XOGHAYAHA QM OO CAMBAAREEYEY XASUUQII RAFAX.

(SAWIR)-KA.XASUUQII KA DHACAY RAFAX.

(CANADA)-Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobe Antonio Guterres ayaa maanta oo Isniin ah cambaareeyey duqeynta khasaaraha badan dhalisay ee Isra’iil ey ku qaaday Xero ey ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalo magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza. “Waxaan Canbaareynayaa falalka Isra’iil ee lagu dilay dad fara badan oo Rayid ah kuwaaso aan waxba galabsan,dadkaan la dilay ayaa raadinaayey gabaad kaliyah ey kaga gamabadaan colaada Gaza”,sidaas waxa bartiisa X ku qoray Guterres. Madaxa Qaramadda Midoobe ayaa carabka ku adkeeyey in eysan jirin ‘Meel nabdoon kuna taal Marinka Gaza” wuxuuna Guterres ku baaqay in la joojiyo Argagaxaan. Ugu yaraan 45-Qof una badan Caruur iyo Dumar ayaa ku dhintay ku dhawaad 250-Qof kalane waa ey ku dhaawacmeen weerar ey Isra’iil ku qaaday Xero ey ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalo Rafax maalintii shalay oo Axad ahayd. Weeraraka ayaa ka dhacay meel u dhaw saldhigga saadka ee Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee UNRWA Tal AL-Suldaan sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dawladda uu fadhigeedu yahay Marinka Gaza. Ololaha Mileteri ee Isra’iil waxa uu u rogay in badan oo ka mid ah xeraddii ey ku noolaayeen 2.3-Milyan Qofood meel baaba’aday,taaso ka dhigan in dad badan oo rayid ah iney yihiin Hooy la’aan eyna soo wajahday Macluul. Magaaladda Rafax ayaa ah goob gabaad u ah hal milyan oo qaxooti reer Falastiin ah kuwaaso isaga soo cararay Marinka Gaza,Isra’iil ayaa ku andacootay in goobta ey weerartay ey ku dishay hogaamiyeyaal Xamaas ka tirsan.

ISHA/AA.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMAN OO SHEEGTAY INEY WEERAREEN MARAAKIIB…

Next
Next

ISRA’IIL OO LABA SHAQAALE CAAFIMAAD KU DISHAY RAFAX.