MARAYKANKA OO HUB KA IIBIN DOONO SACUUDIGA.
(SAWIR)-KA.XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA ANTONY BLINKEN.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu qaado xayiraada dhanka ka iibinta hubka wax lagu weeraro dalka Sacuudiga,waxaane laga yaabaa iney arrintaasi dhacdo todobaadyadda soo socdo sida uu maanta oo Axad ah sheegay Wargayska Financial Times. Dawladda Maraykanka ayaa durba dalka Sacuudiga u muujisay iney diyaar u tahay in xayiraada laga qaado sida uu wariyey Wargyaska isaga oo soo xiganaayo qof la socday arrintaan. Wax yar ka dib markii uu xafiiska la wareegay MW-Biden 2021-kii,ayuu Biden waxa uu qaatay Mawqif adag oo ku saabsan ololaha Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yeman ee xulafadda la ah dalka Iraan,kuwaaso gaystay khasaaro ba’an oo rayid ah,iyo xaaladda Riyaad ee dhinaca Xuquuqda aadanaha ah gaar ahaan dilkii 2018-kii ee Washington Post saxafi u shaqeynaayey isla markaasne mucaarad ku ahaay siyaasadda dalka Sacuudiga Jamal Khashoggi. Dalka Boqortooyadda Sacuudiga oo ah Macaamiisha ugu weyn ee iibsata Hubka uu sameeyo Maraykanka ayey ka careysiisay xanibaadahaasi,kuwaaso xayiray nooca iibka hubka ee maamuladii hore ee Maraykanka ey bixin jireen tobanaan sano. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanka iyo Sacuudiga ey aad ugu dhawaayeen iney soo afjaraan heshiisyo ku saabsan tamarta Nukliyeerka,Amniga iyo iskaashiga difaaca,qeybta laba geesoodka ah ee heshiiska caadiga ah ee Riyaad iyo Isra’iil. Si kastaba ha ahaatee,qaadista xayiraadda iibka hubka wax lagu weeraro ah si toos ah ulama xiriirin wada hadaladaan ayuu yiri Wargayska Financila Times. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka iyo Xafiiska Isgaarsiinta dawaladda Sacuudiga si deg deg ah ugama jawaaabin codsi ey Wakaaladda Wararka Reuters u dirtay oo faallo ah.
ISHA/REUTERS.