BIDEN TALAABO MAKA QAADI DOONAA ISRA’IIL.

(SAWIR)-KA. BURBURKII XERADDA QAXOOTIGA RAFAX.

(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa weli qiimeynaya in duqeyntii Isra’iil ey ku dishay ugu yaraan 45-Qof oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay xero ku taalo Rafax Axadii shalay ey xadgudub ku tahay “Khadka Cas” ee Madaxweyne Biden,laba sarkaal ah oo Maraykan ah ayaa u sheegay AXIOS. Biden ayaa horaantii Bishan ku hanjabay inuu joojin doono bixinta qaar ka mid ah hubka weerarka ah ee uu Maraykanku sameeyey haddii Isra’iil ey gasho xarumaha dadweynaha ee Rafax,magaaladda ku taalo Koonfurta Gaza ayaa loo arkaa iney tahay xaruntii ugu dambaysay Xamaas. Saraakiisha Maraykanka ayaa markii dambe sharaxay in dhibaato bani’adanimo oo ka dhalatay barakicii ballaaran ee dadka rayidka ah ee Rafax ey sidoo kale noqon karto xadgudub lagu sameeyey Khadka Cas ee Biden. Weerarkaan dhinaca cirka ah ayaa ah dhacdadii ugu dhimashadda badneyd ee ka dhacda Rafax tan iyo markii Isra’iil ey bilawday duulaanka ey ku hayso magaaladda Rafax horaantii bishaan. Saraakiisha caafimaadka Gaza oo ey maamusho Xamaas ayaa sheegay in haween iyo Caruur ey ku jiraan dadka la dilay. Weerarkaan ayaa dhacay maalin uun ka dib markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ey amartay Isra’iil iney si deg deg ah u joojiso hawlgaladda Mileteri ee magaaladda Rafax.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO KA WALAACSAN ARRINTA ICC-DA.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO SHEEGTAY INEY WEERAREEN MARAAKIIB…