RW-NETANYAHU OO KA WALAACSAN MAXKAMADDA ICC
(SAWIRKA)-HOGAANKA DAGAALKA EE ISRAEL.
(HAGUE)-Qareenadda u doodaya Isra’iil ee jooga Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ee ku taalo magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa ka walaacsan in amarka lagu soo xiraayo saraakiisha reer Isra’iil laga yaabo in si qarsoodi ah loo soo saaray,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta Isra’iil. Warbixin ey soo saartay Ynet ayaa lagu sheegay in qareenada ey ka walaacsan yihiin in saraakiisha Isra’iil ey ogaan karaan waaranka digniin la’aan marka ey gaaraan dalalka Yurub. Warbixintu waxa ey sheegtay in amarkan oo kale uu salka ku haayo hadalo ka soo yeeray qaar badan oo ka mid ah Madaxda Isra’iil intii uu socday dagaalka ka socdo Marinka Gaza kuwaaso ey uga digaayeen Falastiiniyiinta ku sugan dhulka la go’odoomiyey in loo diido cuntada iyo gargaarka. Ilo wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu uu sida muuqata u adeegsanaayo xeelad Hanjabaada ah oo ka dhan ah dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) Mr.Karim Khan,isagoo habdhaqankiisa barbar dhigaayo “Maroodi dhex taagan dukaan ku yaalo Shiinaha”,Israa’iil ayaa sidoo kale waxa ey raadinaysaa iney damaanad ka hesho Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken si dawladda Maraykanka ey u soo farageliso dacwdaan una joojiso talaabo kasta oo ey ICC-da qaadeyso.
ISHA/MEE.