XASUUQII UGU XUMAAY OO KA DHACAY RAFAX.
(SAWIR)-KA.DADKII LAGU XASUUQAY RAFAX.
(RAFAH)-Duqeymo dhinaca cirka ah oo ey fuliyeen ciidamadda Isra’iil ayaa waxa ey ku dileen ugu yaraan 35-Qof oo Rayid ah oo Falastiiniyiin ah kuna sugnaay xero ey degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalo magaaladda Rafax,sida ey sheegeen maamulka caafimaadka Marinka Gaza ey gacanta ku hayaan Xamaas. Tani waa dhacdadii ugu dhimahsada badneed ee ka dhacda Rafax tan iyo markii Isra’iil ey weerarkeeda ka bilawday magaaladda Rafah horaantii bishaan Meey-2024-ka. Weerarka Isra’iil ayaa dhacay maalmo uun ka dib markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ey ku amartay Isra’iil iney si deg deg ah u joojiso hawlgaladda Mileteri ee Rafax. Duqeymaha dhinaca cirka ee Isra’iil ayaa sababay dab balaaran oo ka kacay gudaha xeradda ka sameysan teendhadda. Muuqaalo lagu faafyey baraha bulshadda ayaa muujinaayo meydad gubtay oo laga soo saarayey xarunta. Ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa xaqiijiyey in diyaarad ey leeyihiin Isra’iil iney duqeyn ka gaysatay degaanka,waxayna sheegeen in bartilmaameedku ahaay xarunta Xamaas ey ku leedahay Rafax “oo ey ka hawlgalaan kooxda Xamaas”. Dhinaca kale,war ey soo saartay Wasaaradda caafimaadka Xamaas ayaa sheegay in Xasuuqa cusub ee ka dhacay Rafax ayaa si weyn looga cambaareeyey dhulka Falastiin halka ciidamadda Isra’iil ey sheegeen iney duqeeyeen xarun ey Xamaas ku leeyihiin Rafax Iyadoo Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ey ka digtay in “Weligeed Taariikhda lagu arkin tiro intaas la’eg oo ah dil wadareed la soo abaabulay oo si wadjir ah loo isticmaalo indhaha adduunka sida hadda ka dhacayso Gaza”,Xafiiska Warbaahinta dawladda ayaa carabka ku adkeeyey qabashadda Rafax. Waxaa la beegsaday in ka badan toban xarumood oo lagu hoobtay saacadihii la soo dhaafay waxaane ku dhintay in ka badan 190-Qof. Xasuuqani waxa uu sii xumaynayaa khasaaraha dagaalka Marinka Gaza ka socdo tan iyo bishii Oktoobar todobadeedii sannadkii 2023-ka,tirada dhimahsada ilaa hadda waxa ey dhan tahay 35,984-Qof,dhaawacana waa 80,643-Qof,wxaane burbur baaxad leh uu soo gaaray kaabayasha dhaqaalaha,waxaane dhulkaasi ka jirto xaalad bani’adanimo oo aad u adag.
ISHA/WAKALADO.