ISRA’IIL OO LABA SHAQAALE CAAFIMAAD KU DISHAY RAFAX.

(SAWIR)-KA.ISBITAALKA KUWEYT EE RAFAX.

(ANKARA)-Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in laba shaqaale caafimaad oo shaqada ku jiray kuna sugnaay Isbitaalka Kuweyt ee magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza ey dileen ciidamadda Isra’iil. War Qoraal ah ey soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa ku tilmaamay weerarka ciidamadda Isra’iil ku qaadeen shaqaalaha caafimaadka ee shaqada ku jiray inuu ahaa “Dembi aad u fool xun” oo xaqiijinaayo in Tel Aviv ey dooneyso iney burburiso nidaamka cafimaadka ee Marinka Gaza ee Go’odoonsan. “Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka iyo Hayadaha Qaramada Midoobe iney soo farageliyaan si ey xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha uga ilaaliyaan qabsashada Isra’iil,dilka iyo burburinta” ayey Wasaaradu raacisay hadalkeeda. 13-kii Bishaan Maajo,Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in ugu yaraan 500-Qof oo shaqaale caafimaad ah la dilay tan iyo markii uu bilawday dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza Oktoobar-7/2023-kii. In kastoo digniino caalami ah ey soo saareen haddane ciidamadda Isra’iil ayaa 6-dii bishaan weerar dhanka dhulka ah ku qaaday magaaladda Rafax,waxaane tan iyo xilligaas ey isku balaariyeen bariga magaaladda Rafax waxa eyna gaareen ilaa bartamaga magaaladda Rafax. Qiyaastii 1.5-Milyan oo Falastiiniyiin barakacayaal ah ayaa megangalyo u raadsaday magaaladda Rafax,Qaxootiga reer ee lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa 800-kun Qof ayaa ka qexeen magaaladda tan iyo markii uu bilawday weerarka ciidamadda Isra’iil. Isra’iil ayaa sii waday weerarka naxariis daridda ah ey ku hayso Marinka Gaza in kastoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayo xabad joojin deg deg ah. Ugu yaraan 36,050-qofood oo Falastiiniyin ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza,badi dadka la dilay ayaa u badan Caruur iyo Dumar,in ka badan 81-kun oo kalane waa lagu daawacay tan iyo 7/10/2023-kii.

ISHA/AA.

Previous
Previous

XOGHAYAHA QM OO CAMBAAREEYEY XASUUQII RAFAX.

Next
Next

XASUUQII UGU XUMAAY OO KA DHACAY RAFAX.