ISRA’IIL OO DIB U DHIGTAY WEERARKII IRAAN.

(SAWIRKADIYAARADAHA DAGAALKA EE ISRA’IIL.

(TEL AVIV)-Knaalka Cibriga ee 11-aad ee dalka Isra’iil ayaa sheegay maanta oo Axad ah in weerarkii ey Isra’iil ku qaadi lahayd dalka Iraan la joojiyey daqiiqadihii ugu dambeysay. Telefishanku wuxuu sharaxay in intii uu socday shirkii Golaha maamulka dagaalka ee Isra’iil(War Cabinet) ey habeenkii xalay ee tegay ey si aqlabiyad ah u taageereen in la weerar lagu qaado dalka Iraan kaaso qarka u saarnaay inuu bilawdo,waxaane go’aankaasi taageeray labada Wasiir Benny Gantz oo ah Madax Ururka Hamaneh Hamalakhti iyo Wasiirka Xisbigiisa Gadi Eisenkot iyo kuwa kale,laakinse weerarka ayaa la joojiyey daqiiqadihii ugu dambeeyey. Telefishanka oo soo xiganaayo ilo xogogaal ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in baajinta weerarka ey ka timid ka dib markii ey khadka Telefoonka ey ku wada hadleen Madaxweynaha Maraykanka Biden iyo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu iyadoo dhan kale ey soo xiganeyso saraakiil kale ayaa sheegay in baajinta weerarka ey sabab u tahay khasaaraha ka dhashay weerarka oo aan buurneyn darteed ayaa jawaabtu noqotay mid lala noqday. Golaha dagaalka ee Isra’iil ayaa soo gabagabeeyey shir ey maanta yeesheen kaaso looga hadlaayey sidii looga jawaabi lahaay weerarka Iraan. Wargayska Yedioth Ahrronoth ayaa sheegay in shirkii Golaha dagaalka ee Isra’iil looga dooday jawaabta laga bixinaayo weerarkii Iraan uu soo dhammaaday iyadoon aan la bixin wax faahfaahin ah kuna saabsan waxa uu ku soo gabagaboobay,sidoo kale,warbaahinta ku baxda afka Yahuuda ma eysan sheegin wax tafaasiil ah kuna saabsan nuxurka kulanka.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

CIIDAMADDA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY….

Next
Next

IRAAN OO ISRA’IIL KU WEERARTAY ILAA 350-GENTAAL IYO DRONES.