TALYAANIGA OO UGU DEEQAYA FALASTIIN 35-MILYAN OO YUURO.
(SAWIR)-KA. RW-GIOGIA MELONI.
(ROME)-Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Sabtida maanta ah ku kordhisay taageeradda dalkeeda u haayo si loo gaaro xabad joojin waarta oo ka dhacda Marinka Gaza. RW-Meloni kulan ey magaaladda caasimadda ah ee Rome kula yeelatay dhigeeda Falastiin Md.Maxamed Mustafa ayey Meloni sheegtay iney taageereyso dadaaladda caalamiga ah ee lagu sii deynaayo dhammaan la haystayaasha ku harsan gacanta Xamaas iyo sidii loo horumarin lahaa qeybinta gargaarka bani’adanimo ee dadka rayidka ah kuna sugan Gaza. Dawladda Talyaaniga waxa ey kordhin doontaa maalgelinta hindisaha cunadda lagu gaarsiinaayo Marinka Gaza,Talyaaniga ayaa bilaabay inuu raashin gaarsiiyo Gaza isagoo kaashanaayo dhawr hayadood oo caalami ah kana shaqeeyo bani’adanimada ujeedaduna ey tahay in gargaar badan la gaarsiiyo gudaha degaanka go’odoonsan ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Meloni. “Intii uu socday kulanka u dhexeey Rw-Meloni iyo RW-Mustafa ayey RW-Meloni waxa ey ku celcelisay baahidda loo qabo in dib loo bilaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara nabad waarta oo ku salaysan xalka labad gobol:” ayey raacisay Meloni. Dhanka kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa u sheegay RW-Mustafa in dawladda Talyaaniga ey 35-Milyan oo Yuuro oo maalgelin cusub ah u qoondeysay dadka rayidka ah ee reer Falastiin taaso 5-Milyan oo mid ah lacagtaas ey ku bixi doonto Hayadaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Falastiin ee UNRWA,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dalka Talyaaniga.
ISHA/AA.