XUUTIYIINTA YEMAN OO SHEEGTAY INEY WEERAREEN MARAAKIIB…

(SAWIR)-KA.ASKARTA XUUTIYIINTA YEMAN.

(ISTANBUL)-Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay iney weerar la beegsadeen laba ka mid ah Maraakiibta Maraykanka ee wax burburiya iyo seddex Markab oo maraayey Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. War qoraal ah uu soo saaray afhayeenka Xuutiyiinta Yaxye Sareex ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ey ku weerareen diyaaradaha aan duuliyaha wedin iyo laba Gentaal oo ah kuwa wax burburiyo waxaane lala beegsaday Markabka Minerva Lisa oo maraayey Badda Cas. Afhayeenka ayaa sheegay in Markabka Larego Desert ee Maraykanka iyo Markabka Isra’iil MSC mechela lagu beegsaday Badweynta Hindiya,ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda Maraykanka kuna saabsan sheegashadda Xuutiyiinta. Xuutiyiinta ayaa beegsado Maraakiibta laga leeyahay Isra’iil,kuna hawlgala Calankooda ama ku si jeeda dekedaha Isra’iil ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Iyadoo Maraykanka iyo Ingiriiska ey bilaabeen duqeymo aargoosi ah oo dhinaca cirka ah kana dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yeman,ayey kooxdu ku dhawaaqday iney beegsan doonto Maraakiibta Ingiriiska iyo Maraykanka.

ISHA/AA.

Previous
Previous

BIDEN TALAABO MAKA QAADI DOONAA ISRA’IIL.

Next
Next

XOGHAYAHA QM OO CAMBAAREEYEY XASUUQII RAFAX.