MARAYKANKA OO KA WALAACSAN ARRINTA ICC-DA.
(SAWIR)-KA. JOHN KIRBY.
(WASHINGTON)-Maamulka Biden ayaa Talaadada maanta ah sheegay iney ka soo horjeedaan cunaqabateynta Jamhuuriyiintu ku riixayaan Koongareeska ee ka dhank ah Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah si ey uga jawaabaan go’aanka dacwad oogaha ee ah inuu dalbaddo waaran qabasho oo ka dhan ah Hogaamiyeyaasha Isra’iil ee dagaalka Gaza. Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka waxay wadeen la tashiyo ey la yeelanayeen Jamhuuriyiinta iyo Dimuqaraadiyiinta Aqalka iyo Senitka oo ku saabsan talaabadda suuragalka ah ee ka dhanka ah Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah(ICC). Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka John Kirby ayaa hadal kooban oo uu siiyey saxafiyiinta ku sheegay in cunaqabateyntu “eysan ahayn jawaabta saxda ah”ee lagula tacaalaayo waaranka soo qabashaadda Hogaamiyeyaash Isra’iil ee ka soo socda Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah(ICC),wuxuune intaas ku daray in maamulkiisu ka soo horjeedo arrintaas. Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Karine Jean-Pierre oo hadashay Kirby ka dib ayaa ku celisay fariintaas waxayna sheegtay in sharciga ka dhanka ah ICC-da “Ma ahan wax uu maamulku taageeraayo”. “Cunaqabateynta ICC-da ma ahan qalab wax ku ool ah ama ku haboon oo wax looga qabanaayo walaacyadda Marayanka. Waxaan kala shaqeyn doonaa Koongareeska doorashooyin kale oo aan wax kaga qabano xadgudubka ICC-da”ayey tiri.
ISHA/AXIOS.