XARAKADDA XAMAAS OO BEENISAY WARAR…
(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.
(DOHA-QATAR)-Ka dib markii ey soo bexeen wararka sheegaayo in xaruntooda dalka Qadar loo raraayo dalka Turkiga ama meel kale,Xarakadda Xamaas ayaa Xaqiijisay in dawladda Qadar eysan ka codsan ka bixitaankooda Dooxa iyadoo beenisay wararka la faafiyey. Afhayeenka Xarakadda Xamaas Muxamed Nazaal ayaa intaas raaciyey in Xarakadda Xamaas eysan Dooxa ka bexeyn ka dib markii uu Waraysi siiyey Tv-ga caanka ah ee AL-Carabiya Qeybtiisa AL-Xadath ee magaaladda Dooxa maanta oo Axad ah,taaso muujinayso warka la faafiyey inuu yahay been la iskuna dayaayo in Xarakadda Xamaas cadaadis lagu saaro iney isaga baxd dalka Qadar. Wargayska Wall Street Journal ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii shalay sheegay in Hogaanka Siyaasadda Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah uu ka fikiraayo inuu xaruntiisa u raro meel ka baxsan dalka Qadar iyadoo uu sii kordhaayo cadaadiska Xubnaha Koongareeska dalka Maraykanka ey ku hayanaa dalka Qadar oo qeyb ka dhexdhexaadiyeyaasha Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil,halka dhexdhexaadiye kale oo Carab ah kuna jira wada xaajoodka(Masar) uu Wargaysku tilmaamay suuragalnimada in wada hadaladda Xabad joojinta u dhexeuso Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas iney gebi ahaanba Burburaan. Wargayska Wall Street Journal ayaa masuuliyiin Carbeed waxa uu ka soo xigtay in Xarakadda Xamaas ey maalmihii la soo dhaafay la xiriirtay ugu yaraan laba wadan oo Gobolka ah iney siiyaan fursad ah in Hogaamiyeyaashooda Siyaasadda iney u guuraan caasimadahooda.
ISHA/AL-ARABIYA.