa sheegay in “Xasiloonidda iyo Amniga dalka Lubnaan ey yihiin kuwa mudnaanta koobaad u leh Yurub", inta uu ku guda jiray socdaalkiisa uu ku soo gaaray caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut maanta oo Isniin ah ayuu halkaasi waxa uu kula kulmay masuuliyiin reer Lubnaan ah,Oliver ayaa carabkiisa ku adkeeyey sheegayne in xiriir qotada dheer ee u dhexeeyo Midawga Yurub iyo dalka Lubnaan kuna saabsan arrintaan”. Oliver,war qoraal ah uu soo saaray ayuu ku sheegay ka dib markii uu kulan la qaatay Ku-Simaha Reysal Wasaaraha dalka Lubnaan Najiib Mikaati yiri ”Waxaa iska cad Golaha Yurub inuu doonaayo inuu gacan ka gaysto Xasiloonidda iyo Amaanka dalka Lubnaan iyadoo dalka Lubnaan kaalmo dheeraad ah laga siinaayo dhinaca Ciidamadda Qalabka Sida,Hayadaha kale ee gacanta ka gaysta Amniga iyo Xasiloonidda Gobolka,sidaas darteed,waxaan raadineynaa Xirmo taageero iyo talaabooyin joogta ah si aan u taageerno Xasiloonidda iyo Amniga dalka Lubnaan”. Varheli Oliver waxa uu intaas raaciyey “inaan si dhaqsi ah u dhammaystirno arrintaan,oo aanu ku dhaqaaqi doono Xirmadaan iyo dhammaystirkeeda marka uu Madaxweynahaynu uu yimaado dalka Lubnaan,waxaan ku dhawaaqi doonaa waqtigaas”
ISHA/ARAB.