XUUTIYIINTA OO XABSIGA KA SII 113-MAXBUUS.

(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Axad ah(26/5/24)-ka waxa ey xabsiga dhexe ee magaaladda Sanca laga sii daayey in ka badan 100-Maxbuus oo ku xirnaay magaaladda caasimadda ah ee Sanca iyagoo talaabadaan ku tilmaamay mid hal dhinaca ah oo ey ku doonayaan iney cafis ugu fidiyaan Maxaabiista,dibna loogu celiyo qoysaskooda. “Intooda badan waa kiisas bani’adanimo oo ey ku jiraan kuwa xanuunsan,kuwa dhaawacmay iyo kuwa da’a ah”ayuu yiri C/qaadir AL-Murtada oo ah Madaxa Gudiga Arrimha Maxaabiista ey hayaan Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay sii deynta Maxaabiista sheegayne iney ahaayeen Askar ka tirsan ciidamadda Xukuumadda Yeman ee caalami ahaan loo aqoonsan yahay oo ey Xuutiyiintu gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale,Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in dadka la xiray eysan ahayn askar sida ey sheegeen Xuutiyiinta balse ey yihiin dad rayid ah ey Xuutiyiintu ka qafaasheen guryahooda,Masaajidada iyo goobohooda shaqo. “In dhibanayaasha lagu sii daayo magac kasta kama saareyso Xuutiyiinta dembigaas” waxaa sidaas yiri Maajid Fadli oo ah Wasiir ku Xigeenka Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda calamku aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa qoraal ahaan ku qoray bartiisa X. Hayadda Laan Qeerta Cas ee caalamiga ah(ICRC) ayaa maanta oo Axad ah xaqiijisay sii deynta 113-Maxbuus oo lagu soo qabtay iska horimaadyada u dhexeeyey ciidamadda Dawladda Yeman iyo kooxda Xuutiyiinta,waxayna bayaan ey soo saartay ICRC-da ku sheegtay iney Maxaabiista ka caawisay xaqiijinta sii deyntooda iyo iney tahay mid bani’adanimo oo sharaf leh.

ISHA/REUTERS.

SII AKHRI.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO HUB KA IIBIN DOONO SACUUDIGA.

Next
Next

XASUUQ KA SOCDO WAQOOYIGA DAAR-FUUR EE SUUDAAN.