DIYAARADAHA TURKIGA OO QEYBQAADANAAYO RAADINTA BURBURKA DIYAARADII SIDAY…

(SAWIR)-KA. GOOBTA LOO MALEYNAAYO INEY KU BURBUTRTAY DIYAARADII SIDAY MW-RAYSI.

(ISTANBUL)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Turkiga AKINCI(UAV) ayaa aqoonsaday isha kulaylka subaxnimadii hore ee Isniinta(Waqtiga Iraan) oo looga shakisan yahay iney tahay burburka diyaaradda Helikobtarka ah oo uu la socday Madaxweynaha Iraan Ibrahim Raysi waxayna la wadaagtay isku xirka maamulka dalka Iraan. Ka dib markii ey burburtay diyaaradda Helikobtarka ah ee siday MW-Raysi Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa u xil saartay diyaaradda AKINCI UAV iyo nuuca COUGAR Helikobtarka oo leh awooda wax araga habeenkii si ey uga qeyb qaataan hawlaha raadinta. Madaxweyne Raysi ayaa Axadii ka qeybgalay xaflad lagu furaayey biyo-xireen laga sameeyey xuduuda Iraan iyo Azerbajaan iyadoo diyaarad Helikobtar ah ey qaaday. Telefishanka Qaranka ee Iraan ayaa sheegay in shilkan uu yimid markii diyaarad Helikobtar ah oo uu watay MW-Raysi ey si adag u degtay xilli ey ka soo laabatay Gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iraan Xuseen Amiir-Cabdullahian ,Malik Rahmeti,Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Azarbajaan,iyo Imaam Ayatullahi Cali Haashim oo ka tirsan Gobolka Tabriz ayaa sidoo kale la socday diyaaradda Helikobtarka. Kooxaha Goobidda iyo Samatabxinta ayaa ka warbixinaaya in shaqada ey ku sii socoto si dhib leh xaaladaha cimiladda oo xun awgeed.

ISHA/WAKALADO.

Previous
Previous

DALKA IRAAN OO YEELAN DOONO MADAXWEYNE CUSUB.

Next
Next

TAKHTAR SUURIYAN AH OO LA LA’AAY IN KA BADAN…