GAARI QARAX LAGU SOO XIRAY OO KU QARXAY DIMISHIQ.
(SAWIR)-KA. GAARIGA QARAXA LAGU SOO XIRAY.
(DAMASCUS)-Bam gaari lagu soo xiray ayaa ku Qarxay Subaxnimadii maanta oo Sabti ah Galbeedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq,goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalo dhismayaal ey degan yihiin Hayaddo Diblomaasiyadeed,Qarax ayaa waxaa ku dhintay hal Qof waxa uuna sababay burbur hantiyadeed sida ey sheegtay Warbaahinta dawladda Suuriya. Xaafadda Mazze ee caasimadda Dimishiq waxaa ku yaalo Qunsuliyadda dalka Iraan oo bishii hore lagu burburiyey weerar lagu eedeyey Isra’iil iney ka dambeysay. Weerarkaas xilligaas dhacay ayaa waxaa lagu dilay todobo qof ey ku jiraan laba Jineraal oo dalka Iraan u dhashay iyo xubin ka tirsan kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan eyna taageerto Iraan,waxa uuna dhaliyey in weerar toos ah ey ciidamadda dalka Iraan ey ku qaadaan Isra’iil markii ugu horeysay.taaso dhalisay cabsi laga qabo in dagaalka uu ku fido Gobolka oo dhan. Duqeymo dhawr ah oo dhanka cirka ah ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda sida adag loo adkeeyey amnigeeda,waxaane weerarka la beegsaday saraakiil reer Iraan ah.
ISHA/NA