WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY DALKA CIRAAQ.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ.
(IRAQ)-Dhawr qof ayaa ku dhaawacantay “Bam” xalay lagu weeraray saldhig ey ciidamadda Ciraaq leeyihiin iyo kooxaha Isbahaysiga hubaysan ey taageerto dawladda Iraan sida ey sheegeen laba ilo wareedyo amni subanimadii maanta oo Sabti ah. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga Mileteri Calso ee Gobolka Baabiloon ee Koonfurta caasimadda Baqdaad halkaas ey ku sugan yihiin ciidamo abaabulan oo Ciraaqiyiin ah loona yaqaano “XASHDI AL-SHACBI” sida laga soo kala xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq iyo saraakiil Mileteri. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa sheegay in duqeynta hawada uu ku dhintay hal qof eyna ku dhawacmeen sideed kale,isla weerarkaas ayey ilo Mileteri sheegayaan in seddex askeri oo ka tirsan Mileteriga dalka Ciraaq lagu dhaawacay. Weerarkaan dhinaca cirka ah ee ka dhacay dalka Ciraaq ayaan ilaa hadda cidna sheegan iney iyadu ka dambeysay balse waxaa war cad ka soo saaray Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka ee CENTCOM sheegayne inuusan ku lug lahayn weerarka xalay ka dhacay dalka Ciraaq,waxaase dhici karta in weerarka ey qaadeen kooxo reer Ciraaq ah kana soo horjeedo kooxahaan reer Ciraaq ey taageerto Iraan.
ISHA/ARAB.